عقيدةالإسلام

  

AASAASKA CAQIIDADA ISLAAMKA

  KELIMADDA ASHAHAATINKA
Dhammaan dadka qaangaarka ah waxaa ku waajib ah in ay soo galaan diinta Islaamka uguna sugnaadaan si joogto ah, iyo gudashada wixii axkaam ah ee laga rabo. Waxaana ka mid ah waxyaabaha ay waajib tahay in la ogaado oo la rumeeyo xadla’aan laguna dhawaaqo isla markiiba haddii qofku kaafir ahaa, haddii kalena salaadda dhexdeeda lagu dhaho, kuwaas oo ah: Waxaan ka markhaati kacayaa in uusan ilaah jirin Alle mooyee, waxaanna ka markhaati kacayaa in Muxammad (NNK) uu Rasuulkii Alle yahay.

UJEEDDADA ASHAHAATINKA
Ujeeddada “Waxaan ka markhaati kacayaa in uusan ilaah jirin Alle mooyee” waa laabta ayaan ka ogahay kana rumaysanahay, carrabkana waan ka dhahayaa in aanan mid xaq lagu caabudaahi jirin Allaha kaliga ah ee midka ah mooyaane, kaas oo ah mid, kali, billow, horreeye, noole, maamule, daaim, abuure, quudshe, caalim, qaddere, falana wixii uu doono, wixii uu doono ayaa ahaada, wixii uusan dooninna ma ahaadaan, kaas oo aanan xeelad iyo awood la lahayn la’aantiisa, kuna astaysan dhammays ku habboon oo idil, kana hufan mudankiisu xumaan oo dhan. “Wax la mid ahna ma jiraan, waana maqle arka”[as-shuuraa:11].

Kolka Eebbe waa horreeye, inta kalena waa dhacdo, asiguna waa abuure, inta kalena waa uun. Kolka dhacdo kasta oo jiritaanka soo gasha oo ka mid ah waxyaabaha iyo falalalka, dhuuracaso laga billaabo oo carshiga lagu tago, iyo dhaqaaq iyo nagaadi kasta ee addoomuhu falaan, ama wax kasta oo la niyaysto ama qalbiga ku soo dhaca waa wax eebbe uumay, cid aanan asiga ahaynna ma abuurin, dabiicaduna ma abuurin, sabab kalena ma abuurin, taadaaye, soo gelitaanka uu jiritaanka soo galay Alle doonistiisa bay ku ahaatay iyo awooddiisa iyo qadderiddiisa iyo cilmigiisa horreeyay, sida uu Eebbe kor ahaayee u yiri: “Wax walbana wuu abuuray” [al-Furqan: 2]. Oo ah in uu uunka meran ka sameeyay uu jiritaanka u soo saaray. Abuuritaanka jaadkan ah Eebbe cid aan ahayn uma sugnaanin, Eebbana kor ahaayee wuxuu yiri: “Ku wax abuura oo aan Eebbe ahayn ma jiro” [al-Fadir: 3]. Nasafi wuxuu yiri: Haddii qofi dhagax ku dhufto dhalo ee uu jebsho, kudhufashada iyo jabka iyo jebiddu waxay ku ahaadeen abuurista Alle kor ahaayee. Addoonkuna kuma laha wax aanan kasbashada ahayn, abuuristuna cid aanan Alle ahayn uma sugnaan, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: “Naf kasta waxay leedahay wixii ay kasbatay, waxaana lagu leeyahay waxay gaysatay” [al-Baqarah: 28]. Hadalka Eebbana wuu horreeyay sida astaamihiisa oo kale. Maxaa yeelay nasahnaayee, uunka oo dhan wuu ka duwanyahay nafta iyo astaamaha iyo falalkaba. Eebbana wuu ka nasahanyahay oo ka korreeyaa waxa ay leeyihiin kuwa dulmiga fala korrayn wayne.

SIFOOYINKA EEBBE KOR AHAAYEE
Kolka waxaa lagu soo koobi karaa wixii aan kor ku soo xusnay in Ilaahay waynaayee saddex iyo toban astaamood (sifo) loo sugo, kuwaas oo sheegiddooda quraanka ku soo noqnoqotay in badan, lafdi ahaan ama macne ahaan waxayna yihiin:

Jiritaanka iyo mid ahaanta, iyo horraynta oo ah billow la’aanta, iyo baaqi ahaanta, iyo in uu naftiisa u taaganyahay, iyo awoodda, iyo doonista, iyo aqoonta, iyo maqalka, iyo aragga, iyo nolosha, iyo hadalka, iyo in uu dhacdooyinka ka duwan yahay. Kolka markii astaamahaas in badan lagu xusay kutubta sharciga, ayaa culumadu dheheen: Waxaa waajib ah in uu qof kastaa bartaa sifooyinkaas.

Haddaba kolkii ay billow la’aantu (azali) Eebbe u sugnaatay ayaa waxaa waajib noqday in ay astaamihiisu (sifooyinkiisu) kuwo aan billow lahayn (azali ah) ahaadaan, maxaa wacay asataantu haddii ay wax dhacay tahay (xaadith), naftuna (thaat) waxay noqonaysaa wax dhacay.

MACNAHA QAYBTA LABAAD EE ASHAHAATINKA
Ujeedada “waxaan ka markhaati ahay in Muxamad rasuulkii Alle yahay” waa waxaan ogahay oo rumaysnahay oo aan sugayaa in Muxamad ina Cabdullaahi ina Cabdul Mudalib ina Hashim ina Cabdul Manaaf ee reer Quraysh Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yahay addoonkii Alle iyo nabigiisi kaas oo loo soo diray dhammaan uunka. Waxaana intaa raacaya, in la rumeeyo, in uu Maka ku dhashay halkaasna laga soo baxshay, uuna Madiina u haajiray halkaasna lagu aasay.

WAXYAABAHA SOO RAACAYA KELIMADDA ASHAHAATINKA
Waxaa kale oo kaasi caddaynayaa in uu runlow ku ahaa dhammaan wixii uu shaagay oo uu Eebbe waynaayee xaggiisa inaga soo gaarsiiyay: Waxaana ka mid ah: cadaabta qabriga iyo barwaaqadiisa, iyo su’aasha labada malak Munkar iyo Nakiir, iyo soo bixinta (bacthiga), iyo kulminta (xashriga), iyo qiyaamaha, iyo xisaabta iyo abaalmarinta (thawaabta) iyo cadaabta, iyo miisaanka iyo naarta iyo waddada (siraadka) iyo xawdka iyo shafaacada iyo jannada iyo aragtida Eebbe waynaayee isha lagu arkayo aakhiro qaab la’aan iyo meel laan iyo aag la’aan si aan ahayn sida loo arko uunka. Iyo in Jannada iyo Naarta dhexdooda lagu waarayo.

Iyo malaa’ikta Alle oo la rumeeyo, iyo Nabiyaashiisa iyo kutubtiisa iyo qadderka khayrkiisa iyo shartiisa. Iyo in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yahay nabiyaasha kii lagu dhammaystiray iyo in uu yahay sayyidkii intii nabi Aadam dhalay dhammaan. Waxaa waajib ah in la rumeeyo in nabi kasta oo nabiyada Alle ka mid ah ay waajib tahay in uu ahaado mid runlow ah, oo ammaano leh, oo caqlilow ah, kolka waxaa ka reebban beenta iyo khayaanada iyo ardaalnimada iyo dabbaalnimada iyo garaad yarida, iyo fulaynimada iyo wax kasta oo diidaya dacwada ka aqbaliddooda, waxaana u waajibaya Alle ka magangelsho kaafirnimada iyo dambiyada waawayn iyo dambiyada yaryar nabinimada ka hor iyo kadibba.

GAFAFKA KA DHICI KARA NABIYAASHA
Waxaa bannaan in ay nabiyaasha ka dhacaan gafaf kale oo aan ahayn kuwa kor lagu soo sheegay, hase ahaatee, si degdeg ah ayaa loogu baraarujiyaa si ay u towba keenaan inta aaney ku dayan dadka kale.

Halkan ayaana laga ogaan karaa in aanay nabinimadu u suurtoobayn nabi Yuusuf walaalihiis, kuwaas oo falay falalkii xumaa, waxayna ahaayeen Binyaamiin mooyee inta kale. Asbaadda (dhasha) waxyiga lagu soo dejiyayna waa inta loo waxyooday ee dhashooda ahayd.

DHOWRIDDA CAQIIDADU WAA WAAJIB
Waxaa qof kasta oo muslim ah ku waajib ah in uu dhowro islaamkiisa kana ilaalsho wixii doorinaya oo duminaya oo goynaya waana riddada Eebbe kor ahaayee baannu ka magangalnee, Nawawi wuxuu yiri: “Riddadu way tan ugu xun jaadadka kufriga”. waxaana batay waayahan fududaysiga hadalka dadka qaar afkooda ka soo baxayo erayo ka bixinaysa Islaamka aanayna u arag waxaa dambi iskaba daa in uu ahaado kufriye, taasina waa dhabtii hadalkii nabigeenna (NNK) Ee ahaa:

“Addoonku waxaa dhacda in uu ku hadlo weedh aanuu u arag wax belo ah kuna hoobisa naarta toddobaatan gu’” oo looga jeedo in fogaanteedu tahay toddobaatan sano in loo socdo oo hoobad ah halkaasina waa jahannama salkeeda oo ah meel u gaar ah kufaarta. Xadiiskana waxaa soo weriyay Tirmadi wuuna wanaajiyay, waxaana la ujeeddo ah xadiis ay soo weriyeen Bukhaari iyo Muslim. Xadiiskan ayaana u daliil ah in aaney shardi u ahayn kufri ku dhicidda xukumka aqoontiisu ama qalbi qaboojinta ama ictiqaadka macnaha erayga sida uu sheegay kitaabka “Fiqh as-Sunnah” .

Sidoo kale shardi uma aha kufriga ku dhiciddiisa carala la’aantu sida uu Nawawi sheegay, wuxuu yiri: “Haddii nin ku xanaaqo wiilkiisa ama qowsaarkiisa ee uu dilo dil aad u daran ee kolkaa nin ku yiraahdo: miyaadan muslim ahayn? Ee uu yiraahdo: maya, asiga oo u kasaya wuu gaaloobay” sidaa ayayna dhaheen kuwa kale oo xanafiyada ka mid ah iyo kuwo kale.

QAYBAHA RIDDADA
Riddaduna waa saddex qaybood, sidii uu u qaybshay nawawi iyo qaar kale oo shaaficiyo iyo xanafiyo ah, waana: waxyaabaha la rumaysanyahay, iyo falalka iyo oraahda, dhammaanna waxay u kala baxaan qaybo kale.

Qaybta hore: waxaa ka mid ah: in Alle laga shakiyo ama nabigiisa ama quraanka ama maalinta qiyaamaha ama jannada ama naarta ama abaalmarinta ama ciqaabta iyo wixii la mid ah oo ka mid ah waxyaabaha la isku raacsanyahay ama in la rumeeyo in dunidu soo jireen tahay nooceeda iyo qaabkeeduba ama nooceeda oo kaliya.

Ama diididda astaan ka mid ah astaamaha Ilaahay u waajibay ee la isku raacsanyahay, sida in Alle yahay ogaal-badne (caalim), ama in loo saarsho waxyaabaha ay waajibka tahay in laga hufo ee la isku raacsanyahay sida jismiga .

Ama xalaalaynta wax xaaraan ah, oo la isku raacsanyahay waxyaabaha diinka lama huraankiisa ahna ka mid ah, oo ah waxyaabaha aanan qofka ka qarsoomayn, sida dhillaysiga iyo qaniisnimada iyo dilka muslimka iyo boobka iyo xatooyada, ama xaaraamaynta wax xalaal muuqata ah sida ganacsiga iyo guurka. Ama diididda wax waajib ah oo la isku raacsanyahay. Sida Salaadaha shanta ah ama sujuud ka mid ah salaadahaas, ama sekada iyo soonka iyo xajka iyo waysada ama in waajibinta wax aanan waajib laysku raacsanyahay ahayn.

Ama diididda wax sharci ah oo la isku raacsanyahay, ama inla doono in la kufriyo mustaqbalka ama in la falo qaar ka mid ah waxyaabaha la soo sheegay ama laga laba labeeyo, kufrina maaha haddii waxyaabahaasi laabta ku soo dhacaan ayada oo aanan kas loo doonan. Ama beensha saxaabinimada Abu Bakar allaha ka raalli noqdee ama nabinimada mid ka mid ah nabiyaasha la isku raacsanyahay nabinimadooda.

Ama diididda eray ka mid ah erayada quraanka ee la isku raacsanyahay amaku dara eray la isku raacsanyahay diidmadiisa asiga oo rumaysan in uu quraanka ka mid ayahay. Ama uu beensho nabi ama hoos u dhigo ama magaciisa yareeyo asiga oo liidid ula jeeda. Ama uu banneeyo nabinimada qof kale nabigeennii Muxamad ahaa kadib, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Qaybta labaadna: waa falalka sida sanam ama qorrax in loo sujuudo, haddii cibaadadooda looga jeedo ama wax kale, ama wax kale loo sujuudo haddii cibaado looga jeedo, sida sujuudda ay aqoonlaawayaasha qaarkood u sujuudayaan sheekhyadooda suufiyada ah, taas oo ah haddii sujuuddu tahay mid cibaado sheekhyadooda la caabudayo looga jeedo waxay noqonaysaa kufti haddii uusan mid cibaado looga jeedo ahaynna kufri noqon maayo laakiin waa xaaraan.

Qaybta saddexaadna: waa oraahda aad ayuuna u badantahay, waxaana ka mid ah in qofku ku yiraahdo qof muslim ah: gaalyahow, ama yahuudiyahow, ama kirishtaanyahow, ama diinlaawayahow, asiga oo taas uga jeeda in qofka uu la hadlayo uu gaaloobay ama yahuudiyoobay ama kirishtaamay ama uusan diinba haysan, kaftanna aanuu uga jeedin.

Ama uu ku jeesjeeso magic ka mid ah magacyada Eebbe kor ahaayee, ama ballanqaadka Eebbe ama goodintiisa, qofkii aanay waxyaabahaas in Eebbe nasahnaayee loo saarsho ka qarsoonayn. Ama uu yiraahdo: haddii Eebbe I fari lahaa sidaa ma faleen, ama haddii qibladu aagg hebel xigi lahayd umaba tukadeen, ama haddii Eebbe jannada isiin lahaa ma galeen, asiga oo ku jeesjeesaya ama madax adayg uga jeeda waxaas oo dhan.

Ama uu yiraahdo: Haddii Ilaahay ii cadaabo salaadda aan ka tegay aniga oo jirradani I hayso, wuu I dulmiyay. Ama uu fal dhacay yiraahdo kani kani qadder Alle kuma dhicin. Ama uu yiraahdo: Haddii ay nabayaasha iyo malaa’iktu ka markhaati kacaan waxaa ama muslimiinta oo dhan kama yeeleen.

Ama uu yiraahdo: Waxaas fali mayo sunnaba haddii ay doonaan ha ahaadeene, asiga oo ku jeesjeesaya. Ama uu yiraahdo: haddii uu hebel nabi ahaan lahaa ma rumeeyeen. Ama uu caalim culumada ka mid ah fatwa siiyo ee kolkaa yiraahdo: waa maxay sharcigani, asiga oo uga danleh in uu xukunka sharciga ku jeesjeeso.

Ama uu yiraahdo: culumada oo dhan nacladi ha ku dhacdo, asiga oo culumada oo dhan uga jeeda. Qofkii aanan uga in uu kobo culumada oo dhan ee doona in uu nacalado culumadii waagiisa noolayd ayna jirto tusmo caddaynaysa waxa lagu malaynayo ee ah in ay fasahaadsanaayeen, qofkaasi kufrin mayo, inkasta oo hadalkiisu uusan gaf ka marnayn.

Ama uu yiraahdo anigu Eebbe beri baan ka ahay, ama malaa’ikta, ama nabiga, ama shareecada, ama islaamka, ama yiraahdo garan mayo xukunka asiga oo ku jeesjeesaya xukunka Eebbe. Ama intuu weel buuxsho yiraahdo: “cabid wanaagsan”[an-naba’:34], ama cabitaan weel ka banneeyay ee yiri: “waxayna noqon dhalanteed”[an-naba’:20]. Ama marka wax la miisaamayo yiraahdo: “markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya”[al-mudafifiin:3].

Ama uu arkay dad badan ee yiri: “waan soo kulminay dadkii annagoon cidna ka tegin”[al-kahf:47]. Jeesjees ahaan dhammaan aayadahaa macnahooda, sidoo kale dhammaan meelaha lagu adeegsaday quraanka ujeeddadaas oo kale, haddiise ujeeddadu taa ka duwantahay qofku kufrin mayo, hase ahaatee, sheikh Axmad bin Xajar allaha u naxariistee ayaa yiri: ma foga in hadalkaasi xaaraan yahay.

Sidoo kale waa kufrinayaa qofkii nabi caaya ama malak ama yiraahda: waxaan noqonayaa dhillay haddaan tukado ama khayr ma arag intii aan tukanayay ama salaaddu iguma habboona jeesjees ahaan.

Ama uu muslim ku yiraahdo: anigu nacabkaaga ayaan ahay iyo nacabka nabigaaga, ama shariif ku yiraahda anigu nacabkaaga ayaan ahay iyo nacabka awowgaa asiga oo uga jeeda nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ama uu yiraahdo waxyaabo la mid ah erayadaa xunxun ee cambaaraynta ah.

Fuqaho badan sida faqiihii xanafiga ahaa Bedru ar-Rashiid iyo al-qaadi Cayyaad ee maalikiyada ahaa labadaba allaha u naxariistee ayaa tirshay waxyaabo badan (oo waxyaabaha lagu kufrinayo ka mid ah), kolka waxaa gudboon in la akhristo maxaa yeelay qofkii aanan sharta aqoonsan wuu ku dhacaa.

Waxaana qaacido ah: in ictiqaad kasta ama fal ama oraah tusaya leedidda ama ku jeesjeesid Ilaahay ama kutubtiisa ama nabiyaashiisa ama malaa’iktiisa ama cibaadadiisa ama astaamaha diintiisa ama axkaamtiisa ama ballanqaadkiisa ama gooddintiisa uu kufri yahay marka haka digtoonaado dadku arrinkaas si kasta oo ay ahaataba.

XUKUNKA QOFKII RIDDOOBA
Qofkii riddooba waxaa ku waajib ah in uu islaamka u soo laabto si degdeg ah asiga oo ku dhawaaqaya laba shahaado kana fogaanaya wixii riddada ku riday, waxaa kale oo ku waajibayay in uu ka shallaayo wixii uu falay iyo in uu niyaysto in aanuu mar labaad u noqon waxaa oo kale.

Haddii uusan kufriga ka soo laaban asiga oo ashahaadanaya waxaa waajib ah in towbad keen la yiraahdo lagamana aqbalayo wax aan Islaam ahayn ama waa la dilayaa waxaana fulinaya dilka khaliifada kadib kolka uu u bandhigo in uu u soo laabto Islaamka, khaliifaduna wuxuu arrinkaan u cuskanayaa markhaati ah laba qof oo caadil ah ama qofku asigu ictiraafo kufrigiisa taasna waxaa caddaynaya xadiiskii Bukhaari ee ahaa “Qofkii diintiisa beddela dila”.

WAXYAABAHA KA IMAANAYA RIDDADA
Riddadu waxay burrinaysaa soonka qofka iyo tayamumkiisa iyo nikaaxiisa inta uusan aqalgelin iyo kolka uu aqalgalo kadibba haddii uusan Islaamka u soo laaban inta cuddada lagu jiro, haweeney muslimad ah ama mid kalena in uu guursado ma bannaana, waxaa kale oo xaaraan noqonaya wixii uu gawraco, mana dhaxlayo lamina dhaxlayo, lagumana tukanayo, lamana dhaqayo , kafanna la saari maayo , muslimiinta qabuurahoodana lagu aasi mayo, maalkiisana muslimiinta ayaa leh.

Ujeeddadu waa in baytulmaalku leeyahay haddii baytulmaal toosani jiro, haddii uusan jirinna, haddii uu awoodo nin wanaagsani in uu hantidaa qabto oo ku baxsho maslaxadda muslimiinta waa in uu sidaa yeelo, maantana ma jiro baytulmaal toosan. Madaxda islaamka sheegta qaar badan oo ka mid ah ma garanayaan axkaamta shareecada, kii gartana hantida dhigi mayo meesheedii, sidaa darted haddii uu awoodo nin aqoon leh in uu hantida murtadka (qofka diinta ka noqda) qaato waa in uu qaato waana in uu ku baxsho maslaxadda muslimiinta.

MUSLIMIINTA IYO ISLAAM SHEEGATADA
MuslimiinTu waa kuwii rumeeyay Ilaahay iyo Rasuulkiisa kufrigiina ka tegay. Islaam-sheegadkana ujeeddadiisu waa ku islaamka ku abtirsanaya ayaga oo caqiidadoodu toosantahay ama aysan caqiidadoodu toosnayn sida ibn Siinaa iyo al-Faaraabi iyo ibn Rushud kii inanka ahaa iyo wixii la mid ah waxayna isu haystaan muslimiin ayaga oo aan muslimiin ahayn maxaa yeelay way kufriyeen hase ahaatee waxay ku abtirsanayaan islaamka mana aysan sheegan diin kale.

QOFKA QAANGAARKA AH (MUKALLAF)
Qof kasta oo qaan gaar ah waxaa ku waajib ah in uu la yimaado wixii uu Eebbe ku waajibiyay, waxaa kale oo ku waajibaya in uu ula yimaado siduu Eebbe u faray ee ah in uu la yimaado wax walba tiirarkooda iyo shuruudahooda iyo in uu ka fogaado wixii burrinaya.

Waxaa qofka ku waajib ah in haddii uu arko qof waajibaadkiisa ka tegaya uu faro, ama uu arko qof sidii loogu talagalay si ka duwan u samanaya uu arko in uu fao in qofkaasi si toosan u gutto waajibaadkiisa. Waxaa kale oo ku waajib ah in uu qofkaas ku khasbo si uu u guto waajibkiisa haddii uu awood u leeyahay.

Haddii uu wax kale awoodi waayo waxaa ku waajib ah in uu qalbigiisa ka kahdo, taasina waa iimaanka midka ugu liita waana waxa ugu yar ee qofka looga baahanyahay haddii uu wax kale awoodi waayo.

Waxaa kale oo waajib ah in laga fogaado dhammaan waxyaabaha xaaraanta ah, iyo in laga reebo qofkii falaya oo loo diido lana khasbo haddii uu awoodo, haddi kalena waxaa qofka ku waajib ah in uu arrinkaas qalbiga ka kahdo. Xaaraantuna waa waxyaabaha Ilaahay uu ugu goodiyay qofkii fala in uu ciqaabayo, qofkii ka fogaadana uu u ballan qaaday abaal marin waana kasoo horjeedka waajibka.

 

@Source:www.2garre.com

  

AASAASKA CAQIIDADA ISLAAMKA(Su’aalo Iyo Jawaabo)

 

CAQIIDADA MUSLIMIINTA
Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan Caqiidada Islaamka

1. Su’aal: Muxuu yahay waajibka qof kasta laga doonayo (faradka cayniga ah) ee cilmiga diinta ka mid ah?
Jawaab: Waxaa ku waajib ah qof kasta oo qaangaar ah in uu barto qayb lama huraan ah oo ka mid ah caqiidada iyo dahaarada iyo salaadda iyo soonka iyo sakada qofkii ay ku waajibayso (sekadu) iyo xajka qofkii awooda, iyo (waxyaabaha keenaya) macsida qalbiga iyo gacanta iyo isha iwm. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa miyay simanyihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) az-zumar: 9.
Xadiiska: “Doonista cilmigu waxay farad ku tahay muslim kasta” waxaa weriyay al-Bayhaqi.

2. Su’aal: Maxay tahay xigmadda ku jirta abuurista jinniga iyo aadanaha?
Jawaab: Waa in uu Eebbe faro cibaadadiisa. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Uma uumin Jinniga iyo Insiga in ay I caabudaan mooyee) ad-Daariyat:56.
Xadiiska: “Xaqa uu Eebbe ku leeyahay addoomaha waa in ay caabudaan oo aanay ula shirko yeelin wax kale” waxaa weriyay labada sheikh.

3. Su’aal: Cibaadadu sidee ku ansaxaysaa?
Jawaab: Cibaadada Eebbe waxay ka ansaxaysaa qofkii rumaysan jiritaanka Ilaahay ee aan cid uunkiisa ka mid ah ku shabbahayn. Wuxuu Eebbe yiri kor ahaayee: (Wax ekaankiisa ahi ma jiraan)as-Shuuraa:11. Nabiguna nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: “Fikirku haleeli maayo Eebbe” Waxaa soo weriyay Abul Qaasim al-Ansaari. Wuxuu yiri Al-Gasali: “Ansixi mayso cibaadadu kolka Eebbe la aqoonsado kadib haddii aanay ahayn”.

4. Su’aal: Maxaa Eebbe u soo diray nabiyaasha?
Jawaab: Wuxuu Eebbe u soo diray nabiyaasha si ay u baraan dadka arrimaha diintooda iyo adduunyadooda, iyo in ay dadka ugu yeeraan cibaadada Eebbe iyo in aysan Eebbe wax kale ula shirko yeelin. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Wuxuu soo diray Eebbe Nabiyaalka ayaga oo bishaaraynaya oo digaya) al-Baqarah: 213.
Xadiiska: “Waxaa ugu fadli badan wixii aan dhahnay aniga iyo nabiyaashii iga horreeyay: Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro” waxaa weriyay al-Bukhaari.

5. Su’aal: Towxiidka Maxaa macnihiisu yahay?
Jawaab: Waa in Ilaaha soo jireenka ah laga reebo waxyaabaha dhacdooyinka ah sida uu u sheegay al-imaam al-Junayd, wuxuuna uga jeedaa kan soo jireenka ah Eebbaha aan jiritaankiisu billowga lahayn, dhacdooyinkuna waa uunka. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Ma jiraan wax Ekaankiisa ah) ash-shuuraa:11.
Xadiiska: waxaa la waydiiyay nabiga nabadgelyo iyo naxarisii korkiisa ha ahaatee: falkee ugu fadli badan falalka kolkaas buu yiri: Eebbe iyo Nabigiisa oo la rumeeyo” Waxaa soo weriyay al-Bukhaari.

6. Su’aal: Ka hadal jiritaanka Eebbe.
Jawaab: Eebbe jiritaankiisa shaki kuma jiro, wuxuuna jiraa qaab la’aan iyo meel la’aan iyo aag la’aan, mana u eka wax ka mid ah uunkiisa wax uunkiisa ah oo asiga u egna ma jiraan. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Ma Eebbe ayaa shaki ku jiraa) Ibraahiim: 10.
Xadiiska: “Eebbe wuxuu jiray ayada oo aan wax kale jirin” waxaa soo weriyay Bukhaari iyo qaar kale.

7. Su’aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe (Wuu idinla joogaa meel aad ahaataanba) al-xadiid: 4.
Jawaab: Waxaa looga jeedaa in uu aqoontiisa ku koobay, waxaa sidaa yiri: ath-thawri iyo ash-shafici iyo Axmad iyo Maalik iyo qaar kale. Wuxuu yiri Eebbe: (Eebbana wuxuu ku koobay wax kasta cilmigiisa) ad-dalaaq:12.
Xadiiska: “Naftiinna ha kadeedina maxaa yeelay adinku baryi maysaan wax dhegoole ah ama mid maqan, waxaadse baryaysaan mid wax maqla oo dhaw” waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Waxaa laga wadaa, wax Eebbe ka qarsooni ma jiraan.

8. Su’aal: Muxuu yahay dambiyada midka ugu wayn?
Jawaab: Dambiyada waxaa ugu wayn kufriga, kufrigana waxaa ka mid ah shirkiga oo macnihiisu yahay in la caabudo cid aan Eebbe ahayn, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee asiga oo Luqmaan ka sheekaynaya: “Inankaygow ha u shirko yeelin Eebbe shirkigu waa dulmi wayne) Luqmaan: 13.
Xadiiska: Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa la waydiiyay: dambiyada keebaa ugu wayn? Wuxuu yiri: in aad Eebbe u shirko yeesho asiga oo ah kii ku uumay” waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo qaar kale.

9. Su’aal: Waa maxay macnaha cibaadadu?
Jawaab: Cibaadadu waa khushuucidda iyo khuduucidda meesha ugu sarraysa sida uu yiri: xaafidkii as-Subki. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbe ma jiro aan aniga ahayn ee I caabuda) al-Anbiyaa’: 25.

10. Su’aal: Ducadu cibaadada oo kale ma noqon kartaa?
Jawaab: Haah, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa wax kale ma ahee, Eebbahay baan baryayaa, shirkana uga dhigi maayo cid kale) al-Jinni: 18.
Xadiiska: “Ducadu waa cibaadada” waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Cibaadana halkan waxaa looga jeedaa xasanaadka.

11. Su’aal: Ma noqonkartaa ducadu macne aan cibaado ahayn?
Jawaab: Haah, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Hakadhigina ducada (uyeeridda) Rasuulka dhexdiinna sida ducada (uyeeridda) qaarkiin qaarka kale) an-Nuur:63.

12. Su’aal: muxuu yahay xukunka in loo yeero Nabi ama Wali haddii uu doono ha maqnaadee ama in laga codsado wax aanan caadi ahayn?
Jawaab: Arrinkaasi wuu bannaanyahay maxaa yeelay taas cibaado la caabudo cid aan Eebbe ahayn ma aha, weedha “yaa rasuulu laahi” oo kaliyana shirki Eebbe ma aha, waxaana sugnaaday in Bilaal bin al-Xaarith al-Muzani uu yimid qabriga Nabiga sanad jiilaal ah maalmihii imam Cumar kolkaas buu yiri: “Nabigii Ilaahayow u roobdoon ummaddaada maxaa yeelsy way abaarsadeen” waxaa soo weriyay al-Bayhaqi iyo qaar kale, Cumar ama cid kalena kuma diidin, taa daaye wuuba u bogay falkiisa. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Haddii ay kolka ay naftooda dulmiyaan kuu imaan lahaayeen ee ay Eebbe dambidhaaf waydiistaan uuna u dambi dhaaf waydiisto rasuulku waxay heli lahaayeen Eebbe towbada aqbala oo naxariista) an-Nisaa’: 64. Waxaa kale oo sugnaaday in Ibn Cumar uu yiri: “Muxamadow” kolkii ay lugtiisu qallashay. Waxaa soo weriyay al-Bukhaari kitaabkiisa al-adab al-mufrad.

13. Su’aal: Cadee Macnaha istiqaathada iyo isticaanada iyo daliilkooda.
Jawaab: istiqaathadu (baryda) waa in kaalme la doono kolka cariiri la galo, isticaanada (kaalmaysiga) ayaana ka sii ballaaran wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Kaalmaysta Sabarka iyo Salaadda) al-Baqarah: 45.
Xadiiska: “Qorraxda ayaa u soo dhawaan doonta madaxyada dadka maalinta qiyaamaha, ayaga oo kolka sidaa ah ayay waxay baryi (istiqaatho) doonaan Aadam” waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Taasina waxay caddaynaysaa in cid aan Eebbe ahayn in wax la waydiisto ay bannaantahay hase ahatee waa in la ogaado in aan cid aan Eebbe ahayn waxna dhibayn waxna anfacayn run ahaantii.

14. Su’aal: Ka hadal tawasulka Nabiyaasha lagu tawasulo.
Jawaab: Way bannaantahay in lagu tawasulo culumaduna way isku raacsanyihiin. Tawasulkuna waa in la waydiisto Eebbe in manfaco laguu soo jiido ama in lagaa fogeeyo dhibaato ayada oo la xusayo nabi ama wali ayada oo lagu karaamaynayo qofkaas lagu tawasulay, ayada oo isla markaa la ictiqaadsanyahay in uu Eebbe yahay midka wax tara ama wax dhiba xaqiiqo ahaan, wuxuu yiri Eebbe: (doona waxaad –Eebbe- ugu dhawaanaysaan) al-Maa’idah:35.
Xadiiska: “Wuxuu rasuulku baray ninkii indhoolka ahaa in uu ku tawasulo kolkaas buu falay asiga oo aanan nabiga la joogin kolkaas baa Ilaahay u soo celshay araggiisii” waxaa soo weriyay ad-Dabaraani oo saxay.

15. Su’al: Ka hadal Tawasulka Awliyada.
Jawaab: Way bannaantahay in lagu tawasulo mana jirto cid isku khilaafsan arrinkaas oo ahlulxaqa ka mid ah salafka iyo khalafka intaba.
Xadiiska: Imaam Cumar ayaa ku tawasulay al-Cabbaas asiga oo leh: “Eebbow waxaan kuugu soo tawasulaynayaa Nabigaaga Adeerkiis” waxaa soo weriyay al-Bukhaari.

16. Su’aal: Caddee waxa looga jeedo xaddiiskii jaariyadda.
Jawaab: Waa xaddiis aan xasilloonayn (mud-darib ah), ciddii saxdayna ugama jeeddin in Ilaahay uu samada degganyahay. Wuxuu yiri Imaam Nawawi sharaxii uu xaddiiskan saaray “Hadalka ah: xagee Eebbe jiraa” waa su’aal ku saabsan “mudnaanta” ee ma aha mid ku saabsan “meesha”, waxaana looga jeedaa: “maxaad rumaysantahay (gabadhyahay) arrinka waynaynta Eebbe ku saabsan” hadalkeeda ah “samada” ama (fissamaa’i) waxaa looga jeedaa “derejadiisa ayaa aad u sarraysa” mana bannaana in la ictiqaado in Rasuulku gabadhaa waydiiyay “meesha” uu Eebbe jiro, waxaa kale oo aan bannaanayn in la ictiqaado in ay sidoo kale gabadhu hadalkeedaa ula jeedday in uu Eebbe samada degganyahay, wuxuu yiri Imaam Cali –kitaabka ar-Risaalah al-Qushayriyyah, ee uu qoray Abii al-Qaasim al-Qushayri – “lama yiraahdo xagee jiraa, kii xagga (meesha) ahaysiiyay”, Abu Xaniifa-na wuxuu yiri – kitaabka al-Fiqh al-Absat – (Eebbe wuxuu jiray intaan “meeli” jirin. wuu jiray ayada oo aan “meeli” jirin, lamana uumin, asiga ayaana ah uumaha wax kasta. Eebbe wuxuu yiri: (Wax ekaankiisa ah ma jiraan) as-Shuraa: 11.
Xadiiska: “Eebbe wuxuu jiray ayada oo aanan wax kale oo aan asiga ahayn aanay jirin” waxaa weriyay al-Bukhaari.

17. Su’aal: Qofkii Eebbe caaya xukunkiisu waa kaafir, arrinkaas caddee adiga oo daliilka xusaya.
Jawaab: Wuxuu soo sheegay al-Qaadii Cayyaad in la isku raacay in qofkii Eebbe caaya uu gaalyahay haddii uu doono ha caraysnaadee ama ha kaftamee ama yuusan ula kicine. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Haddii aad waydiiso waxay leeyihiin waxkale ma ahee waannu kaftamaynay oo ciyaaraynay waxaad dhahdaa ma Eebbe iyo aayadihiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku jeesjeesaydaan. Ha cudurdaarana hubaal waad kufrideen rumayseen kadibe) at-Tawbah:65-66.
Xadiiska: “Addoonka waxaa laga yaabaa in uu ku hadlo eray asiga oo aanan wax dhib ah u arag kaas oo laga yaabo in uu ku fogayo naarta toddobaatan gu’”. Waxaa weriyay at-Tirmidi.

18. Su’aal: Waa maxay daliilka caddaynaya in ay bannaantahay in ay xabaalaha soo booqdaan raga iyo haweenka intuba?
Jawaab: Xaddiiska “Soo booqda xabaalaha maxaa yeelay waxay xusuus u tahay qiyaamaha”. Waxaa weriyay al-Bayhaqi.

19. Su’aal: Sidee Islaamka loo soo gelayaa?
Jawaab: Ayada oo lagu dhawaaqo labada ashahaatin ayaa Islaamka lagu soo gelayaa, mana aha in la yiraahdo “istaqfurullaah” (ilaahow I cafi), Laakiin hadalka uu Eebbe ka sheegay Nabi Nuux ee yiri: (Waxaan iri: Eebbe dambidhaaf waydiista) Nuux:10. Ujeeddadiisu waa in Nuux ka codsaday qoonkiisii in ay Islaamka soo galaan ayaga oo Eebbe rumaynaya iyo Nabigiisa Nuux ah si Eebbe ugu dambi dhaafo.
Xadiiska: “Waxaa la I faray in aan dadka la dagaalo inta ay ka markhaati kacayaan in aanan Eebbe mooyee ilaah kale jirin aniguna aan Nabigii Ilaahay ahay” Waa la isku raacsanyahay.

20. Su’aal: Waxaad caddaysaa xukunka ammaanidda nabiga nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
Jawaab: Waa ay bannaantahay oo waa laysku raacay. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Adiguna –Nabiyow- waxaad leedahay akhlaaq wayn) al-Qalam:4. Waxaa kale oo uu Eebbe yiri: (Wayna ammaaneen wayna gargaareen) al-Acraaf: 157. Waxaana looga jeedaa “ammaaneen” wanaag bay ku sheegeen oo faansheen
Xadiiska: “Qaar haweenka ka mid ah ayaa faanshay Nabiga nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, ayaga oo ka dhahay Nabiga hortiisa: Alla maxaa ka wacan la dersidda Muxamad” waxaa soo weriyay Ibn Xibbaan. Waxaa kale oo sugnaaday in qaar ka mid ah asaxaabta ay faansheen (Nabiga) Sida Xasaan Bin Thaabit iyo al-Cabbaas iyo qaar kale, Nabiguna ma uusan ku diidin arrinkaas, taadaaye wuuba jeclaystay.

21. Su’aal: Waxaad ka hadashaa cadaabta qabriga.
Jawaab:Waxaa waajib ah in la rumeeyo cadaabta qabriga kaas oo ku sugnaaday ijmaaca qofkii beenshana waa la gaalaynayaa. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Naarta ayaa loo soo bandhigaa maalin iyo habeen maalinta ay ooganto qiyaamuhuna (waxaa la dhahaa) gelsha reer Fircoon tan ugu daran cadaabta) Gaafir:46.
Xadiiska: “Ka magangala Eebbe cadaabta qabriga” waxaa weriyay al-Bukhaari.

22. Su’aal: Maxay ahaayeen uunka wixii ugu horreeyay ee la abuuray?
Jawab: uunka wixii ugu horreeyay ee la abuuray waa biyaha, Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Waxaan ka yeelnay biyaha wax kasta oo nool) al-Anbiyaa’:30.
Xadiiska: “Wax kasta waxaa laga abuuray biyo” waxaa weriyay Ibn Xibbaan.

23. Su’aal: Ka hadal jaadadka bidcada, maxaase daliil u ah in ay jirto bidco wanaagsan “Bidcah xasanah”.
Jawaab: Bidcadu luqad ahaan waa wax kasta oo la sameeyo oo aan horey u jirin, dhinaca sharcigana waxay u qaybsantaa bidco hanuun ah iyo bidco lumid ah: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (iyo adduun ka jeedsi –Rahbaaniyad- ay ayagu billowdeen oo aynaan annagu ku waajibin kuna doonayeen raallinimada Eebbe) al-Xadiid: 27. Kolka Eebbe wuxuu ammaanay falka kuwii raacsanaa Ciise ee Eebbe rumaysnaa oo ahaa in ay ka go’een adduunyada raaxaysigeeda taas oo aanan Ilaahay ku waajibin laakiin ay ku doonayeen in Eebbe ka raalli noqdo.
Xadiiska: “Qofkii Islaamka ku soo kordhiya fal wanaagsan wuxuu leeyahay ajirkiisa iyo ajirka qofkii fala asiga kadib” waxaa weriyay Muslim. Asaxaabta Nabiguna waxyaabo ayay soo kordhiyeen muslimiintii ayaga ka dambaysayna sidoo kale ayay waxyaabo badan oo diinka ku fiican u faleen umadduna way ka aqbashay waxaana ka mid ah: Mixraabyada (masjidka loo sameeyo) iyo aadaanka labaad ee salaadda jumcada, iyo shaqlidda musxafka, iyo xusidda mowlidka Nabiga sharafta leh.

24. Su’aal: ka hadal falidda sixirka.
Jawaab: Sixirka faliddiisu waa xaraan. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Sulaymaan ma kufrin laakiin shayaadiinta ayaa kufriyay waxay barayaan dadka sixirka) al-Baqarah:102.
Xadiiska: “Ka fogaada toddobada wax hoojisa: waxaa la yiri: Maxay tahay rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yiri: Eebbe oo loo shirko yeelo iyo sixirka..” waxaa soo weriyay Muslim.

25. Su’aal: Maxaa u daliil ah in uu kufrinayo qof kasta oo ku tuura qashinka warqad uu ku yaallo korkeeda magaca Ilaahay.
Jawaab: Ma bannaana in warqad uu magaca Ilaahay ku yaallo lagu tuuro qashinka, qofkii sidaa yeela asiga oo fududaysanaya waa la kufrinayaa. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa: Ma Ilaahay iyo Aayadihiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeesaydeen. Ha cudurdaarana hubaal waad kufrideen rumayen kadibe” at-Tawbah:65-66. Ibn Caabidiin wuxuu yiri: Waa la kufrinayaa qofkii kitaabka ku tuura qashinka haddii uu dano yuusan u kasin fududaysasho e’, maxaa yeelay falkiisa ayaa fududaysasho tusaya.

26. Su’aal: Waa maxay xukunka yabooha (nadarka)?
Jawaab: Waa bannaanyahay yaboohu wixii Eebbe u dhawaasho ku jirto, waxaana waajib ah in la oofiyo, wixii xaaraan ahna ma bannaana in la yabooho, in la oofiyana waajib maaha. Eebbe wuxuu yiri: (Waxay oofinaayaan Nadarka) al-Insaan:7.
Xadiiska: “Qofkii nadra in uu Eebbe adeeco ha adeeco, qofkii nadra in uu Eebbe caasiyana yaanuu caasin” Waxaa weriyay al-Bukhaari.

27. Su’aal: Maxaa u daliil ah in aanan codka haweenku cowro ahayn?
Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaadna dhahdaan hadal macruuf ah) al-Axzaab:32.
Xadiiska: Wuxuu yiri al-Axnaf bin Qays: waxaan ka maqlay xaddiiska afka Abuu Bakar iyo Cumar iyo Cusmaan iyo Cali umana maqal sida aan uga maqlay afka Caa’isha”. Waxaa soo weriyay al-Xaakim, kitaabkiisa al-Mustadrak.

28. Su’aal: Ka hadal sifada Eebbe ee hadalka ah.
Jawaab: Eebbe wuu hadlaa hadalkeenna oo kalena ma aha, hadalkiisu ma aha eray, codna maaha afna maaha. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbana wuu la warramay Muuse hadal ahaan) an-Nisaa’: 164. Wuxuu ku yiri Imaam Abuu Xaniifa kitaabkiisa al-Fiqh al-Absat: “Wuu hadlaa, hadalkeenna oo kalena ma aha, annaguna waxaan ku hadlaynaa xubno -carrabka iyo faruuryaha iwm- iyo xuruuf Eebbana kor ahaayee wuxuu hadlaa xubno la’aan iyo xarfo la’aan.

29. Su’aal: Maxaa looga jeedaa weedhii Ilaahay kor ahaayee: (Eebbe wuxuu ku istawooday carshiga dushiisa)?
Jawaab: Wuxuu yiri Imaam Maalik: wuxuu u istawooday sidii uu asigu naftiisa ku sheegay lamana yiraahdo “sidee bay ahayd”, (maxaa yeelay) “sidee bay ahayd” asiga way ka reebbantahay. “Siduna” waa astaanta uunka, waxaana ka mid ah astaanta uunka fariisashada iyo nagaashada iyo meesha iyo aagga, wuxuu yiri al-Qushayri: wuu istawooday waxaa looga jeedaa: wuu dhowray wuuna hantay wuuna nooleeyay, mana bannaana in la ictiqaado in uu Eebbe ku fadhiyo carshiga maxaa yeelay taasi waa caqiidada Yahuudda waxayna beeninaysaa qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Eebbe ha u yeelina Ekaanno) an-Naxal:74. Eebbe wuxuu yiri kor ahaayee: (Waxay u soo bandhigmeen Eebbaha kalida ah ee wax qabta “qahra”) Ibraahiim:48. Wuxuuna yiri Imaam Cali: “Eebbe wuxuu u abuuray Carshiga si uu awooddiisa u muujiyo mana uusan ka dhigan meel uu asigu dego” waxaa soo weriyay Abuu Mansuur al-Baqdaadii.

30. Su’aal: Ka hadal Qaderka.
Jawaab: Wax kasta oo adduunkan dhexdiisa ka dhaca ee khayr ah ama shar ah ama cibaado ah ama macsi ah ama iimaan ah ama kufri ah waxay ku ahaadeen qaderka Ilaahay iyo doonistiisa iyo ogaalkiisa. Khayrka iyo iimaanka iyo cibaadadu waxay ku ahaadeen qaderiddiisa iyo jeclaantiisa iyo raallinimadiisa, hase ahaatee, sharta iyo macsida iyo kufriga waxay ayaguna ku ahaadeen qaderidda Eebbe kumana aanay ahaan jeclaantiisa iyo raallinimadiisa, lagumana tilmaamo qaderidda Ilaahay oo ah sifadiisa shar in ay tahay. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Annaga ayaa wax kasta uunnay qadar ahaan) al-Qamar:49.
Xadiiska: “Wax kasta waxay ku ahaadeen qadderka awoodyarida iyo caqlibadnaantaba ha ahaadeene” waxaa weriyay Muslim.

31. Su’aal: Maxaa daliil u ah in gacanqaadka ninka iyo naagta kala ajnabiga ah uu xaaraan yahay?
Jawaab:
Xadiiska: “In looga mudo midkiin bir madaxa ayaa uga khayr roon in uu taabto naag aan u xalaal ahayn” waxaa weriyay ad-Daaraqudhni. Waxaa kale ee uu yiri nabigu Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: “Gacanta sinadeedu waa taabashada” waxaa weriyay al-Bukhaari.

32. Su’aal: Ka hadal quraanka lagu akhrinayo maydka dushiisa.
Jawaab: In qur’aanka maydka korkiisa lagu akhriyo way bannaantahay, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Fala khayrka) al-Xaj:77.
Xadiiska: “ku akhriya maydkiinna dushiisa suuradda yaasiin” waxaa soo weriyay Ibn Xibbaan wuuna saxay. Waxaana si ijmaac ahaan ah u ogolaaday culumada in uu bannaanyahay oo faa’iido leeyahay. Wuxuu yiri Imaam Shaafici: “Haddii ay ku akhriyaan qabrigiisa aktiisa qaar ka mid ah quraanka way wanaagsanaan lahayd, haddii ay quraanka oo dhan ku akhriyaanna way ka sii fiicnaan lahayd” waxaa soo sheegay an-Nawawi kitaabkiisa Riyaad as-Saalixiin.

33. Su’aal: Maxaa u daliil ah in qofka dhintay saddaqada wax ku dheefayo?
Jawaab:
Xadiiska: “Haddii uu geeryoodo aadanuhu camalkiisu wuu joogsadaa intaan saddex ahayn: saddaqo socota, iyo cilmi lagu dheefsanayo, iyo dhal suubban oo u soo ducaynaysa” waxaa soo weriyay Muslim. Ujeedadiisuna waa in ay waxaasi yihiin waxyaabaha uu ku dheefsanayo qofka muslimka ah (kolka uu dhinto kadib) kuwaas oo ah waxyaabihii uu asigu sababta u ahaa. Sidoo kale qowlkii Ilaahay kor ahaayee: (Ma laha qofku wax aan ahayn wixii uu falay” an-Najam:39. Oo looga jeedo waxyaabihii uu sameeyay ee khayrka ahaa wuu ku dheefsanayaa, waxyaabaha wanaagsan ee dadka kale u sameeyeen asigana wuu ku dheefsanayaa, oo waa fadliga Ilaahay, sida salaadda janaasada, ma aha wax uu falay qofka dhintay, wuuna ku dheefsanayaa, iyo sida ducadii rasuulku dadka kale u duceeyay, ma aysan ahayn wax dadkaasi faleen wayna ku dheefsadeen sida ducadii uu ugu duceeyay Ibn Cabbaas ee yiri:”Eebbow xigmada bar iyo ta’wiilka kitaabka” waxaa weriyay al-Bukhaari.

34. Su’aal: Maxaa u daliil ah in uu bannaan yahay qiyaamka (salaadda) bisha rabadaan kow iyo toban ragco wax ka badan?
Jawaab: Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (fala khayrka waxaad mudantihiin in aad liibaantaane) al-Xaj:77.
Xadiiska: “Salaatullaylku waa laba-laba ragco” waxaa weriyay al-Bukhaari. Muslimna wuxuu soo weriyay: “Salaaddu (sunnada ah) waa khayr, qofkii doonana wuu yaraysan qofkii doonana wuu badsan”.

35. Su’aal: Maxaa u daliil ah adeegsiga durbaanka?
Jawaab:
Xadiiska: “Naag ayaa nabiga ku tiri: Waxaan yaboohay in haddii Eebbe ku soo aruursho adiga oo nabad ah aan durbaan ku tumo hortaada, wuxuu yiri: haddii aad yaboohday, yaboohaaga oofi” Waxaa weriyay: Abuu Daa’uud.

36. Su’aal: Nabiyaasha iyo Rasuullada kii ugu horreeyay yuu ahaa?
Jawaab: Nabiyaasha iyo Rasuullada kii ugu horreeyay waa Aadam nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Eebbe wuxuu doortay Aadam) al-Cimraan:33.
Xadiiska: “Aadam iyo inta kale ee nabiyaasha ah waxay hoos imaanayaan calankayga maalinta qiyaamaha” Waxaa weriyay at-Tirmizi.

37. Su’aal: Maxaa u waajibaya nabiyaasha maxaase ka mustaxiil ah?
Jawaab: Waxaa waajib ah in ay ku sifoobaan runlownimo iyo dhowrsanaan, iyo geesinimo, iyo codkarnimo, waxaana ka mustaxiil ah beenta iyo dhagarta iyo doqonnimada, iyo dhillaynimada iyo dhammaan dambiyada waawayn iyo kufriga nabinimada ka hor iyo kadib intaba. Eebbe wuxuu yiri: Dhammaantood waxaan ka fadli yeelnay umadaha) al-Ancaam: 86.
Xadiiska: “Eebbe nabi sooma dirin aanan waji qurxoonayn oo aan cod qurxoonayn” waxaa weriyay at-Tirmidi.

38. Su’aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe: (Ma uusan dhalin mana la dhalin) al-Ikhlas: 3?
Jawaab: Waxaa looga jeedaa in aanan Eebbe ahayn jismi iyo in uusan tarmayn. Marka Eebbe wax uu dhexgelayo ma jiraan wax asiga ka soo tarmayana ma jiraan. Wuxuu yiri Imaam Jacfar al-Saadiq: “Qofkii ku andacooda in Ilaahay wax ku dhexjiro ama uu wax ka soo tarmay ama uu meel dul saaranyahay waxaa hubaal ah in uu shirki yeelay” Waxaa ku soo weriyay al-Qushayri kitaabkiisa ar-Risaalah.

39. Su’aal: Maxaa daliil u ah in ay bannaantahay Nabiga oo lagu salliyo addinka ka dib?
Jawaab: Way bannaantahay in lagu salliyo Nabiga addinka kadib, qofkii waa xaaraan yiraahda arrinkaasna hadalkiisu wax ka soo qaad malaha. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbe iyo malaa’iktiisu waxay ku sallinayaan Nabiga, kuwa Eebbe rumeeyow ku salliya dushiisa oo salaama salaam) al-Axsaab:56.
Xadiiska: “Haddii aad maqashaan midka addimaya, dhaha waxa uu dhahayo oo kale, kadibna igu salliya” Waxaa soo weriyay Muslim. Iyo Xadiiska: “Qofkii I xusaahi ha igu salliyo” waxaa soo weriyay al-Xaafid as-Sakhaawi.

40. Su’aal: Waa maxay riddadu imisa qaybood ayayse u qaybsantaa?
Jawaab: Riddadu waa Islaamka oo lagu gooyo kufri, waxayna u qaybsantaa saddex qaybood: Riddada hadalka ah: sida caayidda Eebbe ama nabiyaasha ama Islaamka, haddii uu doono qofku ha caraysnaadee. Riddada falka ah: Sida musxafka oo lagu tuuro qashinqubka ama lagu istaago. Riddada qalbiga ah: sida in la rumaysto in Eebbe jismi yahay ama uu ruux yahay ama uu fadhiyo carshiga dushiisa ama uu degganyahay samada ama naf ahaan uu joogo meel kasta ama uu aag leeyahay. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Hubaal waxay dhaheen weedhii kufriga, oo way kufriyeen kadib kolkii ay islaameen) at-Tawbah:74. Waxaa kale ee uu yiri Eebbe kor ahaayee: (Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa) Fusilat: 37.
Xadiiska: “Addoonku wuxuu ku hadlaa Eray asiga oo aan u fiirsan, kaas oo naarta ku rida in dhererkeedu ka sii fogyahay inta u dhaxaysa bariga iyo galbeedka”. Waxaa weriyay Muslim iyo al-Bukhaari.

41. Su’aal: Maxaa u daliil ah in ay bannaantahay mowliidka Nabiga sharafta leh oo loo dabbaaldego?
Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Fala khayrka waxaad mudantihiin in aad liibaantaane) al-Xaj: 77.
Xadiiska: “Qofkii Islaamka ka billaaba sunno wanaagsan wuxuu leeyahay ajarkeeda” waxaa weriyay Muslim.

42. Su’aal: Maxaa looga jeedaa hadalkii Rasuulka: “Haddii aad wax waydiisato, Eebbe waydiiso, haddii aad cid kaalmaysatana Eebbe kaalmayso”?
Jawaab: Ujeeddadu waa in ay fiicantahay in haddii cid wax la waydiisanayo Eebbe la waydiisto, haddii cid la kaalmaysanayana Eebbe la kaalmaysto. Laakiin ujeeddadu maaha, ha waydiisan cid aan Eebbe ahayn hana kaalmaysan cid aan Eebbe ahayn, waxaana arrinkani la mid yahay xaddiiskii Ibn Xibbaan: “Ha la saaxibin cid aan mu’min ahayn, cuntadaadana yuusan cunin qof aan taqi ahayn” ujeeddaduna waa in ay fiicantahay in quudsho qofka taqiga ah oo lala saaxiibo mu’minka, laakiin ma aha in taas looga jeedo in ay xaaraan tahay in la quudsho cid aan mu’min ahayn ama lala saaxiibo, Eebbana kor ahaayee wuxuuba quraankiisa ku ammaanay muslimiinta asiga oo yiri: “Waxay quudinaayaan cuntada wanaagsan miskiinka iyo agoonka iyo qafaalka) al-Insaan:8. Qafaalka halkan waxaa looga jeedaa gaalka -dagaalka laga soo qabtay- waxaana ku soo arooray Saxiixa al-Bukhaari iyo Muslim in saddex qof ay Eebbe camalkooda wanaagsan kaalme ku waydiisteen kolkaas baa Eebbe badbaadshay.

43. Su’aal: Maxaa u daliil ah in ay raga iyo haweenkaba u bannaantahay booqashada qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee?
Jwaab: Waxaa sunno ah in la soo booqdo qabriga nabiga waana la isku raacsanyahay –ijmaac- waxaana sidaa soo sheegay al-Qaadi Cayyaad iyo an-Nawawi. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Haddii kolka ay naftooda dulmiyaan kuu imaan lahaayeen oo Eebbe dambidhaaf waydiistaan uuna u dambidhaaf waydiiyo Rasuulku waxay heli lahaayeen Eebbe oo mid dambidhaaf badan oo naxariis badan ah) al-Nisaa’:64.
Xadiiska: “Qofkii qabrigayga soo booqda waxaa u waajibay shafaacadayda” waxaa weriyay ad-Daraqudni waxaana xoojiyay al-xaafid as-Subki. Hase ahaatee Xadiiska “Looma safro wax aan ahayn saddex masjid” waxaa looga jeedaa –qofkii doona in uu u safro salad tukashadeed awgeed waxaa wanaagsan in uu saddexdaas masjid u safro- maxaa yeelay salaadda lagu tukado waa la labanlaabaa, waxaana looga jeedaa habboonaan “nadb” ee waajib ma aha. Kolka xaddiisku wuxuu u gaar yahay kolka salad tukashadeed awgeed loo safrayo tusina maayo in aanay bannaanayn in la soo booqdo qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

44. Su’aal: Maxaa u daliil ah in uu barakaysigu –tabarruk- bannaanyahay?
Jawaab: Nabiga oo lagu tabarugo ama waxyaabihii laga dhaxlay (sida timihiisa, dharkiisa iwm) way bannaantahay, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaad qaaddaan qamiiskaygan ee ku tuura aabbahay foolkiisa wuxuu noqon mid wax arka eh) Yuusuf::82.
Xadiiska: “Rasuulku wuxuu qaybshay timihiisa wuxuuna u qaybshay dadka si ay ugu barakaystaan” waxaa weriyay al-Bukhaari.

45. Su’aal: Maxaa daliil u ah in ay bannaantahay in xirsi la xirto haddii quraan ku qoranyahay iwm oo aanay ku qorayn waxyaabo kutiri-kuteen ah oo xaaraan ah?
Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaan soo dejinaynaa qaar Qur’aanka ka mid ah oo daawo iyo naxariis u ah mu’miniinta) al-Israa’: 82.
Xadiiska: “Wuxuu yiri Cabdullaahi bin Cumar: Waxaan bari jirnay carruurteenna aayado quraanka ka mid ah qofkii aanan qaan gaarinna warqad baan ugu qori jirnay oo qoorta u suri jirnay” waxaa weriyay at-Tirmidi.

46. Su’aal: Ka hadal xusitaanka Eebbe kolka janaasada la joogo?
Jawaab: In Eebbe la xuso kolka janaasada la joogo way bannaantahay layskumana khilaafin. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Kuwa rumeeyayow Eebbe xusa xusitaan badan) al-Axsaab:41. Waxaa kale ee uu Eebbe kor ahaayee yiri: (Kuwa Eebbe xusa joog iyo jiif intaba) ali-Cimraan:191.
Xadiiska: “Nabigu wuxuu xusi jiray Eebbe goor kastaba” waxaa soo weriyay Muslim.

47. Su’aal: Wax inooga sheeg Ta’wiilka.
Jawaab: Ta’wiilku waa in naska laga saaro daahirkiisa wuuna ku bannaanyahay aayadaha iyo axaadiista daahirkooda loo malaynayo in Eebbe uu gacan xubin ah leeyahay, ama uu ku fariisanayo carshiga ama uu degganyahay aag ama lagu sifeeyo sifo ka mid ah sifooyinka uunka, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Ma oga ta’wiilkiisa cid aan Eebbe ahayn iyo kuwa cilmiga ku xeel dheer) ali-Cimraan: 7.
Xadiiska: Ducadi Ibn Cabbaas loo duceeyay: “Eebbow xigmadda bar iyo ta’wiilka kitaabka” waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Ibn Maajah iyo Xaafidkii Ibn al-Jawsi.

48. Su’aal: Maxaa u daliil ah in iimaanku shardi u yahay aqbalidda falalka wanaagsan?
Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Qofkii fala qaar ka mid ah falalka wanaagsan ee lab ah ama dhedig ah asiga oo mu’min ah kuwaasi jannada ayay gelayaan lana dulmin maayo findhicil) an-Nisaa’:124. Xadiiskana: “Waxaa ugu fadli badan falalka, Eebbe oo la rumeeyo iyo Rasuulkiisa” waxaa weriyay al-Bukhaari.

49. Su’aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Ilaahay: (wax kasta way ba’ayaan intaan wajigiisa ahayn) al-Qisas:124?
Jawaab: Wuxuu ka yiri Imaam al-Bukhaari qowlkii Ilaahay: (wajigiisa mooyaane) waxaa laga wadaa: Hantidiisa mooyaane. Wuxuu sidoo kale ka yiri Imaam Sufyaan ath-Thawri: (wajigiisa mooyaane) waxaa laga wadaa: wixii Ilaahay wajigiisa loo sameeyo mooyaane oo ah falalka wanaagsan.

50. Su’aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Ma waxaad rumayseen mid samada jooga in uu idinla rogo dhulka) al-Mulk: 16.
Jawaab: Wuxuu ku yiri mufasirkii al-Fakhr al-Raazi tafsiirkiisa iyo Abuu Xayyaan al-Andalosi kitaabkiisa al-Baxr al-Muxiid: waxaa looga jeedaa “mid samada jooga” Malaa’ikta, ujeeddaduna ma aha in Eebbe degganyahay cirka.

51. Su’aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Samada waxaan ku dhisnay gacmo annaga ayaana ballaarinayna) al-Daariyaat:47?
Jawaab: Wuxuu yiri Ibn Cabbaas: “Gacmo” waxaa looga jeedaa “awood” loogamana jeedo “gacan” halkan gacanta xubinta ah ee inagu taalla Eebbana wuu ka nasahanyahay waxaa.

 

@Source:www.2garre.com

2 Comments »

  1. 1
    Maxamed jama Says:

    Asalaamu calaykum warax matulaahi wabarakaatuh salaam kadib walaalayaal aad baad u mahad santihiin, waxaan doonayaa inaan idin waydiiyo su’aal su’aashaydu waxay noqonaysaa Magacyada ilaahay waa kuwo laga qaatay kitaabka iyo sunna ha Nabiga salalaahu calayhi wasalam. markaa kamid aha magaca ay soomaalidu isticmalaan ee ah *|(EEBE)* sababta oo ah marka lasheegayo magacyada ilaahay waxaalaga qaataa sidaan aan soo sheegnay kitaabka ilaahay iyo sunaha nabiga marka maxaad kaga jawaabaysaan su’aashaas wabilaahi tawfiiq sidag dag ah iigu soo jawaaba sidii suura gala Ramadaan kariim,

  2. 2
    abdilahi Says:

    allaha kucafiyo mar hadi adan aqon eebe in ladhihi karo iyo inkale


RSS Feed for this entry

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: