Inta Xarakaat Diimeed ee joogta Somalia

Inta Xarakaat Diimeed ee joogta Somalia

 

Hassan Albisri

Inta uusan islaamku gaarin magaalada Madiina ayuu Islaamku soo gaaray Soomaaliya, ka dib markii qaar ka mid ah Asxaabta Rasuulka (SCW) ay Geeska Afrika u soo qaxeen sida Jacfar Bin Abii Daalib, tan iyo waagaas Ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd Ummad Islaam ah, Mad-habtii ugu soo horreysay ee dalka soo gaadhay waxay ahayd Mad-habta Xanafiyada, waxaa ka danbeeyey oo cammimey dalka oo idil Mad-habta Shaaficiyada oo ilaa iyo maanta looga dhaqmo dalka Soomaaliya. Hadaba Dalka somalia waxaa burburay ma’ahan oo kaliya nidamkii dowladnimo ee waxaa sidookale ku yimid walaac nidaamkii diinta oo waxaa soo baxay dhalinyaro ka biyo cabtay muxaadaraadkii sheikh Qudubi iyo sheikh Maxamed Macalim kuwaas oo jahwareeriyay umaddii , isla markaana ku caan baxay Ku jees jeesidda culimada Islaamka iyagoo ku magacaabo: Gaalo, Munaafaqiin, khurraafiyiin marka waxaan rabnaa in aan wax kafahmno tiradooda iyo waxyaabaha saaciday soo daahiritooda oo ay ka mid tahay .


1- Qabiilka 2- Burburka 3- Dagaalada 4- Jahliga 5- Fanka ey kahelayaan dibadda siiba Sucuudiga .6- Wacyi yari loo leeyahay habka Xaraakaatka ee marmar ka imaaneysa dhinaca Culimada iyo umuuro kale oo aan markale si fiican jecelahay in aan kaga hadlo .balse manta tirade xarakaataka ama ururo diimeedka somaliaya jooga .
waxaana kamid ah ayadoo aan soogoobayo …1- Jamaacada loo yaqaano Tabliq oo astaantooda ey ka mid tahay in eysan dhex dabaalan doodaha siyaasadda muranka sida ey sheegtaan….2-Al-itixaad ….Xarakadaan oo ku caanbaxday isticmaalka shiddada iyo xaqiraadda marka ey rabaan in ey baahiyaan afkaartooda Ururka Al-Itixaad waxaa la aasaasay 1967kii, waxaana xilligaa lagu magacaabi jirey Al-Ahal, guddoomiyaha ururkaasi Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud markuu bilowgii toddobaatameeyadii uu la goostay koox la magac baxday (Attakfiir), dib u habeyn ururka lagu sameeyey dabadeed waxa ay isku magacaabeen xubnaha ururka ku haray (Assalafiya) taasoo macnaha ay u jeedaan ay tahay inay ku dhaqmayaan tubtii Nabi Maxamed (S.C.W) & Asxaabtiisii. 1984kii waxaa midoobay “Salafiyada Waqooyi” & “Salafiyada koonfureed” waxayna isku magacaabeen “Al-Itixaad” sababta magaca uu ubaxayna waa sidaas .

Intii uu jiray waxaa ka go’ay kooxo badan
1) Attkafiir – Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud, Guddoomiye
2) Al-Islaax – Garyare, Guddoomiye
3) Ansaara Sunnah – Xasan Calasow, Guddoomiye
4) Aala Sheekh – ama majmaca … oo raba in uu aruuriyo dhamaan xarakaatka jira islamarkaan hal meel uu ku mideeyo magacuna waa sidaas ..waxaana Guddoomiye u’ahaa Sheekh Maxamed Macallin (Allaha u naxariistee),
5) Mustaqilliin – Cabdullaahi Lakari, Guddoomiye
6) Salafiya Jadiida – Abtidoon, Guddoomiye
7—Xizbullaah oo aasaasmay 1996 markii la weeray Masjidka isbaheesiga ,waxaana aasaasay arday somaliyeed 8—Al-islaax al islaamiyah ama (ikhwaan muslimiin) waxaa goddoomiya u;ahaa Maxamed nuur …

Ururada tan qaar wey baaba’een, qaarna jiritaan aan macna laheyn ayey jiraan, inkastoo guddoomiyayaashooda ay isbedeleen oo guddoomiyeyaal cusub ay yeesheen.
Kala googo’an waxa ugu wacan oo qura madaxtinnimo iyo xoolo jacayl, taasoo keentay anshax xumo, ka been sheegidda Islaamka, qabyaalad, iyo faragelin shisheeye. Dagaalkii Khaliijka markuu billowday culimadii dalka Sacuudiga waxay u qaybsameen laba qeybood oo kala ah:
1- kuwa xukuumadda Sucuudiga ku taageersan fariissimada ay siisay ciidamada Reer Galbeedka (Salafiyada cusub).
2- Kuwo kasoo horjeeday mawqifka xukuumadda (Salafiyadii hore).
Inta badan xubnaha ururka Al-itixaad ee beesha Hawiye waxay raaceen Salafiyada Cusub, Inta badan xubnaha ururka Al-itixaad ee beelaha Daarood waxay raaceen Salafiyada hore, waxaa taa ugu wacan qolo kasta waxay u dhaqaaqday meesha ay isleedahay dhaqaale ayaad ka heleysaan.

w/q/ hassan albasri
wixii farriin ah kusoodir
Email xalbisri2@hotmail.com

@Source:www.shaaficiyah.com

3 Comments »

  1. 1
    mohamed Says:

    waxaan rabaa in aan wax ka ogaado Xarakooyinka islaamiga ah ee somaliya ilaa iyo hada soogaaray tiradooda iyo ismaadooda ama magacyadooda
    1. xarakada oogu badan ilaa iyo hada
    aniga waxaan ahay arday soomaaliyeed oodhigta JAMACAD dalka suudan waxaana bartaa ama aan wax kaqorahayaa xarakaadka islaamka gaar ahaan kuwa somalida igu caawi wixii cilma ah ee aad igu dhanto adiga oo mahadsan
    maxamed axmed dhiriq khartoum sudan
    Tel .+249922110386

  2. 2
    mutafe Says:

    maxaada ka dhihilahay al islaaxana sheelh kahayra ala ha kusiiyee

  3. 3
    mahamud macalim Says:

    sxb waad kumahadsantahay qoraalkja lkin waxaa kuu dhiman in aad aad ucadeeyso firqooyinka moowqifkooda midkasta gaar u ah oo aad xustid sida aay ukala qarabtaan mahadsanid


RSS Feed for this entry

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: