taariikhda ururka alshabaab

 

Taariikhda ururka al-shabaab iyo waxyeeladiisa soomaaliya Q 1aad Qormadii Sheekh Xassan Albisri

URURKA AL-SHABAAB IYO DEKUMENTIYO sir ah Secrete documents about Somali radicalism(al-shabaab)

 Xalqadii 1-aad :

QEEXID Ururka al-shabaab :—

waa urur cusub oo kusoobiiray saaxada siyaasadda somaliya kana shidaal qaata urur weynaha looyaqaano al-qaacidda ,islamarkaana kajabay ururkii lamagac baxay –al-salafiyah al-jadiid oo kajabay isna ururrkii looyaqaanay al-itixaad al-islaami oo farac ka’ahaa ururadii hor-booday maxaakiimtii islaamiga ee Somalia oo kamid ahaa uraradii somaliya soogalay 9shameeyadii markii ey dalka somaliya kubaahday fowdada. Ururka al-shabaab : waa dhalinyaro is-baheysatay oo aan wax damiir ah laheyn oo lacabsiiyay fikrado shisheeye ,waana urur shacabka si wadajir ah uwaxyeeleeya oo mushkiladda somaliya sii shidaya ,mana awoodo ururka al-shabaab in uu dalka kasaaro cadowga nagu sooduulay in uu isna shacabka siilaayo mooye , waxaana kamaqan qaacidda uraneysa ( gacant aadan jabinkarin waa lashumiyaa ) oo macna ahaan ama tusaale,ah ururka al-shabaab waxa owdagaal kulajiraa waa ethobiya.soomahan ,makusaxanyahay in ciidama yugaandheeska ah uu laayo waa sida uu qabo hugaanka sare ee al-shabaab ( aadan xaashi ceyrow ) waana ay dhacday in ay laayeen ciidan ujooga somaliya naad sugidda iyo dib usoonooleenta ilaha dhaqaale sida dhacdayna waxa ay dhiseen eelaboorka boorki iyo dakaddii weyneed iyo meelo kale. ururka al-shabaab iyo khawaarij .ururka al-shabaab waxa markii lasubiyaya daraasad soobaxday in uu kudhaqmo afkaarta urur la’uranjiray khwaarij .., khawaarij waa ururkii ugu horreeyay ee kusoobaxa muslimiinta islamarkaan jamaacadii islaamka kalajabiyay waxa ayna ku’andacoonjireen in ay yihiin (ahlu cadli wal towxiid )laakiin waxa looyaqaanay khawaarij waxa ayna kucaanbaxeen ururkaas adadeeg iyo cunfi xitaa ay ladagaalameen (cali bini abiidaalin r.c). oo waxa ay kutuhmeen in kitaabka alle uu dhinacmaraya .waayaab …Marka adadeega ururada islaaminyiinta sheegta ay isticmaaalaan maanta halkaan ayay ka sooqaateen . . Ururka al-shabaab ;- waxaa hogaankiisa haya dhalinyaro ksuootababarqaadatay dalal dibadaha kamid ah sida af-gaanistaan waxaana farta lagu fiiqaa in uu yahay aabaha ururka (aadan xaashi ceyrow) oo waxaa tababarkaas bixyay sida lasheegay urur weyna al-qaaacidda oo markii uu dagaalkii reer af-gaanistaan uu socday mareykankuna uu garab joogay reer af-gaanistaan ayaa waxaa jirta in mareykanku uu khiyaanay muslimiintii iyo carabtii markaas dagaalameysay oo waxaa dhacday in uu kujabiyay mujaahidiintii islaamka kuwii kasoohorjeeday ee awoodihii looyaqaanay midowgii soofiyatii oo mareekanka ey kaladhaxeysay waxa looyaqaano dagaal qabow( coold war) ,markaas ayaa mareekanku waxa ow codsaday in lalajihaado ruushka..ok . waxaa ilaah uu siiyay reer af-gaanistaan guushii ,laakiin mujaahidiin kabarbardagaalameysay reer af-gaanistaan ayaa mareekanka iyo iyaga waxaa dhexmaray is-faham waa kaasoo sababay in dhalinyaradii mujaahdiinta ahaa ee kayimid dalkoodii ey iskudhacaan mareenkanka markaas ayaa sheekh bini laadim iyo xulifadiisa ey tababar siiyeen mujaahdiintii kasocotay caalamul islaam oo ay kamid ahaa yeen dhalinyaro somali ah sida .. aadan xaashi ceyrow iyo kuwokale… Ok . markaas somaliya waxaa kajiray fowdo iyo qas aan cidna eysan mas’uul ka’aheen taas oo sababtay in dhalinyaradii ey wakiilk ama khaliif kaga noqdaan sheekh binlaadim gayiga somaliya oo ey al-qaacidda u’arkeysay meel aaran ah oo ay kahelikaraan dhuumsho kunasiiwadi karan barnaamijyadooda , waayo dhulkii af-gaanistaan waxaa kabilawday weeraro iyo duqeen kadib markii laweeraray sarahii mataanaha ahaa ee dalka mareekanka kuyaalay ,,marka waa in lahelaaa meelokale oo lagu dhuumankaro siiba dalalka aan nidaamka laheen sida somaliya . Ok..Waxaa jirtay in ururada diinta sheegta ee somaliya jooga uu kujiray damac siyaasadeed iyo hammi dowladeed oo ay waliba siyaasiyiin somaliya ah ey iskudhaceen sida xaaji masale iyo janaraal ceyndiid iyo col. c/yuusuf iyo kuwii ugu dambeeyay ee hugaamiyayaashii mogdisho oo ey katuureen jagada siyaasadda dalka wixii intaas kadambeeyay culimadaan waxa ay noqdeen siyaasiyiin oo waa ay kabaxeen shaarkii culiminmo waayo waatan maanta ay fadhiyaan asmara waayaab Waxaa taas bar bar socday in ururadaan ey kala arakti duwanaayeen waayo ururka salafiyah ayaan uqeebsamay labo farac ..waamarka laga hadlayo dhinaca dagaal malaqaadikaraa xiligaan mase ???!!!..waxaana ay ukalajabeen labo urur.oo kala ah salafiyo –jihaad oo qaba in lagaalamo iyo salafiyo jadiid.oo mucaarday arrinkaan. Ururka al-shabaab durbadiiba waxa ow kusoobiiray saaxada waxaana howlihiisa uu kuwaday hanaan kudhisan sir iyo sirdoon iyo af-duub .. oo waxaa dhacday in … 1—in la liiska kudareen dhamaan ururada bulshada oo xiriir dhow laleh ururada shisheeye sida U-N iyo C-R-D si loo khaarijiyo hugaamiyayaashooda waayo sida ay kucaddeeyeen dukumintayo aan heeno hadda waxa ay ahaayeen kuwaas gaalo ama gaalo raac…sida al-shabaab uu shaaca kaqaaday. 2- in latirakoobo dhamaan saraakiishii hore oo ey kasoosaareen war cad oo ah in ay yihiin cilmaaniyiin taas ayaa sababtay in lakhaarijiyo inbadan oo kamid ah saraakiisha dalka kuwii hore oo caan ah shacabkuna taas waa uu xasuustaa ..tan waxa ay ifineysaa in ay yihiin kuwa xukun raadis ah oo talada dalka raba waxaana ay aaaminsanaayeen in saraakiishii hore ey yihiin cilmaaniyiin ( diin laawayaal ) soobartay wax khuraafaad ah oo aan loobaahneen .. 3—in cid allaala iyo ciddii aan kufikri aheen laga soosaaro waxa ay kutilmaameen (fatwo) taasoo ey kubaneesteen dhiiga inbadan oo shacabka somaliy kamid ah .. 4- in lafashiliyo heshiisyada kudhisan waxa aan ayaga kufakir aheen oo waxaa al-shabaab al-islaami nimanka labaxay ey u’fahamsanyihiin in dowaldda iyo nidaamkeeda baarlamkaanka iyo kan dustuuriga ahba uu yahay mid aan sax aheen …oo ay yihiin cilmaaniyiin aan diin laheen.. 5- in lakuwa kuwafakirka ah haddii ay heshiisyo lagalaan kuwa dowaldda sheeganaya ey yihiin kuwa ayaga in ladilo mudan sida kuwa kushirsan asmara hadda oo ey kajabay al-shabaab…. 6- in culimada kahadasha barnaamijyada al-shabaab ee aan ku abtirsan ururkooda ey kufulinayaan dil sid dhacday waayo waxa ey dileen culimo iyo imaamyaal kahadlay munkaraka iyo in dilka ruuxa islaamka uu yahay mid xaaraan ah …taasoo aan dukumintiyo muhiim ah kaheyno. 7- in saxaafayiyiinta aan baahin dhacdada ama qaraxyada ey fuliyeen ey dil kuxukamanyihiin sida dhacday. Oo saxafayiinta qaarkood loogu hanjabay ..waxaana dhacday sida uu sheegay wariya somaliyeed in labada dhinacba kuwa al-shabaab iyo kuwa dowladdaba ay saxafiyiinta uahanjabeen ..halka qaarkamid ah ladilay ..waxaana dhacday sida uu shaaca kaqaaday saxaf soocararay in ay lasooxiireen xibno katirsan al-shabaab oo ay kudhaheen qarax ayaa kadhaci doona meel hebal ee sheeg haddaadan sheegin adaa maqan ..sxb. 8- in la isticmaalo wasiiladkasta ama tab kasta oo ey kuhelikaraan guusha xitaa haddii uu yahay in ladaadiyo dhiiga shacabka sida dhacday ,waxaana jecelahay in aan shacabka xusuusiyo ururka al-shabaab in uu ksuookordhiyay hanaanka foosha xun ee dagaalada somaliya tab aad u wax yeeelo badan sida in la isticmaalo dhalinyarada (darbijiifka) ah iyo kuwa (koolada caba )oo loodhiibo miino iyo bam islamarkaan ey siinayaa lacag doolar ah taas oo ah tab khasaaro badan oo aan aheen mid wacan oo shareecada islaamka eysan qabin waana waxa cusub oo somalida aysan horey u’aqoonin waxaana ay kasoomeenkuuriyeen ururka al-qaacidda oo sidaas sameeya waa marka ay rabaan in fuliyaan qaraxyada ama isbiidaaminta. 9- in lagaaleysiiyo xitaa shaqaalaha iyo dadka lashaqeeya dowladda oo laga yaabo in aysan kufikir aheen oo mushaar ama biil ay kaaraadsanayaa sida dhacday eyna ubadanyihiin oo qaarkooda ladilay xitaa haweenkii xaaqayay laamiyada. BY SHEEKH XASSAN MACALIM MAXAMUUD SAMATAR SHIIKH HASSAN ALBASRI WWW.SAMATAR.MAKTOOBBLOG.COM E-MAIL XALBISRI2@HOTMAIL.COM

 

Alshabaab xaqiiqdaada aragnaye dantaadu waa maxay?.

Maqaal  22 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP

Bismilaah anigoo ah ka mid dhalinyarad soomaaliyeed ayaan waxaan jecleystay inaan ka hadlo marxaladaha dalka soo maray qaasatan kuwii ugu danbeeyey ee dhibaatada iyo rafaadka ugu badnaa abid ay soo mareen shacabka soomaaliyeed .ayaan waxaan jecleystay inaan qalinka u qaato xaaladaha jira qaasatan xaalada alshabaab.

waxaan ognahay intii lagu guda jirey xaaladii hogaamiye kooxeedyada kadib burburkii dowladii hore in ay soo ifbaxayeen waxyaalo ama kooxyo cusub oo ay ka mid ahaayeen kooxo islaamiyiin ah oo bilowgoodii hore ka soo aas aasmay maxkamado beeleedyo ay kala lahaayeen qabaailada soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen maxkamadii ifka xalane) maxkamadii shiirkole) iyo maxkamadii (xararyaale) iyo kuwa kale badan, waxaa jirey dad ku hamiweynaa o ku howlanaa sidii maxaakiimta ay awood u yeelan lahaayeen mar qurana gacanta wadanka ku dhigi lahaayeen, waxaan dhihi karaa wey suurta gashay arinkaa oo wadanka intiisii badneyd gacanta ayay u gashay maxaakiimta islaamka kadib markii ay meesha ka saareen hogaamiye qabaailkii awooda ugu badan ku lahaa somaliya.

 Somalia: parliament votes for the cabinet, minister quits By Dahir Alasow
waxaa mar qura dhacday in wadanka intiisii badneyd qaasatan bartamaha iyo koofurta somaliya oo lagu yaqiinay dil iyo dagaal ay mar qura isku badashay nabad iyo amaan , taasi waxay ahayd billo kooban oo somali idilkeed uga wanaagsaneyd 16 sano oo ay dhibaato iyo dagaal ku jireen .

horaa loo yiri geedkii orod lagu fuulo orad baa looga soo dagaa waxaa dhacday in misna maxaakiimtii meesha laga saaro oo wadanka ay gacanta ku dhigeen ciiidamada dowlada ethiopia iyo dowladii tfg-da kadib dagaal lagu hooobtay oo ay isku fara saareen labadaa dhinac.

waxaa dhacday deetana in ciidamada dowlada iyo kuwa ethiopia ay geystaan xasuuuq ka dhan ah bani aadanimada iyo boob ay u geysanayaan shacabka soomaaliyeed ayaa waxaa muqaawada iyo shacabka soomaaliyeed ayagoo ka dhiidhinaya howlaha ethiopia iyo ciidamada dowladu ay wadaan ay u istaageen dagaal iyo jihaad ay la galayaan ethiopia iyo xulafadooda halkaana ay isku fara saareen , shacabkii reer muqdisho oo waligood u dhaxeeyey soo qax iyo sii qax ayaa haddana sidoodii u qaxay oo waxay u qaxeen gobolada ku dhaw banaadir.

isla markiiba waxaa soo ifbaxay kooxo islaamiyiin ah oo awal ay isku garab ahaayeen maxaakiimtii islaamka (alshabaab) alshabaab waxay shacabka ku soo jiiteen ad adayg iyo geesinimo ay u babac dhigayeen dowlada ethiopia, waxaa jirey qaladaad badan oo ay sameeyeen alshabaab laakiin shacabka muqdisho oo u arkayay mujaahidiin ayaa ka gaabsaday arinkaa iyo qaladaadka alshabaab.

alshabaab waxey heysteen hogaan dhexe oo ahaa macalin Aadan hashi ceyrow oo ahaa markaas hogaamiyihii dhexe ee alshabaab inkastoo aan la ogeyn hogaankooda sare, alshabab waxay ahayd koox loo aqoonsaday dagaalyahano islaami ah oo ka soo horjeeda joogitaanka ethiopia si kastaba waxaa dhacday in ciidamada cirka maraykanka ay weerar ku qaadeen hogaankii dhexe ee alshabab Aadan ceyrow oo markaa ku sugnaa magaalada dhuusa mareeb ee gobolka galgaduud waxayna halkaa ku dileen hogaankii udubdhaxaadka alshabab Aadan ceyrow iyo 19 kale oo ka tirsanaa alshabab .

waxuu xaalku isu badashay maadaama aan la garaneyn hogaanka sare ee alshabaab uu xukunkii la wareegay mansoor roobow oo ah afhayeenka alshabaab .

1:alshabaab waxay isu badashay koox u soo baxday maja xaabinta shacbi weynaha soomaaliyeed gaar ahaan kuwa muqdisho.

2:ayagoo abaarayay si arxan daro ah (aqoonyahanka) ( siyaasiga) (ganacsadaha) (culima’udiinka) iyo dhamaan shacabka ayagoo ku leynayay qaab dahsoon laakiin cad.

3:ayagoo deegaanada maatada ka tuurayay madaafiic jawaabtana ay ku baaba’ayeen shacabweynaha muqdisho.

4:ayagoo miinooyin ku aasay wadooyinka marar badana ay dhacday in ay ku baaaba’aan maatada soomaaliyeed.

5:dilal loo geysan jirey dad masaakiin ah ayagoo loo dili jiray maxaad uga ganacsateen ethiopia iyo murtadiinta.

6:shacabka oo qofkii aada ama la sxb ah qof soomaaliyeed oo ka mid ah dowladda tfg-da loo sooo dirayay telefoon loona sheegayay si aan gabasho lahayn in la dilayo.

intaa oo dhan shacabku wuu ka aamusnaa haddana wuxuu isku qancinayay ethiopia ayay la dagaalayaan oo ay wadanka ka saarayaan.
alshabaab oo laga sugayay in ay la jihaadaan gaalada ayaa waxaa dhacday arin la yaab leh markii ay bilaabeen jihaad qabuurta ah oo ay la dagaalameen lafo dad waa hore dhintay ayagoo ku andacoonaya waa la caabudi jirey.

Somalia: Is the cabinet posts gave out fairly?By Dahir Alasow
taasi waxay dhalisay kalsooni xumo ay ka kasbadeen shacabka shacabkana ay kalsoonidii kala laabteen alshabaab.

dhanka kale isbahaysigii garabka jabuuti oo u istaagay nabada iyo nabadeynta ayaa wuxuu go’aan ku qaatay nabada ayagoo la shirey oo wadahadal la sameeyay dowlada federalka somaliya miro dhalna ka gaaray wadankiina si nabad ah ay uga saareen ciidamadii ethiopia.

alshabaab markii ciidamada ethiopia ay ka baxayeen wadanka ayaa waxay isku dayeen in ay hor istaagaan ayadoo shacabka muqdishana arintaa ay galisay shaki weyn oo ay ka qaadeen alshabaab ayadoo lala yaabay danaha ay alshabaab ku heysato joogitaanka dowlada ethiopia ayagoo ku andacoon jirey ethio ayaan wadanka ka sareynaa oo waxaan rabnaainey wadankeena nooga baxaan.

ujeedadii alshabaab waxay ahaydba wey fashilantay waxaana hor istaagay shacabweynaha soomaaliyeed oo isku duuuban.

kadib bixitaankii ethiopia ay wadanka dhan gabi ahaantiisa kabaxeen ayaa halkii laga sugayay alshabaab iney a mid noqdaan dad nabada u ololeeya oo ka qabygala shirweynaha nabada ee jabuuti ay ku dhawaaqeen in ay dagaalami doonaan ilaa iyo ayka gaarayaan alaska oo ay qabsanayaan guud ahaan aduunka taasi oo ka fajacisay shacabka soomaaliyeed iyo waliba aduunweynaha isha ku haya arimaha somaliya .

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Arintaana waxay dhabarjab ku noqotay shacabka soomaaliyeed oo ilaa dhalashadaydii ku jiray rafaad iyo dagaalo waxayna hadal heynta ugu weyn noqotay alshabaab oo ku dhawaaqday dagaal ilaa maalinta aaqiro.

waxay weeraro ku qaadeen ciidamada nabad ilaalinta amisom, weeraradaas oo isagu jiray ismiidaamin iyo madaafiic ay ka tuurayeen xaafadaha shacabka taasna ay dhalisay kadib bixitaankii ethiopia qasaaro iyo dhamasho ba’an oo soo wajaha shacabka dagaalka ka daalay.

waxaa la soo dhisey dowlad qaran oo loo dhanyahay marka laga reebo inta nabadda diidan .

waxaa misna layaab noqotay dowladaas waxaa hogaaminya oo madaxweyna ka ah shariifkii hogaaminayay maxaakiimtii islaamka ee keenay mansour iyo xulafadiisa balan qaadday dagaalka ilaa maanta aaqiro misna dowladii shariifka wey ka soo horjeesteen, waxayna ku adkeysteen dagaal ilaa ay umadda ka baaba’do.

