khawaarijta alshabaab iyo aqoonyahaniinta

Mooryaanta iyo Shabaabka kee Fiican ?

   

13 November 2009 SMC

Alshabaab oo shacbiga Argagixinaya si khas loogu raaco.
Waxaa layaab ah in Alahabaab aay sheegtaan in aay Islaam yihiin misna waxwalba oo islaamku diidayo ayeey sameeyaan misna u nisbeeyaan in magaca diinta aay u samaynayaan iyagoo ilaahay iyo diintaba masabidanaya .Shabaab waxaay ka koobmaan dhalinyaradii ahaa Mooryaanta oo labiskii bedeshay qaatayna Cimaamado gadhna labaxay waxaana dadweeynuhu u yaqaan “Mooryaan garreey “.Dadka badanaa waxaay rumaysan yihiin in MOORYAANTU KA NAXARIIS BADNAYD Shabaabka oo falalka aay sameeyaan aay kamid yihiin arrimahaan:
1. Qabuuraha ayeey sidii dhurwaayadii qotaan waxaayna banaanka usoo saaraan maydadkii marxuumiinta gaar ahaan waxaay burburiyaan Qabuuraha culumadii caanka ahayd oo gaalada lasoo jihaaday iyo kuwii ahaan jiray macalimiinta dugsiyada Quraanka
2.Waxaay masaajidyada dhexdooda ka ugaarsadaan kuna dilaan Culumada ,Aqoonyahannada ,iyo Odayaasha Dhaqanka.
3.Waxaay dariiqyada u istaagaan haweenka Xijaaban iyagoo ku amra in aay xijaabka aay gashan yihiin aay ku beddelaan midka aay iyagu keensadeen ,iyagoo sheegay in aanay aqoonsanayn xijaabka 90% aay wataan Haweenka Soomaaliyeed.
4.Waxaay haweenkii ku amreen in aay Naasogashiga “Reejesiinka” iska siibaan .
5.Waxaay ragga ku amreen in aanay wadi karin ama ku shaqaysan karin dameer dheddig ah ,arintaasna waxaad ka fahmi kartaa in alshabaabka aay ku jiraan ajnabi amarkaas so orogay ajnabigaas oo waddamada aay ka yimaadeen laga isticmaalo Dameerada.
6.Micnodarri ayeey ku gawracaan dadka ,lugaha iyo gacmahana uga gooyaan
haddana waxaay keeneen in lugta la gooyey iyo gacanta dariiqyada aay suraan ,waxaana naxdin ah in dadweeynuhu ka argagaxeen gacmihii iyo lugihii dariiqyada lasuray oo tukayaal cunayaan .
Dadweeynaha Soomaaliyeed waxaay maanta jeclaan lahaayeen in Mooryaantii aay soo noqoto ,markii aay arkeen in alshabaab aay ka naxariisdaran yihii mooryaanta oo kaxishoon jirtay waxaa shabaab aay sameeyaan

Maxamuud Cali “Dugsi”
London /UK?

Macalin Xaashi ma midkii Balcad Muuse Suudi uga wakiilka ahaa baa mse?

   

5 April 2010 SMC

Waxaa wax lala yaaba ah in maanta uu ninka lagu magacaabo Macalin xaashi uu ka dhawaajiyey Heesaha waa in la joojiyaa oo waa xaraan sidaasna uu ku sheegay shir jaraa;d ku sheeg uu magaalada Muqdisho maalin kahor waxaan is weydiiyey maxaa ku kelifey Macalin Xaashi ninka loogu yeero, dhowr jeer markaan maskaxdeyda ka shaqeysiiyey waxaan is weydiiyey ma shabaab ayuu iska dhisayaa oo wuxuu isleeyahay hadii ay Jago banaan hayaan
aad ku biirto oo midhaa wuxuu ku caajisey maamulka Xisbul Aweys.

Sidaa ayuu ku raadinayaa in dalab uga yimaado dhanaka raga ay isku mooqif ka yihiin nabad diidnimada, xaasiyada ka qabaneyso markey maqlaan dowlad, nabad iyo samaanta oo ay yihiin dad jecel iney ku jiraan isdaba mar dagaal iyo Wadanka oo aan marnaba ku soo laaban sidii
hore ee ahayd dalka Soomaiya shartii aan aduunka ku lahayn, Ciidamadeena Qaranka oo ahaan jirey kuwa aduunka caan ka ahaa, weliba dalalaka Africa kaalin weyn ka qaadan jirey iney taageeraan taas oo kuu cadeyneysa inaanu ahayn dalkaka Africa dalka ugu qiimaha badan ugu Ciidanka badan ciidankeenu ahay ahayeen ugu ugu tayada iyo Tirada badan.

Dhanka Canacsiga aanu ahayn dalka ugu fiican horumarna ka gaarey dhanka Ganacsiga dhn walba dalkeenu wuxuu ahaa heerka ugu sareeya, waxaase soo baxay sheydaamo, dhiigaya cabiin dadka dhiigooda ayaa noqdey dalka keliya ee aan dhiiga dadka ugu qiimaha jaban waayo dhiigii ayaa la xalaaleystey dilka dhaca waxaan ka gaarney heerka ugu sareeya oo shalay iyo maanta waxaa u dhaxeeya Farqi aad u weyn taasna waa marag ma doonto oo ishaa macalina, tartankeenii wuxuu maryaa meeqaad dishay, meeqaad barakiscisay, meeqaad dhscdey.
 
Hadaan ku soo laabto Ninkaas Laeeyahay Macalin Xaashi, shalay wuxuu ahaa sida dhabta ah oo aan been ka reban tahay in uu ahaa shalay ninka Muuse Suudi Yalaxow u qaabishaanaa markuu ahaa Qabqablaha ninka uga wkiilka ahaa Afduubka Dadka, wuxuu ahaa ninka u miisaama dadka markaan leeyahay miisaanka maaha dhanka Culeyska iyo dhanka miisaan yari ama aan iraahdo qofkaasi waa intaas Kiilo ee waxay ayad imisaa dibada ugu maqan qofkan
la afduubtey, maxaan ku qiyasi karnaa inuu noo goynayo,.

Hadii aan dadkiisa la hadalno oon niraahno qofkaas baan hayasanaa hadaan la bixin Lacag Madax furasha ahana sii deyn meeyo waana dileynaa, marka qofkaas hadii ay u maqanyihiin qofkaas waa ka lacag badanayaa qofka ay u maqan tahay hal qof, halkaas baad ka garan kartaa misanka aan sheegayey oo waxaa lagu xisaabtamayey hadii dhowr qof kuu maqan yahay xaajadu waxay ka bilaab meysey 40,000 ilaa lagu gaarsiiyo 20,000 Dolarka ah, markii uu qof keliya kuu maqan yahayna waxaa laga bilaabi jirey 20,000 ilaa leysla gaaro 5000 ilaa 3000, waa markuu qofkaas wax laweydiinayo uu baryootamo oo calaacalka badiyo waxaa taa ka sii daran Macalin Xaashi marka uu lahadlayo qofka uu afduubka ku haysto qofkiisa maqan wuxuu cabsi gelin jirey qofka maqan iyo kan u afduuban, isaga oo qofkaa uu ahaysto u isticmaalaya inuu qoriga dhaforka ka saaro ama u isticmaalya Mindi si uu qofkii u Qeyliyo kii lacagta laweydiinayeyna uu qabsi ka gasho alla qofkaagii waa u dhamaatey oo waaba la diley, markaas ayuu qofkii baryootamayaa oo leeyahay walaaloow waan dhiibayaa ee ha dilin.

Isku soo wada hooriyoo Macalin Xaashi hadii shalay dhaca dadka ka ganacsiga qof nool ay kula wanaagsaneyd maxaad maanta ka leedaha heesaha aan dhaca afduubka lahayan oo maxaad qiil uga dhigan neeysaa inaan heesha is hortaagtid iyo iney xaraan yihiin ileyn adigaaba denbigii ugu weynaa ku jira oo aadan weli weydiisan shacabka in lagaa cafiyo, marka waxaan ku oran lahaa orodoo denbi denbi ha kusixine intaad toobad keentid dadkana cafis
weydiisato masaajidka gal oo tusbax 500 qaado ku tusbiixso toobada badi is taakhfurllahidana badi waa iga talo koley Qurba joog intaad dhacdey waa ku sugeysaa dacwadooda oo waa ogyihiin dhibtii aad badey ee waxba heesaha ha ku mashquulin, wadaadna ha iska dhigin danbiile nobarka ugu weyn baad tahay waxaana keliyaee aad kaga bad baadi kartaa sidaan kuu sheegay inaad dadka cafis weydiisato, qoriga dhig Tusbaxa qaado.

Maryan Dhuux
midnimo22@hotmail.com
 

Fadeexooyinka Ibn Taymiyah ah ninka ay caabuddo wahhaabiyadu

   

12April 2010 SMC

Ibn Taymiyyah oo ah ninka ay caabuddo wahhaabiyadu, kitaabkiisa (Majmuucu Fataawaa, juska 4aad, baalka 374, sadarka 3aad ilaa sadarka 11aad, wuxuu ku sheegay: in Ilaahay carshiga ku fariisan doono oo Nabi Muxamadna dhiniciisa fariisin doono, macnaha in ay carshiga iskula fariisan doonaan! Wuxuu ibn Taymiyyah ku andacooday in muslimiinta oo dhan iyo culumada islaamka oo dhan isku raacsanyihiin!! Wuxuuna xujo iyo daliil ka dhigtay tafsiirka israa’iiliyaadka ah ee uu soo weriyay ibn jariir! Subxaana laahi Ilaahow adigaa qaadir ah. Wuxuu yiri ibn Xajar al-casqalaani (kitaabkiisa ad-durar al-kaaminah) baalka 153: “Ibn Taymiyah wuxuu ismooday mujtahid, kolkaas buu culumada Islaamka oo dhan yar iyo wayn afjigay, ilaa uu Khaliifadii Cumar ka gaaray oo uu ku xukumay in uu khaldamay,.. Imaam Calina wuxuu ku yiri wuxuu ku khaldamay toban iyo toddoba mas’alo oo uu ku khilaafay Quraanka, .. wuxuuna caayay Imaam gazaali, culumada qaarna waxay dhaheen ibn Taymiyyah waa munaafiq, sababtuna waa hadalka uu imaam Cali ku yiri, iyo in uu yiri:Imaam Cali mid hooge ah buu ahaa meeshii uu u jeestaba, iyo in uu khilaafada isku deyay dhowr jeer uuna ku guuldarraystay, iyo in uu imaam Cali u dagaalayay madaxnimo jacayl dartiis, iyo in imaam Cusmaan maalka aad u jeclaa, iyo in uu yiri: Imaam Abuu Bakar wuxuu islaamay asiga oo duq ah oo waxa uu sheegayo garanayn, Calina wuxuu islaamay asiga oo carruur ah, carruurtana islaamkoodu ansixi maayo..”
Hadalkaas waxaa qoray ibn Xajar al-casqalaani oo umadda oo dhan isku raacsantahay in uu caadil yahay, marka ibn taymiyah wuxuu u arkaa Abuubakar iyo Cali in aanan Islaamkoodu ansaxayn! maxaa yeelay midna asiga oo duq ah oo aan waxa uu sheegayo garanayn buu islaamay midna asiga oo carruur ah oo waxa uu sheegayo fahmayn buu islaamay!! Laaxowla walaa quwata ilaa billaahi.

Wahhaabiyadu ha ku cibro qaateen
Marka qofkii raba hadalkaas in uu hubsado ha u laabto kutubta aan sheegay, hana ogaado in aanan muslimiintu ixtiraamayn ninkii asaxaabta nabiga nnk u gafa, taa daaye, ninkii asaxaabta nabiga u gafa oo kufri ku xukuma asiga ayaa kaafir ah. Marka wahhaabiyooy, sheekhiinna aad caabuddaan ee aad “sheekhul islaam” ku magacowdeen waa kaas!! kolka yaa kaafir ah? ma annaga mise adinka? bal adinku isxukmiya, ninkii awliyada iyo nabiyaasha ku tawasula waxaad dhahdeen waa mushrik, kolka ninkii ibn taymiyah caabuda oo hadalkiisa mooyee hadal kale diida, oo wixii uu ninkaas xaaraameeyo oo kaliya u arka in ay xaaraan yihiin, oo wixii uu xalaaleeyo u arka in ay xalaal yihiin miyaa kaafir ah mise ninkii caqiidada ahlusunnada iyo jamaacada haysta ee madaahibta afarta ah ee Islaamka ku dheggan? Hadaba halagu cibra qaato hadalkaas.

xigasho bahda suufiyada Dr. 2garre xafidahulaah

bdirizak … kaneec” <kaneec1@hotmail.com>

SOMALIA – Al-Shabaab uses terror to stop local stations from retransmitting BBC and VOA

 

12April 2010 SMC

Reporters Without Borders strongly condemns the Islamist militia Al-Shabaab’s announcement today that it is banning local radio stations in the regions it controls from retransmitting the broadcasts of the BBC and Voice of America on the grounds that they carry Christian propaganda.

“Already responsible for killing or kidnapping many journalists and a permanent climate of terror for the Somali media, Al-Shabaab has today added another misdeed to its long list of violations of free expression,” Reporters Without Borders said.

“The allegations Al-Shabaab makes against these international radio stations are absurd, while the threats it makes against local stations who retransmit their programmes are a disgrace,” the press freedom organisation added. “We urge it to respect freedom of information and to stop trying to silence Somali media.”

Omar Faruk Osman, the secretary-general of the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) said: “This repressive act against the BBC is a strong demonstration of the gravity of media repression by Al-Shabaab, [which] has demonstrated a complete lack of respect for the value of media freedom in the country.”

The NUSOJ is the Reporters Without Borders partner organisation in Somalia.

Warning local radio stations that their equipment would be seized if they did not respect the ban, Al-Shabaab accused the BBC of making “propaganda for the enemies of Muslims and for the Christian agents.” The statement added: “The BBC is owned by Britain and is the leading voice of the agendas of the Christian colony in the Muslim world.”

After issuing the statement, Al-Shabaab militiamen seized BBC equipment from locations in Mogadishu, Baidoa and Jowhar.

Reporters Without Borders has meanwhile learned that journalist Abdul Karim Mohamed Hersi of radio Voice of the Holy Quran was released on 1 April, five days being kidnapped by Al-Shabaab fighters in Mogadishu.

Al-Shabaab has been on the Reporters Without Borders

Al Shabaab:Qarankii Waxeey Ka Doorteen Qabuuraha

 

12 April 2010 SMC


بسم الله الرحمن الرحيم
 
الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد

Waxaan aad iyo aad ugu xumahay in al-shabaab eeyan laheeyn dareen qaranimo balse al-shabaab waxeey soo dedejinayaan in dalka marlabaad gumeeysi  aanan umada u arxameeyn eey ku soo hogaamiyaan,haddii eey dadkii afkii,dhagahii iyo indhahii laga xiray maxa axiga ?? waxaan is weeydiiyay al-shabaab sow kuma jiraan xiligii xaraaruga dhaqankoodana uu yahay waxii kaa horyimaad lugta ku sii dhifo  ??

إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ

Ilaahow adiga ayaan ku caabudeeynaa adiga oo kaliya ayaan wax walba ku weeydiisaneeynaa waa ayaad ka mid aha aayadada quraanka ee ku jirta suurda Faataxa umul quraan oo ah suurad la aanteed eeyan salaada aqbal aheeyn ,cid qabuuro caabuda koleey aniga ma aqaan balse waxaan aaminsanahay in aayaada eey reebtay wax walba oo cabuudiyad ah,somalida waa muslim cid salaada tukata oo aanan aqoon ayaada koleey ma jirto.Al-shabaab caruurta u dagaalanta koleey cirka kama imaan waa mooryaantii sidii jirjiroolihii hadba shaar gashada aqoona aanan u laheeyn shareecada eey rabaan in eey dadbiiqiyaan,Ilaah ayaa adoomadiisa ugu sheegay aayadaan:caabudida waa mid adoomada qaalis eey ugu dhigayaan Ilaahooda oo kalya cidna eey la wadaagtana eeyan jirin.

قُلْ إِنِّي أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ اللَّهَ مُخْلِصًا لَّهُ الدِّينَ

Shiicada waxaa eey aaminsan yihiin qofkii raaca A-i-mada ama Imaamkiisa waxaa uu raacay rasuulkiisa maxed (scw) iyo Ilaah, qofkii ka soo horjeedsadana waxaa uu ka soo horjeedsaday rasuulkiisa maxed (scw) iyo Ilaah, xaqiiqdii waa mida keentay in loo tiriyo in eey yihiin dad baadi ah sabbabta oo ah Ilaah iyo adoonkiisa cid u dhaxeeyn karta ma jirto, sida oo kale towbada Ilaah ayaa leh oo cid la wadaagto ma jiro,waxaad maqleeysaa kuwo leh horta ma towbad keenay hebel ?? Ilaah waxaa uu dhahay: Ilaah waa abuuraha wax walba, asagaana ka wakiil ah ama maamula wax-walba.

اللَّهُ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ وَكِيلٌ

Waxaad moodaa in al shabaab in eey sheegtaan awood  wax walbana sida fudud eey u qaadanayaan goáamada aadka ugu fog diinta raxmada badan, Qabuuraha eey qodayaan xaqiiqdii waa mid qalad ah waayo Ilaah ayaa la xisaabtamaya cidwalba oo qaldan ama saxsan, al shabaab waxaa lagaga baahan yahay in eey umada u caqli celiyaan tusaan quraanka iyo sunada una sheegaan waxa Ilaah uu naga xarimay iyo waxa uu noo xalaaleeyay waxaadse moodaa in eey aad ugu fogyihiin ka runsheegida diinta raxmada badan.

Haddii eey gaal si fudud ugu tilmaameen eey ka mid ahaayeen Cadow iyo waayeel oo la ogyahay nolosha iyo dhaqankooda wanaagsanaa maxaad ka fileeysaan shabaab qabuuraha eey qoteen,Cadow qamiiskii uu siyaasada la soo galay ayuu ku tagay al-shabaab oo leh waa rido iwm dadkii saalixiinta ahaa ee noolaa iyo kuwii diinta Islaamka dadka ku fidiyay ayeey danbi weeyn ka galeen balse Ilaah ayeey danbi ka galeen waayo waxeey qalad ku dileen nafaf faro badan welina waa eey ku dhiiran yihiin Ilaahow naga qabo.ma Ilaah ayeey ugu dhawaanayaan ficiladaa ?? ,xaqiiqdii waa maya maya oo maya basle Ilaah waxaan ka baryeeyna in uu aduunka abaalkooda ku siiyo iyada oo aanan la gaarin aakhiro.

وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَآؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا 

Ilaah asagaa u shafeeca dhamaan noolaha waana kan leh samada iyo dhulka waxa dhex yaal,asgaana loo soo noqon.xiriirka Adoonka iyo Ilaahiisa cid u dhaxeeyso ma jiro haddii Ilaah kula doonana hanuun cid kaa leexin karta ma jirto sida uu Ilaah sheegay.Marar faro badan ayaad qoraanka ku arkeeysaa Ilaah oo la hadlaya Nabi Maxed (scw) oo la lee-yahay adiga u dig wakiil kama tihide, Adiga waxaad tahay dige oo kaliya iwm Ilaah asga ayaa og waxa dhulka iyo cirka dhaxdooda ah

قُل لِّلَّهِ الشَّفَاعَةُ جَمِيعًا لَّهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ

Kuwa ku  xad-gudbaya naftooda haka quusanina ama haka rajo dhigina naxariista Ilaah, Ilaahaa dhaafa danbiyada dhamaan tood, waana danbi dhaaf-badane naxariis-badane. Waxaan leeyahay al-shabaab Ilaah u noqda oo fahma diinta raxmada badan iyo ku dhaqankeeda.

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَى قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا

Miyeeynan quraanka u fiirfiirin oo eeyan fahmin si dhab ah mise mise quluubtoodaa daboolan

Dr.Ali.A.Hirabe                      Hirabe_a@hotmail.com

Shabaaboow In aad kadambaysay Qaraxii Shaamow Allah ku og annaguna ku Ogin adiguna isogid

 

14 December 2009 SMC

Shabaab manta ayeey fashilmeen ,shacbigii Soomaaliyeed waa ogaadeen shabaab waxa aay yihiin ,waa dad wuxuush ah oo xaasidiin ah oo naxariisdaran waxaay sameeyaan waxwalba oo ilaahay mamnuucay (Dil ,Qarax,xasuuq,dad sidii xoolihii la qalayo),shabaab waxaay horay u daadsheen dhiiggii aqoonyahannada Culumada diinta ,haweenka iyo caruurta .
Xasuuqii Alshabaab aay ka gaysteen Hotel Shaamow wuxuu noqday toosh ku daarmay Alshabaab oo shacbigii ku baraarugay Alshabaab waxa aay yihiin iyo waxa aay rabaan ,alshabaab waxaay rabaan in aay labada Indhood ka ridaan ummadda Soomaaliyeed oo ka laayaan aqoonyahannad ,ardada ,hoggaamiyaasha diineed ,hoggaamiyaasha dhaqameed ,hoggaamiyayaasha siyaasadeed iyo cid kasta oo caqli iyo cilmi leh.

Alshabaab Waa Qirteen Markii Hore In aay ka dambeeyeen Xasuuqii Shaamoow

Markii Qaraxu dhacay shan daqiiqo kaddib waxaa afhayeen ka tirsan Alshabaab u taleefoon usoo diray Idaacad maxalli ah oo kamid ah kuwa magaalada Muqdishow waxaana laga duubay hadal uu ku qiranayo in Alshabaab aay ka dambaysay Qaraxii Hotel Shamow isaga oo ku faanay in aay dileen wax uu ku tilmaamay Afar Wasiir oo ka tirsan Riddada iyo Madax kale ,intii idaacadu ku jirtay habaynta warka ayaa talefoon kale loo soo diray waxaana lagu amray in aanay warkaas sii dayn waxaana Idaacadaas yimid oo canjalkii laduubay horay u qaatay Koox kamid ah Alshabaab.
Islamarkaas waxaa wesiteka Alshabaab lasoo gashay War degdeg ah oo sheegaya in Alshabaab aay ka dambaysay qaraxii Hotel Shaamow warkaas oo ku jiray Website-kaas muddo 10-15 daqiiqo ah waxaa akhristay oo kali ah dad yar,waxaana webkii laga saaray waxyar kaddib.

Maxaay Tahay Sababta Keentay Inkiraadda Alshabaab
Alshabaab markii aay arkeen sida shacbigu uga dhiidhiyey xasuuqii ka dhacay Hotel shaamow ayeey goáan ku gaareen in aay Inkiraan si aay naftooda uga badbaadiyaan shacbigii oo kacay .Hasayeeshee shacbiga Soomaaliyeed ,hooyooyinka iyo Aabayaasha muqdishow ku nool waa ogyihiin in caruurtoodii Alshabaab aay xasuuqeen ,waxaana ummadda Soomaaliyeed boqolkiiba boqol ka soo horjeedaan Alshabaab oo xoog ku haysta Gobollo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya .
Qaraxii ka dhacay Shaamoow kaddibwaxaa dadweeynaha Soomaalidu goáan ku gaareen in aay iska xoreeyaan iyaga oo isku duuban Alshabaab ,

Alshabaab Iyagoo ah gacan ku dhiiglayaal ayeey Misna Rabaan in La Yiraahdo Mujaahidiin
I
Idaacaddii ama Radiyihii oranwaaya Alshabaab Almujaahidiin waa dilayaan sidaas darted idaacadaha Muqdishow oo dhan waxaay ku celceshaan xarakatul Alshabaab lamujaahidiin iyagoo og in aanay Alshabaab Jihaad shaqo ku lahayn oo aay yihiin dadqalato dhiigyacab ah ,hasayeeshe waa garan karnaa sababta wariyayaasha ku kallifaya in aay nimankaas mujrimiinta ah aay ugu yeeraan Mujaahidiin .Wariyayaashu ilaahay ha u toobadkeeneen sababtoo ah gacankudhiiglayaalbay ku sheegeen mujaahidiin.

Gabogabo: Alshabaab sina uga badbaadimayaan in laga jaaseeyo Qaraxii ka dhacay HoteelShaamoow oo iysgu aay sameeyeen ,inkiraadooduna wax aay soo kordhinayso ma leh waxaana leeyahay :
Alshabaaboow Allah ku Og Adna Isogid Shacbiguna Ku og in aad ka dambaysay xasuuqii Hotel Shaamoow

Xassan Ismacii Maxamad “Qolle”
nJiin@yahoo.com

 
 

Maqaal Shuhuddadii Shamo

 

8 December 2009 SMC

Ma cabiri karo dareenkeyga, kamana sheekeyn karo waxa dhacay, laakiin waxaan doonayaa inaan dabka uurkeyga ku shidan banaanka u soo saaro si ay ii yara deyso alhumadda aan ka qaaday masiibadda loo huwiyey ummadda Soomaaliyeed. Ugu Horeyn Assalaamu Caleykum,

Salaam kaddib,waxaan tacsi tiiraanyo leh u gudbinayaa waalidiintii iyo eheladdii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka tacsiyeynayaa Xasuuqii Shaamo ee indhaha tiray shacab weynaha Soomaaliyeed.

Gaar ahaan waalidiintii, xaasaskii, Caruurtii iyo asxaabtii ay ka tageen Shuhadadii Shaamo waxaan leeyahay Allaah samir iyo iimaan Jamiil ah ha idin ka siiyo, wiilashiinii shahaadadii ay qaadanayeen haddii loo quuriwaayey Ilaah ayaa mid ka sharaf badan siiyey oo waa Shuhado Allaah haka aqbalee.

Haddii aan u soo noqodo qormadeyda,

Dhabtii waan tiiraanyoonayaa, waan wadne garaacmayaa, waxaan ku jiraan xaalad qalqal, was waas iyo walaahoow is biirsaday ah.

Waxaan la ilmeynayaa haddimadii xasuuqii shaamo ee uur ku taalada aan tirmin abid nagu reebay aniga iyo ummadda Soomaaliyeedba.

Walaalayaal geeridu waa xaq, Ilaahna qofka sida uu doono ayuu u dilaa, waana xaq soore. Laakiin Xasuuqii Shamo oo kale, inuu ka soo fulo maskax qof diin Islaam u nisbo sheeganaya waa urugo xanuun badan.

Waxaa middaas ka sii daran qofkaasi wuxuu aaminsanaa inuu u dhimanayey danta dadka Soomaaliyeed iyo diinta islaamka. Dembigiisa waxaa dusha saaranaya SHEEKHII xumahaas caqiido ahaan u baray qofkaas dhalinyarada ahaa.

Tani way qorneyd, sidaas darteed baan marka ugu horeysa waxaan Mahad iyo Shukri u soo jeedinayaa Allaah SW, si kastoo uu noo dilo iyo xanuun kasta ee ay leedahayba waan ku mahdineynaa Allaah.

Aan u soo daadego wixii aan ka oran lahaa Gummaadkii qaangaarka ahaa ee loo geystay aqoonyahankii Ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Dhabtii xanuun aad u badan, oo wadne garaac wata ayuu qof walba oo damiir lihi ku dhaliyey xasuuqa Shaamo, waxaana ugu magac daray aniga “MAALINTII DHIIGGA”.

Ma jiro qof damiirkiisa u adkeysan karay oo aan ka aheyn qof dugaagoobay oo aan wax naxariis ah laheyn. Kaliya waxay aheyd argagax la laba laabay.

Mar qur ah ayuu wadnaha i gariiray kaddib markii Saxafi aan saaxiib nahay iga soo wacay meesha uu gummaadka ka dhacay, uuna iguna yiri “Saaxiibkaa Xasan Subeyr Ilaah ha u naxariisto”. Malaha Naxdin way ka weyneyd oo sas ayaa ii wehliyey sida aan noqday. Waayo Xasan Subeyr saacado yar hortood ayaan taleefoon ku sheekeysanay.

Waxaan la soo booday “Maxaa ku dhacay” wuxuu saaxiibkey iigu Jawaabay, “Qaraxa ayuu ku dhintay” waxaan waydiiyey, “Qaraxa Muxuu ahaa” wuxuu si hal haleel ah iigu yiri “Xafladdii waa la qarxiyey, dadkiina waa la baabi’iyey, qof haray ma jiro” Kaddibna taleefoonka ayuu igu damiyey.

Anigii waxaan galay naxdin iyo Jahwareer, waxaan wac wacay asxaabtayda kale ee goobta Joogtay.

Durba saxafi kale oo aan saaxiib nahay ayaa teleefoonka iga qabtay. Waxaan weydiiyey “Maxaa dhacay saaxiib”. Markaas ayuu iigu jawaabay, “Sow tan Ummaddii Soomaaliyeed maanta Daruur mugdi ah la huwiyey” wuxuuna ii sii raaciyey, “Ibrahim Xasan Cadow, Axmed C/Laahi Waayeel iyo Qamar Aadan Cali way dhinteen, Xasan Subeyr iyo Maxamed Amiin sidoo kale, Dr. Shahiidna waan arkay meydkiisa, intaas ayaan hubaa hadda, laakiin wuu yar yahay qof badbaaday” ayuu ii raaciyey.

Waxaa ii cadaatay inuu gummaad dhacay. Lana gummaaday ardaydii iyo macalimiintoodii. Waxaan kaloo dareemayey inuu walaahoow darani meesha ka jiro, laakiin maanan fahmi Karin sida ay wax u jiraan iyo xasuuqa nooca uu u dhacay iyo baaxaddiisaba.

In yar kaddib waxaa I soo wacay saaxiibkey goobta joogay wuxuuna igu yiri, “Waxaan FTP-ga kuu soo saarnay sawiradii xasuuqa ee bal eeg” inaanan eegin ayaa ii roonayd, laakiin nasiib darradeydee waan eegay, waa asxaabteydii oo hilbahoodii iyo dhiigoodii ay ku milmeen kuraastii iyo saqafkii guriga ee qaraxa soo riday.

Malyuumaad su’aalood ayaan is weydiiyey durba. Waxaa su’aalahaasi ka mid ahaa, ninkan dadka xasuuqay ee isagana is dilay ma Muslim buu ahaa? Haddiise uu ahaa muxuu ku doortay inuu si bareer ah cadaab ugu diyaar garoobo oo dad muslimiin ah, dan yar ah, masaakiin ah xasuuqo, isagiina is dilo?

Waxaan is weydiiyey haddii uu diyaar u yahay inuu dhinto muxuu bistoolad u soo qaadan waayey oo wasiirka uu maagan yahay u dili waayey isagana markaas hala dilo haddii la rabee? Kaddib ayaan isu jawaabay.

Waxaan is dhahay, Qofkani haddii uu Muslim ahaa asal ahaan, qofka caqiiqadan qaldan ee naxdinta ku dhisan ku soo shubay baan Muslim aheyn, xaqiiqdiina waan ka badin waayey inuu qofkaasi raad ku leeyahay feker ka soo jeeda cadowga Ummadda Soomaaliyeed iyo Islaamkaba.

Gummaadka shaamo aan inyar ka iftiimiyo waxa uu ummadda Soomaaliyeed dhaxalsiiyey.

1. Sas iyo walbahaar ayuu dhammaan ummadda ku beeray oo meelihii ay is lahaayeen waa lagu badbaadayaa ayaa lagu xasuuqay.

2. Wuxuu furay albaab qaldan oo ah in maanta xitaa ardayda Iskuulaadka ay halis u yihiin in la isku qarxiyo oo aysan ammaan ku heysan iskuulkooda,iyagoo loo arkayo in lagu jihaadayo.

3. Wuxuu gebi ahaanba niyad jebiyey dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha ku baaba’sanaa ee mar uun inay dalkoodii dib ugu soo laabtaan doonayey, si ay meel nabad ah oo aan lagu canaadeyn ugu cibaadeystaan.

4. Wuxuu burburiyey Hankii ummadda ee ahaa inay wax uun qabsadaan xitaa haddii ay webiyo dhiig ah dhex dureerayaan.

Haddaba, tani ma ahan arrin sahlan. Waa maskax aad looga soo shaqeeyey oo la gaarsiiyey inay ka nixi wayso heerka daruufeed ee ummaddu ay gaarsiisan tahay maanta. Laakiin mid baan leeyahay.

Culumadda Soomaaliyeed ee salafiga u nasab sheegatay ayaa sabab u ah waxan oo dhan. Waxaana la oran karaa ummaddii way ku qasaartay culumadaas, marka laga reebo inyar oo ay ka mid yihiin Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Shariif Cabdi Nuur, iyo Sheekh Maxamed Rashaad Allaah ha u naxariistee.

Culimo! doodeyda waxaan ku leeyahay waa la idinku hungoobay, waxaa idinku hungoobay shacabka Soomaaliyeed ee maanta waayey culumo u sheegtay kooxaha dagaalamaya ee afarta ah tan qaldan iyo tan saxan. Afarta koox waxaan ula jeedaa Dowladda, Alshabaab, Xisbul Islaam iyo Ahlul Sunna.

Sababta aan ugu aaneynayo culumada in lagu hungoobay waxaa ka mid ah qodobadan soo socda.

1. Culumaddii waxay sameysteen ururo la mid ah kuwii dagaal oogayaasha iyo dhalinyaro mooryaan diimeed ah oo ka xun kuwii qabaa’ilada.

2. Waxay dadkii u xasuuqayaan hadafkooda siyaasadeed iyo damacooda shakhsiyadeed, iyagoo kitaab u tiirinaya danahooda, dadkiina ka soo qaaday sida quraansho ama aboor ku nool meel geed laga jarayo oo kale.

3. Hadeertan wadaadadii 1991 Jihaadka iclaamiyey, welina ku dheggan sheekada ah inay jihaadayaan, oo dhiig xaaraan ah u daadinaya danahooda ayaan diyaar u ahayn inay ilaah ka xishoodaan oo ummadda u turaan, kaliya waxay qiil kaaga dhigayaan “gaalaa dalka Joogta”

Gaalka Gumaadkiisa kan culumadaa ka xanuun batay xaqiiqdii oo gaalku waa cadow, wuu geystana laga filayey, laakiin shacab uu sheekhoodii u dilayo dantiisa gaarka ah si loo fasiro ma leh, waxka xanuun bandanna ma leh.

4. Waxay shacabkii gaarsiiyeen inay caqiidadoodii ka fasaadiyaan oo maanta magacyada urur diimeedyadooda dartood ayey dad u dilayaan iyagoo dhalinyarada loogu fasiray in qofkii wax ka sheega magaca urur diimeedka uu diintaba ka baxay dilkiisana banaan yahay.

5. Sheekhyada ku jira dowladda, kuwa ka soo horjeeda iyo kuwa iyaga kala taageersan ee aamusan intuba waxay ka siman yihiin inay dantooda gaar ahaaneed ay ka xigsadeen tii diinta, dadka iyo dalka, ayna ku taagan yihiin dhabbihii dagaal oogayaashii ay meesha ka saareen.

Haddaba, dagaal oogayaasha tab looga baxsado ayey dadku lahaayeen, xad aysan dhaafi karin oo lagaga ammaan helo ayaa jiraye, qofka doodeydan dhaliili doonoow, bal sheeg wax aan ka aheyn waan jihaadeynaa oo afka ah, iyo gummaadka shacabka oo lagu faano oo ay maanta hayaan culumaddii dabka qaaday. Wallee “Sheekh dembi ku faanoow, shacabkan kuma taageero, Shahiid dhiigya cab ahoow, shahaado isma aragtaan”

Bal aan is weydiinee, ma jihaadkaa fowdo ah, mise dadkan ba’a iyo hooga ay ummaddii badeen jihaadka ugu yeerayo ayaa fidno wadayaal ah? Ma is leedahay wadaadadii hana qaaday waayadan way ku hungowday ummadda mar haddii ay diinta darteed isugu tanaasuli waayeen, dadka u turi waayeen, damiir dhaama dagaal oogayaashiina yeelan waayeen, cilmigoodii diintana xushmeyn waayeen?

Waxa ugu xanuunka badan ee maanta Soomaaliya heysta waxay tahay in dhalinyaradii noloshoodii lagu soo koobay inay Janada aadaan oo macnaheedu yahay inay dadka dilaan ama la Isku qarxiyo oo xasuuqo.

Allaah baan idinku dhaarshaye ma waxaan jirin qaab aan aheyn in dhiig la daadiyo oo jano lagu tagayo? Ma waxaan jirin qof raganimo muujiyo oo Allaah ka baqa dadkana u tura ee dhaho aniga dilkii iyo xasuuqii intan ayaan ku joojinayaa? Ma waxaan jirin SHEEKH wixii Allaah faray ee uu garanayey dhabta ka sheega? Ma waxaan jirin wadaad dhihi kara Hebel iyo Hebel waxaad ku dagaalameysaan xaq ma ahan? Maxaa culumaddii wada aamusiyey? Meeyeen ahlul diinkii?

Waxaan halkan ka caddeynayaa inay dhammaan ragii Soomaaliyeed ee diinta bartay, Allaahna xujada ku soo oogay ay danaha urur diimeedyada ay ka soo jeedaan darteed uga aamusan yihiin inay wax ka sheegaan xasuuqa ku dhacaya shacabka ay xaqana caddeeyaan.

Sheekhow Ama Al itixaad ka soo jeed, Al Islaax ahaaw, Al tafkiir iyo Ahlul Sunna midda aad doonto sheego, aala sheekh baan ahay niyadda ku dhiso. Wallaahi Billaahi Tallaahi ayaan ku dhaartaye Allaah SW aakhiro wuu kuu soo joojinayaa inaad maanta ummaddan muslimiinta ah ee aad sheekhoodii aheyd aad ku daawato inay xasuuqaan rag aad adinka soo abaabiseen, magacyo u bixiseen dhiiga dadkana u xalaaleyseen oo aad uga dhigteen Jihaad xaq ah.

Ugu dambeyntii, waxaan leeyahay Shuhadadii Shaamo, Shahaadadii ay doonayeen mid ka sharaf badan ayey Allaah xagiisa ka helayaan insha Allaah, shalayto iyo hoog waxay sugeysaa ninkii shirqoolkaas maleegay, Allaahna waa Shaahid oo waxba kama qarsoona.

Waxaan leeyahay:

Shuhadadii Shaamo Hotel Qabrigooda Nuur iyo Naruuro Eebahay ha ku siiyo, Qasri waasac ah oo Janadda ku abbaaran qaadir ha uga yeelo, Qiyaamahana janaddii firdowsa iyo Nabi Muxammad aktiisa ha geeyo.

Waxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa, SHEEKH DEBI KU FAAN AH IYO SHAHIID DHIIGYO CAB AHOOW, wax sheeg diideene shallaay wuu idin dambeyn, haddii aad qiyaame inuu jiro og tihiin, Allaah inuu jirana aaminsan tihiin, in Xisaab ay jirtana la idin sheegay, ummaddan aad rafaadiseen, raq iyo ruuxba gummaadeen, rabbi dartiis uga xishooda oo dilka ka dhaafa, saska aad geliseen ka joojiya. Haddii kale Duf ku baxa oo duul xumi ha idin arko.

______________________

QORE: Abuukar Albadri

Wixii talo iyo dhaliil ah ku soo dir

Abukar.albadri@gmail.com

Dafiraada Alshabab Dulmigay Dhigeen Dibindaabyada Caalamka Dedaal xumada Dowlada KMG ah

 

8 December 2009 SMC

Waxaan halkan salaam uga gudbinayaa Dhaman ummadda somaliyed. Ugu horayn mahad allaah ayay u sugnaatay {swt} nnkh nabigena muxamad {scw}. Marka xiga waxan leyahay allaha unaxariisto umadi lagu halaagay hotel shamow samir iyo iiman allaha kasiiyo eheladooda iyo ummadda somaliyed dhaman. Aqristayasha sharafta lahow qormadan yar waxan uga hadlayaa qarixi hotel shamow iyo waliba dowrka dowlada {kmg} iyo koxaha wadanka kajiro iyo waliba tan caalamka. Hadan u kala qaado mid mid.

Kooxda ALSHABAB: sida lawada ogsonyahay waa koox ama urur lagu yaqaan falkasta oo guracan lagaso bilaabo 2004_2009 waxa dhacay shirqoolo wawayn taasoo ay inta badan shegten ururka lamagac baxay alshabab. Waxay gumaden: culimo_udiin, saraakil, aqonyahano, dhaqaatir, suxufiyin, xubno firfirconaa oo katirsanaa dowlada kmg iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxana leenahay awalba way shegan jirene miyay laxumatay tii shamow

Waxaa hada ka hor wax xaday nin tuuga ka dib ayaa lagu ogaaday markaasaa la dhahay dhaaro wuu dhaartay markaasaa nin ogaa waxa uu waydiiyay maxaad u dhaartay waxuu dhahay tuugo qaado oo ha dhaaran ma qiro ayaad i leedahay masiibada meesha ka dhacday iyo sida ay gebi ahaan dalka iyo dadka u saamaysay ayaa ku keliftay inay inkiraan oo dhahaan maanaan samayn waase wax cad inuusan is qarxin Karin qof soomaaliyeed oo aan alshabaab ka amarqaadan.

waxaad kale oo ogaataan waxa jirta maalin allaah hortiisa qof walba wuxu sameeyay lagu waydiin doono inkiraadna majirto maalinkaas. Koxdaas {alshabab} waa dad kushaqaynaya fikir shisheye oo waliba madaxdoodu ay qandaras ku soo qaaten gumaadka ummada abriyada ah walina lama arag nin madax ah oo katirsan alshabab oo isqarxiyay.

Maxayelay ilaa malinka aan maqalnay magaca alshabab madaxdi axiligas wali way jogan ilaa qar mooyane taasi waxayn dhalisay inay ku adeegtan ilmo yar yar oo aan qaan gaarin ilaa heer ay dhahan abahaa waa murtad ee soo dil. Xizbul islaam: urukan waa urur hada magicisa kaliya jiro sida umuu qatana wuu kala dhantalmay waana kaqayb dhibatada baxada leh ee kajirta gayigeena.

Xizbul islaam dadkii qaxay oo niyadu udhisan tahay rajana kaqabo inay ku soo noqdan guryohoodi ayay iclaamiyen dagalka aan ujed lahay taasana keentay meeshay yaalaan mantay madaxdii xizbul islaam {labadii xaqdarro kuheshiiya xaqa ayaa qabti} waxan leeyahay. Xizbul islaamow dadka dhinac karaaca oo downlada wax laqaybsada {cimri tagay ceeb laguma sagootiyee}.

DOWLADA KMG. downlada kmg waxay kaliidataa laamaha amniga iyo sirdonka. Inkastoo wixi qoran aan ladhafi karin hadana dadaal ayaa samee ayaa layiri. Inkastoo madaxda dowladu ay ubaahan yihiin in fursad lasiiyo ay wax kuqabtan hadana way hadal macanyihin mase waxqabad badna laakiin wax noo dhama mahayno ayada un allaha inoo wanajiyo. CAALAMKA. dowladaha daneeya arimaha somaliya xilwayn iskama saaraan dhibatada kajirta somaliya.

Maxaayelay maalinkasta waxan maqalnaa intaasoo milyon ayaa loogu deqay dowlada kmg ama gar gar ummada ah mana aragno wax qabad dhab ah marka waa: {qawda maqashii waxna ha uqaban}.

SHACABKA. Shacabku wuxu noqday. {Meshii labo dibi ku dagaalantaa cawska ayaa kudhamada} waxan lenahay. Shacabyahow baraaruga. Waxaan filayaa shacabku ay naceen kooxahaan falalka guracan kadhex wado. Waxaa la ogyahay xilligii maxkamadihii kaalinta ay kaqaten shacabku culayskii h/kooxeedyada.

Murti somaliyed ayaa ahayd: {hadaa dhimanaysid dharerka waa layska duwaa} waxan ulajedaa maanta 100%100 waa laga soo horjeda dhibatada kooxahan ay dadka kuhayan iyo fikirkodaba {alshabab & xizbul islaam} waa inaan dibad baxyo dhigno karti mujinaa illeen nama daynayaane Arxan laawayashan. Qofkastow dhacdadi ugu dambaysay ku tusaalo qado ee khamisti. Waxaan leenahay idaacadaha tv_yada iwm. Aan si toos ah uga hadalno dhibatada wadanka kajirta qaasatan dabar gaynta ay nagu hayaan kooxahaan qaswada yaasha ah ee aan qadaraaskodu dhamadka lahayn. {wixii aad qarsati wayku qarsadaane} waa inaa melkasta oo aan jogno hadaa nahay soomaali kahadalnaa idaacaduhuna ay xaqiiqda dhabta ah shegan. Allow dulmigiyo xanuunka balayada naga dulqadoo allaw allaw dalka noo hagaaji aamin aamin aamin .

Waxaa qoray

C/karin m. Daahir {kaarim}

kaarim22@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: