Taariikhda ururka al-shabaab iyo waxyeeladiisa soomaaliya Q 1aad Qormadii Sheekh Xassan Albisri

URURKA AL-SHABAAB IYO

DEKUMENTIYO sir ah

Secrete documents about Somali radicalism(al-shabaab)

 

QEEXID Ururka al-shabaab :—

   waa urur cusub oo kusoobiiray saaxada siyaasadda somaliya kana shidaal qaata urur weynaha looyaqaano al-qaacidda ,islamarkaana kajabay ururkii lamagac baxay –al-salafiyah al-jadiid oo kajabay isna ururrkii looyaqaanay al-itixaad al-islaami oo farac ka’ahaa ururadii hor-booday maxaakiimtii islaamiga ee Somalia oo fashilmay oo kamid ahaa uraradii somaliya soogalay 9- shameeyadii markii ey dalka somaliya kubaahday fowdada.

       Ururka al-shabaab : waa dhalinyaro is-baheysatay oo aan wax damiir ah laheyn oo lacabsiiyay fikrado shisheeye ,waana urur shacabka si wadajir ah uwaxyeeleeya… aqoonyahaniin ,saraakiil,culimo , ganasato, oo mushkiladda somaliya kusii shidaya basiin ,,mana awoodo ururka al-shabaab in uu dalka kasaaro cadowga nagu sooduulay in uu isna shacabka siilaayo mooye , waayo makusocdo hanaankii laguyaqiinay ururada ladagaalama awoodaha shisheeye oo malahan ajande siyaasadeed  mana kujirto qaamuuskiisa tanaasul iyo wada hadal …..waxaana kamaqan qaacidda uraneysa ( gacant aadan jabinkarin waa lashumiyaa ) oo macna ahaan ama tusaale,ah ururka al-shabaab waxa owdagaal kulajiraa waa ethobiya.soomahan ,makusaxanyahay in ciidama yugaandheeska ah uu laayo waa sida uu qabo hugaanka sare ee al-shabaab ( aadan xaashi ceyrow ) waana ay dhacday in ay laayeen ciidan ujooga somaliya naad sugidda iyo dib usoonooleenta ilaha dhaqaale sida dhacdayna waxa ay dhiseen eelaboorka boorki iyo dakaddii weyneed iyo meelo kale. ururka al-shabaab iyo khawaarij .ururka al-shabaab waxa markii lasubiyaya daraasad soobaxday in uu kudhaqmo afkaarta urur la’uranjiray khwaarij .., khawaarij waa ururkii ugu horreeyay ee kusoobaxa muslimiinta islamarkaan jamaacadii islaamka kalajabiyay waxa ayna ku’andacoonjireen in ay yihiin (ahlu cadli wal towxiid )laakiin waxa looyaqaanay khawaarij waxa ayna kucaanbaxeen ururkaas adadeeg iyo cunfi xitaa ay ladagaalameen (cali bini abiidaalin r.c). oo waxa ay kutuhmeen in kitaabka alle uu dhinacmaraya .waayaab …Marka adadeega ururada islaaminyiinta sheegta ay isticmaaalaan maanta halkaan ayay ka sooqaateen . . Ururka al-shabaab ;- waxaa hogaankiisa haya dhalinyaro ksuootababarqaadatay dalal dibadaha kamid ah sida af-gaanistaan waxaana farta lagu fiiqaa in uu yahay aabaha ururka (aadan xaashi ceyrow) oo waxaa tababarkaas bixyay sida lasheegay urur weyna al-qaaacidda oo markii uu dagaalkii reer af-gaanistaan uu socday mareykankuna uu garab joogay reer af-gaanistaan ayaa waxaa jirta in mareykanku uu khiyaanay muslimiintii iyo carabtii markaas dagaalameysay oo waxaa dhacday in uu kujabiyay mujaahidiintii islaamka kuwii kasoohorjeeday ee awoodihii looyaqaanay midowgii soofiyatii oo mareekanka ey kaladhaxeysay waxa looyaqaano dagaal qabow( coold war) ,markaas ayaa mareekanku waxa ow codsaday in lalajihaado ruushka..ok . waxaa ilaah uu siiyay reer af-gaanistaan guushii ,laakiin mujaahidiin kabarbardagaalameysay reer af-gaanistaan ayaa mareekanka iyo iyaga waxaa dhexmaray is-faham waa kaasoo sababay in dhalinyaradii mujaahdiinta ahaa ee kayimid dalkoodii ey iskudhacaan mareenkanka markaas ayaa sheekh bini laadim iyo xulifadiisa ey tababar siiyeen mujaahdiintii kasocotay caalamul islaam oo ay kamid ahaa yeen dhalinyaro somali ah sida .. aadan xaashi ceyrow iyo kuwokale… Ok . markaas somaliya waxaa kajiray fowdo iyo qas aan cidna eysan mas’uul ka’aheen taas oo sababtay in dhalinyaradii ey wakiilk ama khaliif kaga noqdaan sheekh binlaadim gayiga somaliya oo ey al-qaacidda u’arkeysay meel aaran ah oo ay kahelikaraan dhuumsho kunasiiwadi karan barnaamijyadooda , waayo dhulkii af-gaanistaan waxaa kabilawday weeraro iyo duqeen kadib markii laweeraray sarahii mataanaha ahaa ee dalka mareekanka kuyaalay ,,marka waa in lahelaaa meelokale oo lagu dhuumankaro siiba dalalka aan nidaamka laheen sida somaliya . Ok..Waxaa jirtay in ururada diinta sheegta ee somaliya jooga uu kujiray damac siyaasadeed iyo hammi dowladeed oo ay waliba siyaasiyiin somaliya ah ey iskudhaceen sida xaaji masale iyo janaraal ceyndiid iyo col. c/yuusuf iyo kuwii ugu dambeeyay ee hugaamiyayaashii mogdisho oo ey katuureen jagada siyaasadda dalka wixii intaas kadambeeyay culimadaan waxa ay noqdeen siyaasiyiin oo waa ay kabaxeen shaarkii culiminmo waayo waatan maanta ay fadhiyaan asmara waayaab Waxaa taas bar bar socday in ururadaan ey kala arakti duwanaayeen waayo ururka salafiyah ayaan uqeebsamay labo farac ..waamarka laga hadlayo dhinaca dagaal malaqaadikaraa xiligaan mase ???!!!..waxaana ay ukalajabeen labo urur.oo kala ah salafiyo –jihaad oo qaba in lagaalamo iyo salafiyo jadiid.oo mucaarday arrinkaan. Ururka al-shabaab durbadiiba waxa ow kusoobiiray saaxada waxaana howlihiisa uu kuwaday hanaan kudhisan sir iyo sirdoon iyo af-duub .. oo waxaa dhacday in … 1—in la liiska kudareen dhamaan ururada bulshada oo xiriir dhow laleh ururada shisheeye sida U-N iyo C-R-D si loo khaarijiyo hugaamiyayaashooda waayo sida ay kucaddeeyeen dukumintayo aan heeno hadda waxa ay ahaayeen kuwaas gaalo ama gaalo raac…sida al-shabaab uu shaaca kaqaaday. 2- in latirakoobo dhamaan saraakiishii hore oo ey kasoosaareen war cad oo ah in ay yihiin cilmaaniyiin taas ayaa sababtay in lakhaarijiyo inbadan oo kamid ah saraakiisha dalka kuwii hore oo caan ah shacabkuna taas waa uu xasuustaa ..tan waxa ay ifineysaa in ay yihiin kuwa xukun raadis ah oo talada dalka raba waxaana ay aaaminsanaayeen in saraakiishii hore ey yihiin cilmaaniyiin ( diin laawayaal ) soobartay wax khuraafaad ah oo aan loobaahneen .. 3—in cid allaala iyo ciddii aan kufikri aheen laga soosaaro waxa ay kutilmaameen (fatwo) taasoo ey kubaneesteen dhiiga inbadan oo shacabka somaliy kamid ah .. 4- in lafashiliyo heshiisyada kudhisan waxa aan ayaga kufakir aheen oo waxaa al-shabaab al-islaami nimanka labaxay ey u’fahamsanyihiin in dowaldda iyo nidaamkeeda baarlamkaanka iyo kan dustuuriga ahba uu yahay mid aan sax aheen …oo ay yihiin cilmaaniyiin aan diin laheen.. 5- in lakuwa kuwafakirka ah haddii ay heshiisyo lagalaan kuwa dowaldda sheeganaya ey yihiin kuwa ayaga in ladilo mudan sida kuwa kushirsan asmara hadda oo ey kajabay al-shabaab…. 6- in culimada kahadasha barnaamijyada al-shabaab ee aan ku abtirsan ururkooda ey kufulinayaan dil sid dhacday waayo waxa ey dileen culimo iyo imaamyaal kahadlay munkaraka iyo in dilka ruuxa islaamka uu yahay mid xaaraan ah …taasoo aan dukumintiyo muhiim ah kaheyno. 7- in saxaafayiyiinta aan baahin dhacdada ama qaraxyada ey fuliyeen ey dil kuxukamanyihiin sida dhacday. Oo saxafayiinta qaarkood loogu hanjabay ..waxaana dhacday sida uu sheegay wariya somaliyeed in labada dhinacba kuwa al-shabaab iyo kuwa dowladdaba ay saxafiyiinta uahanjabeen ..halka qaarkamid ah ladilay ..waxaana dhacday sida uu shaaca kaqaaday saxaf soocararay in ay lasooxiireen xibno katirsan al-shabaab oo ay kudhaheen qarax ayaa kadhaci doona meel hebal ee sheeg haddaadan sheegin adaa maqan ..sxb. 8- in la isticmaalo wasiiladkasta ama tab kasta oo ey kuhelikaraan guusha xitaa haddii uu yahay in ladaadiyo dhiiga shacabka sida dhacday ,waxaana jecelahay in aan shacabka xusuusiyo ururka al-shabaab in uu ksuookordhiyay hanaanka foosha xun ee dagaalada somaliya tab aad u wax yeeelo badan sida in la isticmaalo dhalinyarada (darbijiifka) ah iyo kuwa (koolada caba )oo loodhiibo miino iyo bam islamarkaan ey siinayaa lacag doolar ah taas oo ah tab khasaaro badan oo aan aheen mid wacan oo shareecada islaamka eysan qabin waana waxa cusub oo somalida aysan horey u’aqoonin waxaana ay kasoomeenkuuriyeen ururka al-qaacidda oo sidaas sameeya waa marka ay rabaan in fuliyaan qaraxyada ama isbiidaaminta. 9- in lagaaleysiiyo xitaa shaqaalaha iyo dadka lashaqeeya dowladda oo laga yaabo in aysan kufikir aheen oo mushaar ama biil ay kaaraadsanayaa sida dhacday eyna ubadanyihiin oo qaarkooda ladilay xitaa haweenkii xaaqayay laamiyada.

 BY SHEEKH XASSAN MACALIM MAXAMUUD SAMATAR SHIIKH HASSAN ALBASRI

 WWW.SAMATAR.MAKTOOBBLOG.COM E-MAIL XALBISRI2@HOTMAIL.COM

xasan alabisri

25 Comments »

  1. 1
    xassan cade Says:

    asalaamun calaa manitabacal hudaa
    Waxaa fool xuma ah in qof walba uu iska qoro wax uusan cilmi u laheeyn
    Soomaali waxeey dhahdaa nin kaligii gartamay iyo nin dhul gamay midna ma gafaan koleeyba waxaan kuu sheegaa in aad ilaah ka xishooto ee hadii aad wax mu caaradee ama aad wax cambaareeynee aad adiga naftaada aad qabatid
    Ninyahoow Illaah ka xishoo waxaana kuu
    arkaa in aad tahay mid is cajabiyay
    wabilaahi towfiiq

  2. 2
    Col Fareey Says:

    nin ka soo qorey qoraal runta ayuu ka tagay!!!!!!!!!!!?????????????

  3. 3
    abdo Says:

    Assalaaamu calaa manitabacal hudaa
    Waxaan la yaabey magaca webka maxaaadan ugu magacaabin Ahlul bidac wal inxiraaf…. marka aad ku been abuuraneysaan Islaamka.. & hadyiga NABIGA CS.

  4. 4
    Nuur Says:

    Asc wr wb .. Salaan ka dib waxaan lau jawaabyaa xasan cadde iyo abdo ..Hadaba waad aragteen walalka sida uu u soo dadaale iyo sida uu u soo aruuriye xogta iyo sirta lkin idinkii waad fududaateen waayo walaalka waxa la rabay inaad u caqli celisaan inaad canbaareesaan walina aad dheereesaan ma aysan ahayn walaalka waa walalkeena mana ka maarano haduu yahay mid xun ama mid fiicanbo ee aniga ii daaya aan u naseexeyee walaalkayga .. xassan al basri walaal macaan aad baad ugu mahsantahay sirta aad soo heshay lkin waxaa fiicnayd sirta Galada inaad ku dadaasho ma ahyayn sirta muslimiinta inaad raadraadiso daba gasho Ururka Al-shabaab iyo Al-Qaacida waxay duurka iyo Injirta u cunaysaa waa Raayada islamka oo hoos taalo maanta inay Kor u qaadaan Walaal macaan Qaladaad waa y jiraan lkin waqti xaadirkaan ma ahan in aad raadradiso waxii qaldnaa ee waa in aan ka gudubnaa qalad kasta wa la saxi doonaa Inshaa Allaah ee Amxaarada wadankeena joogto walina Gabdhaheena iyo Walaasheena ,Hooyooyinkeena Caruurteena, Kufsinaayaan miyaa la Daawan karaa aaway Damiirkii Diintaada aaway Damiirkii Dadnimadaada .. ee culumada yaan lagu xadgudbin Inshaa Allaah..
    Sax Takfiir waa ay joogaan wadankeena lkin sida aan ugu hortagi lahaynw aa inaan raadinaa ee Al-Shabaab maahin Takfiir Wabillah Towfiiq…
    Walalkiina soomaaliyeed

  5. 5
    cabdicasiis Says:

    waa uu kumhadsantahay shiikh hassan albasri oo runta kahadlay. waxaan leeyahay jazakalllaah

  6. 6
    liiban Says:

    warka shiikh hassan albasri waxaan kalafahmi doonaa oo xaqiiqdiisi sifiican loo wada fahmidoonaa marka dalka ethiobiya ey kabaxdo oo waliba ey noqdaan al-shabaabka niman weerar iyo rabsho diyaar u’ah… oo aan nabadda somaliya rabin iyo inkale..

  7. 7
    liibaan Says:

    waasoobaxday wararka shikh hassan albasri oo waakanaa al-shabaa oo culimadiisii kucasiyay oo qabuurahii culimada burbruniya.. iyo weerarka culimada iyo mowlacyada iyo waxyaabo kale oo layaableh .soomahan tusaale lafahmikaro .shiikh hassan albasri jazaakallaah kheyran

  8. 8
    cali Says:

    anigoo ah nin soomaaliyeed oo ku nool dalka sucuudi areebiya waxaan jeclaan lahaa in ann u hambalyeeyo ururka al shabaab guulaha ay ka gaareen dalka soomaaliya iyo sidii ay oga sareen cadawgii ku soo duulay

  9. 9
    Axmed Says:

    Waxaan jeclaan lahaa al-shabaab oo caalamka ka taliso waayo al-shabaab waa islaam

  10. Walaalayaal iska ilaa liya gabka aniga midaa ayaan in ku tan lahaaa

  11. 11
    sadaam Says:

    waxaalayaabah in soomaalidii iyadoon aqoonin diinta uumidba magac baxsaday taas been maaha laakiin su aashu waxaytahay:yaa sixi kara waxaqaloocan? soomaaliya 19 ayaa fowdo iyo nabad la’aan kajirtay ayadoo maalin waliba qalad lagusaxayay qalad marka waxaan idiin soojeedi lahaay dadka waraaqaha soodirayo iyo kuwa wb ka waxkuqorayo waxaa idin saaran mas’uuliyad waayo waxaa qoraalkiin aqrinaayo 1.000.000 oogofood saacadiiba marka waxaan idiin sheegaa maaha inaad sidiicaruur ookale uhada shiin waa inaad xishootaan ilaah kaxishooda oo iskadhaafa waxyaalaha macnodarida ah waxaan ilaah waydiisanaynaa inuu nagadulqaado dulmiga maalin waliba kadhaca wadankeena ilahoow nabad waarta nasii aaaaaaaaaamiiiiiiiiin!!!!!!!!!!!!!

  12. 12

    sheekh hasan albasri oo ah qoraaga maqaalkaan ayaa raba in uu faalo yar kadiyarsho qorlaakaan
    .. salaaan kadib..
    qoraalkaan waxaan qoray
    December 17, 2007 at 8:19 am
    hadda taarikhda waa 2010/1augosto
    MARKA ..DHOWR SU;AAL AYAAN WAYDINAYAA
    AQRISTAYASHA
    1- MALAHELAY HADDA XAQIIQDA MAQAALKA. OO MALAGAWADANOQDAY SHAAHID WAXA AY SAMEENAYAA HADDA OO AAN MARKI \I HORE KADIGNAY .
    JAWAAB AYAAN KARABAA RUNTII AQRISTAYASHA OO SI CADDAALAD AH U FAKIRAYA

  13. 13
    jimcale axmed dharar Says:

    SALAN QALI AH KADIB AAD BU UMAHADSANYAHAY XASAN ALBISRI SIDA WANAGSAN EE QURUXDA BADAN USO URURIYEY XOGTA DHABTA WANA LAGA MARMAN IN RUNTA LA CADEYO BALSE ANIGU ANIGU WAXAN ORAN LAHA ALBISRI AD BU UMAHADSANYAHAY WUXUNA MUDANYAHAY KUDAYASHO WANAGSAN DHALINTU WA INAY QORAN XOGTA NOCANI O KALE AH SIDI QALINKA LAGULA DAGALAMI LAHA KOXAHA XAG JIRKA AH E KASO HORJEDA NAWADAYDA SOMALIYA KUNA QARABANAYA DINTA ANAGU WAYNU KU DHALANAY DINTA WA MAXAY DINTA IMINKA TIMID UGUDAMBEYNTI ILAH WAXAN KA BARYAYA INU NAGA QABTO KUWA MAATADA LAYNAYSA ALLOW SOMALI ISU KEN AAMIN

  14. 14

    waa kaxumahay Maqaalkani sda uu al-bisri usoo Jeediyay Lkn Al-cadaala Maaha Qoraaga. Mujaahidiinta al-shaab waa Islaam Alaana Cizeeyo Guulo FArabadan neh alle waa uu siiyay haseeyeeshee allaa usiyaadshu waa mujaahidiin Bi awamirilaahi wasunati nabiyuhum ku socda waana Taageersan nahay aniga iyo walaala shacabka soomaaliyeed
    wax walba kadib ASC WRX WBR

  15. 15
    Axmed cumar shaam Says:

    waxaan u ma had celinaa shiikh xasan al basri oo runtii ah nin leh damiir
    wadaninimo iyo mid diineed sida oo u ga hadlay xaqiiq urur ka al shabaab al mujaaahiliin oo ah urur qawaaarij ah kuna anda coona in
    ay yihiin mujaahidiin balse waxaaa is waydiin u madan mawaa mujaaahidiin lagu noqdaa in la laayo caruurta iyo naaagaha carabkana
    laga jaro mu waadiniintii sharafta badnaa ayadoo lagu anda coonaayo
    waa jaajuuseen waxaan leeyahay qawaarijta al shabaab iyo dhamaan
    nacamleeeyayaashooda in oo dhamaaan doono waqtigiina dhulkana waxaa dhaxli doona culima uddika ahlusuna wal jaaama iyo shacabka
    soomaaliyeed eee sharafta badan waxaan leeyahay qawaarijta hadii aaad mu jaaahiddin tihiin ma gaaalaaa joogta guriceel . dhuusomareeb
    maya walaaahi waxaa ku nool dad aaad u sharaf badan waaana ku dhamaandoon tiin hadii aaadnaan ka laaaban weerarada aad ku qaaadan
    wabilaaaahi towfiiq

  16. 16
    xalane Says:

    ALAAAHU AKBAR waxaan leeeyahay al bisri afkaaga caano lagu qabay
    runtii waxaad tahay geeesi maxaa yeeelay waxaad maqaalka qortay
    al sharaar oo ah calooshood u shaqeesta yaal aan leheyn damiir
    wadaninimo iyo mid diineed baaabi iyyna qaboorihii culumadii sharafta
    badnaaa xasooqatna shacabkii soomaliyeed oo awalba la tiiicaayay
    abaro colaad shaqa la,aaan iyo fowdo tan iyo markii qawaarijtu soo gashay soomaaliya waaa carab ka laga jaray dad kabdan boqol qof
    waxaa gacmaha laga jaray in ka badan labo boqol waxaa madaxa laga gooyyay in ka badan komanaan qof sidoo kale waxaa gaad mo lagu laaayay aqoon yahanadii , siyaayasiin tii , suxufiyiintii,saraakiisha , ardadii. dhaqaatiirtii . marka aan runta kahalneee mawaxaasaa
    wax laga aamusaa maya walaahi inaan iloobeen taariikhda shacab ka waxaan leeeyahay dul qaaata waa la idin xoreeyhaa maran dheeereeeyne in sha alaaah dhan ka kale waxaan fariin kulul u diraa dhamaaan qawaarijta meel walbeey caaalam ka ka joogaaan waxaan leeeyahay
    ku bishaaareeysta cadaaab xanuun badan oo in ka ga yimaada alaaah
    maxaa yeelay waxaad sooorad xumeeyseeen adoomadiisii ku woodii
    ugu sharafta bad naa dhanka kale shabaaabku waxa ay qiyaaaneeen wadan kii maxaaa yeeelay waxaay badaleen calan kii baluutga ahaa xidigta na dhexda ku lahaa astaaana u ahaaay gobonimada umada soomaliyeed wabilaaahi towfiiq

  17. tagbiir walaalka waa uu mahadsanyahay walalkana waxaan leeyahay illah ka baq walalllllllll mcn

  18. 18

    really have to point out you establish many really good points and probably will post a handful of strategies to add on just after a day or two.

  19. 19
    ilkacase Says:

    xaqiiqdii waxaad tahay nacas aan lasocon waqicab kajira aduunyada marka lama yaa bayo in aad sidaas uhadasho runtii kuguma tilmaami karo qoraa ee waxaan kugu tilmaami karaa nacas aan diinta waxka garanen ee diintaada waxkabaro saaxiib bye

  20. 20
    Jwb celin Says:

    Waxan leyahay ninka iska soqora warka an macnaha lahayn waxan kuleyahay iskuxisho wayo hadad malinkasta waxan macna lahayn hadad sodhigto waxad noqon mid warkisa lanecbaysto marka nin walbo waxaw san aqon qora ayan tas uga diga gar ahan kuwa ururada jira wax kaqora war aderayalow waxas kor uga baxa

  21. 21
    Haawo Says:

    Masha allah afgaaga caano lagu qabay walalkey xasan al bisri
    waxaana kugu mahad celina sidaa o ga warantay al shayaadiin al munaafiqiin waxay yihiin.
    aniga waxaaa oran lahaa al shabaab yanan ladhihin waayo waa shayaadiin umadii laynayso o hoyaad iyo har udiiday .
    Allah waxaa kabaryaa kuwaas inuu ummada islamka ah kaqabto

  22. 22

    Castlevania Judgement – Screens[56K] http://su.pr/9yrG5I?=setj

  23. 23
    badrudiin musa ibrahim Says:

    asc wr wb walalo ninka tariiqda qoray marka hore ilahey kabaq walahiban kudhartaye xaladadu inaysan wanagsanayn waxana u hadleysa kuwa gaalida raali galiya lawalahi waxad mudan tahay in lagu mariyo xukun allah mar ay tahaba wad mareysa insha allah

  24. 24

    allaahu akbar
    waxaa amaan iyo ididiilo mudan dhamaan ka qayb qaadayaasha
    qoraalkan run sheegnimadu iyo xikmadu ku dheehantahay
    waxaan leeyahay damiir laawayaasha
    qabyaladaystayaasha
    qasaare badanayaasha
    iyo dhamaaan doqomiinta xaydk ama (caadadu ka socoto sida haweenka)ee kui dhuumaalaysanay in aan ka aaminsanahay
    in ay yihiin kuwa doonaya in ay ku igaarsadaan dhiiga shacabka lana dariiqada ah alqqacida
    sida la hubo nimankani waa bilaa cilmi ama juhalo banaystay dhiiga islaamka
    waxaan u sheegaya dhaamaan dhalinyarada muslimiinta ah ee somaalida iyo kuwa kaleba in ay yihiin uruka lamagac baxay al_shabaab waxba aysan idiin haynin
    sida xornimada la gu helaan aya san sidanb ahayn ilaahay xor ha inaga dhigee
    waxaa aanan ka caajisayn xogtooda dhabta ah ee urukani in lagu wada qiyaasay in ay yihiin kuwo dhiiga islaamka banaystay
    sidaa daraadeed dhalinyarooy ka digtoonaada khayaamada iyo caqiidaadka beenta ah ee ururkan idin banaystay sabana dhimashada dadka iuyo baabasanaanta ku baabasan aduunkja qaybhiisa kale
    qaxootiga ku dhiban
    meelkasta oo aad joogtaan wax ha ka dhagaysanina ururkan hadii ay idinka awood bataana u nacamleeya hana samaynina waxa ay diintu ka soo harjeedo
    wabillaahi tawfiiq wa asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

  25. alaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaahu akbar waxa aan halkan tahliyad xiiso leh uga diraya shekh albisri oo ah nini xaqqa ilaahay wafajiyay sabatoo ah waxa uu sheegay runta yidhina yidhina xaq uu mid dulmi ah ku jirin
    waxay soomli ku maahmaahdaa runtu ragga way kanixisaaye mase disho
    hooooooooooooooooooooooooooooy
    dadka qaladka ku doodayoow waxaa weeye khalad ayaad ku sii indhacadihiin ee ka jeesta waxan aad wadaan cidkasta oo wada filinka noocan ah
    anuu ma odhankaro alshabaab xaq weeye laakjiin waa filn waxa ay wadaan fadlan waxaad sa,maysaan
    anuu waxaan ahay soomli kunool meel haykjad ah
    waxaan idin odhan lahaa
    aanan idiinsoo bandhigi laha
    maraga yidhi hebel xaaraan ayuu cunay oo carabka ayaa laga goynaya
    maraga dhalinti soomaaliyeed ee qalinjabinaysay isku qarxiyay
    maraga wax kasta ku dhaqmay

    waar waa la isku dayaa in aad xornimo dadkaaga u raadisid laakiin sida looraadiyaa sidan maaha
    waaaaaaaaaaaaar hooooooooooy nika leh xoriyad baan traadinayayoow qudhun ayaad ku jirtaaa uskagleh ayaad tahay


RSS Feed for this entry

Leave a reply to liibaan mire shiiq maxamuud Buri halceliska