Haddaba alshabaabay xaqiiqadaada aragnaye ujeedkaagu waa maxay?.

By. Abdulahi Kullane.
kullaneyare@hotmail.com ama kullaneyare@gmail.com.

 

Somalia: government offends free media.By Dahir Alasow Clickhere

Somalia:Worst drought hit Galmudug regions. By Dahir Alasow Clickhere  

Dr. Culusow, xaqiiqda ha iska indha tirin

Mogadishu 4 March 2009 Waagacusub Media

Waxaan ka mid ahay somali badan oo sida aan filayo akhrisay maqaal uu Dr. Maxamuud M. Culusow ku qoray warsidaha Waagacusub.com iyo mid kale oo uu ku sii cadeynayay maqaaladiisa hore. Haddaba marka ugu horeysa arimaha uu qodobeeyay ee uu ka hadlay mudanaha waxa ay u muuqdaan qaarkood kuwo sax ah, halka kuwo kalena ay yihiin qaar uu u sharaxay una adeegsaday sida uu isaga doonayo oo ah in jiritaanka dowladda uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif ay tahay mid aan sharci ahayn.

//   //

Arinta ku saabsan jiritaanka baarlamaanka FKMGS iyo waqti isu kordhintiisa waa sax in ay tahay arin dood weyn ka taagan tahay balse suaasha meesha taagan waxa ay tahay kadib 2 sanadood oo ay ciidamada Itoobiyada dalka ku sugnaayeen kana baxeen -wadahadal ha ku baxeen ama xoog ha ku baxeene- ,waa maxay waxa uga haboon ee la sameyn karay waqti gaaban gudihiis?.Waxaan ula jeedaa hadii madaxweyniihii hore uu jagadiisa iska casilay, dastuurkana uu dhigayo in 30 casho gudahooda lagu soo doorto madaxweyne cusub, aysana jirin jawi lagu dooran karo madaxeyne cusub iyadoo la raacayo hashiiskii ay gaareen labada garab ama xitaa hadii aan raacno sida uu qabo Dr. Culusow in ay qaldaneyd gabagabada heshiiska dowladda TFG iyo ARS- D,maxaa la sameyn karay sida ugu dhaqsiyaha badan? Firaaqa (banaanashaha) amniga iyo mida siyaasadeed miyuusan keeni lahayn in intii horay isula jirtay ay kala tagaan, intii kala maqneyd iskaba dhaafee?. Dowladda FKGS ee uu Mbagathi u yaqaano Dr. Culusow sow kala ma tagi lahayn?, arintana waxaan filayaa in ay tan ka sii darnaan lahayd.

Qof walba waa uu ogyahay in qaabkii lagu soo dhisay dowladda FKGS ee uu madaxeyne ka ahaa Cabdullahi Yusuf iyo tan Sheikh Shariif in aysan ahayn qaabka ugu wanaagsan ee la rabay in dowlad loogu soo dhiso somalida laakiin iyadoo laga fiiriniyo dhinaca iyaasadeedka (political expediency) waxaan aminsanahay in ay adkaan lahayd hadiiba aysan mustaxiil noqon in waqtiga dhow loo sameeyo dowlad qaab ka wanaagsan qaabka lagu soo doortay Sheikh Shariif dowladda cusubna lagu soo dhisay.

Dr. Culusow waxa uu ka hadlay is bar baryaac ka jira koonfurta Somaliya oo bulshada caalamka kooxaha Soomalida qaar ay fogeyneyso, qaarna ay soo dhaweysaneyso. haddaba ,waxaan leeyahay mudane Culusow dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira caalamka waxa ay leeyihiin sababo gudaha dalka ka yimaada (internal factor) iyo mid dabadeed (external factor), waa dhab in dhibaatada ka jirta Somaliya ay dalal badan oo dibadeed lug ku leeyihiin, taasna waa mid uu garan karo qofka waaqiciga ah ee siyaasad ahaan bisil, dowlad walba waxa ay leedahay qaabsiyaasadeed ay u dejisay siyaasadeeda dibada gaar ahaan dalalka Yurub iyo Maraykanka. Dalalkaas waxa ay culeyska saaraan in dalalka ama madaxda ay is leeyihiin qatar ayey kugu yihin ay fogeeyaan kuwana ay soo dhaweystaan, gaar ahaan wixii ka dambeeyay dhibaatadii 11 Semteper.

Dalalka Carabta waxa loo kala qeybiyay dalalka dhex dhexaadka ah ee Maraykanka saaxiibka la ah (mixwar al muctadil) iyo kuwo Maraykanka col la ah (mixwar al mumaanaca), kuma qasbi karno anagoo soomali ah in Maraykanka iyo bulshada caalamka sida aan dooneyno ay nagu raacaan iyadoo aan qasaare iyo bur bur na soo gaarin, anaga soomalida ah ayaa nalaga rabaa in aan sameyno sida ugu wanaagsan ee aan dalkena dhibaatada uga bixin lahayn iyadoo aanan ka tegin mabaadi’deena, dalalka caalamkana aanan mar marsiyo u siin in ay nala coloobaan ama na burburiyaan, faragelinta caalanka ee arimaha soomaliya ma keeneyso in Dr. Culusow soo hindiso hal ku dhiga “Beec aan ka noqosho laheyn lama saxi karo” Cambaareynta Eretriyana, waxaa aniga shaqsi ahaan igaga muhiimsan risaalada ama fariinta nabadeed ee uu u diray Itoobiya, markii Sheekh Shariif loo doortay madaxeynanimada ee uu yiri “waxaan rabnaa in dadka Geeska Afrika ay ku wada noolaadaan nabad”, waayo dhibaatooyinka Somaliya heysta waxa ka mid ah siyaasadaha aan xikmada ku dhisneyn ee ay ku kacayeen madaxda Somalida, laga soo bilaabo gobanimada somaliya ee ku saabsan dalalka deriska nala ah sida Itoobiya oo ay intooda badan fariin cadaawadeed u dirayeen Itoobiya (Somali irredentism) iyagoo aan fiirin duruufta iyo waqtiga.

Midda la xiriirta shakiga aad sheegtay in ay culimada ka qabaan madaxweyne sheikh Shariif, Dr. Culusow waxa ay ila tahay in hadii aad tahay shaqsi siyaasad ahaan bisil oo aan qoraaladiisa u adeegsaneyn kaliya in uu mucaarado dowladda uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif, in culumada soomaliyeed ay kala fikir duwan yihiin, sida ay u kala fikir duwan yihiin culimada & madahibta diinta Islamka marka laga hadlayo arimaha aan ahayn (qadcuyu thubuut) waa arimaha aan nas cad oo dinta ah uusan cadeyn, waxa jira irimo badan oo Ilaahay nooga tagay in aan anaga u qabano sida ay nala tahay hadii aysan nasuusta diinta ka hor imaaneyn. Haddaba ,culimada soomaaliyed marka ay tagto joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka iyo la dagaalankooda iyo ka hor imaanshaha dowladda uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif ma aha arimo ay iskuwada raaci karaan, culumada ku shirtay Xamarna miisaankooda ayey leeyihiin marka laga fiiriyo ra’yi caamka somalida laakiin qasab ma aha in arimaha ra’?iga ah ee ay ku taliyeen ay wada saxsan yihiin, sidaas oo ay tahay Sheikh Shariif iyo inta raacsan waa ay ku qanacsan yihiin go’aanada ay soo saareen culimada balse adiga Culusow ahaan ayaa laba wejiileynaya marna iska dhigaya nin culimada warkooda ku go’aya, marna leh “Beec aan ka noqosho laheyn lama saxi karo” .

Hadii aad diinta ku qanceyso ha fududeysan dadaalada culimada si walba oo ay u jirto faragelin, hadii kalena ka fiiri arinta dhinaca waqtiga la marayo, xeer jabab iyo political expediency.

Arinta uu ka hadlay Dr. Culusow ee ku saabsan in dowladda aysan ku darsan qorshaheeda baraamijyo ay ku dhaqan celineyso dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii lagu xureynayey dalka, waxay ila tahay in ay tahay arin uu Dr-ka ka hor dhacay dowladda xubnaheeda mar dhow ayaa la magacaabay weli ma hirgelin, raiisulwasaarahana waxa uu sheegay in arimaha ay ahmiyada weyn siineyso dowladisa ay ka mid tahay dib u heshiisiinta iyo nabadgelyada. Haddaba, nabadgelyada ayaa waxaa ka mid ah in maleeshiyada la xareeyo, la dhaqan celiyo, qaar lagu biiriyo Booliiska inta dhawaca ah la daaweeyo, kuwa caafimaadka qabana loo sameeyo xirfado ay ku shaqeystaan. Hadii amaanka lagu guuleystana dowladda waxay sidoo kale magdhow iyo daryeelba siin doontaa dadkii ku barakacay dagaalda laakiin dowlad aan weli xitaa heysan xaruumo ay degto , goormee ayey fulineysaa baraamijyadaas. Marka waxan leeyahay mudane Culusow ha ka hordhicin dowladda arimaha aad xustay oo dhana waxa ay hoos imaanayaan qorshayaasha dib u heshiisiinta iyo nabadgelyada ee dowladda.

Dr-ka Waa in uusan noqon qof adeegsada (general terms) erayo guud oo dahsoon, sida uu maqaalkiisa ku soo gaba gabeeyay “Maslaxaddu waxay ku jiirta in dalka Soomaliya laga dhiso nidaam dowladeed oo leh gogol saar qaybaha iyo Wakiillada Shacabka Soomaliyeed ka qayb qaataan si furan, inta badan raalli ka tahay, kontrool ku leedahay, isla markaana kalsooni gelin kara Beesha Caalamka. In ka horreysa, Wax garadka Bartamaha iyo Koofurta Somaliya waa inuu ku dadaalo ilaalinta nabadgelyada iyo is af garad dhexmara hogaammada is barbar socda si xasillooni loo helo, looguna gudbo gogol saarka nidaam dowladnimo oo haysta kalsoonida dadka uu matalayo”

Qeybaha iyo wakiilada shacabka ee uu sheegayo waa kuwee? Kumanaan ayaa jira hadii xitaa kumanaankaas la dherjiyo ama la qiimeeyo kuwo kale ayaa soo baxaaya, Ahlu suna, Xisbul islam, Al shabaab, I.W.M lama wada dherjin karo, ee waxa ay ila tahay in qaab ka haboon 4.5 aan marna la heli karin marxalada hadda la joogo waayo somalida waa wada muslimiin, diinta kuma dagaashana ee waxa ay ku dagaashan tahay waa qabiil iyo awood iyo kheyraad qeybsi, kuwa diinta sheeganayo waa owr ku kacsi ,waana in ay qabiilkooda ku soo feylaan .

Taasna waxaa daliil u ah in markii isbahaysiga ARS-D xubana la siiyay waxa kaliya ee ay kuwada qanceen in lagu qeybsado waa 4.5. sidoo kale adiga Dr. culusow ahaan waxa aad Itoobiya u tagtay sida uu sheegay siyaasiga C/laahi Sheek Xasan, adigana si dadban u qiratay iyadoo ay ciidamada Itoobiya dalka xoog ku heystaan in beeshaada aysan si gaar ah u bartilmaameydsan, laakiin marna uma tegin sida aan aminsanahay (waan qaldanaan karaa) dalalka caalamka in somalida iyo Islaamka aan la bartilmaameydsan waayo waxaad xafiiltan kula jirtay shaqsiyaad iyo beelo oo kaala weynaa cadowga Itoobiyaanka, ayna suur tagal tahay in maslaxad soomaliyeed aad u diido adigoo iska eegaya beel soomliyeed iyo shaqsiyaad somaliyeed taasna qofkii maqaalkaaga hore si fiican u aqriya waa uu garan karaa waayo waxa aad tiri dadkii cadawga Soomaliya ku soo hogaamiyay lalama xisaabtamin ee waxaa lagu abaal mariyay jagooyin, xisaabtanka liiskiisa waa uu dheeryahay hadii la furo, kuwo aad tilmaameyso kaliya kuma koobna.

Gabagabadii waxaan leeyahay Dr. culusow soo bandhig si tafaasiil ah (not general terms) qaabka aad u maareyn laheyd somaliya wixii ka dambeeyay bixitaankii ciidamada itoobiya iyo tagistii Cabdulahi Yusuf adigoo dhibaato cusub ama xaalad tii hore ka daran aan abuureyn

M. Ibrahim

somaliblogger@hotmail.com

Al-Shabaab iyo Ethiopian kee baa la qaataa???.

Qormo 21 March 2009 Waagacusub MediaSoomaalidu waxeey tiraahdaa Nin Abeesa koriyoww adigaa u aayee Axdi ma laha Shabaabku lagu aamiyaaye

//   //
Waxaad la wada socotaan in guud ahaan dhaqdhaqaaqyada ku qaraabta Magaca Diinta ee ka jira Dalka aay hormuud u ahaayeen Beesha Cayr ee Habargidir iyaga oo is lahaa Ilaah ugu dhawaada oo Diinta u kaalmeeya ayey si aan kala har laheyn Xoog iyo Xoolaba u geliyeen oo weliba la dhihi karo Jabka ugu weyn iyaga ayuu gaaray xag Nafeed xag Hantiyeed iyo weliba Xag siyaasadeed taas oo markii hore ay kala kulmeen Ciidamadii Cadawga ahaa ee Ethiopia ee Dalka Xoogga ku qabsaday ka dibna ay sii dhammeystireen Shabaabku waayo waxeey u hiiliyeen ama ay magan geliyeen wax aan la magan gelin.

Hadda ka hor ayaa waxaa la yiri Laba Nino o Dhurwaa eryeysa ayaa waxeey ku yimaadeen Reer meel deggan Dhurwaagii ayaa Reerkii Gadaal u maray isaga oo Ooyaya Markaas ayey Reerkii Labadii nin ku yiraahdeen Ka hara Dhurwaygaan waa uu na soo maga galaye , Markaa beey Labadii Nin waxeey yiraahdee war Dhurwaayga kani hadda ayuu Laba Neef naga soo dilay ee na daaya aan Dilnee Reerkii waxeey soo istaageen Maya Sidaas ayaana Nimankii isaga laabteen.

Reerkii Dhurwaaga Magan geliyey Habeenkii markii ay seexdeen ayaa Dhurwaagii wuxuu Cunay Odaygii Reerka iyo Wiil uu dhalay oo ahaa Shalay kuwii ka celiyey Dhurwaaga Raggii eryanayey.

Waagii markuu baryey ayaa Dadkii ku soo baxay waxaa ka mid noqday Labadii nin ee Shalay dhurwaaga laga reebay markii arrintii loo sheegay ayey yiraahdeen Wax aan la magan gelin beey magan gelsheen taas waxaa la mid ah sheekada maantay Dhex taal Beesha Ceyr iyo Alshabaab.

Waxaad la wada socotaan markii Beesha Cayr aay ku dad iyo duunyaba beeshay Dagaaladii Labada sano ka socday Dalka oo weliba iyaga si gaar ahaaneed loo bar tilmaameedsanaayey

Markii aay Ethiopianku baxeen oo aay is lahaayeen hadda ayaad Mirihii halgganka Guran doontaan in Khawaarijta shabaabku xarash u rogeen.

Khawaarijta Shabaabka oo ku xeeldheer sida Beelaha soomaaliyeed Owrka loogu kacsado misna Macallimiin ku ah sida Dabada looga laado beelahaas markii aay Danahooda ku gaaraan ayaa waxeey is tuseen in aay ka maarmaan Beelaha Soomaaliyeed Gaar ahaan Beesha cayr oo iyadu si indha la,aan ah u taageertay, ka dib markii ay la yimaadeen Ajaanib badan.

Khawaarijta Shabaabka oo iyagu horay u sahansaday Beelaha Soomaaliyeed illeyn waxaa la yiri tuug kula yaal tabtaada ma waayo ayaa waxeey is tuseen waa sida aay iyaga la tahaye qabiilka kaliya ee ka carreyn kara Mashruucaas loo soo adeegsaday in uu yahay qabiilka Cayrka la yiraahdo oo haddii aay iyaga dhegaha ku dhuftaan inta kale aay u talin karaan taas oo macneheedu yahay Weysha qal Dibigu ha ku quus qaatee.

Shabaab arrintaas waa aay ka dhabeeyeen oo waxeey har cad dileen Nuuriye Cali Faarax oo aay u arkayeen Geesi Da, yar oo cidda u soo kacay markii aay waayeen cid ka hadasha Dilkii Nuuriye ayey misna sidoo kale maalin caddeey la wareegeen Gobolka Shabeelada Hoose oo aay ku ogaayeen in uu cayr Xoog ku leeyahay illeyn waxaa la yiri Doqonta Usha agteeda ku dhufo haddii aay Xanuunsan weydana iyada Feeraha ku gooy.

Shabaabku intaas kuma joogsane shabeelada hoose inteey ka tallabsadeen ayey waxeey u tallabeen Gobolka Galguduud oo Xuduntii Beesha Cayr aheyd ninkii wuxuu yiri Faruuroow maxaa Berbera ku keenay markaas buu yiri Faduul waad garan kartaa ujeedda ka dambeysa arrinkaas waayo meeqa gobol ayaa u dhexeysa Shabeelada hoose iyo Galguduud, immisa ayaa ku geeriyootay Madaafiicdii aay la dhecayeen Guriceel iyo Dhuusamareeb, immisaase ku bara kacday, Saraakiishii, Aqoonyahanadii iyo Culimadii cayr oo dhan waxeey ku baxeen Gacanta Khawaarijta Shabaabka kuwaas oo aay ugu dambeeyeen Labadii sheikh ee cayrka ahaa ee aay kala degeen Gaariga Magaalada Balcad oo aay meel fagaara ah ku toogteen oo weliba Meydkoodii Laamiga hareertiisa dhigeen oo aay diideen in la aaso waxaas ayaa Xaniinyo taabasho ah oo maxaa loo dilay in aay Cayr yihiin haddana Ahlusunna waljamaaca yihiin oo kali ah.

Ninkii wuxuu yiri Sharaf noo korortiyo Shahaado baaban sugeynee Shaqadii ka fariista iyo ma shan kun baad na ganaaxday waa sidee shaqadiinu aniguna waxaan Cayr ugu maah maahayaa haddeey degdegsiino door dhali laheyd Gaadsiinana kiish Lacag ah ayey dhali laheyd marka cayroow adaa wax la kala hari waayee ka xaab xaaabi oo ogoow mantay Cadaw aan Al-shabaab aheyn ma lihid sababtoo ah Nin baa horay u yiri Ilaahoow intii Abaartii na ogeyd Aaranka wax ha ka reebin sidaas daraadeed Al-shabaab waxeey idiin arkaan in aad tihiin Beesha kaliya ee si rasmi ah sirtooda u taqaan taas ayaana keeneysa in aay xididdaha idiin siibaan aaway Cali Iimaan Sharmarke Aaway Cabdinaasir Seerjito Aaway Jen.Harag shabeel aaway Sheekh Xusen Khaliif, aaway sheikh Xuseen Cabdi Cameey , aaway Nuuriye Cali Faarax halkaan kuma soo koobi karo inta aay cayr ka qabaan ka bixiddii Ethiopia dalka ka baxday ka dib khawaarijta shabaabku Cayr waxeey ka dileen in ka badan 40/qofood oo isugu jira Saraakiil , Aqoonyahano iyo Culimaba oo aay dhammaandood u dileen Gaalnimo mana jiro Ganacsade Cayr ah oo maantay si xor ah uga shaqeysan kara waddankii oo dhammaantood waxeey wada noqdeen qurba jog ka dib markii aay u adkeysan waayeen handadaadii iyo caga jugleyntii alshabaab iyo weliba haddii aadan 100.000US dollar ah bixin waad maqan tahay taas oo ah weliba mid aan dhammaaneyn.

Marka anigu waxaan qabaa Ethiopianka iyo Khawaarijta Shabaabka waxaa la qaataa Ethiopianka waayo ethiopianku waxeey kuu dilayaan in aad Muslim tahay iyaguna Gaalo yihiin laakiin Khawaarijta Shabaabku waxeey kuu dilayaan in aad Gaal tahay oo Muslim aan iyaga aheynba uusan jirin Ummadda inteeda kalena aay Gaal u yaqaanaan marka bal caddaalad sameeyoo yaa la qaataa labadaas cadow.???????

Waxaa Diyaarisay Faadumo Jeelle
London Uk
Warxoolo_114@hotmail.com

Al-Shabab, Itoobiya iyo Qabyaalad midkoodna lama qaadan karo .

Qormo 22 March 2009 Waagacusub Media

Afeef:
Aniga shaqsi ahaan waxaan ka soo horjeedaa wadaadada mayalka adag ee doonaya in ay xoog iyo caburin dalkeena hooyo ku maamulaan, sida; Al-shabab, xisbul Islam, Raaskambooni iyo Caanoole.
//   //
Sidoo kale, heerkeyga aqooneed, ima siinayo inaan shaqsiyaad Soomaliyeed ama Qabiil Somaliyeed aflagaado u geysto, waa arin agteyda aan dood ka galeyn in beelaha Somaliyeed iyo shaqsiyaadka Soomaliyeed la la ilaaliyo xurmadooda. Laakiin mararka qaarkood waxaa lagama maarmaan ah in aan aan beelo soomaliyeed ama shaqsiyaad soomaliyeed oo xurmadooda leh aan tacliiqiyo, si bulshada somaliyeed ee ay ku habsadeen dagaalada sokeeyo ugu ifiyo dhibaatooyinka dalkeena ka taagan. Sidaas darted hadii aan shaqsiyaad ama beelo ku xuso maqaalkeyga waxaan ugu tala galay oo kaliya inaan ku cabiro fikerkeyga ku aadan doorka ay ku leeyihiin dhibaatada somaliya ee wax dano gaar ah kama lihi.

Waxaan marka hore mahad u celinayaa walaalka somaliyeed ee ku qoray warsidaha Waagacusub.net maqaal uu ugu magac daray; Al-Shabaabka iyo Itoobiya kee la qaataa? Waayo walaalkaas waxa uu cadeeyay arin muhiim ah oo ay ahayd in dad badan oo soomliyeed ay is weydiiyaan oo ah “maxaa maslaxo ah oo somalida ugu jirta in ay si indho laan ah u taageeraan shaqsi ama ashkhaas aan dano somaliyeed wadin ee adeegsada ereyo owr ku kacsi ah sida; diin ayaan u dagaalameynaa? Marka walaalka waxa uu cadeeyay in qof walba ama qabiil walba oo si indho laan ah u taageera mashaariic ama arimo ay shaqsiyaad wataan ee aan maslaxo somaliyed ku jirin in ay shalay u dambeyneyso. Laakiin kuma raacsani sida uu u sharaxay xiriirka ka dhexeeya Al-shabab iyo beesha uu ka hadlay saaxbkeyga maqaalka qoray. Waayo isaga waxa uu doonayaa in xaqiiqda uu gaaray ee ah in cid walba oo taageerta ama gabaad siisa shaqsiyaad ama ururo aan danta somaliyeed ka shaqeyneyn ay u dambeyneyso shalaay in uu u adeegsado in dagaalo kale ku huriyo, una dhigo in ay beeshiisa tahay mid dulman oo ay tahay in ay is difaacdo, taas oo ah caqliyadii na dhigtay meesha aan hadda taaganahay.

Anigana waxaan doonayey in sxbkey iyo beesha uu ka hadlayaba ay uga faaideystaan arintaas in aysan mar dambe taageerin shaqsiyaad danta somaliyed aan wadin, ayna isku qanciyaan in ay joojiyaan caqliyadii hore ay wateen ee ahayd in ay xoog xal ku raadiyaan. Laakiin taas bedelkeed ay u istaagaan in ay xal soomaliyeed raadiyaan maadaama awoodii ay beeshaas lahayd iyo hubkii ay wadatay uu xitaa ka hor istaagi waayey in ganacsatadooda ay si xor ah dalka uga ganacsadaan. Waa sida uu saaxiibkey uu ku xusay maqaalkiisa.

Waxaa la yiraahdaa yahuuda ayaa waxay u adeegstaa xasuuqa la sheego in uu Hitlarkii Jarmalka u geystay dadka Yahuuda, in ay ku xasuuqdo dad kale sida Falastiiniyiinta iyadoo ku dooda in xasuuq loo geystay ee ay yihiin dad dulman. Haddaba beesha uu sxbkey ka hadlay 20-kii sano ee la soo dhaafay waxa ay udub dhexaad u ahaayeen dhibaatadii dalka ka taagneyd, dagaal ka dhaca Koonfurta somaliya laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa xuduuda Keyna oo uusan wiil u dhashay beeshaan iyo hub ay leedahay ka qeyb qaadan ma jirto, mar walba oo la weydiiyo waxa ay dagaalka u wadaana waxay ku doodaan in horay xasuuq loogu geystay, xuquuq ay leeyihiina la inkiray oo ay raadinayaan xuquuqdooda. waxa ay dad badan oo soomalyeed dhibaato u gaarsiiyeen, nindoorkoodana u dileen iyagoo ku doodaya in ay raadinayaan xuquuq ka maqan, laakiin waa nasiib daro 20 sano kadib in xuquuqdii ay horay u heysteen ama mida ugu yare e ay somalinimo ku qaadan kareen mid ka liidata ay manta heystaan oo xitaa aqoon yahankooda iyo ganacsatadooda ay six or ah soomaliya ugu noolaan layihiin.

‎walaalkey waxa uu naweydiiyay suaasha ah yaa la qaataa shabaabka iyo Itoobiya? aniga waxa ay tahay jawaabteyda waxaa la qaataa Al-shabaab. waayo?

Shabaabka waxa ay na tuseen in hadii beel soomaliyeed ama shaqsi somaliyeed uu taageero wax aysan ku jirin maslaxad soomaliyeed in uu ka shalaayayo, ayna tahay in dhamaanteen aan taageerno wixii maslaxad noogu jirto. Shabaabka waxa ay natuseen in hub iyo awood iyo gobolo hebel ayaan xoog ku heystaa aanan lagu heleyn xuquuq. Shabaabka waxa ay na tuseen in xalka kaliya ee somaliya uu yahay in soomalida ka tanaasusho-ama qabaalida soomaliyeed ee udub dhexaadka u ahaa dhibaatada dalka ka jirta ay ka tanaasulaan- xooga xoog wax ku raadiska, gaar ahaan beesha uu saaxiibkeyga ka hadlay.

Aniga wax ay ila tahay in Shabaabka iyo ficiladooda guracay ay tahay fursad uu qofwalba oo soomaliyeed u adeegsado in uu ku fekero, isna weydiiyo maxaa noo dan ah?, beelaha soomaliyeed, gaar ahaan beesha Ceyr ay inta maskaxdooda dejiyaan isna weydiiyaan maxaan u dagaalameynaa?. ma waxaa noo dan ah in mid walba oo nabad diid ah aan gabaad siino? .ma waxaa noo dan ah in xuquuqda aan 20 sano ka hor heysanay mid kun jeer ka liidata inaan maanta ku noolaano mise waxaa noo dan ah in aan xuquuq, hadiiba ay naga maqan tahay aan ku gaarno nabad iyo in walaalaheena somaliyeed aan wax la qeybsano?..

haddaba waxaan ugu baaqayaa saaxiibkey iyo inta ku feker ah in Shabaabka iyo dhibaatada ay ka wadaan deegaanadooda uga faaideystaan in ay is xisaabiyaan oo ay yiraahdaan horay ayaa sida maanta maatideena loogu leynayo Guriceel iyo dhuuso mareeb ayaan inagana deegaano kale dad ku nool sabab ugu noqonay in maatidooda la laayo ee sidaan nama anfacdo ee aan xalka soomaliyeed baadi goobno ee aan ka tanasulno xoog wax ku raadin. laakiin waa nasiib daro in saaxbkey oo og halkii uu ku dambeeyay halgankii Janaral Ceydiid ee beeshiisa la ogyahay doorkii ay ku lahayd… iyadoo la ogyahay halgankii Maxkamadaha iyo meesha uu ku dambeeyo oo la ogyahay doorkii ay beeshiisa ku lahayd, in maanta uu saaxkey si caadifad ah u doonayo in dagaal sokeeyo ku sii huriyo magacyo uu ogyahay in aysan umada soomaliyeed wax dan ah ugu jirin, ayna keeni karto in uu ugu shalaayo soo saarida magacyadaas sidii horay uugu shalaayay soo saarida magaca Al- shabaab iyo gabaad siintooda.Waxaan ugu baaqayaa beelaha soomaliyeed ee ganacsatadooda iyo aqoonyahankooda ay weli ku dambeyso in xoog iyo anaa xoog leh ay soconeyso in ay ka tanasulaan fekerkaas, ayna u soo jeestaan xal soomaliyeed, waayo waxaan goob joog u ahayn in lagu doodo xuquuq ayaa naga maqan oo aan u dagaalameynaa iyo diin ayaan u dagaalameynaa in ay keeneyso in xuquuqdi shalay maqneyd mid ka badan ay sii lunto ee aysan xuquuq soo celineyn. marka waa in aad u istagtaan xalka somaliyeed.

Baaq

Waxaan ugu baaqayaa shaqsiyaadka soomaliyed ee ku sugan qurbaha ee u gurbaan tumaya dagaal sokeeye magacuu doonto ha watee in ay ka waantoobaan oo ay ku cibro qaataan wixii dalkeena ka dhacay mudadii la soo dhaafay.

ugu dambeyntii walaalayaal aan diidno dadka ku awr kacsada diinta magacuu doonto ha watee, aana taageerno dowlada uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif, waayo waa system doowladeed dul duleelaba ha lahaadee waxa uu dhaamaa wadaado jahwareersan oo aan vision lahayn iyo qabyaaladii aan horay u soo tijaabinay.

M.ibrahim
somaliblogger@hotmail.com


5 Comments »

  1. asc sh xasan albasri waad mahadsn tahay diinta islaamkuna diifaac ayey ubaahan tahay difaacaas ayaa noqon kara dika hadda aad wado ooah in ummadda islaamkaa looga sheekeeyo dhibaatoooyinka kooxdaan caadaysatay inay dhibaataydo shacabka muslimiinta ah iyo inay isku daydo inay suuliso aathaartii culumadii allhulusunah waljmaaaca oo dalkaan soo gaaarsiyey diiinta islamka walaal waxaan kugu dhiiri galinayaa inaad sii wadid difaaca aad ugu jirtid diinta islaamka cidii wax uqabata diinta islaamkana allah aya ka abaal marinaya waadna hadsantahay gudoomiye

  2. asc xasan walaal waan kusaamayaa marka hore marka labadna waxaan ku faraxsanahay inaan arko webseed ay leedayahay ahlulsluna waljamaaca oo kafaalaynaya ururada diinta sheeganaya ee soomaaaliya kajira waxaan wax la inkiri karin ah tacadiyada kooxaha kadagalamay soomaliya ay ugaysanayaan shacabkena soomaliyed kooxahaas oo ay ugu wayn tahay kooxda alsharar oo tacadii ugu xumaay ugaystay wiil soomaali ah oo ay cararbka uga gooyeen magalad moqadisho ee caasimada soomaaliya maalin maalmaha kamid ahna waa lagula xisaabtamaya in sha allaah
    mahadsanid

  3. 3
    Alwajidi Says:

    Wlh wan kaxumahay in magaca alshabab siqaldan lofahmay lkn waxan leyahay muqdisho wanka ahayn rayada towxidka kamatalinayo insha alah besha cayr waxan leyahay samra insha alah

  4. asc walal, aniga wixi mahad celin ah iwm walalahey xagoda aye kaaga imaaden,
    aniga waxan ka codsanaya inad ii ogolaato inan qebo ka mid ah qoralkaga aan wax ka qaato wayo waxan ahay qoraa da’yar wiliba si gaar uga taariqeya wahabiyadan umada qaldesa,

  5. 5

    waa in da,yarta inta hadhay laga badbaadiyaa nahaabiyada magac kasta ha sheegteene dadka inaysan waxba dhaafin bay magacyada u badinahayaan oo hadba shaatiga u badalanahayaan uga digay ninkaan dunyo rabin kama danbaystiiye


RSS Feed for this entry

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: