Dowrka culimada suufiyada ee dhidibeenta suugaanta af-somaliga

Waa xalqadii 4aad ee barnaamijkii lamagacbaxay dowrka culimada sufiyada ee somaliya oo aan kagahadleenay sida iyo raadadkii culimadii hore ee diinta somaliya soogaarsiisay uu ahaa, mar waataariikh mudan in laxuso !!!,markalane waa wax lagu faano waayo dalwalba aqoonyahanadiisa waxa ay curiyeen waxa ay utahay athaar ama raadad wacan oo dhaxalgal ah .

 Dowrka culimada suufiyada ee af-somaliga ma’ahan mid laxaqirikaro waayo sida lalasocdo somalidu malaheen aqoonyahaniinkale oo howshaan kusoocaanbaxay oo aan aheen kan culimada ,culimaduna booskale oo ah kan faafinta diinta ayay hayeen ee fursad umahelikarin in umuuro ceenkaan ah oo kale ee kumashquulaan balse markii majaalkaan uu noqday mid firaaqo ah oo aqoonyahankale uu san jirin ayay culimado kudhaqaaqeen waa sidii difaaca dalka iyo halganka iyo kan waxbarashada  tusaale ardayga somaliga ah markii uu san fahmikarin sida loogu dhawaaqo alifka af-carabiga kuquran  uusanaqrinkarin islamarkaana aysan jirin wasaradda waxbarasho iyo khubaro somaliyeed oo iskuhowla sidii ubadkas uu ufahmi lahaa alifka oo ah hor-udhaca qu’ranka  markaas ayay culimada suufiyada kudhaqaaqeen howshaan baaxadda leh waayo dowlad somaliyeed oo kudhaqaaqeesa arrinkaan majirin dalkuna marxalad isticmaar ayuu kuiray markii horana boqortooyin ayaa jiray oo aan sidaas udaneeneenin waxbrasahd ubadka somaliyeed .. ..
Kuwa ku andacooda in culimada suufiyada ey yihiin kuwa aan xadhaaran iyo ilbaxnimo laheen  oo aan qabankarin howshaan oo kale falsada wax lagu maamulana aan laheen ayaa waxaa cajiib in qodhoodu ay kabiyo cabeen ayna kawaxbarteen dugsiyadii qur’anka ey macalimiinta ka’ahaayeen culimada suufiyada diin iyo cilmi ayay kabarteen markaas ayay kucaasiyeen , waxaana dhacday in kuwa sheeganaya in ay yihiin macalimiin ay badaleen nidaamkii iyo isluubtii wacneed ee ardayda somaliye waxlagu barijiray  sida hingaada iy looxii iyo wixii lahalmaala waxa ayna waxa ay ku’andacoonayaan in uu ahaa nidaam hore oo lagatagay hadda ..
Culimado suufiyada intabadan waxa ay wax kufidinayeen diinta hab casri gal ah oo qoomka ay dhexjoogaan ay laqabsankaraan oo ay wax kufahmikaraan …
Culimada dowrkaas ugu caansan waa ay badan yihiin waxaana kamid ah sheekh caanka ah sheekh yuusuf al-kowneen  oo manta noomarti ah ..

 Sheekh Yussuf Alkuwneyn

Sheekh Yuusuf Alkuwneyn wuxuu ka mid ahaa culamaa´u diinkii waawynaa ee qeybta laxaadka leh ka qaatay fidinta diinta islaamku ay ku fiday dadka soomaaliyeed. Inkasta oo aan la hayn wax badan oo qoraallo ah, oo si fiican u qeexaya asalkii iyo meesha uu ka soo jeedo sheeku iyo faahfaahin ku saabsan shaqsiyaddiisa, waxaa la hubaa, inuu magac weyn iyo raad muuqda kaga tegay bulshada soomaaliyeed.
Marka laga reebo, soo gaadhsiiinta uu dadka soomaaliyeed soo gaadhsiinay caqiidada muslinimo, kasekow, wuxuu xilweyn sheekhu iska saaray, qorista afka soomaaliga iyo in wax laga barto.
Ilaa hadda inta la ogyahay, waa ruuxii ugu horeeyay ee cashar ku bixiyay afka soomaaliga.
Sida muuqata markii uu dadkii uu afka carabiga wax ku bari jiray, ay ku adkaatay barashada af carabigu, ayuu sameeyey baadhitaan, uu ku doonayo, bal inuu afka ay ardaydiisku ku hadasho in wax laga fahamsiiyo, casharkana lagu gaadhsiiyo luqadooda hooyo.
Wuxuu sheekh Yuusuf Alkuwneyn dejiyay hab isku dhan, oo loo raaco higgaatinta afka carabiga, iyadoo af soomaali la adeegsanayo.
Dadkii soomaaliyeed ee doonayay in Quraanka kariimka ah bartaan, waxaa loo hawl yareeyay waxbarashadoodi.
Waxaa la fahmay in afka soomaaligu hodan yahay, lana dhigmo afafka kale ee dunida.
Qoraaladii uu sameeyay Sheekh Yuusuf Alkuwneyn, inkastoo ay ku koobnaayeen barashada higgaada af carabiga iyo barashada diinta, haddana waxay noqdeen aasaas adag, oo la xusi doono, mar kasta oo laga hadlaayo af soomaalig
FG. Dowrka culimada suufiyada intabadan waxaa sabab u;ah in uu lawiiqo ama ladafiro …qodobadaan soosocda …
1- taariikhyahanada somaliya oo intabadan ahaa kuwo kusoowaxbartay dalal ajnabi ah siiba dalalkii somaliya gumeestay oo markaa aqoonyahanku in uu raadraaco ama uu wax kaqoro culimada waa uu iskala weenaa MANA UU SAN ULAEEN AQOON OO WAXA UU UMALEEYAY IN AYTAHAYBA SHARAFDHAC HADDII UU RAADIYO AQOOYAHANADII KAHORREEYAY AMA UU TIXRAACO RAADKOODII HORE ….
2-TAARIIKHYAHANKA EE wax kaqoray somaliya waa kan raacsanaa nidaamkii hore ee jamhuuriayda somaliya oo kaqalindaaranjiray uun rajiimkii hore  WAXA UU U’MEERIYO DULUCDA AQOONTIISA WAXA AY KULUNTAY IN UU WAXA LOOMEERIYAY UUN RAADRACO KUSUUBIYO OWSAN BARIN WAXKALE .
3- kankale e waxkaoqray somaliya waa aqoonyahan aan mar naba nasiib uyeelan in uu yimaado somaliya si uu raadraaco qaiiqda jirta .KAAS AYAA SABABAY WAXYAABO BADAN SIDA IN XAQIIQOOYIN BADAN LASOOMUUJIYO OO SOMALIYA KUSAABSN KUWA KUSAABSAN CULIMADANA AAN LASOOQAADIN ..
4- IN LAWAAYAY AMA AY YARAATAY CULIMO SOMALIYEED OO QORTA TAARIIKHDA DALKOODA IYO CULIMADOODA IYO RAADRAACII HORE EE CULIMADA SUUFIYADA .
NB=  waxaa lawaayay aqoonyahan ama mu’arikh raadraaca raadadkii culimad suufiyada oo kamadaxbanaan dhamaan ashkhaasta aan soo shegany …oo si dhab ah ufalanqeeya..
By hassan albisri.
You can connect to the writer for this address
E-mail xalbisri2@hotmail.com
You can visit to my website
WWW.ALBISRI.4T.COM

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: