Wahaabiyada iyo bisha soon BY: SHIIKH XASAN ALBASRI.

Wahaabiyada iyo bisha soon.

BY: SHIIKH XASAN ALBASRI.

كل عام وانتم بخير

SANAD WACAN /9/11/2007..

رمضان كريم Z

قال الله تعالي (ياأيها الذ ين أمنوا كتب عليكم الصّيام كما كتب علي الذين  من قبلكم لعلكم تتقون ) .

وقال صلّي الله عليه وسلّم ( صوموا لرؤيته ،وافطروا لرؤيته فأن غمّ عليكم فاكملوا عدة شعبان ثلاثين يوما)

HOR-UDHAC

.


 

          Walaalayaal Bisha Ramadaanka sida aad ka war    heysaan.sanad waliba waxaa ka taagan dood dunida islaamka…taasoo lagu kala tagay raacista xadiiskii Rassuulka..SalaLLaahu caleyhi wasallam (Ku sooma aragtida bishaRamadaan kuna af fura aragtideeda)

iyo in falaga laraaco.


 

          Soo shaac bixii raacista cilmiga falaga in loo
adeegsado bisha Ramadaan waxay bilaabeen culimada
islaamka ee falaga ku xeel dheeraa qarnigii 3aad illaa
7aad hijriyada iyagoo adeegsanayay cilmigii
baabiliyiinta, kaasoo lagaga dhaqmayay dunida islaamka
muddo badan illaa ay ku bedelaan si tartiib ah
raacista taariikhda shiinaha, hindida iyo miilaadiyada
taasoo dhalisay dhibaato weyn sidii lagu ogaan lahaa
bilawga bilaha hijriyada, sababaha dib ayaan idinkaga
faaloon doonaa waqtiga oo igu yar iyo daliilka cilmiga
falaga oo aan ku soo koobi Karin maqaalkeygan, balse
waxaan jeclahay inaan halkan idinkugu soo gudbiyo
sababaha dhaliya is khilaafka dowladaha islaamka maanta
ee uu dusha ka huwiyay
FAHAD YAASIIN..(waa nin kudhiirada in uu culimada suufiyada caayo oo sharaFtooda hoos udhigo waxaana ow soonaqliyaa warar aan jirin oo sax aheen ee culimada somaliyeed waxa kadhageesta oo saxafi diintiina yuusan idinka bowsanin ) culimada
suufiyada kaliya ayagoo ku taagan xadiiska Rassuulka
SalaLLaahu caleyhi wasallam (Ku sooma aragtida bisha
Ramadaan kuna af fura aragtideeda) waana sidan:

   1.        Wadamada islaamka qaar ayaa ugu yeera shacabkooda   inay baadi goobaan bisha ramadaan taasoo haddii qof uu ku dhaarto aragtideeda laga aqbalo xitaa haddii aysan  suuragal ahayn ama ay adag tahay falag ahaan waana
sida ay u badan tahay dunida islaamka.
2.    
 Wadana kale  ma ogolaadaan shahaadada qof sheegtay aragtideeda haddii xisaab ahaan suuragal ahayn balse,waxay ogolaadaan markay adag tahay in la arko haddii
xisaab ahaan ey suuragal tahay waana habka ay ku
dhaqmaan culimada batroolka.
3.     
 Waxa jira dowlado kale aanan ku dhaqmin aragtidabishaba sida liibiya oo ku socota falaga.
4.       
Dunidan islaamka ayaaba ah kuwo aan raadinin
bilawga bisha iyo dhamadkeedaba marka laga reebo
wadanka marooko iyo cumaan oo illaa xad ah. Teeda kale
wadamada islaamka badankood waxay u diraan shacabkooda
iyagoo qaata aragtida qof sheegtay wuxuu ahaadaba
taasoo dhalisay iney soomaan malaayiin muslimiin ah
wadanka sacuudiga sanadka 1404 H 28 maalmood kaliya
sababta qof arkay xidigaha mercury iyo venus una
maleeyay bisha. Raadinta bisha iyo aragtideeda si
wadajir ah waa arin muhiim ah si loo ogaado waxa qof
kali ah arkay iney tahay bisha oo aysan aheyn wax
kale.
5.        
Wadano qaar ayaa qaata aragtida wadamo kale kuna sooma sida urdun oo kale waa wax u dagsan sharci
ahaan, halka wadano kale aysan aqbaleyn noocan balse
kaliya ay ku soomaan aragtida bisha Ramadaan gudaha
wadankeeda sida isla Sacuudiga laftigooda oo bishii
Ramadaan 1420 H oo ay bayaanisay dowlada Yemen
8/12/1999 kowda bisha Ramadaan iyadoo dhaarisay shacab
ay ku jiraan imaamyada masaajidda balse Sacuudiga wey
ku gacan seyrtay jaarkeeda, waxayna bilawday
9/12/1999. Sidoo kale sanadkii 1424 H waxaa bayaaniyay
wadanada
Yemen, Urdun, Falastiin iyo Masar in maalinta
25/10/2003 tahay kowda ramadaan, laakiinse Sacuudiga
sida caadada u ah ku gacan seyrtay. Bal hadaba ka
taliyoo yaa u macalina musiibadan.

         
Haddii aan ka hadlo wadankeena Soomaaliya sida aanogahay dad badanna ii sheegeen tariikhda dhow lagumahayo sanad aan Sacuudiga isla bilawnay bisha Ramadaan ayadoo wadankeena laga aminsan yahay xadiiskaRassuulka SalaLLaahu caleyhi wasallam (Ku soomaragtida bisha Ramadaan kuna af fura aragtideeda)
anigoo maqli jiray Raadiyo muqdisho oo laga dhaarinayo
dhowr qofoo aragtay. Teeda kale haddii Yemen iyo
cumaan oo jaar la ah Sacuudiga ay qilaafeen maxaa
wadankeena ku qasbaaya inay raacaan, ogaadana
walaalayaal wadanka khilaaf kama jirine raaciyada
culimada batroolka waxay ka faa’ideysteen dowlad
la’aanta iyo fowdada ka jirta wadanka sidaas ayayna ku
abuureen khilaafka wadankeena ka jira ee uu dusha ka
huwiyay FAHAD YAASIIN culimadeena sharafta leh, waxa
ku kalifayna waa leyska ogyahay

  

                                 Ok ….

                     Dhalinyarada dambe ee qaadatay afkaarta sheekh maxamed bini cabdul wahaab  intabadan waxa ay furaan doodo dhaawici kara cibaadada , kuna furaysa mujtamaca somaliyeed dhexdiisa  jahwareer iyo qas aan dawo loohelikarin,  waxaana kamid ah cibaadada ay qaska kufureen salaadda iyo xajka ,sakada caqiidada iyo somaka iyo kuwakale ……

                 X     Qaska diiniga ah intabadan waxa ay bilaabaan dhalinyaradaan maalinta ay dhalato  bisha barakada badan ee ramadaan waxaana ay ka faa iideesanayaan dowald la’aanta iyo nidaamka oo kamaqan umadda somaliya…ee sida lalasocdo barnaamijyada ceenkaa ah waxaa iskaleh wazaaradda arrimaha diinta iyo owqaafta ….ama goladhexe oo culimada fuqahada ah…waa haddii uu jirto nidaam sax ah..

         * khilaafka madaalicda bisha.ramadaan . …..               sida lalsocdo waxaa jira in aysan iskumid aheen caalamka dhinaca bilashada bisha oo farqi weyn udhexeeyo taasna waxa ay leedahay axkaam khaas u’ah oo culimada islaamku ay kasoosaareen ,sida lalasocdo , waxaana ay tahay  – 1- in lagu dhaqmo xadiithka n.m.c.s.w. oo dhahay (kusooma arktida bisha ,kuna afura araktida bisha ,haddii ay jirto daruur qarinkarta in ladaalacdo bisha dhalashadeeda u’qiyaasa oo dhameestira bisha shacbaan )–2,–iyo in aysan isla soomikarin qolooyin aan isku madlaca aheen… taas ayadoo ay tahay xukumka waadix ah ayay dhalinyaradaan ujadbeesan sucuudiga waxa ay isku kalifaan in ay lasoomaan dalal aan somaliya kumadlac aheen siiba dalka sucuudiga waxaana ay kumarmarsiyoodaan ..,dalka sucuudigu waa meesha islaamka shumaca u’ah iyo in ay kutaalo kacbada barakada badan . ayaan jawaab noqonaya markaad waxkaweydiiso ..taasna ma’ahan hadal kudhisan waaqica ama mandiqi ah waayo …

                     1- Dalka sucuudiga

                  nalama amrin in aan raacno ee arakti kusoom kuna afur ayaa ..n.m.c.s.w. leeyahay..ee ma .n.m.c.s.w. ayaan raacnaa oo arktida bisha oo ah mid kan jooga baadiyaha  oo aan wax tv ah iyo dayaxgacmeed ama qalabka lagu raadraaco meerayayaasha aan heesan ..iyo kan kunool magaalada oo helikara intaas oodhan  aysi siman u’arkikaraan oo ah xukum kadhaxeya dadka oo dhan oo aan loobaahneen in laga soosaaro qaraar ama qodob kasoobaxaya aqalka boqortooyada sucuudiga sida waxa looyaqaano kalaandarka ee uu yahay amarka faraya somka bisha uu yahay mid ..n.m.c.s.w.aan kudayaneeno oo kale.. waxaana jirta in dadka yaqaana xisaabta falaka looyaqaano ay kusoomikaraan araktidooda iyga uun… blasé kalaandarka uu yahay wax bidco ah oo uusan n.c.s.w.w uusan san jirin waqtigii uu noolaa .n.m.c.s.w.…

                                  2- Tan kacbada ahna

                  ..wax xiriir ah lamalahan soomka kacbada ..waayo kacbada waa meel muqadas ah oo loolajesesto salaadaha ee  warkaas waa war aan loofiirsan oo iidhahyada wahaabiyada kamid ah.taasan waxaa sababay cilmi yari iyo in kubeerlaxowsaanayaan  dadka somaliyeed oo ay isleeyihiin waa ay qadariyaan kacbada..waxaa somalida dhaqan u’ah in ruuxkasta xitaa kan waxsheegaya uu si islaweeni ah uu wax ushego marka ay usocoweso barnaamijkiisana waxa dadkakale uu kuceebeeyaa in ey yihiin dad aan jirin  tusaale nidaamkii hore cidda waanadiisa diidaa waxaa looyaqaanay waa kacaan diid iyo waxlamid ah.. waa astaan lagu beerlaxowsanayo inta aan kugu fikri aheen …taas waxaa lamid ah sucuudigu waa meesha kacbadii ay kutaalo hala raaco …!!

            Haddii aan ka hadlo wadankeena Soomaaliya sida aan
ogahay dad badanna ii sheegeen tariikhda dhow laguma
hayo sanad aan Sacuudiga isla bilawnay bisha Ramadaan
ayadoo wadankeena laga aminsan yahay xadiiska
Rassuulka SalaLLaahu caleyhi wasallam (Ku sooma
aragtida bisha Ramadaan kuna af fura aragtideeda)
Teeda kale haddii Yemen iyo
cumaan oo jaar la ah Sacuudiga ay qilaafeen maxaa
wadankeena ku qasbaaya inay raacaan, ogaadana
walaalayaal wadanka khilaaf kama jirine raaciyada
culimada batroolka waxay ka faa’ideysteen dowlad
la’aanta iyo fowdada ka jirta wadanka sidaas ayayna ku
abuureen khilaafka wadankeena ka jira ee uu dusha ka
huwiyay FAHAD YAASIIN culimadeena suufiyada ee  sharafta leh, waxa
ku kalifayna waa leyska ogyahay

                 3- Tan dalka sucuudiga

                  in uu yahay meesha islaamka laga amro ……..hadalkaan asna sax  ma’ahan waayo manta cid islamka hugamisa …majiro ee  waxa jira in dalkasta uu leeyahay nidaam iyo wasaarado fuliya axkaamta diinta mase macquultahay in dalka sucuudiga marka uu filinayo salaadaha in ruuxa muslimka ah ee joogaa jappaanka uu isna layimaado salaadaha kunaxirto dalka sucuudiga  ayadoo loogu marmarsiyoonayo in uu yahay dalka sucuudigu meesha ay kutaalo kacbada

                           4Af wax cunay xishoo ……

                   ayay somalidu tiraahdaa ..waxaan kalajeedaa inta qabta in lalasoomo dalka sucuudiga waxa ay kamid yihiin kuwo kuxiran ama mushaar kaqaatay dalka sucuudiga oo haddii ay kaharaan ay dhaceyso in aysan helikarin dhaqaalihii hore ay uheljireen…ma’ahan wax lalayaabo in dhaqaale lasiiyo asxaabta aaminsan fikriyada ceenkaan ah ..waxaa ruuxkasta ee  Somali ah uu dareesanyahay in xoolihii deeqda ahaa ee ka imaanjiray dalalka carabeed siiba dalka sucuudiga ah in ay lawareegeen reer wahabiyo oo ay waliba kubahaldileen diinta islaamka laguna dumiyay masaajidyo   iyo madaarisyo dhisnaa si ay utawaliyaan umuurahas… waana barnaamij aan markale qalinka u’qaadandoono ..dhaqaalihii carbeed iyo somaliya …

      5- Ii dhahyada wahaabiyada ee

                   ramadaanka waxaa qiima uyeela idaacadaha kajira mogdisho oo buunbuniya oo dhaha khilaaf ayaa kajir culimada dhexdooda ..aa way khilaafku maxaase salaadaha aan ugu xiran weynay soomaahan cibaada larabo in laguxirto dalka muslimiinta hugaamiya sida sucuudiga oo maan halmar salaadaha kuxirano waa waxa lagu quslo oo maanka uu diidayo …?!!! Waxaana jirta in habeenka ay dhalaneeso bisha ay idaacadaha isku qeebiyaan dhowr wadaad  oo kuhowlan in shacabka somaliya oo caamo u’badan loocabsiin lahaa arktida bisha sucuudigu uu arkay ee tvyada ey baahinayaan.. …

* **4***Waxaa kaloo kamid

               ah iidhahyada wahaabiyada ee bsiha ramadaan ….cadayga …. Waxaa jirta in isticmaalka cadaygu uu fiicanyahay marwalba sida kasoo aroortay n.m.c.w.w. laakin mad-habka shaaficiyada oo somalida intabadan ay kudhaqmaan   ayaa qaba in uu yahay karaahiyo waayo cadeygu uu suulinayaa xayaabada kudahaaran afka taaso ilaah  subxaanahu watacaalaa uu ugu faanayo maaliktiisa …marka ay fiicantahay in cadeyga lajoojiyo xilliyada baraqadii meelahaas illaa iyo afurka …taas dhalinyarada wahaabiyada ay  kufureen doodo aan wax fa iido  iyo micno aan  laheen oo ay mujtamaca somaliya kuwareeriyaan …waxaad maqleesaa sheekh macadeysankaraa .iyo maqabeesankaraa….

                             ***5*** Iidhahyada wahaabiyada

        ee ramadaan    waxaa kamid ah …in marka labixinayo sakada ay amraan dadka  in ay bixiyaan lacag iyo wax lamid ah…ayna cilado ku abuuraan sakada qaabka loobixiyo oo ah inxo noolnool oo waxter u’leh miskiinka ama faqiirka qaadanaya oo waxa ay kubishayeen… in ruuxa miskiinka ah ay u’fiicantahay in lacag lasiiyo …su”aasho waxa ay tahay …mawaxaan raacnaa warka .n.m.c.s.w. uu leeyahay mase iidhahyada wahaabiyada ayaan raacnaa.. waayo amarka n.m.c.s.w.. waxaa uu leeyahay xikmad .farobadan ..waxaana kamid ah in inxada galleeda ah ay macquultahay in uu miskiinku uu kasameesto ..dhowr nuuc  oo cunto ah sida muufo iyo canjeero iyo qaloon iyo cambuulo iyo soor iyo mushaari iyo  waxyaabo kale ..taasna waa sunno mudan in laraaco …tan lacagta waxaa maqabo mad-habka shaaficiyada ,diintuna caqli maahan …waxaana jira culimada qabta in aan labixin lacagta in ay jirta xilliyadoodii isticmaalka lacagta ayna fahamsanaayeen waxtarkeeda sida imam abii xaniifa..oo xilligii uu noolaa sheekh abii xaniifa xitaa waxaa jiray lacagaha kuwa ugu qaalisan sida dahabka iyo fidhada .. haddii aadan fahmin xikmadaha islaamku uu amrayo maahan in waxa lacuriyo .. oo sidaas ayaan casriyadaan fiican ee kaas waa waqti hore …tusaale weesada manadaafadbaa …??? Maya waa amar tacabudi ah waayo cidda dhahda waa nadaafad madaxa maxaa loomasaxayaa ayaan weydiineenaa ..maala meero …???!!!!!

   

                       ****         Taraawiixda

                waxaa jirta in loobaahanyahay 20rakco 3na waa watar sida mad-habka shaaficiyada iyo culimo badan ay qabaan laakiin dhalinyarada dambe waxaa ay layimaadeen 18rakco ..waa cajiib …taas waxaa kadaran in habeen dabmbe ee ramadaanka sida habenada tahajudka ay megorofoonyada dadka kudhibaan salaasado iska sunno ah……

 

  Z    Dhawaaqa niyada bisha soon

   

    WAXAA KAMID AH IIDHAYWADA WAHAABIYADA IN AY MAMNUUCEEN DHAWAAQA NIYADA BISHA SOON ..TAAS OO SHACABKA AY KUQASEEN  ,EYNA KUJAHWAREERIYEEN …WAXAANA AY DHAHEEN MALOOBAAHNO DHAWAAQA NIYADA BISHA SOON TAASOO AY KUKHILAAFAYAAN SHACABKA SOMALIYEED OO HEESTA MAD-HABKA SHAAFICIYADA OO QABA IN LAGU DHAWAAQO NIYADA .. WAXAANA JIRTA IN N.C.S.W. UU KUDHAWAAQAY NIYADA MAR UU XAJKA SOO AADAYAY ..WAXAANA AY CULIMADU QABAAN IN CIBAADADA AY ISKU MIDTAHAY  OO WAXAA JIRA QIYAAS ARRINKAAS AH ..OO SOONKA LOOGA QIYASANKARO ..MARKA YEYSAN WAHAABIYDU MOODIN IN AY TAHAY WAX DHAQANKA SOMALIYA KAMID AH BALSE WAXA LAYAABLEH IN AY KASOOSAARAAN FATWOOYIN EY KUMAMNUUCAYAAN ARRINKAAS …BALSE IN AY DIIDAAN AYAA AH DHAQAN AY KASOOMEENGUURIYEEN DALKA SUCUUDIGA OO QABA ARRINKAAS EE UAMADAHA MUSLIMIINTA AY KUNOOL CAALAMKA INTABADAN WAA AY QABAAN MAS’ALADA AH .DHAWAAQA NIYADA ..DHINACYADA CIBAADADA OO DHAN TAN SALAADDA IYO XAJKA IYO SOONKA ..  

.

****  Naseexo Muhiim ah

1—…T     waxaa muhiim ah in shacabka aan laga qasin cibaadadooda oo loodaayo culimada in ay dadka xqqa fahamsiiyaan oo lajoojiyo buufisyada noocaan oo kale ah oo kudhisan tacasub iyo xisbiyeysi …oo wax nafci iyo faa ‘iido aan laheen iyo midnimo somaliyeed…ruux cilmi leh sidaas masuubiyo …waayo xitaa ruuxa mad-habka saxda ah heesta sida imaamu maalik ama abii xaniifa ama axmed bini xambal ama shaafici ..waxaa fiican in uu mujtamaca uusan qas kudhexfuran oo wixiisa uu qarsado …ixtiraamo culimada uu dhexjoogo waayo mad-haabito waxa ay leeyihiin xushmad iyo ixtiraam.. waxaana ay kalaqaateen culuumta islaamka sidaan oo kale tacasub iyo xibsi iyo fitno abuur ma eysan aheen ee ducada ayay isku soodirijireen waana ay kala faa iideesanjireen .. ee ixtiraam la’aantaan oo kale majirin ….

2—>     Naseexada labaad..

               waa in ururorada diinta shaarkeeda huwan ee ilaah kacabsadaan marka ay afurinayaa saa imiinta oo xoolaha ay usoodhiibeen dalalka carbeed si caddaalad ay kujirto umaamulaan  iyo sinnaan

3-   T     Naseexada 3aad .

      .       waa in xoolaha lagowraco maalaha udhxada ee kadambeeso ciidaha in si ilaah kacadsi leh oo islaanimo ay kujirto loogowracaa waayo wacaa dhacday in xoolaha marka hore ey soodhiibaan muxsiniin carbeed kadibna kuwa howshaas haya ay wax uun kabixiyaan kadibna ay qaraabadooda ay kusii wareejiyaan taas maahan wax fiiican .. xoolo lawaqfay oo kusocda ilaah dardiis maahan in lasiyaaseeyo sida dhacday ama yaa reer hebaleey maahan ..wax loobaahanyahay .. ee masaakiinta halooturo.. waxaa hubaal ah waxa socda oo manta kajira somaliya waa masaakiintii xoolahooda lalunsaday agoontii iyo masaakiintii kalaba …

4—Y    Naseexada 4aad .

     .     waa in caruurta aan heesan dharka ciida loo soo iibiyaa  oo laga farxiyaa si ay ulaciidaan walaalahooda muslimiinta si farxad iyo reereen ay kujirto …

5—  ]   Naseexada 5aad .

      .       waa in si islaamnimo iyo somalinmo ay kujirto loowadahadlaa oo  kal kooxeesinimada lajoojiyaa oo dalka iyo dadka laxureeyaa oo cadowga sidii loobixinlahaa laga dashtaa oo  laheshiiyaa oo  shirarka laqabanayo ay kasoobaxaan miro iyo murtiyo wax ku ool ah oo dalka iyo dadka wax tar uleh …somaliya waa midee looturaa shacabka miskiinka ah waayo 17sano ayaan sii soconaa oo mar aan is cunno iyo markale oo nalacuno intaba ee ilaah halakacabsado oo caalamka waan kaharnay ee aan soo raacno tareenka …

    Naseexada 6aad .waxaan kacodsanayaa dhamaan inta falalka qaraxyada iyo isbiidaanminta kulug leh iyo kuwa dalka xooga kuheesataba in ay joojiyaan dilalka inta lagu jiro bisha barakeesan oo looturo shacabka miskiinka ah .loona furo suuqyada iyo ganacsigaba …

   

   Naseexada 7aad :– waa in shacabka somaliyeed marka ay afuraYaan ay duceestaan in uu ilaah bisha barakada badan ee soon fadhligeeda uu kusiiyo dalka iyo dadka somaliyeed nabad waarta iyo amni uuna kaqaado mustacmiriinta cusub ee dalka iyo dadka somaliyeed kusooduulay …ducada saa imiinta waxa ay kamidtahay

ducooyinka la’aqbalo ee taa yaan la illoobin ….

@:-— SHEEKH XASAN MACALIM MAXAMUUD SAMATAR

SHEEKH XASAN ALBASRI..

كــــــــــــل عـــــــــام وانتــــــــــــــــــم بخــــيــــر

     WEBka  SHEEKHA  :    www.albisri.4t.com xalbisri2@hotmail.com………. E- Mail

WAXAA QEEBKAQAATAY MUUSE AXMED
Layaab10@yahoo.com

                                    

NEW            HAPPY               YEAR

                   OGEYSIIS  MUHIIM AH .

       

                 DHAWAAN WAXAA SOOBAXDAY  M AQAAL  (ARTICLE)  KAHADLAYA  XAGJIRNIMADA IYO SOMALIYA OO SIWACAN  UFALANQEENAYA  ASBAABAHA IYO XALKA XAGJIRNIMADA LOODAAWEENKARO OO CAALAMKA KAJIRA DHAWAAN KUBAAHDAY  DALKEENA SOMALIYA OO MUSHKILAD   MASHAAKILOOYINKII DALKA KASCODAY KAMID NOQOTAY  EE LASOCO WEBSITYADA ..

WWW.SOMALIWEYN.COM.

WWW.SHAAFICIYAH.COM

WWW.ALBISRI.4T.COM

WWW.SAYLAC.COM

WWW.MUDUGPOSTOPRESS.COM

WWW.ALLAHLUSUNNAH.COM

WWW.AHLUSUNNAWPRDPRESS.COM

 ..

WAXAANAKALOO KAHELEESAA MAQAALOOYINKALE OO MUHIIM AH SIDA ..

1-                                               1—XERTA SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS(AL-SHABAAB) OO LUMISAY XIKMADDI IYO SUMACADDII JIHAADKA ISLAAMKA EE SOMALIYA…

 

     2—MAXAAKAJIRA BARAARUGA ISLAAMKA (SAXWADA) EE SOMALIYA LAGU SOOKORDHIYAY..

    3—XARAKAAT DIIMEEDKA SOMALIYA JOOGA ..

 4—DOWRKA CULIMADA SUUFIYADA EE SOMALIYA ..KAH DHINACYADA HALGANKA.. WAXBRASHADA …SUUGAANTA AF-SOMALIGA.. DI-UHESHIISIINTA SOMALIDA…

    5—MAXKAMADAHEE ISLAAMI AH??? OO MUSALSAL AH .1 ILLAA IYO  XALQADII 4AAD..

  

    5-    MUQAAWADA XAQ MIYAA???    IYO ,MAQAALOOYINKALE OO MUHIIM AH …..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: