taariikhda maxaakiimta islaamiga

FARXADDII GUULDARRADA

Midawga Maxaakimta

Iyo

La dagaalanka Argagixisada

Guddoomiyihii Ahlu-sunna Wal-jamaaca (Somaliya)

Sheekh Cabdirasaaq Yuusuf Aadan

Daabacaadii 1-aad

9/7/1427 H.  04/08/ 2006

Muqdisho –Somalia

FARXADDII GUULDARRADA

 

Midawga Maxaakimta

&

La dagaalanka Argagixisada

Guddoomiyihii ahlu-sunna wal-jamaaca (Somaliya)

Sheekh Cabdirasaaq Yuusuf Aadan

 

Daabacaadii 1-aad

9/7/1427 H.  04/08/ 2006

Muqdisho –Somalia

                                                ARAR

Shiikh Cabdirisaaq wuxuu safka hore kaga jiraa culammada Ahlu sunna Wajamaacah ee sida gaarka ah isugu taxallujisay aqoonta gaarka ahna u leh ururrada adeegsada magaca diinka iyagoo leh ujeeddooyin ka dhan ah diinta.

Xaqiijinta arrintaas wuxuu shiikha ku bixiyey saacadaha ugu badan waqtigiisa sida ay ka warqabaan inta badan culammada Ahlu-sunna Wal-jamaacah ee Soomaaliya.

Taas waxay sababtay in billawgii 1995-tii culammada Soomaaliyeed u doortaan hoggaamiyaha Ahlu-Sunna wal-Jamaaca ee Soomaaliya; Waqtigaas oo aad u adkaa shiikhu:

  • Wuxuu magaalada Muqdisho ka sameeyey idaacad iyo wargeys ku shaqeeya magaca Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
  • wuxuu booqday inta badan magaalooyinka dalka iyo kuwa deriskaba, si ay u kala faa’iidaystaan, una siyaarto Culammada iyo waxgaradka Ahlu-Sunnada, xog ogaalna ugu noqdo xaqiiqada ka jirta geyigaas.
  • Wuxuu sameeyey safarro badan oo caalamka ah oo isugu jira kuwo laghu casuumay isagoo ah guddoomiyaha Ahlu sunna ee Soomaalia, shiikh caadi ah, kulanno diineed dawli ah iyo shaqsi ahba.

 

  • Wuxuu ku caan yahay ka qayb-qaadashada iyo abaabullidda dood cilmiyeedyada diiniga ah ee idaacadaha, T.V-yada, wargaysyada iyo kulannada kafool-kafoolka ah ee lagu horumarinayo laguna difaacayo diinta.

 

  • Sidoo kale, wuxuu shiikha safka hore kaga jiraa muxaadarooyinka, siminaarada, tababarrada, wacyigelinta iyo kulan baxthiyeedka culammada Ahlu sunna ee lagu horumarinayo barnaamijta Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
  • Wuxuu qabtay,abaabulay,dhiirri geliyey, ka qayb qaatay muxaadarooyin, siminaaro iyo tababarro laga hirgeliyey waddamada Afrikada Bari.

 

Mudada 20ka sano ka badan ee shiikhu jidkaas dheer ku soo jirey wuxuu la kulmay labo xaalo oo kala duwan oo kala ah:

a.                              Wuxuu shiikhu la kulmay caalimiin, cabqariyiin iyo aqoonyahanno dibadda iyo gudaha ah kuwaasoo uu ka faa’iidaystey cilmi uu mahdiyey.

b.                              Wuxuu kaloo la kulmay caga-juglayn, khatar kaga timid sokeeye iyo shisheeye; shaqsiyaad iyo dawlado; Soomaali iyo ajanabi; arrintaan oo qudheeda wax ka tartay u dhabar-adayga khidmada diinta.

Sidaas darteed, Sheekhu asagoo ka faa’iidaysanaya fursadahan wuxuu arrimahaas ka qoray kitaabbo iyo risaalooyin ku dhow labaatan; oo kuwa la daabacay ay ka midka yihiin:-

1.                              Caddaynta Xaqqa & Nasiixada Xaqdoonka, Juska 1-aad, Tarriikhda Wahaabiyada.

2.                              Caddaynta Xaqqa & Nasiixada Xaqdoonka, Juska 2-aad, Maxaa lagu gartaa Afkaarta Wahaabiyada.

3.                              Caddaynta Xaqqa & Nasiixada Xaqdoonka, Juska 3-aad, maxuu yahay xugumka diinta Islaamka ee ku aadan bidcada.

4.                              Soomaaliya & Ahlu sunna Wal-jamaacah.

5.                              Xaqiiqada maxkamadaha.

6.                              suufiyada iyo salafka suuban

7.                              asmaa’un mukhtalifah wa ahdaafun mu’talifah.

Wuxuuna doortay inuu kusoo kordhiyo buuggan uu ku magacaabay “Farxaddii Guul Darrada”.

Buuggan wuxuu ka hadlayaa dagaalkii ugu wejiyada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, kaasoo magaalada Muqdisho ku dhex maray laba isbahaysi oo isku kala magacaabay:-

Midawga Maxaakimta Islaamiga!!! iyo Isbahaysiga la dagaallanka Argagaxisada!!!

Waxaa ka muuqanaya buugtaan uu Shiikhu soo bandhigey oo laga dheehan karaa marka si dhug leh loo akhriyo labo xaaladood:

  • In Shiikhu muddo usoo xereystey ama u soo qariibay la socodka, baxthiga iyo xog-ogaal u noqoshada afkaarta, barnaamijta, tadawurka iyo tabaha kooxahaan ku adeegta magaca diinta.

 

  • In gaar ahaan qormada buugaan “Farxaddii Guul Darrada” aanu helin waqtigii ku fillaan lahaa in lagu faah-faahiyo mawduuca uu xambaarsan yahay; waana wax la dareemi karo in duruufta hadda ka jirta dalka ay sidaas kaliftey.

 

Waxaan  guud ahaan rajaynayaa:

ü                         In  uu noqdo buuggii u horreeyey ee laga qoro dhacdadan.

ü                         In uu marjic u noqdo aqoon-yahannada iyo baaxithiinta doonaya inay macluumaad dheeraad ah ka helaan sababihii diyaariyey dagaalka iyo mirihii ka dhashay.In uu soo gudbiyo xogo iyo xaqaa’iq sabab u noqda fashalinta shirqoollada iyo sama bixinta ummadda.   

Waxaan ugu ducaynaynaa shiikha in Eebbe (SWT) uu ajar iyo xasanaad ka siiyo dadaalka iyo dhiiriyada gaarka ah ee uu ka muujiyey soo bandhigidda buugaan.

Wabillaahi Tawfiiq

     Sh. Maxammed Cali Xasan

HORDHAC

Dabcadda qormadaan ama buugaan waa mid runtii si hordhac ah usoo baxday oo aan  helin waqtigii uu u baahnaa in lagu soo diyaariyo. Taas waxaa keenay iyadoo culama badan oo Ahlu sunna ah, oo weliba u badan ahalka oo dagaalku u taabanayey si dheeraad ah, ay igu tir-tirsiiyeen inaan wax ka qoro xaaladda ka jirta dalka ee mowduuca buugaani ku saabsan yahay.

Culimada waxay doonayeen inaan xaqqa laga aamusin iyo in soo bixitaanka buuggu wax ku kordhiyo fahamka iyo xalka xaaladda haatan ka taagan dalka.

Maadaama mashaa’iikhdu culays isaareen, dhanka kalena, aan awelba aad uga xumaa aamusnaanta culammada Ahlu sunna badankood waxaan goostay inaan hore ugu socdo soo dedejinta dabcaddaan hordhaca ah; maxaa yeeley, arrinta jirta oo xaqiiqadeeda la helo ama la ogaado waxay wax wayn ka taraysaa xalkeeda.

Taas waxay sababtey inaan si hordhac ah u soo saaro kitaabkaan si aan u tixgeliyo dowrka waqtiga iyo xaaladda; dhanka kale, inaan sii wado tifatirka qoraalka si dabcaddaan hordhaca ah  tan xigta uu u soo baxo isagoo dabcaddiisu hufan tahay.

Wabillaahi Towfiiq

Sh. Cabdirisaaq Yuusuf Aaden

FARXADDII

GUULDARRADA

M/Maxaakimta & la Dagaallanka Argagaxisada

Dagaalladii ka billawday degaanka Dayniile ee magaalada muqdisho 18/2/2006 wuxuu dhexmaray koox isku magacawday Isbahaysiga La Dagaallanka Argagaxisada iyo koox kale oo isku magacaawday Midawga Maxaakimta Islaamiga. Dagaalkan wuxuu aad uga bedelnaa dagaalladii sokeeye ee muddada badan ka dhacayey Soomaaliya. Dagaalkan waxay dad badani u arkayeen in looga adkaaday kooxihii isku magacaabay la dagaallanka argagaxisada, maadaama midowga maxaakimtu ka qabsadeen goobo iyo degaanno ku jiray gacanta isbahaysigaas.

Haddaba aan qeexno fursadihii suura geliyey in maxkamaduhu!ku adkaadaan wejigii 1-aad ee dagaalka,si aan daah fur ugu samayno aragti cilmiyeed bulsho, siyaaso, raadraac taariikheed iyo soo bandhigid sira culculus oo laga daalacdo xaalka dagaalkan.

Fursadahaas oo kala haa:-

1.      Magacii ay ku dagaallamayeen iyo magacii ay la dagaallamayeen.

2.      Ciidankii u dagaalamayey iyo ciidankii ay la dagaallamayeen.

3.      Nacaybkii loo qabay hoggaamiya kooxeedyada.

4.       Dhaqaalahii wejiyada badnaa ee ay helayeen hawlwadeennada maxkamadaha.

5.      Idaacadaha iyo qaybaha Saxaafadda oo si gaar ah u gacansiinayey maxkamadaha!.

6.      Aqoonyarida, nuglaanshaha iyo wacyi gaabida shacabka, iyo hoggaamiyaasha iyo weliba xog yarida culammada.

7.      Khilaafka iyo is aamin la’aanta hoggaamiyaasha.

8.      Colaadda qabiillada iyo dicaayadda aasaasayaasha maxkamadaha!.

9.      Xeeladaha iyo dhagarta ay adeegsadaan hoggaamiyaalka maxkamadaha!.

10.  Dawladaha iyo hay’adaha danaha ka   leh  Soomaaliya.

11.  Taageerada habaysan iyo xiriirka fog ee gaalada, siiba ka reer Galbeedku siiyaan horseedayaasha midawga maxkamadaha!.

12. Sida xoogga badan ee ay uga faa’iidaysteen soo bixitaanka Madaxweynihii Carta C/qaasim Salaad Xasan.

13.  Sida aadka ah ee ay uga faaiidaysteen soo bixitaanka Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

14. Sida xad dhaafka ah ee ay uga faaiidaysteen beelaha qaarkood iyo sababihii keenay ka faaiidaysiga.

15. Natiijadii ka soo baxday fursadahan.

Arrimahan ayaa ugu muhiimsanaa fursadihii ay ka faaiidaysteen ururkan isku magacaabay midawga maxaakiimta! islaamka, haddaba si aqristuhu ula saan qaado qoraalka aan qodob qodob uga faalloonno fursadahan aan soo sheegnay,aanna ku billawno:-

«           Fursadda 1-aad

Magacii Ay Ku Dagaallamayeen Labada Kooxood

Kooxda isbahaysiga  waxay ku dagaallamayeen magaca La Dagaallanka Argagixsada. Magacan wuxuu lahaa cillado sabab u noqon kara in laga adkaado qofka aadeegsanaya.

Maxaa yeeley, sida dadka aqoonta leh waaci ka yihiin marka magac loo bixinayo dawlad, shirikad, xisbi iwm, waxaa muhiim ah in laga fiirsado magaca.

Waayo magaca wuxuu xambaarsan yahay ujeedada waxa loo bixiyey.

 Taas waxay keentaa marka magac lagu dhawaaqo in si fudud dadku u gartaan hadafka. Waxaa cad in kooxdaan la magac baxdey la dagaalanka argagixisada aaney ka fiirsan fariinta uu magacani gudbin karo iyo hadafka ay leeyihiin.

Cilladda koowaad ee magacan waxay tahay iyadoo inta badan laga maqlo dawladda maraykanka, taasoo marka magacan la sheego isla markiiba waxaa muslimiinta ku soo dhaca dhibaatooyinkii loo gaystay muslimiin badan oo dunida ku kala nool.

Saas awgeed, qof kasta oo laga maqlo magacan ah la dagaallanka argagixisada waxaa fudud in looga faaiidaysto,dad badanna la fahamsiiyo in kuwan sheeganaya la dagaalanka argagixisada u adeegayaan gaalada.

Wuxuuna runtii noqdey magacani mid ka mid ah cilladihii guul-darrada u keenay isbahaysiga laga itaalka roonaaday.

Dhanka kale, maxkamaduhu waxay ku dagaallamayeen magaca Midawga Maxaakimta Islaamiga,

waxay isticmaalayeen erayga Jihaad, waxay sheeganayeen in dagaalku yahay kacdoon dadweyne oo lagu difaacayo diinta,dadka iyo dalka; kacdoonkaas oo ay hoggaaminayaan culammaa;udiinka Soomaaliyeed!.

Sheegashadan caammada loo qurxiyey waxay ahayd mid xaqiiqada ka fog, hase yeeshee u sahashay maxaakiimta! inay dad badan kusoo jiitaan, kagana taageero bataan isbahaysigii ay la dagaallamayeen.

Waxaa xaqiiqa ah haddii lagala doodi lahaa sheegashadan inay la kulmi lahaayeen guul darro degdeg ah. Waayo ciidankii dagaallamayey ma ahayn maxkamad, iyo kacdoon shacab toona, qabiilooyin ka mid ah qabiilooyinka soomaalida ayaa dagaallamayey, mana jirin wax culamma ah oo ku jirey dagaalka iska daa inay  hoggaaminayaane; difaac diinna haba sheegin, bilcaksi wuxuu ahaa khatartii ugu ba’nayd ee soo food saartay diinta islaamka iyo ahalkeeda, sida noogu caddaan doonta qoraalka. 

Waxay ahayd in aanay sheegan magacyadaas xeeladda ah ee ay la baxaan magaca runta ah ee ay lahaayeen,  magacaas oo ah Midowga wahaabiyada, waxaa xaqiiqa ah in markaas aanay heleen shacab ku taageera dagaalka ay galeen,waxaana hubaal ah in aanay haweysteen wax dagaal ah.

Sida la ogsoonyahay maxkamadaha! lagu dagaal galay magacooda ma lahayn hub iyo ciidan wax lagu qabsan karo;Balse, waxaa dagaalka wadey qabiilooyin la dhagray, shirkadaha wahaabiyada, ganacsatada dagaalka, danley la siiyey ballanqaadyo kala duwan, calooshood u shaqaystayaal iyo ciidankii Al-itixaadka wahaabiyada ee taagta darraa.

 

«           Fursadda 2-aad

Ciidankii u Dagaalamayey  Labada Kooxood

Ciidanka isbahaysigu waxay ku dagaallamayeen magaca la dagaallanka argagaxisada, annagoo soo xusney guul-darrada magacani huwan yahay. Taa oo macnaheedu yahay in aaney ku dagaalamayn hadaf diineed, siyaasadeed, beeleed iyo mid la mid ah.

Inta badan ciidankan wuxuu ahaa malleeshiyo beeleedkii ciidanka u ahaa hoggaamiyaasha. Ciidankani xiisa badann uma qabin inay u dagaallamaan hoggaamiyaasha, waayo muddo 15 sano ah ayey kusoo dhex jireen dagaalladan natiijo laáanta ku dhammaaday. weliba magaca ay ku dagaallamayeen waxay ka jeclaayeen inay ku dagaallamaan magaca qabiilka.

Intaas waxaa dheeraa ma jirin ballan qaad loo sameeyey oo dhiirri geliya. Taas waxaa uga sii darraa in badan oo ka mid ah mallayshiyadan waxaa saameeyey dacaayadii wahaabiyada maxaakimta, waxay dareensanaayeen inay la dagaallamayaan diinta islaamka oo ay gaalnimo u dagaallamayaan.

Ma jirin ciidan kale oo u imanayey ama ay malaysanayeen. Intaas waxaa dheeraa maadaama ciidanka qab-qable kastaa yihiin hal jufa waxaa dagaalka ku dhimanayey ama ku dhaawacmayey wiilal aad isugu dhow xagga haybta,taas awgeed, waxaa xanuunka geerida laga dareemayey hal qoys.

Taas waxaa kasii darraa waxay malliishiyadu arkayeen isbahaysigooda oo aan isu soo gurmanayn marka uu midkood dagaalku qabsado.

Dhammaan arrimahani waxay safka hore kaga jireen raadka guul-darradii u soo hoyatey isbahaysigii la magac baxay la dagaallanka argagaxisada.

Dhanka kale Ciidanka midowgu waxay ku dagaallamayeen magaca farsamada badan ee midowga maxaakiimta! Islaamiga!.

Ciidanka u dagaallamayey iyo hubkiisuba waxay ahaayeen hubkii iyo mallayshiyadii beelaha, waxay lamid ahaayeen ciidanka isbahaysiga ay la dagaallamayeen haddii laga reebo hub aan badnayn oo ay lahaayeen wahaabiyada al-itixaadku.

Sidoo kale, Ciidanka maxakimtu! waxay haysteen ballan qaadyo waawayn oo muhiim ahaan lahaa haddii ay run yihiin.

waxaa loo sheegayey:inay yihiin ciidan islaami ah! oo jihaad ku jira! haddii ay dhintaanna jannada gelaya!.

 Inay u jihaadayaan sidii ay u dhalin lahaayeen dawlad islaami ah! oo ay   hoggaaaminayaan shakhsiyaad ay jecel yihiin!.

Mallayshiyada aan waxaas aaminsanayn waxaa loo sheegayey inay ka aarsanayaan beelo ama shaqsiyaad ay ciil u qabeen, qabiilkoodana  dagaalka ku gaarayaan horummar u gaar ah.

Intaas waxaa dheeraa iibsashada mallayshiyada iyo ballanqaadka dhaqaale ee loo samaynayey; waxaa loo sheegayey inay la dagaallamayaan mallayshiyo beeleed iyo hoggaamiyaal gaalo ah; sidaaas awgeed, qof walba khayrkiisa iyo ajarkiisa uu la egyahay marba inta uu ka dilo ama ka dhaawaco kuwa ka soo hor jeeda.

Waxay ku dhawaaqayeen Allaahu akbar, Jihaad Jihaad iyo erayo kale.

Waxay arkayeen ciidan iyo gurmad uga kala imaanaya dhammaan qaybaha dalka, waddammada deriska iyo weliba  qaaradaha caalamka.

Waxay dhegehoodu maqlayeen alalaas, hugun iyo sawaxan taageera ah oo uga soo yeeraya idaacadaha gudaha iyo debedda; sida horn afric, BBC, shabeelle, idaacadda quraanka!!! Iqra iyo kuwa kale oo sabab u noqanayey taageero, bannaan baxyo, dhaqale is daba joog ah IWM.

«           Fursadda 3-aad

Nacaybka Hoggaamiya Kooxeedyada

Isbahaysiga Wahaabiyada ee la baxay midawga maxaakimtu waxay ka faaiidaysteen nacaybkii loo qabay hogaamiya kooxeedyada; kuwaas oo 16 sano isku masawiray guul darradii ka jirtay waddanka. Nacaybkaas wuxuu isugu jirey:

1.      Khalad  ay iyagu gaysteen.

2.      colaad uga imaanaysey kuwii ay uga adkaadeen qabqablannimada.

3.      Dicaayadihii uga imaanayey Al-itixaadka iyo isbahaysigooda ikhwaanka kuwaas oo u arkayey in hoggaamiyaashu yihiin caqabadda ka hortaagan danaha ay ka leeyihiin dalka.

4.      Dacaayadihii uga imanayey dawladihii iyo hay’adihii ajnabiga ee la kala safanaa hoggaamiya kooxeedyada, kuwaas oo si xadka ka baxsan u dicaayadaynayey marba qab-qablaha ay ka soo horjeedaan.

5.      Dicaayadihii ururrada lagu magacaabay bulshada rayidka oo inta badan la kala safnaa qaybaha aan soo sheegnay.

6.      Hoggaamiye kooxeedyada oo iyaga ruuxoodu gacan siiya dicaayadda iyo dagaalka loo gaysanayo hoggaamiya kooxeedka kale.

7.      Bulsha weynta ay saamaysey dacaayadaha aan soo sheegnay oo qaybtooda ka qaata cambaaraynta loo soo jeedinayo hoggaamiyaashan.

Dhammaan arrimahaas aan soo sheegnay waxay kaalin mug leh ka qaateen jabkii loo gaystey isbahaysigii la magac baxay la dagaallanka argagaxisada, wuxuuna fursad u noqday wahaabiyadii la baxday midawga maxaakimta!.

«           Fursadda 4-aad

      Dhaqaalaha

Dhaqaaluhu waa saldhigga ugu weyn fursadaha ay ka faaiidaysteen qaybaha wahaabiyada ee Al-itixaadku hormuudka u yahay siiba  hawlgalkoodii la magac baxay midawga maxaakiimta islaamiga!!!.

Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in aan wax yar ka xusno habkii uu ku samaysmay dhaqaalaha wahaabiyada, sidii uu u shaqeeyey, hawlihii lagu fuliyey iyo raadkii uu reebay.

Muddo ka badan 30 sano wahaabiyadu waxay taageerada ugu weyn ee muuqata ka helayeen dalka Sacuudiga; laakiin ma taag badnayn muddadii dawladdu ka jirtey waddanka sidey doonto ha ahaatee. Waxaa muhiim ah in la fahmo, wahaabiyadu kama jiri karaan  magaca islaamigana ma qaadan karaan waddan ay ka jirto aqoon fiican, caddaalad iyo nidaam wanaagsan oo xaq ah.

 

Sidaas awgeed, wahaabiyadu iyagoo aad u yar ayey haddana  heli jireen fursado waawayn waqtigii dawladdii 60-ka iyo tii millaterigaba; xataa waxay fursada badan ka heli jireen dagaalkii ay wahaabiyada kula  jirtey dawladdii melleterigu.

           Fursada 5-aad

Aqoonyarida.

midawga wahaabiyada iyo taageerayaashiisu waxay si weyn uga faaiidaysteen aqoonyarida, iyo wacyi gaabida, shacabka iyo hoggaamiyaasha iyo weliba xog yarida culammada; taas waxaan uga jeedaa bulshada oo aan inta badan aqoon u lahayn diinta islaamka iyo culammada oo aan ka dheregsanayn khatarta Wahaabiyada.

▼   Shacabka: Haddii shacabku aqoon u lahaan lahaa diinta kuma dheceen shirqool ilaa heerkaas ah, maxaa yeeley jihaad loogama dhigeen daadinta dhiigga muslimiinta; jihaad loogama dhigeen soo celinta dagaalladii qabiilka iyo isnecbaysiinta iyo kala fogaynta ummadda.

    Ma taageereen wahaabiyada oo ah firqo takfiir ah, oo aaminsan gaalaysiinta muslimiinta.

 Culama islaam ah isagama dhigeen koox aan wax naxariis ah u hayn shacabka; koox ku shaqaysa danaha gaalada, laakiin dadka aqoonta yar u sheegata horseedayaasha jihaadka iyo difaaca diinka.

    Koox aaminsan laynta culammada dariiqooyinka ahlu-sunna wal-jamaaca. Koox faraha ka bixisa waddammada muslimiinta. Koox ay eedeen gaaladii asal ahaan soo samaysatay. Koox caqiiddadoodu khilaafsan tahay kana soo hor jeeddo caqiiddada saxda ah ee diinta islaamka.

Sida ka muuqata ummaddan,aqoon la’aanta diinta waxaa u wehliya aqoon la’aanta qiyamka nolosha, cilmiga bulshada, iyo aqoon kasta oo lagu xifdiyo laguna horumariyo ummadda, xataa inta yar ee wax soo baratay, haddii aqoontoodu tayaysantahay uma aamineen masiirkooda siyaasadeed wahaabiyada Al-itixaadka; taas oo ah camiiliin Takfiir ah iyo bidco waqtigoodii dhammaaday.

Waxaan uga jeedaa dawladihii samaystay ayaa ku qasban inay cirib tiraan, ka dib markii ay gabeen hawshii loo dirsaday, ayna galeen mid aan loo dirsan.

 Sida aad ka dheehan kartid kitaabka “Taariikhda Wahaabiyada” wahaabiyadu waxay noqotey BAM ku qarxa Ingiriiskii sameeyey iyo boqortooyadii Sacuudiga ee loo sameeyey.

Maxaa yeeley, waxay labada dalba maanta safka hore kaga jiraan la dagaallanka cudurkii ay u abuureen aadanaha, cudurkaas oo ka dhashay mabd’a wahaabiyada.

Waxaa muuqata in Maraykanku garawsaday khaladka taageeradii uu u fidin jirey wahaabiyada mid toosa iyo mid dadbanba inkastoo aan weli meesha ka saarayn in khalad weyn ka jiro arrimahaas.

Sida ay isku raacsan yihiin caqliga iyo cilmiguba Wahaabiyadu waa koox fudud, xikma yar, fashal badan, xor ahayn, lagana hago meelo kale oo dhunsan, sidaas darteed, waa fitno cid walba ka gasha dakane aan loo meel deyin. Waa koox naxariis daran, ummadda neceb, waa Tataar wax burburisa. Waa koox aan is aaminsanayn dhexdooda, oo kaliya hishiis ku ah arrimo danaysi oo ku dhisan is khiyaanid.

Ereyadaas sare waxay u eg-yihiin kuwo ad-adag, ha yeeshee in kooxdaan sidaas ku sifowdey waxaa marag kaaga filan adigoo fiiriya waxa uu ku dambeeyey, ama ku sugan yahay dal kasta oo dunida ka mid ah oo ay soo dhexgalaan.

Haddii shacabku ku baaraarugsanaan lahaa waxaan waxa ay yihiin kooxdaan sida taariikhdooda, hadafkooda, raadka ay reebeen, iyo caqiidadooda, ma suuragasheen in sidaan wax noqdaan.

Intaas oo dhan iyo in ka badan oo aynaan soo koobi karin waxay ku tusinayaan baruurug yarida mujtamaca iyo sida ay ugu dheceen cawaaqib xumo lama filaan ah

▼   Hoggaamiyaalka, markaan kasoo gudbo shacabka waxaa iyana sidoo kale wacyi yari ku aadan kooxdaan ay haraysey hoggaamiyeyaasha.

        Haddaan u soo gudubno hoggaamiyaasha, wayska caddahay wacyi yaridoodu, ilaa heerkan lama gaarsiiyeen haddii ay baraarugsan yihiin.

    Muddo ka badan 10-sano ayey wahaabiyadu hoostooda kala baxayeen mujtamacii ay sheeganayeen hoggaankooda, hoostooda ayey ka diyaarsadeen dhammaan ilihii ay ku burburin lahaayeen; waxay ahaayeen dawlad ka dhisan dhulkii la aaminsanaa in hoggaamiyeyaalku ka taliyaan. Dhanka kale, Hoggaamiyaashu waxay sameeynayeen wax kasta oo dan u ah bidcada wahaabiyada, sida colaadaha, kala fogaanshaha, wax qabad la’aanta, dhiirri gelinta burburka IWM.

Intan oo dhan waxaa uga sii daran oo la dhihi karaa waa arrin argagax leh, sida ijmaaca ku ah diinta islaamka, habkii ay wahaabiyadu u diyaariyeen maxkamadaha, habkii ay u hawl galeen iyo habkii ay u adeegsadeen la dagaallanka hoggaamiyaalka oo ahaa hab looga baxayo diinta islaamka oo gaalnimo ah, habkii hoggaamiyaashu u dhaqmi jireenna wuxuu ahaa hab xun oo caasinnimo ah, laakiin aan gaalnimo ahayn.

Haddana iyadoo ay sidaas tahay wahaabiyadu waxay ka faaiidaysteen aqoon la’aanta iyo wacyi la’aanta hoggaamiyaalka, waxay ka daba yeeriyeen durbaan,iyo hugun dhahaya gaalada laayaay!, waa jihad!, yaa janno raba! IWM.

Haddii Hoggaamiyaalkan la kediyey xiriir wanaagsan la lahaan lahaayey culammada diinta islaamka, haddii ay muujin lahaayeen ku xirnaanta diinta islaamka, haddii hanti iyo taageeraba u huri lahaayeen cod baahinno iyo barnaamijyo lagu horumarinayo hawlaha diinta, ma dhacdeen in bidco diinta ka baxday gaalo ku sheegaan iyagoo muslim ah; wacyi yaridaasina waxay ka mid ahayd fursadihii ay ka faaiidaysteen wahaabiyadii isku magacawday midawga maxaakimta.

▼     Culamada: Haddii aan usoo gudubno xog yarida inta badan culammada, marka horeba waxaa tix gelin mudan suura galna tahay in loogu cudur daaro Culammada, waxay ku dhex noolaayeen mujtamacaas ay halakaysey aqoon la’aanta diinka iyo wacyi yaridu.

Taas waxaa u dheer danayn la’aanta waanada iyo nasiixada culammada.

    Waxaad arkaysaa in caamadii qaarkood diin ka dhiganayaan rabitaankooda, taasina waxay keentay inay u dhega nuglaadaan wahaabiyada oo dadka diin uga dhigta wax kastoo ay ku soo jiidan karaan, xataa haddii diinta looga baxayo.

Mushaakilkaas ay ku dhex noolaayeen ka sakoow waxaa culammada hayey xog yari, marka loo eego sida ay ula dhaqmayeen Whaabiyada;

Inta badan culammada, gaar ahaan kuwa leh taageerayaasha iyo xerta badan waxay ku qanacsanayeen tirada dadka raacsan. Waxay u arkayeen wahaabiyada dad qalad iyo gef badan laakiin aan geysan Karin wax saas u sii badan.

Waxyaalaha culammada marin habaabinayey waxaa ka mid ahaa habka istiraatiijiyada ah ee ay isu qaybinayeen wahaabiyada oo ah mid ay ku jirto khiyaano iyo munaafiqnima badan, waxay la baxayeen magacyo badan sida Itixaad, ikhwaan, Tabliiq, islaax, majmac, dalladda culammada, ictisaam, maxaakim, salafiya, Ansaar, IWM.

Waxaa xusuus lahayd kaalintii weyneed ee Jamaacada Tabliiqa, majmaca iyo dalladdu ka qaateen dagaalka.

Kooxahan qaarkood waxay culammada u sheegayeen inay lagama maarmaan tahay in la midoobo!, taasoo wahaabiyadu uga jeedin midoow laakiin ay doonayeen inay culammada ka diyaarsadaan shirqoolkii ay ku baabi’in  lahaayeen, kuna wax yeellayn lahaayeen masiirkooda adduun iyo aakhiro.

Haddii culammada loo sheego xaqiiqada khataraha wahaabiyada waxay inta badan u arkayeen arrimo ka badbadis ah.

Haddii culamadu ku baraarugsanaan lahaayeen khatarta wahaabiyada xaalku intan sooma gaareen.

Dhammaan baraarug yarida haysatey bulshada, hoggaamiye-kooxeedyada iyo culammada waxay ka mid tahay fursadihii ay ka faaiidaysteen wahaabiyada isku magacawday midawga maxaakiimta islaamiga.

La Soco Q.6aad

<span lang=”ES-MX” style=”font-size: 12.0pt; font-f

Fursadda 6aad

Khilaafka Hoggaamiyaasha

Fursadda kale ee ay ka faaiídaysteen midawga wahaabiyadu waxay ahayd khilaafka iyo is aamin la’aanta aan xalka lahayn ee muddada dheer u dhexeeysey hoggaamiyaalkan.

Wahaabiyadu gacan fiican ayey ka gaysteen kala fogaanshaha hogaamiyaalka iyagoo ka faa’iidaysanaya wacyi yaridooda hoggaamineed. Shir kasta oo ay ku hishiin waayaan wuxuu fursad u noqonayey wahaabiyada.

Si ay uga gaaraan hadafkooda marba qayb ayey la safanayeen, gaar ahaan kuwa markaas looga itaalka roonyahay qabqablanimada.

 Markii ay dareemaan isu soo dhawaanshaha hoggaamiyaasha waxay u muujinayeen taageero laqdabadu u dhammays tiran tahay.

Isla markaaba waxay si degdeg ah u billaabayeen tillaabooyin ay ku jillaafaynayaan isu soo dhowaanshaha. Waxaan tusaale ka dhigan karnaa hishiiskii loo yiqiiin Hishiiskii Qaahira.

Hishiiskan waxaa wada gaaray hoggaamiyaal Soomaali ah oo ay hormuud u ahaayeen kuwii muqdisho. Hishiiskaan aad ayey uga naxeen wahaabiyadu, waxay u arkeen in ay ka dhalan karto awood hoggaamin, gaar ahaan gobolka banaadir.

Bishii 6-aad 1997 Meel kastoo ay Xamar ka joogeen waxay taageereen hishiiskan, waxay hoggaamiyaashoodu idaacadaha iyo wargaysyada ka baahiyeen oraahdoodii ahayd :

“waxaan taageersannahay geeddi socodka nabadeed ee ay wadaan Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi, dadweynaha soomaaliyeedna waa inay taageeraan guushaas”.

Taageeradaan oo kale waxaa soo wada saaray Cornel Xasan Daahir Uweys oo ku saxiixay magaca ururka Al-Ictisaam oo lagu beddelay magacii Al-itixaad iyo Yuusuf Cali Caynte oo ku saxiixay ururka al-ikhwaanul-muslimuun.

Dhanka kale, waxay ka wadeen abaabulka sidii ay afka ciidda ugu geli lahaayeen hishiiskan ay u tageereen habka munaafaqnimada ah.

Sidaas awgeed waxay isla markiiba billaabeen samaynta maxkamaddii ifka xalan ee lagu furayey magaca beesha Cayr, iyo xoojinta maxkamaddii shirkole oo lagu furay magaca beesha Sulaymaan.

Waxaa xusuus mudan, Mar kasta waxay samaynta maxkamadahan billaabaan marka ay doonayaan inay carqaladeeyaan barnaamij noocaan oo kala ah. Sidoo kale waxay samaynayeen qalqal gelinta ammaanka iyo dhiirra gelinta isbaarooyinka si ay ugu guulaystaan fashalinta hishiiska iyo in loo baahdo maxkamadahooda.

 

Haddii culammada ama wax garadku sheegaan khaladaadka habka loo diyaarinayo maxkamadahan diin ahaan iyo xag kastaba, waxay wahaabiyadu ku dhawaaqayeen: waxay diidayaan horumarka qabiilkeenna!, waxaa soo dirsaday  reer hebel iyo erayo kale oo lagu kicinayo dadka garashadoodu hoosayso.

 Kicinta caadifaadda qabiilka ee wahaabiyadu adeegsanayeen Waxaa fursadaha ugu badan siinayey khilaafka iyo kala fogaanshaha hoggaamiyaasha waayo khilaafkoodu wuxuu door weyn ka qaadanayey sii aamminsanaanta qabyaaladda iyo hishiis la’aanta ummadda.

Hoggaamiyaasha kooxuhu waxay ku fashalmeen hishiisyo badan oo inta badan lagu qabtay dalka dibaddiisa, hishiisydan waxaa ugu danbeeyey kii Embegathi ee dalka kenya.

Hishiiskan waxaa mooddaa inuu ka raja roon yahay kuwii hore, waayo waxay hoggaamiyaashu ku soo dhisteen dawladda ku meel gaarka ee Federaalka Soomaaliya.

In kastoo  ilaa iyo hadda aanay ka muuqan ka faaiidaysiga fursaddaas oo ay durbadiiba  muujiyeen khilaaf dhexdooda ah.

Markii dawladdan la dhisay Sidii caadada u ahayd wahaabiyadu waxay boorka ka jafeen maxkamadihii ay awelba ku soo beegi jireen marka ay dareemaan maamul lagu samayn karo awood dawladnimo.

 Waxaa la ogsoonyahay in maxkamadaha wahaabiyadu aanay wax macna ah lahayn markii lagu dhawaaqayey dawladda fadaraalka Somalia.

Intaas waxaa u wehliyey mar kale ayey wahaabiyadu heleen fursaddii ay ka faa’iidaysan jireen ee khilaafka hoggaamiyaasha; waxaa markiiba is afgaran waa ka dhex dhashay hoggaamiyaashii muqdisho oo wasiirrada ka noqday dawladii federaalka iyo madaxweynihii dawladda C/llaahi Yuusuf Axmed.

Si ay u kala firdhiyaan sidii caadada u ahayd, wahaabiyadu waxay soo dhoweeyeen xiriirna la sameeyeen wasiirradii gadoodsanaa iyagoo adeegsanaya magaca qabiilka hawiye. Qaar ka mid ah hoggaamiyaalkan iyo wahaabiyadu waxay horay u wada sameysteen ururkii ay ku magacaabeen Samata bixinta.

Arrintan waxaa la sheegaa inuu kaalin mug weyn ku lahaa madaxweynihii dawladdii Carta C/qaasim Salaad xasan, oo dana badan ka lahaa dibin-daabyaynta dawladdii fadaraalka iyo taageerada wahaabiyada al-itixaadka.

Intaa kadib hoggaamiyaalkii kooxuhu waxay horseed ka noqdeen isbahaysigii la magac baxay la dagaallanka argagaxisada, waxayna la dagaallameen huwantii la baxday midawga maxaakimta.

 Dagaalkaas waxaa ka ka muuqanayey raadkii ka dhashay khilaafkii iyo is aamin la’aantii horay u halakeeyey hoggaamiyaalka kooxaha. Ma jirin hal dagaal oo ay isula galeen si wada jir ah, taas ayaana ka mid ahayd waxyaalaha lagu tiriyo guul darradii kala eridey iyo fursadihii  al-itixaadka iyo shababkooda.

Sidaas darteed, khilaafka iyo heshiis laáanta hoghgaamiye kooxeedyadu ma ahayn oo kaliya caqabad ka mid ah heshiis la’aanta Soomaaliya, balse waxay noqotey fursad ka mid ah sababihii looga adkadey.

«           Fursadda 7-aad

Colaadda qabiillada iyo dicaayada wahaabiyada

Waxay midawga wahaabiyadu ka faaidaysteen Colaadihii qabiilooyinka u dhexeeyey muddadii dagaallada sokeeye. Waxay soo cusboonaysiiyeen colaadahaas waqti laga soo kabsanayo oo dadkii isu soo dhowaadeen.

Waxaa xaqiiqa ah hogaamiyaalka dagaalka ee al-itixaadka wahaabiyadu waxay geysteen danbiyo ka wayn kan hoggaamiya kooxeedyada, laakiin waxay ka faaiidaysteen dadka oo aan waaci ahayn, danaystayaal qariya danbiyadooda, fulayaal cabsada, iyo wahaabiyada oo aad u dicaayad badan, kuna ganbata diinta.

Hoggaamiyaasha ooy aad u liidato xeeladoodu, culammada wanaagsan oo aan haysan wax tas’hiilaad ah oo ay ummadda uga badbaadiyaan wahaabiyada, saxaafadda oo aad ula safan wahaabiyada oo sababtay in wahaabiyadu helaan fursado ay dad badan uga qariyaan danbiyadooda lagama soo waaqsadaanka ah.

Hal kudhigyada ay dadka ku dagaal geliyeen waxaa ka mid ahaa: “ma reer hebelkii iyo nimankii 16-ka sano idin hor taagnaa ayaad maanta  taageeraysiin, ama aad diidaysiin in lala jihaaado!! iyo erayo kale”.

Qalinku wuu ka yaxyaxayaa inuu qoro xaqiiqada habkii maxkamadaha! wahaabiyadu u isticmaalayeen adeegsiga qabiilka.

  • Qabiillada qaar waxay ku dagaal gelinayeen maanta ayaad hesheen fursaddii aad uga aarsan lahaydeen  reer hebel.

 

  • Qaar waxay ku lahaayeen ma waxaad doonaysaan in reer hebel idinka aarsadaan, haddaadnaan maanta is difaacin.

 

  • Qaar waxay ku dhahayeen saw reer hebel ma aha kuwii hor istaagay madaxweynihii qabiilkiinna.

 

  • Qaar kale waxay ku oranayeen sow reer hebel ma aha kuwa idin haysta, maanta ka faaiidaysta dagaalkan si aad u xorowdaan.

 

  • Qaar waxay ku dhahayeen reer hebel waa kuwii idin laayey, waxna idinkama siin dekedihii iyo garoommadii ay idinku dul samaysteen.

 

  • Qaar waxay ku dhahayeen weligiin waa laydin haystey, waxba maadnaan ahayn maanta ka faaiidaysta maxkamadaha islaamka.

 

  • Qaar waxay ku dhahayeen maanta waa fursaddii aad ku degi lahaydeen guryihiinnii laydinka bililiqaystay.

 

  • Qaar waxay u sheegayeen inay dan u tahay in la jebiyo awoodda reer hebel, oo markaas iyagu soo baxayaan.

 

Intaas waa waxyaalaha loo sheegayey qabiilka, waxaase ka badnaa waxyaalahii ay u sheegayeen ururrada, hay’adaha, shaqsiyaadka, firqooyinka diinta!, ganacsatada, shaqaalaha, danlayda IWM.

Subxaanallaah!,aaway dadka aqoon-yahamiintiisii, wax garadkiisii, siyaasiintiisii, saraakiishiisii, gabdhihiisii, dhallinyaradiisii iyo dhammaan qaybihiisii xaqa loogu lahaa wax tarka iyo garashada!!!.

Ugu yaraan maxaa loo weydiin waayey kuwa hoggaaminaya dagaalka wahaabiyada ee la baxay midawga maxkamadaha :

  • Idinku yaad tihiin? Illayn cidna ma reebine.

 

  • Maxaa loogu sheegi waayey in intooda badani yihiin kuwii ku taajiray hantida ummadda.

 

  • In bililaqadii hantida shacabku weli gacantooda ku jirto.

 

  • Inay safka hore kaga jireen dagaalladii qabiilka, burburka iyo fitnada.

 

Waxaad yaabaysaa marka aad maqasho masuuliyiin, barafasorro, saraakiil, iyo odayaal ammaanaya maxkamadahan! Bidcada iyo wax qabadka wahaabiyada, iyagoo aad arkayso inay ku beegayaan ammaantaas dano ay markaas leeyihiin, waxaad mooddaa inaanu wax dan ah ka lahayn mustaqbalka.

 Waxaad arkaysaa in aanu wax aqoon ah u lahayn taariikhda iyo xaqiiqada cidda uu taageerayo.

Waxyaalahaas oo dhan waxay kaalintooda ka qaateen fursadihii maxaakamadaha al-itixaadku uga faaiidaysteen dagaalkii la magac baxay farxaddoodii guul darrada.

La Soco Q.7aad

           Fursadda 8-aad

Adeegsiga xeeladaha dhagarta

Fursadaha ay ka faaiidaysteen ururka midowga maxkamadaha waxaa ka mid ahaa sida argagaxa leh ee ay u adeegsadeen khiyaanooyinka, taasoo aan laga malaysan karin dad diin sheeganaya.

Hoggaamiyaasha soomaalida iyo taageerayaashoodu aqoon uma lahayn sida diinta islaamku uga digtay una cadddaysay inay jiraan dhagar qabayaal ku ganbada diinta islaamka.

Aqoonyaridaas hoggaamiyaashu waxay keentay in kuwa sida dhagrta ah u adeegsada diinku isugu kala qaybiyaan afar qaybood oo kala ah:-

1.                  Qayb la shaqaysa hoggaamiyaasha, oo isugu muujisa saaxiibka koowaad ee ugu dhow, si ay ugu fududaato bixinta xogaha, ka fogaynta dadka wanaagsan, kala furfurka iyo iska horkeenka taageerayaasha iyo burburinta wax kasta oo wax tar u ah hoggaamiyaha.

2.                  Qayb la shaqaysa hoggaamiyaha lakiin ay isku xunyihiin, si toosana uga hor yimaada wax kasta oo muhiim u ah, iyagoo taageerayaasha ku qancinaya in hoggaamiyuhu xunyahay, dariiqii ka weecday, ayna tahay in layska tuuro IWM.

labadan kooxood ee ka tirsan ururka ama maamulka hoggaamiyaha marka hoggaamiyuhu tamar darreeyo ama wahaabiyadu xoog yeelato waxay ku dhawaaqaan inay ka bexeen maamulkiisa, ayna ku biireen dadka khayrka wada!! oo ay uga jeedaan Wahaabiyada.

3.                  Qayb ku noqota mucaaradka ugu fog. Qaybtan waxay canbaareeyaan gaalo ku sheegaan hoggaamiyaha iyo qof kasta oo la shaqaysa ama taageerta, waxayna awooddooda isugu geeyaan weerarrada iyo dacaayadaha ka dhanka ah; waxay soo jiitaan ama la midoobaan cid kasta oo kasoo horjeedda xataa hadday gaalo tahay.

4.                  Qayb iska dhigta dhexdhexaad!, waana qaybta ugu xun, waxay u sheegaan hoggaamiyaha inay dhexdhexaadinayaan isaga iyo wadaadada! ka soo horjeeda; waxay ka faaiidaystaan meel kasta oo laga wareemi karo hoggaamiyaha iyo fursad kasta oo looga faaiidayn karo wahaabiyada.

Afartan Qaybood waxay iska kaashadaan sidii ay u guulaysan lahaayeen wahaabiyadu, waxay iska kaashadaan burburinta awoodda hoggaamiyaasha; waana iska caddahay in hoggaamiyaasha Soomaalidu aanay lahayn siyaasadd ay isaga badbaadin karaan dad ilaa heerkaas u diyaarsan khiyaanada, iyagoo adeegsanaya magaca diinta islaamka.  

Sida xaqiiqada ah, munaafaqnimada iyo khiyaanadu waa hubka ugu culus ee ay adeegsadaan al-itixaadka wahaabiyada iyo ikhwaankoodu. Waa farsamada ugu weyn ee ay isticmaalaan marka ay doonayaan inay gaaraan danahooda bidcannimo.

Waxay ammaanaan qof kasta oo ay u arkaan in dan ugu jirto ammaantiisa, noocuu doono ha ahaadee.

 Waxay ammaanaan qof ay aad u neceb yihiin khayr ama shar midduu doono ha lahaadeee,waxayna u ammaanayaan inay ka diyaarsadaan sidii uu gacan uga gaysan lahaa burburintiisa iyo halaajinta awooddiisa ama jiritaankiisaba.

Aan wax yar ka tilmaanno khiyaanooyinka ay kula dhaqmaan ciddii dani ka gasho:-

Qoraal ay u direen dawladdii sal-ballaar ee Xuseen Caydiid madaxweynaha ka ahaa iyagoo muujinaya inay dawladdaas taageersan yihiin, waxay u qornayd sidan:

 Muqdisho

 24- 8- 96

   ku: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee J. Soomaaliya

   ku: Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta J.Soomaaliya

   og: Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda  Soomaaliya

   og: Golaha Hoggaaminta  Qaranka ee J. Soomaaliya 

    Ujeeddo: Codsi oggolaansho shir culamaa’udiin Soomaliyeed.

Waxaan codsanaynaa in naloo oggolaado in aan qabanno shirka kor ku xusan, kaas oo ah mid daba yaal Baaqii Madaxwaynihii hore allaha u naxariistee Gen Maxamed Farax Caydiid ee ahaa:-

Culamadu ha midoobaan, hana keenaan qaabkii loogu dhaqmi lahaa shariicada islaamka, shirkaasoo ujeedadiisu tahay in la mideeyo aragtida culamada Soomaaliyeed, si ay uga qayb qataan dhismaha waddanka.

Waxan ka rajeyneynaa madaxda sharafta leh ee warqaddani ku socoto in ay naga oggolaadaan gacanna nagu siiyaan qabashada shirka kor ku xusan.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka culamada Soomaaliyeed

 

 Sh. Cumar-Faaruq Cabdi Suldaan Xaaji Maxamed.

 

1/10/1416 oo ku beegan bishii 2-aad sannadkii 1993 wakiilkii wahaabiyada kismaayo C/raxmaan Maxamed Jibriil wuxuu yiri :

“Moorgan waa amiirkii mu’miniinta haddii uu maanta joogi lahaana isaga ayaa salaadda na tujin lahaa oo imaam noo noqon lahaa”

21/8/1996 waxaa aniga xafiiskayga yimi qaar ka mid ah hogaamiyaalka wahaabiyada al-itixaadka iyo ikhwaanul-muslimiinka oo kala ahaa:

Cumar faaruuq Sh. Cabdi Suldaan

Cornel Xasan Daahir Uways

Jabriil Afrax Ayaanle iyo Yuusuf Cali Caynte oo wakiil ka ahaa Sh. Maxammed Macallin.

Waxay iisoo gudbiyeen farriin ay iga codsanayaan in aan ka mid noqdo xubnaha ugu muhiimsan shirkooda.

Sidoo kale waxay ii soo gudbiyeen qoraal gaaban oo uu ku saxiixnaa sheekha wahaabiyada Soomaaliya cumar Faaruq, wuxuuna u qornaa sidan:

 

بسم الله الرحمن الرحيم

ألي رئيس أهل السنة والجماعة الشيخ عبد الرزاق يوسف آدم

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته .

 بعد تحية الأسلام  نحيطكم علما بأن لجنة إعداد مؤتمر علماء الصومال

    موضوع مجيئنا ألي مكتبكم الموقر, هو جمع كلمة علماء الصومال.

 والله ولي التوفيق .

   تقديم من اللجنة التحضيرية بمؤتمر علماء الصومال

  التوقيع: رئيس لجنة التحضير الشيخ عمر فاروق شيخ عبد سلطان

       7- 4- 1417هـ الموافق 21- 8- 1996

 

Ujeedadoodu ma ahayn inay mideeyaan culimada ama ay itixgelinayaan ama ay ahlu sunna waljamaacah khayr u wadaan, waxayse ahayd inay helaan kalsoonida dariiqooyinka, mudarrisiinta iyo taageerayaalka ahlu-sunna wal-jamaaca.

Annagoo ka faaiidaysanayna aqoonta aan u leenahay ula jeedooyinka wahaabiyada waan fashalinnay shirkaan iyo isku dayo aad u fara badan oo wahaabiyadu ku diyaarsanayeen danahooda al-itixaadnimo.

Waxaa faham iyo xusuus mudan, Haddii aad aragto wahaabiyo ku tixgelinaysa, kula tashanaysa, kula midoobaysa, kula hishiinaysa ama ku ammaanaysa waxaa ku yar awooddii ay kugu muquunin lahaayeen, waxayna kaa diyaarsanayaan sidii ay awood ugu heli lahaayeen burburintaada.

Marka aad dhuuxdo hab dhaqanka wahaabiyada waxaa kuu caddaanaya in mabad’a ama fikriga wahabiyadu ku xoogaysan karo waddan ay ku nool yihiin mujtamac ama shacab uu aad u hooseeyo wacyigooda diineed, siyaasadeed iyo bulsho, kuma sii jirto haddii waddankaas ka jirto dagaallo, gaajo, jahli IWM.

Dhagarahoodu ma ahan intaan oo kaliyah. Matallan marka ay doonayaan inay maxkamad aasaasaan waxay marka hore ku tallaabsanayaan muáamarado cirka ku shareera nabadgelyada.

Markey dadku isla dhawaaqaan ayey yiraahdaan saw ma aragtaan in loo baahan yahay maxkamad nabadgelyada sugta.

Sidaas awgeed xeeladda iyo dhagartu waxay ka mid ahaayeen fursadihii maxkamadaha! midawga wahaabiyadu uga faaiidaysteen dagaalkii uu kala taageerayey ajnabigu.

Fursadda 10-aad

Sheegashda difaaca culammada iyo amniga

Waxay maxkamadleydu! uga faaiidaysteen hoggaamiya kooxeedyada, inay uga dacaayad badiyeen shacabka.

waxay ku eedeeyeen in ay masuul ka yihiin ammaan la’aanta jirta, laysma weydiin kaalinta wahaabiyada iyo ganacsatadoodu ku leeyihiin dawlad la’aanta sababtay ammaan la’aanta.

Tan labaad waxay hoggaamiyaashan fashalmay ku eedeeyeen inay Maraykanka u safriyaan niman culamma ah.

Waxaad maqlaysaa dadka laga dhaadhacsiiyey arrintan oo dhahaya ma waxaan lagu jihaadayn dad culammada u safrinaya askarta Maraykanka?,.

Culammada oo dhan haddii la weydiiyey waa la waayey hal sheeekh oo loo gacan geliyey askarta Mareykanka, waxaa lagu yiri:-

haddii uu jiro noo sheega hal qof si aan uga marqaati kacno?, Noo sheega magacyada sheekhyada la dhoofiyey?.

Intaas waxaa dheer, waxaa marag ma doonta ah in wahaabiyadu yihiin dadka ugu been abuurka badan banu adamka inta la ogyahay.

Sheegashadoodu haddii ay run tahay waxay ka buunbuunin lahaayeen idaacadaha oo ah kuwa u heelloon taageeradooda.

Waa suura gal in ay jiraan askar Wahaabiya ah oo la afduubay sida iyaguba dadka u afduubaan, iyada ruuxooda aad ayey u buunbuunin lahaayeen.

Laakiin su’aasha xiisaha mudan waxay tahay haddii lagu jihaadayo oo uu gaal yahay qofkii qof muslim ah gaalo u safriya ama ka soo iibsada maxaa loogu jihaadi waayey madaxda midawga maxkamadaha ee lagu hubo arrintan?.

Waxaan la dafiri karin  in hawl wadeeenna ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa maxkamadda Ifka xalan ay afduubteen niman muslimiin ah, nimankaas  waxay gacanta u geliyeen askarta dalka Itoobiya oo dagaal kala dhexeeyey.

Gaariga lagu afduubtay muslimiintan waxaa iska lahaa nin ka mid ah taageerayaasha maxkamadaha oo la dhashay ninkii waqtigaas guddoomiyaha u ahaa midawga maxaakimta!!!.

Cornel Xasan  Daahir Uweys oo maxkamadda Ifka xalan madax ka ahaa wuxuu sheegay inuu wax ka ogaa arrinta waxashnimada ah sida noogu iman doonta wareysigan uu siiyey BBC-da.

Galab khamiis ah 17-10-1419h, oo ku beegan 04-02-99-ka waxay Idaacadda BBC-da qaybteeda afka Soomaaligu arrintaas ka waraysatay Xasan Daahir Uways, oo ahaa madaxa maxkamadda Ifka xalan; waxaana hadalladii uu afkiisa ka qirtay ka mid ahaa:-

  • In gaariga lagu afduubay saddex-da nin ee Oromada ah uu ka mid yahay Baabuurta ka hawl gasha maxkamadda uu madaxda ka yahay ee Ifka Xalan.
  • In ninka dadka afduubay uu ka tirsanyahay ciidanka maxkamadda ka howlgala.
  • In ninka nimanka afduubtay uu gacanta ugeliyey dawladda Itoobiya.

 

Markii la waydiiyay sida Xasan Daahir Uways ku ogaaday in nimanka Itoobiya gacanta loo geliyey wuxuu ku jawaabay: “Ninka nimanka afduubay wuxuu markii hore aaday kilinka shanaad, markuu soo laabtayna wuxuu ii sheegay in loo soo diray inuu fuliyo arrimo siyaasadeed, laakiin middaan afduubka ah lama ogayn”!!!!.

ka warrama haddii danbigaas cid kale samayn lahayd ilaa heerkee la buun buunin lahaa?.

Tan labaad haddi lagu jihaadayo ciddii afduub lagu soo eedeeyo maxaa loogu jihaadi waayey wahaabiyada maadaama sida la ogyahay iyaga lagu eedaynayey danbiya kuwaas ka weyn, oo ah inay ka danbeeyeen saraakiishii iyo dadkii sida gaadmada ah loogu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo la ogyahay in dadkaas ay isugu jireen kuwo ka hor yimi afkaarta maxkamadaha! wahaabiyada iyo dad ay ku eedeeyeen inay u shaqeeyaan gaalada, dawladda c/llaahi yuusuf iyo arrimo kale.

Weliba sida laga arkayey Wahabiyada iyo taageerayaashooda waxaa ka soo baxayey muuqaallo iyo erayo lagu xaqiiqsan karo inay ka danbeeyeen falalkaas dilka ah.

Intaas waxaa dheer in qaar ka mid ah isla wahaabiyada ruuxeeda ay wahabiyada al-itixaadka ee hormuudka u ah maxkamadaha ku eedeeyeen inay dadka ku laayaan Igtiyaal (asesenechin) oo ah in dadka loo dilo si qarsoodi ah.

Caddayntan waxay dhacday maalin jimca ah 06-05-1419H oo ku beegan 28-08-19998M, waxaa Magaalada muqdisho ka bilaabatay dood iyo raddin aad u kulul oo dhex martay madaxda wahaabiyada la kala yiraahdo magacaabay Al-Ictisaam/Al-itixaad iyo Salafiya-Jadiidah-.

Dhinaca Al-itixaadka waxaa u doodayey:-

1.                        Xassan Daahir Uways

2.                        Maxamuud Qasse (Abuu-sheeybah!).

3.                        iyo C/raxmaan Jiniqoow.

Garabka kale waxaa u doodayey

1.                    Xassan Xabeeb

2.                    Cumar Shiino, iyo

3.                    C/llaahi Xaashi

Qaybta danbe ee isku magacawday Salafiya waxay kooxda Xasan Daahir ee Al-itixaadka ku eedeeyeen:- In ay dadka shirqool ku dilaan iyo arrimo kale oo khatar ah.

Haddaba:-

  • Saw ma cadda in midawga maxaakimta wahaabiyadu ka faaiidaysteen xog la aaanta iyo wacyi yarida ummadda? aaway waxgaradkii, siyaasiintii, aqoonyahamiintii, saraakiishii, garan karay shirqoollada iyo mu’aamaradaha magacay doonaan ha ku ganbadeene.
  • Saw ma muuqato in waddanku dayacanyahay?
  • Meeday Sheegashda difaaca culammada iyo amniga.

 

«           Fursadda 11-aad

Taageerada Gaalada

Fasalkan waxaan ku daraasaynaynaa xiriiirka fog iyo taageerada qotada dheer ee ka dhexeeysa gaalada iyo wahaabiyada. Waxaan caddaynta arrintaan marqaati uga dhigaynaa taariikhda iyo waaqica, si loo ogaado sida ay u kala fog tahay wahaabiyada iyo waxa ay sheegtaan ee ah gaalo la dirirka.

Taas waxaan uga gol leennahay, waxaad ogtihiin inay dadka ugu yeeraan dagaal lagu qaado muslimiinta, iyagoo dhahaya:

  • waa cadawga Tawxiidka.
  •  kuma dhaqmaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga CSWS.
  •  ha la laayo ciddii xiriir la yeelata gaalada.
  •  madaxda dawladaha muslimiintu waa calmaaniyiin gaalo ah.
  •  waa gaal qofkii aan la dagaalin dawlad kasta oo wax ku xukunta calmaaniyadda.

 

iyo hadallada la midka ah ee lagu diyaariyo jabhaddaha wahaabiyada.

Kooxdan asal ahaan waxay ka soo jeedaan Maxammed Cabdul-wahaab oo geeriyoodey dhammaadkii qarnigii 18-aad ee miilaadiga.

Maxammed cabdul-wahaab iyo boqortooyada uu aasaasay ee Sacuudigu weligood ma gelin dagaal gaalo, Sida ku cad kitaabbada ugu caansan taariikhdooda, sida:- Taariikhu najdi, Siiratu- maxammad ibnu c/wahaab, Cunwaanul-majdi iwm.

Bal maxammed c/wahaab iyo taagerayaashiisa wahaabiyadu waxay ahaayeeen taageerada gaalada, gaar ahaan reer yurub.

Waxay gaalada ka taageeri jireen kala furfurka, fitnada, khilaafka, iyo wiiqitaanka muslimiinta iyo jebinta dawladdii Islaamka.

Si ay uga farxiyaan gaalada ugana nixiyaan muslimiinta M/ed c/wahaab iyo wahaabiyadiisu waxay laayeen boqollaal kun oo muslimiin ah, waxayna gumaadkaas ku magacaabeen Jihaad!!!.

Maxamed C/Wahaab wuxuu ku dhawaaqay inay gaalo yihiin dhammaan muslimiinta aan qaadan fikraddiisa. Wuxuu ku baaqay jihaad! lagu qaado dhammaan muslimiintii diiday inay u hoggaansamaan amiirrada Sacuudiga oo uu ku magacaabay madaxdii Tawxiidka!. Waxay si gaara u layn jireen Asharaafta, Culammada iyo madaxdii dawladdii islaamka ee cusmaaniyadda.

Dhanka kale, waxaa wahaabiyada taageero culus u fidinayey gaaladii reer yurub oo markaas dagaal ba’an kula jirtey dawladdii islaamka ee cusmaaniyadda.

Taageeradaas waxay ku dhammaatay in Ingiriisku wahaabiyada gacanta u geliyo Jasiiradda carabta; waxaa gacanta loo geliyey degaankii Rasuulka (CSW) oo ay ku jiraan Maka iyo Madiina.

Arrintan waxaan ku fahfaahiyey buugga Caddaynta xaqa iyo nasiixada xaq doonka juskiisa 1-aad ee TAARIIKHDA WAHAABIYADA. Si ay u noqoto xaqiiqo iyo maarqaati cad oo aanay inkiri karin, waxaan kasoo diyaariyey kitaabbada wahaabiyada ee qoraya xiriirradaas ka dhexeeyey gaalada iyo wahaabiyada, sida:

  • Siiratu muxammed ibnu c/wahaab, amiin saciid.
  • Sh. M/ed C/Wahaab Caqiidatuhu-Salafiya axmad Aala bawdaami, tasxiix BinBaas
  • Khaliijul-Carab,Amiin Saciid.
  • Shibhul-jasiirah, Joon Felebi.
  • Al-Malik Cabdil-Casiis Aala Sacuud Ummatun Fii Rajul,Cabdullaahi ibnu Cabdil-muxsin Al-turki aala Sacuud,
  • Taariikhu Muluuku Aala Sacuud, Amiir Sacuud Binu Hadluul.
  • Taariikhul-Mamlakatul-Carabiyatu-Sacuudiyah, C/Llaahi Saalax Al-Cusaymiin
  • Tawxiidul-Mamlakatil Carabiyati-Sacuudiyah Dr M/Ed C/Llaahi Al-Salmaan,
  • Al-Wajiis Fii Siiratil Malik Cabdil-Casiis, Khayrudiin A-sirikli,
  • Taariikhu Dawlatil-Islaamiyah Wasaaratul-Macaarif Limamlakatil-Carabiyati-Sacuudiyah,
  • Al-Mamlakatu-Sacuudiyah Fii Cahdil Malik Cabdil-Casiis, Joon Felebi
  • Taariikhu-Njdil-Xadiisah, Amiin Rayxaan.
  • Macaariku Malik C/Casiis, Dr C/llaahi Salax Al-Cusaymiin.
  • Taariikhul-Mamlikatil-Carabuyati-Sacuudiyah, fasalka 3-aad dugsiyada dhexe, dabcadiisii 13-aad, manhajka sanadii 1992.
  • Muxammad c/wahaab muslixun madluumun wamuftaran calayhi, Abuu mascuud al-Nadawi.
  • Al-Islaam fil qarni taasic cashar, tarjamadii Dr Nabiih Amiiin & Muniir Baclabaki.
  • Ibnu Sacuud siyaasatuhu, xuruubuhu, tarjumadii Musdaf al-Xafnaawi.
  • Taariikhul-carabil-caam,tarjumadii Caadil Zucaytar.

 

Sidaas awgeed, gaaladu ammaan xaqiiqada ka fog ayey ku ammaaneen Maxammed C/wahaab iyo Wahaabiyadiisa, sida ay soo xiganayaan kitaabbada wahaabiyada ee kor ku qoran siiba Siiratu maxammed C/wahaab, kitaabul-muslix,sh. M/ed C/wahaab Caqiidatuhu-salafiyah iwm. waxaana gaaladaas wax ka qortey wahaabiyada ka mid ahaa:

§                        Mustashriqa wayn! ee reer Al-Maani Karel Boro Kalmaan, kitaabkaaiisa la yiraahdo Taariikhul Sucuudi Al–Islaamiya  juskiisa afaraad.

§                        Aqoonyahanka! faransiiska ah ee la yiraahdo Barnawiit Luwis kitaabkiisa la yiraahdo Al-Carab Fi Taariikh.

§                        Hogaamiyaha sare! ee mustashriqiinta kitaabkiisa la yiraahdo Al-Caqiida Wal Shariica.

§                        Mustashriqa reer Faransa ee la yiraahdo Seediyow kitaabkisa Taariikhul Carabil Caam.

§                        Mustashriqa Ingiriiska ah ee la yiraahdo Jiib kitaabkiisa Al-Muxamadiya.

§                        Kooxda mustashriqiinta ah ee alliftay kitaabka la yiraahdo Al-Islaam Fii Nadaril Qarbi.

§                        Shirkaddii islaamka caayi jirtku ay, diintana beddeli jirtay, gaalnimadana faafin jirtay ee loo yaqiin Daa’iratul Macaarifil-Biridaaniyah.

§                        Ameerikaanka la yiraahdo Dr. Low Seruuk Setoo Dared kitaabkiisa la yiraahdo Xadaaratul Caalamil- Islaami.

Haddaba, wahaabiyada isku magacawday midawga maxaakimta islaamiga haddii ay gaalo ku sheegayaan ciddii gaalada la yeelata is kaashi ama xiriir saw xaq kuma aha inay gaalo ku sheegaan  sheekhooda maxammed c/wahaab, Sacuudigiisa iyo guud ahaan wahaabiyada oo dhan maadaama ay kitaabbadooda ku cad-deeyeen taageerada iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhexeeya gaalada iyo iyaga.

Weliba waxaa laga dheregsanyahay in ingiriiska oo hormuud u ahaa reer galbeedka iyo sahyuuniyadda ay u samaysteen wahaabiyada sidii ay u burburin lahaayeen muslimiinta iyagoo ku ganbanaya magaca diinta Islaamka.

Sidaas awgeed, haddaan qaadanno xukunkii ay jihaadka ku sheegteen maxkamadaha! Muqdisho sow waajib maaha in lagu jihaado wahaabiyada ay iyagu ka midka yihiin meel kastoo ay joogaan?.

Alla yaa siyaasiinteenna, culamadeenna iyo aqoonyahamiinteenna bara taariikhda wahaabiyada, si ay ummadda uga badbaadiyaan shirqoolladan laayaanka ah.

Websit-ka wahaabiyada www.sahab.net wuxuu soo xigtay iftaha sheekhyada wahaabiyada oo caddaynaya in Usaama Binlaadin yahay Bidci khawarij ah oo argagaxisa ah.

Bin Baaz oo u hadlaya hay’adda ugu sarreysa wahaabiyada adduunka ee uu madaxda ka ahaa wuxuu yiri: “Usaama arlada ayuu fasaadiyaa, wuxuu ku dadaalaa dariiqa sharta, wuxuuna ka baxay daacadii waliyul amriga ( boqor fahad). Sidaas waxaa qoray Majallada  Al-Muslimuun  iyo Sharqul-Awsad tariikh da 9-kii jamaadul awal 1417 .

Sheekha wahaabiyada Axmad Najmi wuxuu yiri: Usama iyo Daalibaan waa Bidcadii uu Nabiga CSWS yiri “Lacnaddii Ilaahay ha ku dhacdo qofkii bidcada xiriiriya.

 Muqbil ibnul-haadi Al-Waadici oo ka mid ah garabyada ugu waawayn wahabiyawda adduunka wuxuu yiri : Ilaahay hortiis ayaan beri uga ahay  Binlaadin, wuxuuna ummadda ku yahay shu’mi iyo balaayo. Shaqadiisuna waa shar. sidaas waxaa qortay Jariidada Ra’yul Caaam ee Kuweyt cadadkeedii 11503.

 

  Majallada Al-Buxuuthul Islaamiyah cadadkeedii 50-aad waxay qoratay Bin Baz oo mar kale iftooday in Usaama iyo kooxdiisu yihiin shar iyo fasaad weyn, ayna waajib thay in la cirib gooyo lagana digo qoraalladooda iyo oraalladooda. Sidaas oo kale waxaa faasidnimada Usaama iftooday saalax aala sheekh iyo hogaaamiyasha wahaabiyada. 18/11/2001

Haddaba, haddii ay yihiin gaalo lagu jihaadayo ciddii isku magacawda la dagaallanka argagaxisada:

  • Maxay Wahaabiyadu gaalo ugu sheegi waayeen sheekhyadooda Sacuudiga?, sida BIN BAAZ, Cusaymiin, Saalax Fawsaan, C/casiis aala sheekh, iyo kuwa la midka ah oo sida la wada ogyahay iftoodey (jawaabay) in Usaama bin laadin iyo kuwa raacsani yihiin khawaarij argagixiso ah? Oo ay waajib tahay in lala dagaallamo.

 

  • Nimankaas jawaabay la dagaallanka argagixisada waa sheekhyadii madaxda maxkamadaha!.
  •  waa nimanka maal geliya, waa kuwa ay muxaadarooyinkooda ku ammaanaan kuna sheegaan inay yihiin sheekhyada tawxiidka!.

 

  • taas awgeed waxaa gar loogu leeyahay maxkamadleyda! in la weydiiyo maxaad u dhihi waydeen halagu jihaado sheekhyadiinnaas sheegtay la dagaallanka argagixisada.

 

  • Dhanka kale maxay wahaabiyada maxkamaduhu gaal ugu sheegi waayeen Usaama markii uu gaalo ku sheegay sheekhyadooda aan soo sheegnay ee sacuudiga?.

 

  • Haddaba aan mar kale weydiinno maxkamadaha wahaabiyada ma Usaama ayaad raacsantihiin oo waxaa gaalo ah shiikhyadiinna sida usama qabo? Mise,sheekhyadiinna ayaad raacsan tihiin oo Usaama iyo taageerayaashiisu waa argagixiso khawaarij ah? Mise labadaba weysku tihiin  maadaama aad dhaqaale uga baahan tihiin?.

 

  • Maxayse diintu ka qabtaa dad diin sheeganaya oo dhaqankooduna sidaas yahay?
  • Yaa yaqaan meel loo raaco wahaabiyada?.
  • ka warrama kuwa u aaminay diinkooda iyo masiirkooda?.

 

  •  aan hoos usoo daadegnee, Haddii Maxakadaha riddadu ku jihaadayaan qofkii gaal la xariira, maxay ugu jihaadi waayeen madaxda midawga maxkamadaha oo uu ka mid yahay Xasan Daahir Uways kuwaasoo idaacadaha iyo wargaysyada adduunka laga maqlayey codsiga iyo xiriirrada  ay la sameeynayeen Maraykanka?

 

  • Mise waxay ka codsanayeen maraykanka siduu wax ugu xukumi lahaa kitaabka alle!! ?.
  • Maxay u ammaaneen uguna mahad celiyeen madaxweynaha kenya iyo wasiirkiisa dibadda markay uga hiilliyeen hoggaamiya kooxeedyadii dagaalku kala dhexeeyey ?.

 

  • Maxay maraykanka ugu direen warqadaha ay ku caddaynayeen in aanay doonayn inay dhaliyaan dawlad islaami ah?.

 

  • Maxaa wiilasha loogu dagaal geliyey in la dhisayo dawlad islaami ah! Haddii arrinku sidaas yahay?
  • Saw dad badan uma aydnaan layn  inay diideen sida aad sheegteen in laysku xukumo kitabka Alle iyo in la helo dawlad islaami ah!?.

 

  • Haddii hoggaamiyaashii Soomaalida ahaa aad ugu jihaadeen inay gaalo yihiin, madaxa Maraykanka Talyaaniga, eretereya iyo Kenya ma islaamiyaa!!!.
  • Kulankii Xasan Daahir iyo Safiirka Talyaanigu muxuu ku saabsanaa? Ma waxay ka wada hadlayeen sidii dalka loogu xukumi lahaa shariicada Islaamka?!!

 

  • Maadaama waxaad doontaan dadka u sheegtaan idiinna marto, ma is tiraahdeen waad nasiib badan tihiin, haddiiba aad hesheen ummad aad khaldi kartaan ilaa heerkaas?.

 

Dhaqankan ma aha mid ku  eg wahaabiyada soomaaliya iyo maxkamadohooda waa mid ay uleeyihiin asal iyo taariikh laga soo billabo maxamad cabdul wahaabkii lagu aasaasay ilaa iyo waqtigan aan hadda joogno.

Mathalan Sheekhyadooda ugu waawayn wahaabiyada adduunku waxay soo saareen bayaan ay ku taageerayaan dagaalkii Maraykanka iyo xulafadiisu ku  qaadeen dalka Ciraaq 1991-dii oo ku beegan 22-kii bishii 1-aad 1411H.

Bayaankan ay wahaabiyadu ku taageerayeen maraykanka, yahuudda iyo xulafadooda waxay Sidii caadada u ahayd ku sheegeen “ in ay waajib tahay! in  Maraykanka iyo xulafadiisa lagu taageero dagaalka ay ku qaadeen Ciraaq”  waxayna sheegeen inay ku ayidayaan waliyul amriga oo ay uga jeedaan Boqor Fahadkii Sacuudiga!.

 

Weliba Waxay iftoodeen in taageeradaasi waajib tahay, waxayna sidii lagu yiqiin sheegeen in taageeradaas gaalada ay u daliishadeen Qawaacidda shariicada islaamka iyo Adillooyinkeeda!!!.

Intaas waxay raaciyeen in waliyul amriga ay waajib ku tahay inuu kaalmaysto xulafada reer galbeedka ee Maraykanku hoggaaminayo!!!.

Waxaana bayaankan saxiixay hogamiyaasha wahaabiyada oo kala ah:-

1.           Cabdullaahi khayaad

2.           Cabdilcasiis bin Baas

3.           Cabdil-casiis bin Saalix

4.           Cabdu-rasaaq Cafiifi aala-sheekh

5.           Muxammad bin Ibraahim bin Jubayr

6.           Sulaymaan Cubayd

7.           Saalax bin Cali bin Gasuun

8.           Cabdul-majiid Xasan

9.           Raashid bin Khunayn

10.  Cabdullaahi bin Sulaymaanul Maniic

11.   Saalax ibnu Maxammad Allaxiidaan

12.   Cabdillaahi bin Cabdi raxmaan Al-   gadyaan

13.   Saalax bin Fawsaan Al-fawsaan

14.   Muxammad bin Saalax Al-cusaymiin

15.   Cabdullaahi bin Cabdu-raxmaan Al-bisaam

16.   Xasan bin Jacfar al-cutami.

Arrintu markay sidaas tahay, saw la isma waydiin karo suáalahaan;

Fursadda 12-aad

Dawladaha ama Hay’adaha Danaha ka leh Soomaaliya

Wahaabiyada iyo ganacsatadooda dhiig miiratadu waxay ka faa’iidaysateen dawladaha iyo hay’adihii danaha ka lahaa Soomaaliya. Fursaddaas ay ka faaíidaysteen waxaan ka xusi karnaa laba qaybood:

§                    Waa tan koowaade, dawladaas ama hay’adahaas waxay taageerayeen inaan waddanka dawlad ka dhalan, waxay fashalinayeen isku day kasta oo hishiis ama nidaam ka iman karo; taas oo fursad baaxad weyn u noqonaysey wahaabiyada al-itixaadka, xag dhaqaale, siyaasad, ciidan, bulsho iyo xag kastaba.

§                    Waa tan labaade, waxaa dawladaha, hay’adaha, iyo shakhsiyaadka taageera wahaabiyada u suurtoobaayey in iyagoo ka faaiidaysanaya dawlad la’aanta ay wahaabiyadooda u taageeraan si ka baxsan nidaamka iyo sharciga, waxayna ku gacan siiyeen inay si khaldan uga faaiidaystaan kaalimihii iyo hay’adihii dawladda IWM.

§                    Dawladaha deriska waxaa ku yaal saldhigya aad u dhibaato badan, oo laga taageero qaarado kale. Saldhigyadaasi, waxay ka mid yihiin xarumaha wahaabiyadu uga soo duusho Soomaaliya, waxayna ku taamaan inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhigga ugu muhiimsan caalamka.

§                    Waxay Fursad ka dhigtaan colaadda muddada dheer u dhexeysey Soomaalida iyo Itoobiya, oo ay uga faaiidaystaan wejiya kala duwan oo aan dan u ahayn labada dhinac midna.

§                    Waxay ka faaiidaystaan dalka keenya oo dhaqan ahaan maamulkiisa lagu sheego mid leh fursada badan oo ay ka faaiidaysan karaan, sidaas darteed, Kenya waa saldhigga ugu muhiimsan ee wahaabiyadu sanada badan ku lahaayeen Geeska Afrika.

§                    Dalka jabbuuti waxay sanadahan danbe wahaabiyadu u arkayeen meel ay isku halayn karaan, waxayna uga faaiiadysteen:

1)                 Qaybta sahanka wahaabiyada ee tabliiqa oo dalka Jabuuti si wayn uga hir gashay.

2)                 Dalka oo aad uga hooseeya dhinaca aqoonta iyo barashada diinta islaamka, kuna yar yihiin culammada aqoonta u leh raddiga bidcada, iyo

3)                 Arrima kale oo xasaasiya, hubinna u baahan.

Sidaas awgeed dhammaan fursadihii aan soo sheegnay ma heleen midawga wahaabiyadu haddii aanay ka faaiidaysan qaladkan ay galeen dawladaha iyo hay’adaha danaha kaleh Soomaaliya.

«           Fursadda 13-aad

soo bixitaankii C/Qaasim Salaad Xasan

C/qaasim wuxuu ka mid ahaa fursadihii midawga wahaaabiyadu ka faaiidaysteen, wuxuuna ku jirey wasiirradii ugu caansanaa dawladdii hantiwadaagga, waqtiyadii danbe ee wasiirrnimadiisana wuxuu u janjeersaday dhinaca wahaabiyada.

Xiriirkii C/qaasim iyo wahaabiyadu wuxuu sii xoogeystey muddadii ay iska kaashanayeen fashilinta hoggaamiyaashii xukunka ka riday dawladdii uu ka ahaa wasiirka arrimha gudaha.

C/qaasim waxay rajadiisii siyaasaddeed soo laabatay kadib dhimashadii General Caydiid, isagoo ka faaiidaysanaya fursaddaasna wuxuu sameeyey dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aad ugu tiirsan wahaabiyada ( Ikhwaanul-muslimiinka iyo Al-itixaadka).

Intaas waxaa u dheeraa xiriirkii uu la lahaa siyaasiintii, ganacsatadii, iyo odayaashii ay iska kaashan jireen maja xaabinta hoggaamiyaashii ka dhex muuqday awoodda dalka.

Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii maxkamadaha wahaabiyada; taasoo ahayd runtii mid sii kordhisey xiriirkii ka dhexeeyey C/qaasim iyo Wahaabiyada.

C/qaasim iyo Maxaakimta waxay si mug leh isaga kaashadeen shirkii Carta ee C/qaasim loogu soo doortay xilka madaxweynanimada.

Sidaas awgeed, qaybaha wahaabiyadu awoodda ayey isugu geeyeen taageerada dawladdaas, waxaana xilka u dhaariyey sheekha wahaabiyada Soomaaliya Cumar faaruq oo isaga qudhiisu xildhibaan ka noqday dawladda C/qaasim.

Xilal aad u badan ayey wahaabiyadu ka qaateen dawladdaas, gaar ahaan madaxdii maxkamadaha waxaa la siiyey xilal isugu jira xildhibaanno iyo qaadiyaal aan ku dhisnayn shariicada islaamka.

Waxay kala direen maxkamadihii ay ku magacaabeen ku dhaqanka shariicada islaamka!!.

Wahaabiyadu waxay halkaas ku qaateen maamul calmaani ah, horeyna waxay dadka ugu sheegi jireen dhiig badanna u daadiyeen inuu gaal yahay qofkii wax ku dhaqa calmaaniyada iyo xukun aan kitaabka Alle ahayn.

Intaas kuma ekaysan taageerada, waxay ku hadlayeen guulwadayn iyo kacaannimo aan horey loo arag.

 Arrimahan oo dhan waxay ku tusayaan in wahaabiyadu gaalnima ku sheegaan wax kasta oo aanay ka arag dantooda gaarka ah, laakiin waa islaami marka ay ka helaan rabitaankooda!!!.

Sheekha wahaabiyada Cumar Faaruq wuxuu ku sheegay imaatankii C.Qaasim muqdisho yimi inuu la mid yahay markii Nabi muxammad CSW Maka furtay!! Cumar Faaruq wuxuu hadalkan yiri isagoo ka hadlaya garoonka ciyaaraha (stadiom muqdisho) soo dhoweyntii C.qaasim markii ugu horreysey ee uu soo qaatay xilka madaxweyninimadii fashalantay.

Madaxa wahaabiyadii luuq Maxammed Xaaji oo ka hadlayey goobtii lagu diyaarinayey Wahaabiyada isku magacawday Dalladda culammada wuxuu yiri: annagu waxaan aaminsannahay in madaxweyne C/qaasim uu yahay Amiirul-muuminiin, uulul amri ah, ayna tahay in la adeeco!!.

 

C/Qaasim wuxuu diyaariyey kulan bidco oo si been abuur ah loogu magacaabay Dalladda Culammada.

Wuxuu muftiga dalka u diyaariyey Sharif Cabdi Nuur oo ah wahaabi ku caasiyoobay sheekhyadiisii cilmiga soo baray ee Suufiyada ahaa.

Wuxuu diyaariyey odayaal, ganacsato iyo idaacadley taageerta siyaasadda wahaabiyada, iyo barnaamijyo badan oo uu ku taageerayo kooxdiisa wahaabiyada.

Dhanka kale, taageeradan xad dhaafka ah ee wahaabiyada wuxuu C/qaasim ku waayey taageeradii madaxda Dariiqooyinka Suufiyada iyo Mudarrisiin-tooda Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca iyo taageerayaashoodii faraha badnaa.

C/Qaasim wuxuu rajadiisii madaxweynanimada ku baabi’iyey taageerada wahaabiyada oo ah kuwo dakana weyn ka galay ummadda islaamka iyo culamadooda iyo xataa dawladihii diyaariyey ee gaalada ahaa.

Intaas waxaa u raacay cillado xaggiisa ah iyo diidma adag oo kaga timi siyaasiintii uu horey u naafeeyey hoggaamintooda.

Dhammaan raadadkii ka dhashay arrimahan C/Qaasim maleegay waxay ka mid ahaayeen fursadihii ugu muhiimsanaa ee ay dagaalka uga faaiidaysteen wahaabiyada la baxday midawga maxaakimta

GABA GABO

Doorka & Aragtida culammaa’udiinka

Sababta aan gabagabada qoraalkan ugu doortay ciwaankan wayska caddahay, waa tan koowaade  waxaan ka hadlaynaa kooxo sheeganaya dhaqdhaqaaq islaami ah; kooxo si diinta ka fog u adeegsada magaca diinta islaamka; kooxo wax kastoo ay burburiyaan ugu yeera magacyada quruxda badan ee diinta xataa haddii diinta looga baxayo.

Waa tan labaade, madaxda, siyaasiyiinta, aqoonyahamiinta iyo wax garadka isu diyaariya hoggaaminta dalka mid fiican iyo mid xunba awood uma laha inay dalka iyo dadka ka difaacaan shirqoolkan ku ganbada magaca diinka; kii isku daya inuu difaacana ma garanayo wadiiqada ugu habboon ee loo maro.

Bal waxaaba imaan kara in isagii loo arko nin la dagaallamaya diinta Islaamka, bidcadiina loo arko niman difaacaya diinta islaamka.

Dhibaatadaas waxaa sababay madaxda oo aan wax xiriir iyo iskaashi ah la lahayn culammada xaqa ah ee aqoonta wanaagsan u leh diinta Islaamka. Sidaas darteed, si looga badbaado shirqoolladaas waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo:-

  • Doorkii culammadu ku lahaan jireen hurummarka iyo badbaadada ummadda iyo kan hadda kaga aaddan.
  • Aragtida culammaa’udiinka ee ku aaddan sida looga samata bixi karo khatarta dalku ku suganyahay.

 

Haddaba si arrimahaas loo xaqiijiyo, aan faallo kooban ka bixinno taarikhda iyo doorka culammada Islaamka ee Soomaaliya. Sida ay ka war qabaan inta aqoonta u leh taariikhda geyigan, dalka Soomaaliya waa waddan diinta Islaamka ku leh taariikh & xadaarad fac weyn.

Waa wadankii ugu horreeyey ee diinta Islaamku soo gaartay (615M) 5 (shan) sano oo keliya markii laga joogay soo bixitaankii Rasuulka (CSWS), waqtigaas oo ku beegnaa 8 sano ka hor hijradii Rasuulka (CSWS) ee Madiina.

Hijrooyinkii karaamada badnaa ee diintu ku soo gaartay dalkeena waxaa kala hogaaminayey Sayid Cusmaan Ibnu Cafaan & Jacfar Ibnu Abii daalib (RCM).

Rabbi (SWT) ayey mahadi u sugnaataye ilaa xilligaas marna wax hakad ihi ma gelin faafitaanka diinta Islaamka, ilaa ay soo baxeen culama Soomaaliyeed oo door weyn ka qaadatay barashada & fidinta diinta Islaamka oo gaaray heer iyaga looga soo xareysto caalamka Islaamka.

Waxey qoreen culumadaas Soomaalida ihi kutub caan ah oo leh fanni kasta oo culuumta Islaamka ah, waxay culammadaasi isugu jiraeen:-

Qurraa’, Mufasiriin, Xufaad, Fuqa’ha, Mu’arikhiin, Luqwiyiin & qeybo kale, waxaana ka xusi karnaa:-

  • Al-iimaam Fakhrudiin Al-Saylaci oo ahaa sheekhii Xaafidu Seylaci oo allifay kitaabka weyn ee la yiraa Tabyiinul-xaqaa’iq oo ah sharaxa kitaabka weyn ee Kansu-daqaa’iq.
  • Al-Xaafidu Seylaci oo qoray Kitaabo badan oo loo cuskado diinta Islaamka, sida Nasbu-rayah fi takhriiji axaadiis il- hidaayah.

 

  • Imaamu Shamsu-diin Al-Maqdashi oo ka mid ahaa culumadii ugu caansaneyd qarnigii 8-aad ee Hijriyada.

 

  • Imaam Max’uud Ibnu Cali Ibnu Abiikar Al-maqdashi oo ahaa Iimaam reer Muqdisho ah; waxaana xufaadii uu sheekh u ahaa ka mid ahaa: Al-Xaafidu Dahabi & amiirkii mu’miniinta ee Axaadista ee Al-Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani oo ahaa Imaamkii allifay sharaxa ugu weyn Saxiixul-Bukhaariga ee Fatxul- Baari.

 

Imaam-yaalka waaweyn ee Islaamka ee ka sii faa’ideysatey mashaa’ikhdan Soomaaliyeed iyo kuwa ka qaatay cilmiga waxaa kale oo ka mid ahaa:-

  • Al-Xaafidul Ciraaqi, shaykhul-islaam.
  • Al-Xaafidul Ceyni.
  • Al-Xaafidul  Busayri.
  • Al-Xaafidul Casqalaani, shaykhul-islaam.
  • Al- Xaafidul Haythami.
  • Al-Xaafidu-Sakhaawi,
  • Xaafidu- Siyuudi, Sheykhul Islaam
  • Al-Xaafid Sakariyal-ansaari, shaykhul-islaam.
  • Al-xaafidul-Jasari, shaykhul-slaam.
  • Al-Xaafidul-qasdalaani, shaarixu S/Bukhaari
  • Imaam Ibnu Xajar Al-Haytami,
  • Imaamu Ramali, Saaxibu nihaaya,
  • Imaam Khadiibu- Sharbini, iyo
  • Imaamyo kale oo aan halkan lagu  soo koobi karin.

 

Culammada Soomaaliya waxaa intaas u dheeraa kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen difaaca diinta, dadka iyo dalka oo ay hogaaminayeen mashaa’ikhda Suufiyada ee Ahlu-Sunna wal-Jamaaca . sida:-

  • Sheekh Cumar Walasmac.
  • Sheekh Sacdudiin Al-Saylici.
  • Imaam Axmed Gurey.
  • Amiir Nuur.
  • Sayid Max’ed Cabdulle.
  • Sheekh Muxammad Khaliif.
  • Sh. C/qaadir Sh. Sakhaawa-diin,
  • Sheekh Uweys.
  • Sheekh Xasan Barsane.
  • Sheekh Bashiir, &
  • Mashaa’ikh  kale.

 

Waxaa taariikhda ku cad oo aan marag u baahnayn, in muddadii mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee Suufiyada ahaa hoggaaminayeen dalka aan marna la hanan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, lana gaaleysiin hal qof oo muslim ah.

Dadaalka dheer ee culumada Soomaaliyeed wuxuu sababay in Soomaaliya yeelato midnimo dhan kasta ah. waayo:

 Mad’hab ahaan waa Shaaficiya, caqiido ahaana waa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku abtirsada Abu Xasan Al-Ashcari & Abuu Mansuur Al-Maa’turiidi, kuna mideysan dariiqada suufiyada oo dhammaantood ku abtirsada iimaamyada Salafu Saalix.

Waqtigan aan joogno culammada Soomaaliyeed ee suufiyadu waa kuwa dadka bara diinta islaamka, waxay aqriyaan:

Tafsiirka, Qiraa’aadka iyo dhammaan culuumta Qura’aanka kariimka.

Axaadiista Rasuulka CSWS, Musdalaxa iyo dhammaan culuumta axadiista.

Caqiidada, Fiqhiga, Usuulul-fiqhiga, Siirada, iyo Aalada (dhammaan fanniyada carabiyada).

Ilaa iyo hadda ma jiro qof  kitaab aqrin kara oo aanay Suufiyadu cilmiga soo barin, xataa kuwa fara ku tiriska ah ee wadaadada u ah wahaabiyada waxaa wax soo baray culammada suufiyada.   Arrintaas waa marag ma doonto.

Tan kale, culammada suufiyadu waa aqoonyahamiinta difaaca caqiddada suuban ee ahlu-sunna wal-jamaaca.

Intaas waxaa u dheer waxay ka shaqeeyaan hishiisiinta iyo is jecleysiinta ummadda walaalaha ah.

Guul weyn ayeyna ka gaaraan meelaha aanay ka jirin fara gelinta iyo shirqoollada dibadda laga maleego, meelahaas ruuxooda wax badan ayey ka badbaadiyaan.   

Waa dhaxalkii anbiyada, waa khaliifyadii Awliyada Ilaahay, Muslimiinta ma laayaan si ay ku helaan xukun, dhaqaale, jago iwm.

Dalka ma burburiyaan  mana u adeegaan cadawga diinta, dadka   iyo dalka.

Diinta ma beddelaan, ma gataan, mana caasiyaan sheekhyadooda, ma caayaan mana weeraraan taariikhda ummaddooda, diinta way aamminsan yihiin ee kuma gabbadaan.

Sidaas darteed, culammada, madaxda iyo dhammaan wax garadka Soomaaliyeed waxaa lagama maarmaan u ah:

1.                  In ay iska kaashadaan soo noolaynta iyo xoojinta doorkii culammaa’udiinka si ay kaalin mug leh uga qaataan bad’baadada ummaddan muslimka ah.

2.                  In la horumariyo ku dhaqanka shariicada islaamka sida saxda ah  ee ku dhisan badbaadada, naxariista, wada noolaanshaha wanaagsan,iyo horummarka ummadda adduun iyo aakhiro,si looga guulaysto kuwa sida beenta ah ee naxariis darrada ah u isticmaala magaca diinka.

3.                  In muddnaan weyn la siiyo taageerada sidii dawladnimada cagaha loogu taagi lahaa, si loo gaaro fursad dadku ku dooran karaan cidda ay ku kalsoon yihiin.

4.                  In la sameeyo ila dhaqaale, ganacsi iyo barnaamijyo nololeed oo ka heer sarreeya kuwa bidcada, si looga samata baxo khatarta hantidooda.

5.                  In la horumariyo barnaamijta culammada wanaagsan si ay ummadda uga badbaadiyaan shirqoolka kuwa sida gurracan u adegsada magaca diinka, iyadoo aanay jirin cid kaga fog diinta islaamka.

6.                  In dhamaan qaybaha bulshadu iska kaashadaan sidii ummaddan looga saari lahaa adeegsiga qabyaaladda oo ah birta lagu qalo shacabkeenna walaalaha ah.

7.                  In la sameeyo ilo wax barasho tayo badan, si ummadda looga saaro jahliga dhaawacay jiritaankooda, loogana badbaadiyo manhajka dilaaga ah ee iskuullada wahaabiyada iyo cadawga.

8.                  In madaxda iyo aqoonyahamiintu ka digtoonaadaan ka fogaanshaha culammada wanaagsan ee aqoonta u leh diinta iyo barnaamijta lagu difaacayo laguna horumarinayo ummadda.

9.                  In xiriir wax tar leh lala sameeyo dawladaha iyo hay’adaha gacanta wanaagsan ka gaysan kara horummarka dalka.

10.             In lala xisaabtamo dawladaha iyo hay’adaha gacanta ka geystey burburka iyo xasillooni darrida dalka.

11.             In la sameeyo idaacado iy warbaahinno qayb libaax ka qaata wacyi gelinta iyo samata bixinta ummadda.

12.             In la kun jibbaaro hishiisiinta midaynta iyo is jeclaynta ummadda.

Allaha nagu galladaysto Iimaan, naxarriiis, sharaf iyo barwaaqo.

                                     Wa billaahi tawfiiq.

 

                               Sh. C/Rasaaq Yuusuf Aadan.

Wixii Talo iyo Tusaala ah Noogu soo dir Ciwaankeena

Webmaster@ahlusunna.org

3 Comments »

  1. 1
    maxamed Says:

    Xagen kahelayaa kutubada ay qoren o dhan ahlusuna wal.

  2. magaceyga wa faarax sh. Axmed joga muqdisho somaliya, ahna mid kamid ah mashaaiqda soomaliya owladis baan ahay, arday aad uda’yar misna jecel diinta, iyo waxbadan inu kafaidesto culumada waxqorta sida sheq c/risaq yusuf oo an aad uga helay siduu wahaabiyada uga taariiqeyay misna fashiliyay o shaaca ka qaaday wax ay damacsanaayeen,
    loona so diray diinta duminteeda, inta kadib aniga oo qoraya buug marki an so gaaray qebaha wahabiyadii hore e maxkamadaha ina kataariiqeyo donayay ayan waxan warbixino kasn radiyay wabside yda iyo mela kale, kadib bugan sheqa leyahay ayan arkay wlh aad ban ufarxay markan bugan arkay waxbadana wan ka qortay wana wada aqristay, waxan uciishoday dadka buugan okale kaqarsan, wahabiyadu sidee dhagar qabo yal halis ah uyihin dadka kaqarson buugan ine aqristan ayan ugu cishoday wayo way ka digtonan lahaayeen,
    aniga so kobaya waxan sheeq c/risaq iyo culumada ka codsanaya buugan in caadi loso daabaco labadiyo dalka odhan lagiliyo, waxan raba buugagta aad shegteneen e wahabiyada katariqenaya inan helo oo ad igu cawisan hadi ay qoranyihin san kuheli laha, hadesan qornena sidhaqsi buug loga so dhigo magalada muqdishana lakeno,
    sheeqa alah danbigis dhaafo buugisana aad bu umacanyahay wuxuna umacanyahay qofka waxa xaqa og islamarkasna caqiidadis toosantahay, wa faarax sh. Oo culumada ahlusuna dhan salaamaya isla markaasna jecel,

  3. waxan rabaa bugaagta uusheeqa kor kuxusy o wahabiyada ka taariiqenaya, halken ka helaya,
    mida kale wabsite ka like garentisa wan ku warere ee idinka facebookgiina iyo iimelkina ino so qora


RSS Feed for this entry

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: