الصلاةوأحكامها

  SALAADDA IYO DAHAARADA

SALAADAHA WAAJIBKA AH
Waxaa waajib ah shan salaadood maalin iyo habeen kasta.
Duhurka: oo waqtigiisu yahay kolka qorraxdu marto dhinaca qorrax dhaca (kolka qorraxdu wareegto) Inta laga gaaro kolka wax kasta hooskoodu la mid niqdo.
Casirka: oo waqtigiisu yahay waqtiga duhurka kadib inta qorraxdu ka dhacdo.
Maqribka: oo waqtigiisu yahay wixii ka dambeeya qorraxdhaca iyo intii daruurta casi (cirguduudka) ka qarsoonto.
Cishaha: oo waqtigiisu yahay waqtiga maqribka kadib iyo inta uu ka soo muuqanayo waaberigu.
Subaxa: oo waqtigiisu yahay waqtiga cishaha kadib inta qorraxdu ka soo baxdo.
Kolka waxaa waajib ku ah qofka in uu guto salaadahaas waqtigooda muslim kasta oo qaangaar ah caqlina leh daahirna ah ujeedaduna waa inta aan ahayn haweenayda xaylka qabta ama tan umusha ah. Waxaana bannaanayn in waqtigeeda laga soo hormariyo ama laga daba mariyo cudurdaar la’aan.

Haddii uu yimaado lamafilaan sida xaylka kadib kolkii waqtigii in ku filan salaadda iyo is daahirinta sida qofka kaadi-diririqa qaba waxaa waajib ah in la qalleeyo. Ama ay wixii salaadda u diidayay dhamaadeen waqtigiina uu ka haray in ku filan hal takbiitad waxaa waajib ah in uu guto, sidoo kale wixii salaaddaas ka horreeyay haddii lala tukado, kolka casarku wuxuu la waajibayaa dukurka haddii wixii salaadda celinayay ay dhamaadaan waqtigana uu ka haro hal takbiiro in ku filan inta aanan qorraxdu dhicin. Cishuhuna maqribka ayuu la waajibayaa haddii qofku haleelo takbiirad in ku filan waqtigeeda inta aanan waagu beryin.

SALAADDA IYO CARRUURTA
waxaa ku waajib ah qofka mas’uulka ka ah carruurta garaadsaday in uu faro salaadda oo uu baro axkaamtooda kolka ay toddoba jirsadaan, uuna ku garaaco haddii ay ka tagaan haddii ay toban jirsadaan sida soonka haddii ay awoodaan.

Waxaa kale oo ku waajib ah in uu baro caqiidada iyo axkaamta sidaa baa waajib ah iyo sidaa baa xaaraam ah iyo sharci ahaanta cadaysiga iyo jamaacada. Ibn al-Jawsi wuxuu kitaabkiisii “xifd al-cilm” ku yiri: haddii carruurtu garaadsadaan waxa ugu horreeya ee la barayaa waa xogoo caqiidada ah kadibna arrimaha dahaarada kadibna xogoo quraan ah.

Waxaana ku waajib ah mas’uuliinta (Madaxda) in ay dilaan qofka salaadda ka taga caajisnimo haddii uusan towbad keenin xukunkiisuna waa muslimnimo. Waxaana muslim kasta ku waajib ah in uu faro salaadda qoyskiisa iyo dhammaan inta uu awoodo ee kale.

SHURUUDAHA SALAADDA
Salaadda shuruudaheeda waxaa ka mid ah waysaqaadka waajibkiisuna waa lix:
Kan koobaad: waa niyadda salaadda loo dahaaro qaadanayo ama wixi la mid ah ee gudaya kolka foolka la dhaqitago, waana in ay niyadu ku xiriirsanaato fooldhaqa sida shaafici qabo, waana bannaan tahay haddii niyadu wax yar ka hor marto fooldhaqa sida maalik qabto.
Kan labaad: waa dhaqidda foolka dhammaantiisa laga soo billaabo halka ay timaha madaxu ka soo baxaan oo garka lagu tago iyo labada dhegood inta u dhaxaysa timo iyo lud intaba, kuma jiraan timaha garka hoostooda iyo haareedkiisu haddii ay bataan.
Kan saddexaad: waa gacmaha oo la dhaqo inta xusullada iyo wixi dushooda ah laga gaaro.
Kan afaraad: waa madaxa in la masaxo ama qaar ka mid ah haddii ay doonto hal tin ah oo madaxa ku taalla ha ahaatee.
Kan shanaad: waa labada lugood oo la dhaqo inta qoobabka laga gaarayo, ama la masaxo caga-gashiga haddii shuruudihiisu dhamaystirantu.
Kan lixaad: waa in sidaa la isugu xejiyo.

WAXYAABAHA WAYSADA BURRINAYA
waxaana waysada burrinaya:
1. Wixii ka soo baxa labada xumays middood intaan shahwada ka ahayn.
2. Waxaa kale oo burrinaya aadanaha xumaystiisa hore oo la taabto ama weegaarka xumaysta dambe gacanta cad lagu taabto ayada oo aan wax ka xigin.
3. Waxaa kale oo waysada burrinaya taabashada haweeney aan xigtadaada ahayn oo la raboonaayo, sida mad-habta Shaaficiyadu qabto.
4. Waxaa kale oo burrinaya garaadka oo taga, oo aan hurdo uu qofku si fiican salka dhulka ugu haysto ahayn.

DAHAARADA AMA ISNADIIFINTA
Waxaa waajib ah in la isaga xalo biyo qoyaan kasta oo ka yimaada labada xumays oo aan ahayn shahwada inta meeshu calas ka noqonayso, ama la iska tiro saddex jeer iyo in ka badan inta meeshu calas ka noqonayso, inkasta oo raadku sii muuqdo.

Waxaana lagu istanjoonayaa wax waxtira oo daahir ah adagna qiimana aan lahayn sida dhagax ama xaasho inkasta oo biyo yaallaan haddii aanay najaasadu fidin ama qallalin. Haddiise najasadu ka fiddo halkii ay ku tiillay ama qallasho waxaa waajib ah in biyo lagu xalo.

Waxaa kale oo shuruudaha salaadda ka mid ah in waxyaabaha waawayn ee qabayska waajibinaya laga qabaysto ama laga gabagabbaysto qofkii aan awoodin in uu ka qabaysto, waxaana waajibinaya shan walxaato: shahwo soo baxda iyo isutagga ninka iyo naagta, iyo caadada haweenka, iyo dhiigga haweenka ka yimaada iyo dhalmada.

Waajibaadka qabayskuna waa labo: niyada si waxyaabahaa waawayn iwm looga qabaysto iyo in biyo lagu ekeeyo dhammaan jirka ama korka ha ahaato ama timahae si kasta oo ay u badanyihiin.

SHURUUDAHA DAHAARADA
1. Islaamnimada
2. Iyo qaangaarka
3. Iyo in aan wax ka celinayaahi jirin biyaha si ay u gaaraan waxa la dhaqayo.
4. Iyo in ay biyuhu maaxaan.
5. Iyo in biyuhu ahaadaan kuwo wax daahirsha, waana in aanay doorsoomain oo aan magacoodu isbedelin ayada oo uu ku darsoomayo wax kale oo daahir ah oo biyuhu ka dhanyihiin. Ujeedadu waa sida asiga oo ku dheehma wax daahir ah sida caanaha ama inqaasta iwm, haddiise ay doorsoomaan biyuhu dheehaas oo aanan biyaba kolkaa lagu magacaabi karin dahaaro kuma suubana.

Haddiise uu ku doorsoomo wax aanay biyuhu ka maarmayn, sida haddii ay ku doorsoomaan wax ku jira nagaadigooda ama surinkooda iwm ee ay dhib tahay in biyaha laga dhowro waxba dhibi mayaan biyuhuna kuwa wax daahiriya ayay ahaanayaan si kasta oo ay u doorsoomaan.

Waana in aanay biyuhu najaasad gaartay awgeed u doorsoomin doorsoon yarba ha ahaadee. Haddii biyuhu laba qul ka yaryihiinna waa in uusan la kulmin wax aan najaaso aad u yar ahayn, waana in aanay ahaan kuwo loo adeegsaday qabays ama najaaso laysaga maydhay.

QOFKII AAN BIYO HELIN AMA BIYUHU DHIBAYAAN
Qofkii aan biyo helin ama ay biyuhu dhibayaan wuu gabagabaysan kadib marka waqtigu galo ee najaasada aan wax yar ahayni ba’do asiga oo adeegsan carro daahir ah oo bay leh asiga oo marinaya wajiga iyo labada gacmood iskuna xejinaya laba jeerna sacabaysan asiga oo niyaysan in uu waajibka salaadda guto asiga oo qaadan oo marin foolka qaybtiisa hore.

QOFKII WAYSADU KA JABTO
Qofkii waysadu ka jabto waxaa ka xaaraan ah salaadda iyo dawaafka iyo qaadista musxafka iyo taabashadiisa, carruurta waxbaranaysana taasi way u bannaantahay.

Qofka junubka qabana inta la soo sheegay oo dhan waa ka xaaraan iyo quraan akhriska iyo masjidka oo uu ku nagaado haweenayda xaylka iyo nifaasku hayaanna intaas oo dhan uma bannaana iyo soonka inta aanan dhiiggu ka joogsan.

Waxaa sidoo kale ka reebban gabadha dhiigga qabta in ay ninka ama kan leh (haddii ay tahay qof la leeyahay) u ogolaato in ay uga raaxaystaan inta u dhaxaysa xuddunta iyo jilbaha qabayska ka hor, waxaa kale oo la yiri xaaraan ma aha wixii aan u tegidda ahayn.

shuruudaha salaadda waxaa kale oo ka mid ah:
1. In najaasada laga xalo jirka
2. Iyo dharka
3. Iyo meesha
4. Iyo wixii la sito sida dhalo jeebka uu ku sido.

Hadii ay najaaso taabato qofka ama wax uu sitay salaadiisu way jabaysaa. Haddii uusan isla markiiba iska tuurin oo ay ahayd najaaso qallalan ama ay ahayd wax yar sida dhiig ka yimid dhaawaciisa.

Waxaa waajib ah in najaasadu haddii aanay wax yar ahayn la iska xalo ayada oo lagu dhaqayo lafteeda iyo wixii dhadhan iyo midab iyo ur ay leedahay biyo wax daahirsha, midda aan loo jeedinna korkeeda biyo lagu dareersho. Najaasada aan la arkaynna waa midda aan la arki karin midabkeeda iyo dhadhankeeda iyo urkeeda.

Najaasada aygana (iyo tan doofaarka) waxaa la dhaqayaa toddoba jeer oo mid ka mid ah ay ku dheehantahay carro wax daahirisa, dhaqidda tirta najaasadana si kasta oo loogu naqnaqo waa mid, waxaana shardi ah in biyuhu dareeraan haddii ay yaryihiin.

Waxaa shuruudaha salaadda ka mid ah:
1. In qiblada loo jeesto
2. Iyo in la gaaro waqtigii salaadda
3. Iyo islaamnimo
4. Iyo garaadka: oo ah in carruurtu ay garto da’ ay garanayaan hadalka oo ay ka jawaabayaan.
5. Iyo in la ogaaddo in salaaddu waajib tahay.
6. Iyo in aanuu qofku umalyn qaar waajibaadka salaadda ka mid ah in ay sunno yihiin.
7. Iyo in la isku asturo wax qarinaya jirka midabkiisa dhammaan jirka marwada intaan wajiga ahayn iyo labada gacmood iyo wax astura inta xuddunta iyo jilibka u dhaxaysa ragga iyo gabadha jaariyadda ah oo dhinac walba ah oo aan hoos ahayn.

Salaaddu waxay ku buraysaa:
1. Hadalka laba xarafba ha ahaadee ama xaraf la fahmayo haddii uusan qofku illoobin hadalkuna uusan yarayn.
2. Falka badan, fuqahada qaarna waxay qabaan in uu yahay wax qaadanaya hal ragco waqtigeed in la eg, waxaa kale oo la yiri: waa saddex nuuxsasho oo isku xigta kan hore ayaana daliil adag.
3. Iyo dhaqdhaqaaqa badan.
4. Iyo in lagu daro rukun fal ah.
5. Iyo hal nuuxsi oo ciyaar ah.
6. Iyo Cunitaanka iyo cabitaanka, in uu illaabo oo uu yaryahay mooyaane.
7. Iyo in uu niyaysto salaandda ka bixiddeeda.
8. Iyo salaadda ka bixiddeeda oo uu wax kale ku xiro.
9. Iyo haddii uu ka labalabeeyo.
10. Ama uu rukun tukado asiga oo xirashadi ka shaki qaba ama shakigiisu dheeraado.

Waxaa inta la soo sheegay la jira in ay shardi u tahay aqbalka salaadda Ilaah agtiisa nasahnaayee oo kor ahaayee, in qofka uu salaadda xag Alle oo kaliya u niyaysto, iyo in uu ahaado quudkiisu iyo furkiisu iyo meesha uu ku tukanayo xalaal, iyo in qalbigiisu u khushuuco Ebbe inta uu salaadda ku jiro ilbiriqsiba ha ahaatee, haddii aanay taasi dhicin, salaaddiisu way ansaxaysaa sawaab la’aan.

TIIRARKA (ARKAANTA) SALAADDA
Tiirarka (Arkaanta) salaaddu waa toddoba iyo toban.
Kan koobaad: waa niyada laabta loo gelsho falka sababtana iyo waqtigana garto, haddii ay farad tahayna farad ahaan u niyaysto.
Kan labaad: in uu yiraahdo asiga oo ismaqlaya rukun kasta oo qowli ah “Al-Laahu Akbar”.
Kan saddexaad: waa taagnida faradka taagnida ah.
Kan afaraad: waa akhriska faatixada ayada oo bisinka laga billaabayo iyo shidadkeeda, waxaana shardi ah in la isku xiriirsho akhriska la iskuna xejiyo xuruuftana sifiican loogu dhawaaqo laxni ujeedada leexshana aan lagu derin sida godidda ta’da “ancamta” , laxniga aanan ujeedada leexinayn asiguna waa xaaraan laakiin salaadda burrin mayo.
Kan shanaad: waa rukuuca waana in uu rugmado inta sacabbadiisu ka gaaraan labadiisa jilib.
Kan lixaad: waa in lagu nagaado (rukuuca) in la eg “subxaana allaahi”. Waana in xubin kasta meesheeda ku nagaato mar kali ah.
Kan doddobaad: waa joogsiga, waana in uu istaago qofku rukuuca ka dib.
Kan siddeedaad: waa in lagu nagaado joogsiga.
Kan sagaalaad: Waa in uu sujuudo laba jeer, asiga oo foolkiisa oo faydan dhammaantiis ama qaar ka mid ah dhigaya meesha uu ku tukanayo, culayskana saaraya, oo foorarsanaya, ujeedadu waa in uu qaarkiisa dambe ka kormarinayo qaarkiisa hore.
Culumada qaar -mad-habta ka baxsan- waxay dhaheen: shardi ma aha sujuudda in la foorarsado, haddii uu madaxiisu ka sarreeyo qaarkiisa dambe, salaaddu waa ansaxaysaa sida ay qabaan.
Kan tobnaad: waa in lagu nagaado sujuudda.
Kan kow iyo tobnaad: waa in la fariisto labada sujuudood dhexdooda.
Kan laba iyo tobnaad: waa in lagu nagaado fadhiga.
Kan saddex iyo tobnaad: waa in loo fariisto attaxyaadka dambe iyo wixii ka dambeeya ee ah nabiga oo lagu salliyo.
Kan afar iyo tobnaad: Waa attaxyaadka dambe kolkaas buu leeyahay qofku: “at-taxiyaatu al-mubaarakaatu as-salawaatu ad-dayyibaatu lillaahi as-salaamu calayka ayyuhaa an-nabiyyu wa raxmatullaahi wa barakaatuh as-salaamu calaynaa wa calaa cibaadillaahi as-saalixiin ash-haddu an laa ilaaha illaa allaahu wa ash-haddu anna muxamadan rasuulullaahi” ama inta ugu yare e ah “at-taxiyaatu lillaahi salaamu calayka ayyuhaa annabiyu wa raxmatullaahi wa barakaatuh salaamun calaynaa wa calaa cibaadillaahi as-saalixiin as-haddu an laa ilaaha wa ash-haddu anna muxamadan rasuulullaahi”.
Kan shan iyo tobnaad: waa nabiga oo lagu salliyo waxaana ugu yar: “al-laahumma salli calaa muxamad”.
Kan lix iyo tobnaad: waa salaama naqsiga waxaana ugu yar: “as-salaamu calaykum”
Kan toddoba iyo tobnaad: Waa isku xejinta (arkaantaas), haddii qofku kas uga tago sida asiga oo sujuuda inta uusan rukuucin salaaddiisu way buraysaa, haddii uu sahwiyana waa in uu u noqdo (rukunkii uu ka soo tegay) inta uusan rukunka kale gaarin ama uu rukun kale ka gudbay oo ragcadii ku dhammaatay kana tegay wixii uu ku sahwiyay, haddii uusan xasuusan, kolkaa waa in u laabto rukuucii haddii uusan gaarin rukuuca kale ee ka dambeeya joogsiga kale, ama haddii uusan gaarin sujuudda ka dambaysa wuxuu ka tegayaa intii uu sameeyay labadaa inta u dhaxaysa.

SALAADDA JIMCAHA IYO JAMAACADA
Jamaacadu waxay fardu kifaaya ku tahay raga xorka ah ee nagaadiga ah ee qaangaaray ee aanan wax cudurdaar ah lahayn .
Jimcaduna fardu-cayn bay ku tahay haddii (raggaas) tiradoodu afartan qaangaara oo deggan guryo yihiin aanna degganayn teendhooyin, maxaa yeelay jimcuhu dadka teendhooyinka deggan ku waajibi mayso.
Waxaa kale oo jamaacadu ku waajibaysaa qofkii niyaysta in uu ku nagaado agtooda afar maalmood oo dhamaystiran oo ka baxsanyihiin maalinta uu soo gelayo iyo maalinta uu baxayo.
Waxaa kale ee ay ku waajibaysaa (jimcadu) qofkii maqlaya aadaanka dhinaca soo xiga ee degmada jimcadu ka jirto.

SHURUUDAHA JIMCADA
1. Waqtiga duhurka.
2. Iyo laba khudbo oo ka horreeya (salaadda jimcaha) oo afartanka qof dhegaysanayaan.
3. In ay jamaaco ku tukadaan (Jimcaha).
4. In aanay isla markaa ka jirin khutbo kale isla magaaladaa lafteeda.

Haddii ay middood xirashada ku horrayso, middaa horraysa ayaa ansaxaysa, tan laga hormarayna ma ansaxayso, taasina waa haddi ay u suurta gelayso dadkaa in ay isugu yimaadaan, haddiise ay taasi dhib noqoto labaduba way ansaxayaan.

Tiirarka labada khudbana waa:
1. Mahadnaqa alle iyo nabiga nabadgelyo iyo naxariise korkiisa ha ahaatee oo lagu salliyo, iyo in labadoobada alle kacabsi la iskula dardaarmo.
2. Iyo aayad la fahmayo oo la akhriyo inta lagu jiro labada khudbo middood.
3. Iyo mu’miniinta oo loo duceeyo khudbada labaad dhexdeeda.

Shuruudda labada khudbana waa:
1. In laga daahir ahaado labada xumays (xadath) iyo najaasada jirka korkiisa ahaata meesha ama wixii la sido. 2. Iyo cawrada oo la asturo.
3. Iyo in qofka khudbaynaya istaago.
4. Iyo labada khudbo dhexdooda oo la fariisto, iyo in tiirarkeeda (arkaanteeda) la isku xejiyo.
5. Iyo in la xiriirsho (aan la kala dheerayn) khudbada iyo salaadda. 6. Iyo in labada khudbo (arkaanteedu) af Carabi ahaato.

KU XIRASHADA IMAAMKA
Waxaana ku waajib ah qofkii ku xirta jimcaha ama salad kale: In uusan imaamka ka hor marin istaagga iyo xirashada, taa daaye, salaaddu waa buraysaa haddii imaamka lala dhaho xirashada, waana la kahdaa haddii lala dhaho mararka kale, intaan aamiinta ahayn.

Waxaana xaaraan ah in imaamka rUkun fal ah (sida Rukuuc ama sujuud iwm) laga hormaro, salaadduna way ku buraysaa haddii imaamka laga hormaro laba rukun oo fal ah oo isku xiga oo dheer, Ama rukun dheer iyo mid gaaban cudurdaar la’aan.

Waxaana taa la mid ah in laga dib dhaco imaamka laba rukun cudurdaar la’aan, ama in kabadan saddex rukun oo dhaadheer cudurdaarba ha ahaadee, haddii uu qofku imaamka kadibdhaco si uu faatixada akhriskeeda u dhammeeyo, inta uu imaamku ka dhammeeyo rukuuca iyo labada sujuudood ee u fariisto attaxyaadka ama uu istaago, waa in uu qofku ka tago faatixada akhriskeeda oo uu haleelo imaamku halka uu marayo kadibna rakco la yimaado kolka imaamku salaama naqsado, hadduuse qofku dhameeyo akhriska faataxaad intaa ka hor wuxuu u soconayaa sidii salaaddiisu isugu xigtay.

– Waana in uu ogaado (Ma’muunku) dhaqdhaqaaqa imaamkiisa.
– Waana in ay ku kulmaan (Imaamka iyo ma’muunku) masjid dhexdii ama meel fogaanteedu tahay saddex boqol oo dhudhun oo gacanta ah.
– Waana in uusan u dhaxayn teed aan laga gudbi karin.
– Waana in ay islahaato salaaddoodu, mana ansaxayso in uu ku xirto mid farad tukanaya mid salad janaaso tukanaya.

Waana in aanuu (ma’muumku) kaga duwanaan imaamka sunno kala duwanaantu ku xuntahay sida attaxyaadka hore, ujeeddadu waa in ay fadhiga iyo joogsiga isku raacaan, haddii imaamku fariisto ma’muumkuna waa in uu fariisto haddii imaamku ka tagana ma’muumkuna waa in uu la istaagaa.

Waana in uu kuxirashada niyaysto kolka uu xiranayo jimcada, salaadaha kalena inta uusan ku dayan, ujeedadu waa inta uusan kas ugu dayan, haddiise uu niyadla’aan ku daydo salaaddiisu way buri, ama inbadan ha sugo ama yuusan sugine, inkasta uu wax badan sugo uusanna ku dayan falalkiisa salaaddiisu ma burayso. Haddiise uu kama’ ugu daydo asiga oo aan u kasin salaaddiisu ma burin. Imaamkana waxaa ku waajib ah in uu niyaysto imaamnimada salaadda jumcada iyo nidda naqtiinka ah inta kalena waa loo sunneeyaa.

SALAADDA NAQTIINKA AH
Salaadda naqtiinka ahna waa midda uu qofku tukanayo mar labaad asiga oo mar hore tukaday ama jamaaco la tukaday haddii uu helo nin jamaaco ahaan ula tukada , ama uu jamaaco ku tukaday hase ahaatee uu doonay in u yimid jamaacada u sameeyo si aan fadliga jamaacadu uga fakan.

MAYDKA DHAQIDDIISA
Dhaqidda maydka iyo kafantiisa iyo salaadda lagu tukado iyo duugistiisu waa fard kifaayo haddii uu yahay muslim asiga oo nool dhashay. Gaal haddii uu yahayna waxaa u waajib ah kafanka iyo duugta.

HaddiiUU dhicis dhintay yahayna wuxuu xaq u leeyahay dhaqid iyo kafan iyo duug, laguna tukan mayo labadaa midna (gaalka iyo dhiciska).

Qofkii ku dhinta dagaalka gaalada (Jihaadka) dharkiisa ayaa lagu kafani haddii uu ku fillaan waayana waa loo kordhin. Waana la duugi lana dhaqi mayo laguna tukan mayo. Dhaqiddana waxaa ugu yar: najaasada oo la xalo iyo jirkiisa oo dhan iyo timihiisa si kasta oo ay u badanyihiin in lagu ekeeyo hal mar biyo daahir ah.

KARFANTA MAYDKA
Kafantana waxaa ugu yar: mid dhammaan jirka oo dhan dedda iyo saddex duub qofkii ka taga xoolo dheeraad ka ah dayntiisa aanna ka dardaarmin in laga tago.

SALAADDA JANAASADA
Salaaddana waxaa ugu yar: in uu niyaysto falka salaadda ee uu korkiisa ku tukanayo iyo faradka (kifaayaha).
Wuxuuna si gaar ah u tilmaamayaa qofka dhintay haddii uu doono tilmaan laabta ah ha ahaatee.
Kolkaas ayuu leeyahay “Allaahu Akbar” asiga oo taagan, haddii uu awoodo, kadibna faatixada ayuu akhrinayaa, kadibna wuxuu leeyahay “al-laahu akbar, al-lahuma salli calaa muxamad”.
Kadibna wuxuu leeyahay: “al-lahu akbar, al-lahuma aqfir lahu war-xamhu” kadibna wuxuu leeyahay “al-lahu akbar, as-salamu calaykum”.
Waxaana lagama maarmaan ah shuruudaha salaadda iyo in laga fogaado waxyaabaha burrinaya.

DUUGIDDA MAYDKA
Duugistana waxaa ugu yar god qarinaya urkiisa kana dhowraysa dugaagga. Waxaana sunno ah in godka la dheereeyo qof jooggiis iyo gacma taagga, lana ballaarsho. Waxaana waajib ah in qiblada loo jeedsho. Mana bannaana in lagu duugo goobta fisqiga.

 

@Source:www.2garre.com

3 Comments »

  1. 1
    Abdikani Says:

    waad mahadsantihiin dhamaan tiin waxaan jeclaan lahaa in aan idin waydiiyo su’aal iigana soo jawaabtaan hadaad awoodaan.
    waa tan;

    Hadii anoo weeso qaba ay shahwo iga timaado, ma jabi salaadii, hadayse dharka iiga halaysmato najaaso miyey noqonayaan.
    fadlan waxii cadany unoqonkara jawabtada ii soo raaci.

    waxan filayaa jawaabtiina sida ugu dhakhso ho badan uguna macquulsan.

    mahadsanidin.

    • 2
      nesma Says:

      walaalo abdiqani suaashan kaaga jawaabaya waxaa lagu idhi wax alaala iyo bil aadamka kasoo baxa wey kajabaysaa salaadu shahwoba ha noqottée.wabillahi towfiiq

  2. 3
    ISMAIL Says:

    A/S
    WALAL WAXAY ILA TAHAY
    IN LAKA SAARO SHAWADA WAA 3DAX QAYB SHAHWADA
    HADEY TAHAY NUUCA UGU SOO HOREYA EE KACSIGA KU YIMAADO
    WAA NIJAASO LAKIN HADEE TAHAY SHAHWADA CAADIGA AH
    WAA DHAAHIR WAX MAJIBINEYSO THANKS


RSS Feed for this entry

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: