Maxaad Ka Taqaanaa Dimuqraadiyad Waxay Tahay(Democracy Means What?)


 1.jpg

By:MaxamadGaanni 

                                                                               Date:27/05/2007

Dimuqraadiyad

Democracy

الديمقراطية

Dimuqraadiyadu Waa Magac Aan Jirin

Democracy Is Not An Existing Word

الديمقراطية إسم لا حقيقة له

Marka Hore Mahad Ilaah Baa Iskaa Leh Subxaanahu Watacaalaa.  Marka Xigana Naxariis Iyo Nabadgalyo Weynayn Lala Xiriiriyay Nabi Muxamad Korkiisa Ilaahay Hayeelo.    Waxaan Doonayaa Inaan Halkaan Kusoo Bandhigo Fikrada Aan Ka haysto Waxa Layiraahdo Dimuqraadiyad Oo Baryahaan Dambe Reer Galbeedka Iyo Taageerayaashoodu Ay Aad U Wadwadaan.    Marka Hore Waxaan U Baahanahay Inaan Ogaano Waxa Reer Galbeedku u Yaqaaniin Dimuqraadiyad.    Reer Galbeedku Dimuqraadiyada Waxay Guud Ahaan U Yaqaaniin Xoriyad Guud Waxayse Ukala Tahay Laba Hab Ama Nidaam:A.   Dimuqraadiyad Siyaasad ku SalaysanB.   Dimuqraadiyad Bulshada Ku Salaysan DIMUQRAADIYAD SIYAASAD KU SALAYSAN  Dimuqraadiyad Siyaasi Ah Waxay Yiraahdeen Waa Hab Kamida Hababka Xukunka Oo Talada Iyo Go’aanka Shacbigu Leeyihiin(Laba Nooc Bay Usii Qeybiyaan)DIMUQRAADIYAD BULSHADA KU SALAYSAN    Dimuqraadiyad Bulsheed Waxay Ku Sheegeen Asluub Kamida Asluubta Nolosha Oo Aasaaskeedu Ku Dhisanyahay Sinaan Buuxda Iyo Ra’ayi Iyo Fikir Xor Ah  Oo Qofku Siduu Rabo U Cabiri Karo Fikradihiisa Iyo Inuu U Dhaqmi Karo Siduu Jeclaysto Ou Uu Ka Helo . Hadaba Waxaa Isweydiin Mudan Ma Dhabaa Sheegashooyinka Reer Galbeedka,Mawduucaas Ayaynu Rabnaa Inaan Ku Faaqidno badi Maqaalkeenaan Si Aan Cadaymo Dheeraada Ugu Helno Ciwaanka Maqaalkeena. Maxaa Kajira Dimuqraadiyadu Inay Tahay Xukun Shacab?  Run Ahaantii Dimuqraadiyadu  Sidaas Maaha Maxaa Yeelay Waxaa Jira Arimo Fara Badan Oo Diidaya In Sidaasi Ay Sax Tahay. Waxaan Rabnaa Inaan Ku Faaqidno Mawduucaan Qaab Taariikheed Sidaas Darted, Hadii Aad Eegto Taariikhda Dimuqraadiyada  Gabi Ahaanteedba Ku Arki Maysid Sida Haatan Loogu Dhagganyahay Ood Moodo Aduunkoo Dhan Muslim Iyo Gaalba In Looga Dhigayo Mabaadi’ida  Noloshooda,Iskaba Daaye Dhab Ahaantii Dadkii Reer Galbeedka U Fakari Jiray  Ee Falsafiyiinta Ahaa Ilaa Waqtigii Giriigii Hore(Ancient Greek) way  Duri Jireen Dimuqraadiyada Si Aad Ahna Way Uga Soo Horjeedeen Ilaa Midkamida Falsafiyiinta Britian ee Waqtiyadan Jooga Amaba Kuwo Loo Yaqaano Mucaasiriinta Uu Ka Yiraah:  Markii Dimuqraadiyada Dadka Raacsan Ee Taageera Iyo Kuwa Kasoo Horjeeda Ee naqdiya Aan U Galno Gar Dimuqraadi Ah Waxay Noqonaysaa Dimuqraadiyadu Mida Gartaasi Ku Khasaartay Oo Halaagsan.    Hadaba Marka Adiga Laguu Tilmaamo Hab Siyaasi Ah Sida Diktaatooriyad Ama Urur Diimeed Waxaa Kugu Soo Dhacaysa Markaa  Maxaa Looga Jeedaa?Waxay Markaa Noqonaysaa Waxa Qalbigaag Kusoo Dhacaya Waxa Laguu Tilmaamay ,Hayeeshee Arintu Sidaa Maaha Marka Laga Hadlayo Dimuqraadiyadau Sida Uu Ku Tusayo  Magaceedu  Iy Sida Ay U Garanayaan Culimadeedu Waaweyn Iyo Taageerayaasheeda Waa Xukun Shacab.   Laakiinse  Muuqaalka Dhabta Ah Sidaa Maaha Oo Waxa Loogu Yeero Dimuqraadiyada Si kastoo Wanaageedu yahay Iyi Xumideedu Maahan Xukum Shacab Maxaa Yeelay:

  1. Waxa Laga Fahmayo Erayga Shacab Naf Ahaantiisa Waa Faham Sii Mug Weyn Sida Ay Qabaan Inbadan oo Kamida Raga Dimuqraadiyada Afkaarteeda Baara Oo Dhugdhugta,Bal Maqal Proffesor Robert Dell(Qoraalka Magaacan Dambe Waa Iga Qaldanyahay Oo Mahubo) Oo Maraykan Laba Jeerna Buugaag Uu Qoray Ku Qaatay Jaa’izada Noobeelka(Nopel Prize) Layiraahdo””u Ololeeyayaasha Dimuqraadiyada Oo Ay Ku Jiraan Falsafiyiinta Siyaasiyiinta Ah Waxay Ku Cadaynayaan Arintan Ayagoo ka Dhigaya Marka Horaba Inuu Jiro Shacbi Dhab Ahaantii Muuqda Oo Waxay Ku Tiriyaan Jiritaankiisa Arin Taariikhdu Ay Samaysay,Laakiinse Arinta Sidaan Ah Waaba Lagu Shakisanyahay,Siddii 1861-dii Loogu Shakisanaa Ameerika Gudaheeda Markii Aya Taladu Ku Go’day Isqasbid ee Aanay Ku Go’in Talo Wadaag Iyo Raali Ahaansho Laysu Qabo.

Markase Arintaan Lagu Qadaro Oo lagu Beego Jiritaan Shacab Waxyaabaha Ka Imaanaya Ee Loogama Maarmaankaa Yaa Waxay Ka Dhigayaan Qeyb Kamid Ah Afkaarta Khayaaligaa Ee Dimuqraadiyadu Xambaarsantahay.

  1. Guud Ahaan Shacbiga Waligii Manoqon Madax Dawladeed ,Mana Noqon Doono,Waana Arin Suurtagalnimadeedu Aya Adag Tahay.

Eeg Tusaalooyin Taariikh Ah Aan Kusiiyee:  Dimuqraadiyad Dhamaystiran Waa Dimuqraadiyada Layiraahdo Dimuqraadiyada Tooska Ah,Waxaa Layiraahdaa Waxaa Looga Dhaqmi Jiray Athens(Greece Ama Greek),Dowladii Ugu Horaysay Ee Dimuqraadi Ah Ee Hanaqaada Qarnigii Shanaad(5th Century) Kahor Dhalashadii Nabi Ciise(AC),Waxaana La Dhihi Jiray,Dimuqraadiyad Toos Ah Maxaa Yeelay Shacbiga Ayaa Sandkii Afar Jeer Isu Imaan Jiray Si Uu Uga Doodo Arimaha Siyaasada Ee Muhiimka Ah Dooditaan Toos Ah Halkaa Baanay Kasoo Saari Jireen Go’aamadooda .   Ayadoo Ay Saa Tahay Baysan Ahayn Xukun Shacab Maxaa yeelaya:                                 i.            Maxaa Yeelay Kuwii Aasaasay Nidaamkaa Dimuqraadiga Ahaa Waxay Ahaayeen Kooxyar Oo Dadka Kamid Ah,Waxayna Ahaayeen Kuwii Soo Go’aamin Jiray Cida Ka Qeybgalaysa Ama Mudan In lagu Daro Kooxda Ay Ku Magacaabeen Shacabka Go’aanka Iskaleh Iyo Cida Aan Mudnayn Inay Kamid Noqoto .   Waxay ka Reebeen Dumarka,Adoomada,Iyo Cid Walba Oo Aan Ahayn Reer Athens,Intuu Doono Haku Noolaadee,Sidaa dartees Xaq Umaanay Lahayn Inay Ka Qeyb Galaan Shacbiga Taladu Ka Go’do  Marka Laga Reebo Kooxdan Yar  Maahine  Ee layiraah Muwaadiniinta Dalka Ee Talada Dalka Isk Leh.                               ii.            Fadhigu Ama Kooramku Wuxuu Ugu Furmi Karay Inay bKasoo Qeybgalaan Lixkun(6000) oo Kamid Ah Tiro Lagu Qiyaasay Sodon Iyo Lixkun(36000) oo Ah Dadka Codka Leh,Markaa Taa Macnaheedu Waxa Weeyaan Go’aamada Lagaarayo Ma’Aanay Ahayn Go’aamo Ay Leeyihiin(udhanyihiin) Inta Lasiiyaya Xubinimada Golaha Go’aan Ka  Gaarista Siyaasada Dalkooda.                              iii.            Inta La Fadhiyo Shirka Kamaanay Badnayn Toban Saacadood,Sidaa Darteedna Suurtagal Maahayn Inay Dadku(Kasoo Qeybgalayaasha Fadhiga) Guud Ahaan Kawada Qeyb Qaataan Dooda,Ee Qaar Kamida Baa Hadalka Wadi Jirtay,Go’aankana Yeerin Jirtay Inta Kalana Ayaga Uun Bay Ku Raaci Jireen.Dimuqraadiyadu Dib Markay Uga Soo Ifbaxday Dhulka Reer Europe Qarnigii Sideed Iyo Tobnaad(18th Century) Waxaa Suurtoobi Weyday In  Dimuqraadiyadoodu Noqota Tii Reer  Athens Oo Kale Sababtoo Ah Tirsiga Dadka Iyo Deegaankooda Oo Kordhay Iyo Inay Isuyimaadaan Oo Suurtoobi Weyday.   Laakiinse In layiraahdo Dimuqraadiyadu Waa Xukun Shaca Suurtagal Noqon Weyday Xaaladaan Aawadeed ee Bal Aan Raaraadino Nidaam Xukun Oo Si Kalaa Oo La Jaanqaadi Karo Waqtigaan Aan Joogno.  Qaar Baa Isqaadayoo Dimuqraadiyadii Athens Wuxuu Ku Magacaabay Dimuqraadiyad Toos Ah,Wuxuuna Ikhtiraacday Dimuqraadiyada Hada Joogta Inay Tahay Dimuqraadiyad Suuradin Ah Ama Dimuqraadiyad Suuradin Ah Ama Dimuqraadiyad Shacbigu Dooranayo Kooxyar Oo Kamida Oo Matalaysa,Kuna Xukumaysa Dalka Magaca Shacbiga.  Isqaadista Noocaan Ah Waxay Ahayd Arin Lagama Maarmaan Ah Maxaa Yeelay Waxaa Jiray Dhibaato Sare oo  Madaxda Jirtay Kusaabsanayd Gaar Ahaana Boqorada Kala Duwanaa Ee Muslimiinta Iyo Shacbgiga Muslimiinta Qaarkood.   Waxaa Jirtay Su’aal Ahayd Yaa Dhab Ku Ah Inuu Ahaado Boqorka Waxna Fari kara,Waxna Reebi Kara ee Aan Laga Daba Hadli Karin Ee Talada ugu Dambaysa Iska Leh?   Waxaa Iska Lahaa Madaxtinimadaan Boqorada Oo Iyaguna Aaminsanaa In Waxaani Yihiin Xaq Ilaahay Siiyaya Ayaga Maxaa Yeelay Waqtigaa Ka Hor Dadku Waxay Ahaayeen Mu’miniin Waxayna Rumaysnaayeen Madaxtinimadan Inaanay U Ahaan Karin Ilaahay Cid Kasoo Hartay iyo Cida Ilaahay Uu Ku Galadaysto.  Laakiinse Dadku Masii Joogin Inay Rumaysnaadaan Arintan Kadib markii Ay Dhaceen Kacdoonadaan Fikradeed Ee Timid Qarnigii Sideed Iyo Tobnaad(18th Century) Ee Miraheedu Ahaa In Xukunka Diinta Islaamka Laga Saaro Dhamaanba Xaaladaha Nolosha Heerkasooy Tahayba.   Mana Aysan Jirin Wax Lagu Badalo Xukunka Ilaahay Ama Xukunkii Boqoradii Ilaahay Ku Xirnaa In La Yiraahdo Mooyaane Xukunka Shacabka Ayaa Gabi Ahaantiis Leh,Qolyaha Ku Badalanaya Sharciga Islaamka Dimuqraadiyadana Waa Qolada Oraahdaas Aan Soo Sheegnay U Ordaya,Haday Suura Gal U Tahay Iyo Hadii kalaba.   Hayeeshee Dimuqraadiyada Aan Tooska Ahayn Ama Matalaada Iyo Suuradintu Dhab Ahaantii  Way Kaga Sii Fogtahay Dimuqraadiyada Tooska Ah inay Noqoto Xukun Shacab:-1)      Sidiisa Horta Dowlad Markii Lajoogo Xukunku Waa Laba Hab v     Xeerdajinv     FulinØ      Golaha Fulinta:  Suurtagal Maahan Shacbigu Inuu Noqdo Golaha Fulinta Maxaa Yeelay Shacbiga Kulligi  Manoqon Karo Madaxweyne,Gole Wasiir,Iyo Horjoogayaal Ciidan.     Fiilasoof Faransiis Ah Baa Yiri Kal Hore Asagoo Naqdinaya Shacabku Inuu Noqon Karo Gole Fulin    ““Hadaan Soo Qaadao Erayga Dimuqraadiyada Macnaheeda Hoose Hoose Ee Dhabta Ah Waxaan Arkaynaa Waligeed Dimuqraaduyad Dhab Ahi Inaanay DhicinmAysana Dhici Doonin.Waxay kazoo Horjeedaa Nidaamka Dabiicigaa Ee Nolosha In Tirada Badani Ay Wax Xukunto,Tirada Yarina Ay Noqoto Ta laxukumayo,Lama Suuraysan Karo In Marwalba Shacbigu Isu Yimaado,Si Uu Waqtigiisa Ugu Dhameeyo Maamulida Arimihiisa Guud,Sida Iska Cadna Uma Taagnaan Karo Hawshan In Labadalo Nidaamka Xukunka Maahine””Ø      Golaha Xeerdajinta2) Si Taa Lamidana Shacabku Xeer Dajiye Maaha Laakiinse Waxa Xeerka Dajiya kuwa Shacbiga Qaarki Doorteen OO Naa’ibiin Ah Dadkuna Waxay Dajiyaan Waa Kula Aragti Duwanaadaan.    Marka Aan Soo Qaadano Fayalsoofkii Faransiiska Ahaa Wuxuu Arinyan Iyana Ka Yiri Asagoo Tusaale Dal Usoo Qaadanaya:   ““Ummada Britian Waxay Isleeyihiin Inay Haystaan Balse Arintaasi Way Ku Gafeen Waliba Gaf Aad Uxun Oo Ceeb Ah,Waxay kaliya Xoryihiin Buu Yiri Waqtiga Doorashada Baarlamaanka Saa Markay U Doortaan Adoonimo Ayaa Ku habsanaysa Oo Waxba Noqon Mayaan.  Wuxuu Yiri Kaliya Ilbiriqsiyadaas Qaabka Ay Uga Faa’idaysanayso xoriyada Ay Ku Naaloonayso Baa Waxay Ku Tusaysaa Inay Mutaysatay in Ayba Weydo””2)      Dadka Ladoortay Maahan Shacbiga oo Dhan Walow Dadku ha Wada doortaane Ee Waa Qeyb Kamida Dadka Sidaa Bayna talada Dalka U Qabanayaan.3)      Dadka Ladoortayi  Maahan Dhamaaan Dadkii Wax Dooranayay Ay Wada Doorteen Ee waa Kuwo Lagu Doorta Wax Layiraahdo Aqlabiyad,Aqlabiyaduna Maahan Dhamaab Shacbigii Ee waa Qeyb Kooxna Raali Galinaysa,Kooxna Aan Raali Galinayn,Iyadoo Hadaba Ay Sidaa Tahay Ayaa Laleeyahay Wuxuu Matalaa Shacabka Waana Xaakin Magaca Shacbiga Ah. Aqlabiyada Naftirkeedu Bilawgii Dimuqraadiyada Maanay Ahayn Aqlabiyada Shacbiga Oo Dhan,Ee Waxaa Doorashadaba Aan Cod Ka Dhiiban Karaynin Dumarka,Dadka Dabaqada Hoose Ah(Faqiiriinta),America(USA) Ayadu Dadka Adoomadaa(SLAVES) Xitaa Codkooda May Dhiiban Karin. Dumarka Shacabka Xaqa Uleh Inuu Codeeyo Waxaa Lagu Soo daray Sanadkii 1918 OO Dalka Ingiiriska Codkooda Loo Ogolaaday Inay Dhiibtaan,Maraykanka Ayaa Isnna Sanadkii 1920 Asna Codkooda U Ogloaaday Inay Dhiibtaan.   Laakiin Xitaa Markii Lagu Soo Daray Wixii Shacbka Kamida Ee Muwaadiniintaa,Caruurta Marka Laga Reebo,Inay Codkooda Dhiibtaan,Kooxaha Qaar badan Baan Helin Lahaanshaha Xaqa Ka Qeyb Qaadashada Doorashooyinka. Bal Dhagayso Qoraagaan Maraykanka Ah Wuxuu Ku Yiri Buug Uu Qoray Oo ka hadlaaya Dimuqraadiyada:““Malaayiin Kamida Dadka Waxay Joogaan Ayagoon Lahayn Xaqa Ah Inay Codeeyaan  Gabi Ahaan Ama Qeyb Ahaan,Boqolaal Kun OO Kamida  Muwaadiniinta Kunool Caasimada Maraykanka Ee Washington,Malyuun Iyo Bar Kamida Kuwa Dambiyada Kala Duwan Gala Ee Waxay Geystaan Laga Gooyo OO Loo Ciqaabo,Hadana Maamulkoodu Uma Ogola Inay Codeeyaan,Tiro Malaayiin Ah Oo Kunool Peurto Rico Iyo Gobolo Kaloo Federaaliga Ka Tirsan Iyo Maalaayiin Aan La Tirin Karin Oo America Kunool Waraaqahooda Codeynta Waa La dayacaa,Waar Way Xumaadaan baa layiraahdaa Amaba waa lajoojiyaa Doorasho Kasta.4)      Maraykanka Oo Kale Doorashada Waxaa Ka Qeybgala Qofkii Isdiiwaan Galiya Inta Aanay Bilaaban Doorsahada,Markaa Dad Fara Badani Ismay Diiwaan Galiyaan,Sidaa Darteedna Aqalabiyadu Waxay Noqonaysaa Inta Codaysay EE Kamida Inta Isdiiwaan Galisay Oo Xaqa U yeelatay Inay Codeeyaan.   Tirsigaan Soo Socda  Ayaa Tusaale Inoogaga Filan Arintan,Tirsigaani Wuxuuba Ahaa Sabadkii 2000AD Doorashadii Dhacday  Wuxuuna Kusoo Baxay Qaraar Xukuumadeed Oo rasmiya” Tirada Dadka Oo Ahayd 203Malyna Da’adooduna U Ahayd 18Jir Iyo Wixii Kasii Weyn,186Malun Waxay Ahaayeen Muwaadininta USA,Waxaa Doorashada ISu Diiwaan Galiyay 130Malyan,Waxaa Codkooda Dhiibtay 111Malyan,Sida Muuqata  Markaa Marka Aad Eegto Boqolayda(100%) Kamida Dadkii Maraykana Daganaa Ee Da’adoodu Ahayd 18jir Iyo Kaweyn Tirsgooduna Dhamaa 203Waa Tab Waadna Yaqiinsan Xaqiiqada:- 55%(boqolkiiba konton iyo shan) Kamida Dadkii America Ayaa Isdiiwaan Galiyay60%(boqolkiiba Lixdan) Muwaadiniinta Kamida Ayaa Isdiiwaan Galiyay  Oo Codkooda Dhiibtay

86% (boqlokiiba sideetan iyo lix)Ayaa Intii Isdiiwaan Galisayba Ka Codaysay.

 Dimuqraadiyada Layberaali AhLiberal DemocracyMawduucaan Waxaan Ku Qaabaa Dhigi Doonaa Waxay U Yaqaaniin Dimuqraadiyad Liberal Ah Waxay Ula Jeedaan Iyo Miraha Ay Xambaarsantahay:-  Dad Badani Ma Fahamsana In Dimuqraadiyada Kajirta Dhulka reer Galbeedka Aanay Ahayn Dimuqraadiyad Barax la’ Ee Ay Tahay Mid Ay Ku ifaaqantahay Liberaaliyo wax Layiraahdo.  Liberal Micnaheedu Waa Xorriyad Hadaba waxaa Isweydiin Mudan Muxuu Yahay Micanaha Uu Xambaarsanyahay Weertan Ah Dimuqraadiyad Layberaal Ah? Dimuqraadiyad Layberaal Ah Waa Fikrad siyaasadeed Oo Koobaysa In Bulshada Aasaaskeedu Ka Koobanyahay Shaqsiyad Ee Aanay Ka Koobnayn Dabaqado,Qoysas,Iyo Isutagyo Kale Toona. Hadaba Sida Ay U Tahay In Bulshooyinku Ay ka Koobanyihiin Shaqsiyaad Iyo Sida  Markii Laguu Tilmaamo Shaqsi Uu U Leeyahay Xuquuq Ay Ugu Muhiimsantahay Xoriydiisa Ayaysan Xukuumada U Banaanayn Iyo Qeyb Kamida Shicbiga Iyo Xitaa Aqlabiyada Dadku Inay Ku Xadgudbaan Xoriyadiisa.  Sidaasi Daraadeedna Waxay Ugu yeeraan  Waxa Ay Ku Magacaabaan Awooda Ugu Hoosaysa e xukuumada in aasaasku uu yahay in laga tago shaqsiyaadka ayagoo leh xoriyad ay ku doortaan waxay rabaan,sidaasi daraadeedna dowlada waxaa waajib ku ah inaysan faragashan xoriyada dadka wixii lagama noqda mooyaane sida ilaalinta xuquuqda shaqsiyaadka ee suurtagalka ah ay tahay in barkood qaarka kale ku xadgudbaan,taana waxay isaga ilaalinayaan wax ay ugu yeereen Diktaatooriyad Weyn. Waxaan maanka ku hayay inaan daliishado qiro kamida qoraalada qaar kamida siyaasiyiinta iyo fiiloosoofiyiinta reer galbeedka gaar ahaan kuwa reer galbeedka gaar ahaan kuwa maraykanku ay ka dhexmuuqdaan,hayeeshee waxaa iga deeqay dhamaantood hadal aan ka dhexhelay midkamida oo layiraahdo Lipman{Qoraaladiisa Buug Lagu Uruuriyay Ayaa ragii Ragii Faafiyay waxay ku tilmaameen fiilasoof siyaasi ah ee joogay qarnigii labaatanaad (20th century) kii ugu fikrado weynaa uguna meeqaam sareeyay} aan kuusoo bandhigo qaar kamida oraahyadiisii ee bal dhab u aqri wuxuu yiri:-  ‘‘waxaa fikradayda waajib ku ah inaan diido oraahda ah in mabaadii’da xoriyada(liberal),cadaalada(Justice)Iyo Maamulwanaagu(Good Governanc) Ay Kusuurtoobayso Xuskun Aqlabiyeedka.Halkaan Bay Suurtagal Ku Tahay Asalka Oraahdu: ‘‘Dhab Ahaantii Madaxweyne Washington wuxuu Ahaa Mid Rumaysan Shacabkuy Inuu Wax Xukumo Inay Waajib Tahay,Hayeeshee Ma’uusan Aaminsanayn In Sababta Xukunka Shicbiga Ay Ku Suurtoobayso Xorriyadu,Cadaaladu Iyo Maamul-Wanaagu,Wuxuu Ahaa Mid Ictiqaadsan In Shacabka Maamulka Lihi Aan Lagu aaamini Karin madaxtinimada guud sida boqorka maamulka wanaagsan aan loo aamini Karin kana saga ka dambeeya. Ma uusan khiyaamin naftiisa. . . . . . ma uusan ahayn mid rumaysan waxa ay haatan noqotay aydiyooloajiyada dimuqraadiyadu(Ideology of democracy) ee ah:Dhamaan waxa ay ra’yiyayso inta badan dadku waa waxa ay rabaan dhamman ummadu,sidaas darted waxaa waajib ah inuu qabalo in waxaa la ra’yiyeeyay uu yahay go’aanka kama dambaystaa.  Washington wuxuu ahaa mid og inaysan jirin wax damaanad qaadaya in xukumka shacabka uu u wareego karo xukun isqasbid,isdhibid,dulmi iyo cadaalada daro kusalaysan.Shacabkau markale ayuu xakamihiisa soo jiidanayaaShicibigu sida dadka kale waxaa waajib ah inuu isxisaabiyo,sida dadka kale waxaa waajin ah inuu wax ogaado,sidoo kalana dariiqooda caadigaa meel ka koraysa inay koraan oo aysan meeshooda fadhiid ku noqon. Wuxuu kan dimuqraadiyada ku dhagan mabda’eeda  oran doonaa markuu weerteena maqlo:Laakiinse adinku waxaad samaynaysaan arimahaan aad ka hadlaysaan darted awood ka saraysa awooda shicbiga,mabda’ dimuqraadiyaduna waa in awooda maamulka shicbigu leeyihiin hadaba adigu matihid lipman-oow dimuqraadi sidoo kalana Washington-kii kaa horeeyayna maahan dimuqraadi.  Hadaba Lipman wuxuu kaga doodayaa arimahaan weertiisaan ah:-  Idinkja(Dimuqraadiyiintiina) waxaad nagula doodaysaan dimuraadiyad barax la’ oo Si Qotodheer u  rumaysan madaxtinimada shicbiga hayeeshee dimuqraadiyada aan ka hadlayno ee aan u ololaynayno waa dimuqraadiyada laybaraaliga ee xadidaysa awoodaan shicbiga.  Waxay ku tagio doonaan qaar kamida laybaraaliyiinta timid kadib Washington shuruudo kabadan kuwii uu isagu qaatay oo waxay xoojinayaan laybaraaliyada inay tahay tan aasaaska ah,oo xitaa markii ay iskhilaafaan laybaraaliyada iyo dimuqraadiyada oo markaa waxaa haboon in laqaato laybaraaliyada. Waa kan fiilasoofkii laybaraaliga ahaa ee heick wuxuu ku leeyahay bacdamaa uu Si xoog Leh u daafacay dimuraadiyada iyo intuu cadeeyay dabadeed dimuqraadiyadu inaanay ka maarmin laybaraaliyada bug uu qoray oo uu can kunoqday konton sano ka hor’’dooni maayi dimuqraadiyada inaan ka dhigo sanab lacaabudo waxaa laga yaabaa inay ahaato dhab ahaantii in jiilkeean uu ka sheekaysto oo uu ka fakaro wax ka badan waxa ka imaanaya dimuqraadiyada iyo wax kayar qawaaniinta ay tahay dimuqraadiyadu inay u adeegto . . . . . .  . dimuqraadiyad jawharteedu markay ku jirto waa dariiqo waa aalad shaqo oo damaanad qaadayso aminga gudaha iyo xoriyada shaqsiyadeed arimahan dartedna maahan mid xumaan laga ilaaliyay lana damaanad qaaday. Sida ay waajibka u tahay  inaynaan hilmaamin in inbadan oo qadar xoriyada hidaha iyo ruuxiga ah ay ku dhabawdo xukun mudlaqa ay suurtagal tahay sika badan qaar kamida dimuqraadiyadaha.

                       Waxaa Diyaariyay:

 1muxammad-gaanni.jpg

Maxamed Gaanni Xuseen

Email:mgaani@gmail.com,m_gaanni@hotmail.com

WebMaster Of Websites:

 www.ahlusunnah.tk

And

 www.mudugpost.tk

       

1 Comment »

  1. Great blog! Do you have any tips for aspiring writers? I’m
    hoping to start my own site soon but I’m a little lost on everything.
    Would you advise starting with a free platform like WordPress or go for a paid option? There are so many choices
    out there that I’m totally confused .. Any recommendations?
    Appreciate it!


RSS Feed for this entry

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: