Xagjirnimada..iyo dhalinyarada maanta..


 

Xagjirnimada..iyo dhalinyarada maanta..


 

@:- BY SHIIKH XASAN ALBISRI.

قال الله تعالي ( واقيمو الوزن بالقسط )

ولايجرمنكم شنأن قوم علي ا، لاتعدلوا اعدلوا))

وقال تعالي:-  ( يريد الله بكم اليسر ولا يريد بكم العسر )

وقال صلي الله عليه وسلم( يسّروا ولأ تعّسروا )

                                

          ¯Xagjirnimo :—

    

              waa in la’aamino fikri khladan oo aan toosneen islamarkaan lagu shaqeeyo Kaasoo ka ambaqaadaya , waxa ruuxu uu jecelyahay uu ku haminayo  in uu sameeyo asgoo diinta islaamka usoomaraya kuna andacoonaya adilo liita ama saxiix aheen ..taasi waxa ey dhaawaceesaa sharafta islaamka waxa ay signal xun  kabixneesaa in islaamku uu yahay diin xagjirnimo is-qarxin..islaamkuna taas mas’uul kama ahan …ee waa fal kudhisan laablakac….

          T Xagjirnimadu :

         waa waxa caalamka manta kajira oo kadhacay dalal xitaa aan islaam aheen sida yurub iyo mareekanka oo kale tusaale ..mad-habka looyaqano katholik ayaa waxaa dhexmarijiray dagaalo culus mad-habka kale ee burutusteniga iyo kooxo kunool dalalka yurub oo u’tacusuba fikrado kala duwan ,waxaana ay kadhcday dalalka sida hindiya .taliyaaniga jermalka shiinaha  iyo meelokale  ….

        

                ¨          Islaamku :

       waa diin dhexdhexaad ah iyo yusri oo wax culees ah malahan manajirto meel islamku uu kufarayo xagjirnimada balse waa uu kasoohorjeedaa xagjirnimada …..

    Astaamaha xagjirnimada iyo waxayaabaha sababa waa :– ..

a)                  in ruuxo uu san aqoon dheer ulaheen diinta islaamka oo uu bowsaday culuumta islaamka ..

b)                Ad adeeg aan munaasab aheen ……tusaale muwaadinka somaliyeed ee jooga dal qurbo miyay kubahoontahay in uu yirahdo waxaan suulinayaa filimada iyo munkarka iyo haweenka qaawan …sida dhacday taas loomaabahna waayo waxaadan awoodin weeye. …oo n.m.c.s.w. waxa uu leeyahay..(إن الله يحبّ الرفق في الأمر كله   )…

c)             à     xamaasad saa’id ah oo  kudhisan laab lakac..…

d)               Ë    Tacasub dheeraad ah oo kudhisan indhola’aan sida qabuurihii ay faageen maxaakiimta islaamka ..taasna islaamku maqabee waa tacasub ra’yigooda  ah .oo sida ay jecelyihiin ayay sameeyeen .. magaca iyo sumcadda  islaamkana waa ay kuciyaareen ….

e)                  ·  Takfiirinta umadda iyo mujtamaca iyo bulshada  muslimka ah waxyaabo liita sida xijaabka  ,iyo qaatka ama sigaarka iyo waxlamid ah. Wax fudud maahan in ruux muslim ah layiraahdo waa gaal ..oo ruuxiidhahay ayaa ahaanaya haddii uusan noqon kii lagutuuray gaalnimada ..waxa ay salfadeen culimadii iyo siyaasiyiintii iyo ashkhaaskale oo waxa dhaheen waagaalo …acaadanallaahu minhaaa….

f)              In lagu degdego xaaraamyeelidda …taasna dhaqanka  culimadii hore ee salafka maahan tusaale haddi ..kitaabku uu qabo labo masalo midi ay tahay xaaraam tankalena  ay tahay karaahiyo .. waxa ay qaadanayaa tan xaaraamta ah… haddii mid ay yusri kudhisantahay tankale ay kudhisantahay culeys waxa ay markasta qaadanayaa tan culus…… 0(ولاتقولوا لما تصف السنتكم الكذب هذه حلال وهذا حرام لتفتروا علي الله الكذب )

g)              Iyo in shacabka la’amro waxaan ilaah kulaasimin ….

h)                 In asaga xagjiraha mooyee eysan jirin cidkale oo muslim fiican ah waa sida uu qabo….tusaale marka ay yimaadeen somaliya ururka al-ikhwaanul muslimiin oo maanta baranjiyo  badan kuyeesha somaliya sababo nidaamla’aan oo jiro ayaa iyaga iyo ururka al-itixaad aaminsanaajiray  dalka somaliya 30sano kahor wax diini ah majirin oo dadkuna jaahiliin ayay ahaayeen …

i)               °In la iskuqaso fahamka diinta …oo waxa dhalinyarada dambe ay kusiyadiyeen diinta waxa cusub sida  in ay qeebiyeen towxiidka oo illaa iyo saddax nooc uqeebiyeen ..1- towxiid al-rubuubiyah.2- towxiid al-asmaa wal-sifaat.3- towxiid al-uluuhiyah … kuwaasoo n.m.c.s.w. kadambeeyay ..oo ay ayagu sameesteen waayo towxiidka waa hal sida furaha islaamku uu yahay .mana qeebsamo sida laga fahmikaro weedha( (توحيد …oo tusineesa in kaliyeelid ..waxaase yaableh cidda aan aaminsaneen towxiidkaas waxa ay u’yaqaanaan gaalo …

j)             ³Waxa ay raadraacaan aayaadka mushaabihadka ah ….     waxa ay aamisanyihiin dhalinyarada dambe  waxyaabo khaddar ah oo iimaanka dhawacaya sida in uu ilaah fadhiyo carshiga dushiisa iyo umuurokale oo faham khaldan kaqaateen diinta waayo waxaa jira aayado ey muhiimtahay in looraaco sida ay kufasireen culimadii salafu saalix oo kaliya ee ruuxi ikhtiraacda way kale uu lumayo ..taasna waa umuur aan sax aheen waayo ilaah waa uu kahoreeyay carshiga ..carshigana waa makhluuq oo waa la abuuray kahorna ilaah subxaanahu watacaalaa waa uu jiray mana ubaahna carshi uu asagu dhisay ee waxa owleeyahay awood sare …arrinkaan cid culimadii hore kamid ah oo qabta majirto waa wahaabiyada kaliya oo sifaadkaas kubaxay ..tacaalalaah candaalika culuwan kabiiran……

k)                      ü   Dhexdhexaad la’aan..     sida laga dhadhasankaro  weedha ah (xagjirnimo) ayaa ah in nin dhinac ubadan ama  dhinac jiro xitaa masaa isha yaryar ee  aan sidaas u’siixoogbadneen. Waxaad arkeesaa mid kamid ah ururo diimeedka somaliya jooga ama intabadan dhacda in ay diidaan .waxyaabo badan oo  ay kamidyihiin .tusbaxa ..xuska waalidka .. iyo mowliidka iyo siyaarta .. waana waxyaabo mudan in laga midowbo mar haddii ay yihiin furuuc aan sidaad usiiweeneen.. balse xagjirnimadooda ay kudhaqaaqeen ciddii tusaale qaadata tusbaxa.. in ay jaraan .oo ay u’aaminaan khuraafaad iyo wax bidco ah . haye taas maxalaalbaaa..

l)                 Ú Tanaasul la’aan .

m)                       In ruux loo dilo ama loowaxyeeleeyo tageeridda uu raacay siyaasad qolo ey isku jees yihiin ama uu u’shaqeeyo tusaale intabadan xukuumadaha manta kajira dalalka islaamka waxaa ay kudhaqmaan nidaam aan aheen kan qur’aanku uu farayo meelobadan taasna dil iyo  qaraxyo masababikarto ama in lagaaleysiiyo xibnaha ama wasiirada kamidka ah kooxdaas inta uusan diinta si cad uusan uga bixin  ..laakiin sida xagjirnimada ay amreyso waa dil iyo qarxin sida dhacday inbadan dalkeen somaliya oo taas kanabad ahaa in muddo ah ayaan dhawaan kacabanaya fikradda xagjirnimada oo ku fulineysa maalinkasta dilal dad aan wax dambi ah laheen tusaale haweenka wadada xaaqa  ama poliska iyo askaarta somaliyeed ee kashaqeynaya amniga ama saxafiyiinta maxaa loodilayaa illeen waa masaaakiine ..falkaas waxaa fulinaya waa ururada  diimeedka somaliyeed ee  aaminsan xagjirnimada waxaana ka mas’uul ah ururka looyaqaan al-shabaab .. oo siwacan ufilaya assissinationada somaliya kadhaca oo lagu ugaarsado dadka muhiimka ah culimada saraakiisha iyo saxaafayiinta….xisaabtu malin ayay imaaneesaa.. …maqaalo si khaas ah uga hadleesa taariikhda ururka al-shabaab iyo waxyeeladiisa somaliya ayaan mardhowjecelahay in ay soobaxdo ..inshallaahu tcaalaa  ..

n)                         Waxa waadix ah in asxaabta kushaqeysa fikradaha xagjirnimo in ey qabaan in shucuubta aamisan in lagu dhaqmo mad-aahibta 4ta ah ee islaamka sida .imaamu maalik r.c. iyo imam shaafici.r.c. iyo axmed bini xambal.r.c. iyo imam abii xaniifa.r.c. ay yihiin kuwa khladan oo raadraacaya fikri niman lamid ah ay qoreen oo sanooyin kahor ahaa  sida kucad kitaabadooda oo xitaa ay jaa ifeeyeen culimadaas sida abiixniifa iyo kuwale ..waxaa taaas kasiidaran dhawaan risaalo ay siwadajir ah uqoreen sadaxda nine  ugu caansan sacuudiga …wa( fowzaani iyo ibni baaz iyo albaani) … ayaa lagusheegay in shacabka dagen dubay ey yihiin kuwa faasiqiin waayo waxa ay heestaan mad-habka maalikiyada iyo caqiidada ashcariyada sidaas daradeed waa faasiqiin …oo imam malin ayaa qaba in latw’wiiliyo aayadaha qaarkamid ah …iyo in  kitaabkii qur’aanka ay san kayeelan mad-hab …!!!!

o)             Waxaa kaloo lagu yaqaanaaafud fudeed tusaale . waxa ay aaminsantyihiin qaar kamid ah ururada  islaamka ee  jooga soamliya in culimada siyaarada aada ey yihiin kufaar ama gaalo waayo qaburo ayay aadeen oo ay cabudayaan  ayay dhaheen waxaana sababay jahli waayo in labooqdo oo lasiyaarta qubuuraha  waa shey sunna ah in labarakeesto dadka ilaah uu siiyay sharaftana waa wax aathaaru ay tabineyso  ……!!!

p)                Asbaabaha keena xagjirnimada :–  waxaa kamid ah in aan ladaareeseenin taariikhdii hore iyo tijaabooyinkii hore oo kutubta  aan siwacan loo aqrin …sida dhacday meelo badan oo caalamka kamid ah..waayo taariikhda waxaa kuqoran in asxaabta uu kadhaxeeyay wadatashi iyo xushmad .oo haddii uu jiro ruuxa kamid ah asxaabta oo tusaale cilmi dheeraad ah leh waa ay weydiinjireen sida ..(s.kacab )oo qur’aanka ayaa waxlaga weydiinjiray 2(s.zeyd-bini thaabit ) waxaa waxlaga weydiinjiray dhaxalka 3(cali bini abiidaalibna )waxaa waxlaga weydiinjiray axkaamta …laakiin dhalinyaradaan culimadii soowaxbartay waa ay khilaafeen oo wax masaail ah weydiimaayaan wadatashina majiro is-xushmeen iyo is-qadarinna daa warkeeda oo. Waa ay caayaan culimadii iyo macalimiintii soowax bartay diinta islaamka..

q)             Waxaa kaloo astaasmaha kamid ah ….aadaab la’aan oo sida dhacday maxushmeeyaan culimada iyo aqoonyahaniinta kale .     Tusaale .. maxaakiimta markii ay soobaxeen waxaa dalka kajiray joogana hadda culimo . somaliyeed .. majirto in ay xusheemeeyeen .waxaa taas kasiidaran .. waxaan maqlay saraakiishii hore ayay shiriyeen oo waxa ay kudhaheen dalka  naladifaaca oo imaada xarumo la idinku dhaqanceliyo oo la idinkubaro tarbiyada saxda ah .markaas ayaa waxaa saraakiisha qaarkamid ah dhaheen dalka waan wada difaaceen laakiin dhaqancelin maxay tahay ?  !!!.. markaas ayay maxaakiimtii kudheheen  saraakiishii …. waxaa maskaxdiina kujira  fikrado shisheeye  sida fashiite oo aan saxa ah aheen oo aan tarbiyada islaamka waafaqsaneen .. soo maahan tan xagjirnimo.. ….!!!

r)              µ  Isticmaalka cunfiga ama rabshada ..      ururo islaam ah ayaa kajira caalamka oo jagadoon ah oo kumarmarsiyooda in diinta ay kudhaqayaan dalka marka ay  gacanta ugasho sida ururka ..ikhwaankul muslimiinka ee  dalka maser …balse isticmaala cunfi iyo rabshado .. sii xumeynaya magaca islaamka sidaas ayay kuwaayeen xukumkii dalka maser  …. .waxaa jirta in maxakiimtii ay sifudud ku qabsadeen dalka somaliya sidegdeg ahna uga baxeen oo awoodii ay kaluntay ..taas waxaa sabab u’ah sida ay sheegaan dadka udhuundaloola siyaasadda somaliya waxaa sabab u’ahaa in ay si awoodo iyo adadeeg ay kujirto ay ufilyeen barnaamijyadoodii .. oo ay isticmaaleen .manhaj ama falsafado khladan. Sida dhacday.. tusaale .. famil aroosaya .. ama haween qaawan oo wadada mareesa.. ama dhalinyaro ciyaro daawaneesa .. ama qalabka warbaahinta ayaa baahinya heeso .ama waxaa la iibinayo qaadka. marka ninka yaqaana maamulka ama fahamsan islaamka lehna fahamdheer.. waxa uu kudhaqaaqayaa tilabo aan tii maxaakiita  aan aheen oo kudhisneed fudufudeed ..waayo waxaa dhacday in ladilay kii daawanayay .. oo markaa dambi kaween kii lasuulinyay uu yimaado meesha .. ama arooskii lajoojiyo oo ladhaho waa munkar ..ama idaacaddii laxiro oo layiraahdo waxa ay waddaa wa heeso .. ama qaadkii oo intabdan haweenka nimankoodii ay kudhinteen ama kuwaxyeeloobay  dagaaladii  lasoomaray ay joojiyaan balse ay holciyaan inta tarabuunka lasoodhoobay . . aaway xuquuqdii dadka .. iyo caruurtii agoonta aheed .. …waa su’aal mudan in lahelo jawabteeda..

s)                    Ø Waxa ay dhageesteen muxaadarooyin iyo doodo culimo u’jadbeesan in islaamka wax looqabto laakiin .hanaanka ay farayaan dhalinta yar yar ayaa ah  in la isqarxiyo oo la isbiidaamiyo …

t)              Ö Waxa ay iskumagacaabeen in ay yihiin ducaad diinta fidisa ama xukaam dadka galasaarta oo islaaxisa mujtamaca ..cid umagacawday jagooyinkas sarsare majirto .haddii diinta loosahqeenayo waxaa wacan in si xikmad leh loofuliyo ..

u)             ö   Waxaa kamid ah astaamaha ay caanka kuyihiin dood iyo tacasub .aan loomeeldayin …

v)     Erayada sida khaldan loo isticmaalay ..sida aan kusoosheegay maqaalo horay kusoobaxday websityada qaarkamidah oo kusaabsaneed erayada sida khaldan loo isticmaalay waxaana kamid ahaa( loomay ooyaan iyo 4.5 iyo erayo kale sida jihaadka iyo mujaahid ..waxana maqaaladaas kucabirnay in dhalinyaradambe ey sumcadda iyo xikmadda jihaadka ay kuciyaareen oo si khladan ufahmeen sidaasna ay kuraadinayaan janadii ilaahay ..laakiin aadaabtii iyo nidaamkii lagu yaqaanay jihaadka mahayaan sida dhacday oo waa dagaal kudhisan laablakac iyo jago doon marka waxay ay kuciyaarayaan shaarka islaamka iyo aadaabtiiisa dhinaca dagaalka .jihadkuna waxa ow dhexmaraa mujtamaca musilim ah iyo mujtamac gaal ah  eekan dhexmara muslimiinta waa (dagaal –xarbi-war ) oo ay shaar diin usiiyeen taas waxa ay kamitahay xagjirnimada waayo in lagu owrkacsado jihaad si loohelo jago iyo sumcad ma’ahan hanaankii n.m.c.s.w. lagu yaqaanay ee waa wax cusub waxa somaliya kadhacyna waa dagaal aan lagu heleenin janno waayo waxa dagaalaamayay waa muslimiin ilaah aaminsan rasuulkaa rumeeyay …mawaxaan urankarnaa dagaalkii dhexmaray hugaamiyayaasha iyo maxaakiimta somaliya in uu ahaa jihaad mase kii snada iyo ssada iyo ururo kale dhexmaray ayaa ahaa jihaad oo dadkii kaqeebqaatay ..mamujaahidiinbaa … ma xalaalbaa xoolaha iyo hugaamiyayaasha lagahelay mase waa qaniimo oo muslimiinta ayaa looqeebinayaa . waxaa dhacday in mulishiyadii col.barre hiiraale in markii ay maxaakiimta ay gacanta kusooqabteen in ay sii khaarijiyeen kuwii dhaawacayaa …haye taas ma jihaadbaa …

               *  Shirka kasocda asmara  waxaa khilaaf xoogan uu dhexmaray asxaabtii aaminsaneed fikradda ah jihaad iyo aqoonyahanadii iyo siyaasiyiintii somaliyeed ee kale waxaan uu ahaa qudubka jihaadka mid culus oo markii intabadan qodobada la iskuwaafaqay uu kadhacay qodobka jihaadka muran badan  waxaana ey soojeediyeen aqoonyahaniintakale in eraygaas labadalo mar haddii uusan munaasab aheen ooh algan iyo xoreen iyo erayo kale lagu  badalo ….

                                                  P     Maxaa xal ah marka??? ..

I)                dhalinta lamarin habaabiyay :– waa in labara  culuumta diinta ee kasocoto xalaqaadka masaajiyada somaliya … maxaayeelay waxaa waxbaraya culimo diinta siwaca utaqaana waxaana ay kuxirayaa diinta oo xagjirnimada an xiriir lalaheen …

II)          Q  waa in dib loohabeeyaa manaahijta waxbarasho ee dlaka si looga nadiifiyo waxyaabaha abuurikara  xagjirnimada .lana helaaa manhaj saxiix ah oo wadaniyada kudhisan oo aan kudhisneen waxa caadifad ah ama laablakac tusaale markii ay dagaalamayeen dowaldda iyo maxaakiimta waxaa lasoomarin habaabiyay ardaydii waxkabaraneysa dugsiyada sare ee mogdisho waayo waxaa labaray intabadan manhaj  xagjir ah  markaas ayay Somali dhexdeeda uu dhexmaray dagaal lahuwiyay shaar diimeed ..waadagaalkii beydhabo .. …

III)       S   ardayda waxbarasahda dhameysay waa in loofuraa siminaaro iyo doodo ..kahadleesa in culuumta jaamacadda aysan aheen mid dhameestiran waayo waxa ay aaminaan ardayda dhameesatay jaamacadaha qeebata shareecada in ay kafiicanyihiin culimadii hore oo ay qaateen shahaadooyin iskugu jira phd.iyo dr . taas maahan manhaj sax ah waxaana dhacday in arday kasoobaxday jaamacadaha ama madaarista sare ey si indhola’aan ah u foolxumeeyeen  islaamka ..ama ay fuliyeen qaraxyo. Meesha ardayda kasoobaxda masaajidyada ee xalqaadka culuumta islaamka ee somaliya masaajidyadeeda lagubarto  eysan suurtagal aheen in ay fuliyaan falal waxyeeleenaya dalka iyo dadka .somaliya sida dhcaday …oo xerta somaliya kawaxbarata marnaba kama aysn qeebqaadan dagaaladii kadhacay somaliya

IV)  R             waa in lahanuuniyaa  qalabka warbaahinta    waayo .. waxaa socda mashaakilooyin badan oo kadhacay caalamka islaamka sida falastiin iyo afgaanistaan iyo ciraaq iyo meelokale taasoo ubaahan in loohelo xal degdeg ah iyo in muslimiinta ay midoobaan oo ay sooceshtaan sharaftoodii iyo karamadoodii ..marka taas ayaaa qalabka warbaahinta waxa dhacda in uu soo baahiyo cabashooyinka reer  falastiin iyo meelo kale kadhacaya ..markaas ayay inta aaminsan fikradaha xagjirnimo meelkasta oo ay joogaan ay kudhaqaaqaan is-biidaamin iyo is-qarxin..

V)                 ^  waa in labuuxiyaa jaanisyada ay leeyihiin dhalinyarada oo loo abuuraa shaqo iyo waxbarasho waayo jaaniska aan laheen cibaado ama shaqo wacan ayaa sababikara in lagu abuuro dhalinyarada xagjirnimo ..

VI)      Y         waa in dowladaha jira ay abuuraan barnaamijyo islaaxinaya dhalinyarada .

VII)                                  *     waa in familka uu koontaroolaan caruurtooda oo kaxifdiyaan waxkasta ae waxyeeleenkara mujtamaca dhexdiisa sida xagjirnimada ..

VIII)                            F       waa in fahamka iyo policiyada iyo falsafadaha  culimada ahlusunnah waljamaaca ee somaliya lagudhaqmaa waayo waxa uu farayaa wada noolaansho iyo is-xushmeen mana jirin wax dowr ah ee culimada suufiyada ee dagaalada somaliya ey kulahaayeen waayo waxa ay aaminsanaanyeen in aytahay musiibo …marka majirin culimo suufiya ah ama ku abtirsata ahlusunnah waljamaaaca oo dagaaladaas qeeb ama lugu kulaheed ..balse waxa jirta in dowr wacan ay kaqaadanjireen sidii xal loohelilahaa xal somaliyeed …

IX)              waa in laqabtaa shirar iyo doodo lagu wacyi abuurayo dhalinyaradaas oo fahamka khladan aaminay ..

X)         N waa in heyadaha iyo ururada bulshada ay qeebkaqaataan sidii dhalinta lamarin habaabiyay loo dhaqancelinlahaa …

XI)  (    waa in lasuubiyaa gole culimo oo gaashaneysa khubaro kutakhasustay taariikhda jamaacaadka islaamka ku abtirsada oo falanqeeya umuuraha iyo asbaabta iyo xagjirnimada sababikara …

XII)                     0    waa in ladaabacaa kitaabo kusocda manhajkii slafu saalix oo faham wanaagsanaa lahaa ..si lootarbiyeeyo dhalinta maanta oo loobaro cibaadada iyo tarbiyada saxda ah..

  

                         Naseexooyin Muhiim ah ..

1-           * waa in la ixtiraamaa culimada  takhasuska u’leh diinta ..waxaan ugu naseexeenayaa sxbda xagjirnimada aaminsan in ay ixtiraamaan culimada diinta kutakhasustay ,waayo madhicikarto in dr ama engineer uu dhaho diintu waa afcarabi waan fahmikaraa ee maxaa loogabahanyahay sheekh iyo culimo ,taas waa ixtiraam la’aan waxaana larabaa in Dr-ku uu weydiiyo culimada… sida dhacda  shacabka caadiga ah marka ay jiradaan oo ay u’baahdaan Dr-ka ,  kawarama  haddii ay dhacdo in Drkii la ixtiraami waayo oo ruuxa uu yiraahdo waan ujeedaa dawadii oo farmashiyaha ayay taalaa anna yiraahdo waan aqrinkaraa afenglishka oo uu soo qabsado dawado loogutalagalay foosha haweenka halkii uu rabay in uu hergab uu daweeyo ..marka waxaa muhiim ah in la’ixtiraamo dadka ahalka u’ah culuumta islaamka .sida taariikhda kucadna waa sidaas ….

2-      dadkiina lanoolaada…oodadkiinakudhexjira…..

        Waxaan ugu naseexeenayaa reer xagjir in ay dadkooda lanoolaadaan oo aysan kadhexbixin ..waayo waxfiican maahan in mujtamaca aad kadhexbaxdo ee sida culimada iyo asxaabta lagu yaqaanay waa tawaadhuc iyo kudhexjiridda mutamacooda ee maahan in ay aqoonta yar ay kaasaarto mujtamaca ….

3—shacabka  malada uwanaajiya ..

      Intabadan  waxaa dhacda in dhalinyarada aaminsan xagjirnimada in ay inta aan ayaga aheen ey u’aaminaan in aysan wanaagsaneen oo tusaale ruuxa sigaarka caba ama qaadka cuna ama ficilada aan siiweyneen suubiya ay islamarkiiba dusha uga tuurayaan lacnad ama canaan sababeesa in ay kusifeeyaan diinlaawey.

   Oo ficilkii uugalay ee yaraa ay suurtagaltahay in ay kagajawaabaan danbiyo kaween ..taasna waa xagjirnimo in dhola’aan ah ..mana ahan dhaqankii suubanaa ee n.c.s.w. ee sida dhacday (ninkii cabay khamrada uu .n.c.s.w. kufilayay xukumkii islaamka ..ayaa asxaabta qarkamida ah lacnad kurideen .markaas ayuu n.c.s.w. kudhahay ha ku saacidinina sheydaanka waxaana uu jecelyahay ilaah iyo rasuulkiisa c.s.w.) iyo tusaalooyinkale oo farobadan.. waxaana qur’aanka kucad in malada qaarkeed aytahay wax xuntahay . ..marka lamarabo in uu ruuxu raadraaco ceebaha muslimiinta iyo cowraadkooda .waxaana sidookale muhiim ah in uusan waxa owsan arkin ama uu san maqlin uu san raacraacin ..taas ayaan kubadan asxaabta xagjirnimada aaminsan..

   

3-      in lawadahadalo :-

   

      fikradda ah in lawadahadlo waxa ay meesha kasaareesaa xagjirnimada waayo waxaa uu ruuxaas oo kale aaminsanyahay marka hadal uu yimaado ayuu waxbadan fahmayaa balse inta uu saaxada wadahadalka uu kafogyahay waxaa jirta in ay siisiyaadeeso xagjirnimada .. wadahadalka waxaa qaba islaamka ee dhaqankaa halagu cilaajiyo mushkiladaha jira oo waxaa jira qaacidada dhaheesa ( waxan iskuraacsanahay aan kushaqeyno –ayadaanabadan—waxaan iskukhilaafnay aan farahakaqaadno –ayadaan yar…..waa in taas laga ambaqaadaa

    5  waa in lafududeeyaa diinta :–

         

           Waxaan ugu naseexeenayaa asxaabta aaminsan xagjirnimada in ay faraha kaqaadaan adadeega siiba marka ay ladhaqmayaan shacbi weynaha oo ay farayaan shacabka waxa aysan awoodin ,maxaayeelay diinta waa yusri maahan mid culus ..eebana waxa uu nalarabaa waa fudeed ….ninka waacidka ah waa in uu shacabka kuladhaqmaa si yusri iyo naseexo ay kujirto …..يريد الله بكم اليسر ولا يريد بكم العسر ))..

  

  6— si xikmadeesan diinta u’faafiya :-

Tankale waa in laraacaa manhajkii n.m.c.s.w. oo ahaa midkudhisan xikmad ..taas ayaa inbadan lagu soo islaamiyay oo gaalo ahaa markii hore kuwakalena oo diidanaa islaamka lagu soogaliyay diinta ..waxaa xikmadda iyo dood wanaaga kamid ah in mawaadiicda la iskuraacsanyahay lagu camalfalo .kadibna loosii galo mawaadiicda khilaafku uu kajiro (أدع الي سبيل ربك بالحمكة والموعظة الحسنة (

 

     7—   waa in lajoojiyaa culuumta lagaqaadanayo joornaalada (SAXAAFADDA)…

                   waxyaabaha cilmi yarida abuura waxaa kamid ah in dhalinyarada eysan kaqaadan culuumta culimada takhasuska u’leh balse joornaalada lagu sooqoray mawaadiicyaryar  ayay kaqaataan culuumta taasna maahan way fiican ..sida badan cajaladaha iyo interneryada iyo paltokyada iyo c-C-d-yada ayay kaqaataan culuumta ..waa tilaabo khaldan oo ubaahan in lasaxo ..waayo culuumta islaamka wax ay leedahay qeebo badan sida nahwaha..sarfi..taariikh..tafsiir..xadiith..musdalaxul xadiith ..fiqhi.. tasawuf.caqiido.iyo waxlamid ah intaas oo idilna kamatarjumeyso in lagaqaato culuumtaas oo dhan joornaal ama idaacad ama internet…tan waxaa sababay in ay nacebyihiin culimada suufiyada oo culuumtaas oo dhan ilaah uu kumanadeystay islamarkaan ah kuwa macalimiinta u’ah shacabka somaliyeed..oo qur’aanka iyo culuumta kalaba ayagaa ayaa bara shacabka ..ee (dadka culuumta yaqaano weydiiya  haddii aadan wax aqoonin ) ayuu ilaah leeyahay subxaanahuwatacaalaa…

                    Prepired by sheekh xasan macalim maxamuud samatar. ——.

(sheekh xasan albasri..)   

Webka sheekh xasan albisri— www.albisri.4t.com IF YOU HAVE ADDITION OR YOU WANT TO CORRECT IDEAS OF WRITTER .PLEASE SEND MESSAGE TO

E-mailto. xalbisri2@hotmail.com

OGEYSIIS MUHIIM AH

                        LASOCO WESBITYADAAN OO KADAALACO MAQAALOOYINKA SHEEKH  HASSAN ALBASRI  OO KAHADASHA INTA BADAN WAXA KAJIRA SOMALIYA DHINACYADA IDEOLAGIYADA ISLAAMKA LAXIRIIRTA ..WAANA KUWAAN  WEBSITYADA

WWW.SHAAFICIYAH.COM

WWW.ALBISRI.4T.COM

WWW.SAYLAC.COM

WWW.MUDUGPOSTWORDPRESS.COM

WWW.ALLAHLUSUNNAH.COM

WWW.AHLUSUNNAH.WORDPRESS.COM

WWW.WARSHIIKH.COM

 ..

                   W AXAANAKALOO KAHELEESAA MAQAALOOYINKALE OO MUHIIM AH SIDA ..

1-                                                 1          —XERTA SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS(AL-SHABAAB) OO LUMISAY XIKMADDI IYO SUMACADDII JIHAADKA ISLAAMKA EE SOMALIYA…

 

     2—MAXAAKAJIRA BARAARUGA ISLAAMKA (SAXWADA) EE SOMALIYA LAGU SOOKORDHIYAY..

    3—XARAKAAT DIIMEEDKA SOMALIYA JOOGA ..

 4—DOWRKA CULIMADA SUUFIYADA EE SOMALIYA ..KAH DHINACYADA HALGANKA.. WAXBRASHADA …SUUGAANTA AF-SOMALIGA.. DI-UHESHIISIINTA SOMALIDA…

    5—MAXKAMADAHEE ISLAAMI AH??? OO MUSALSAL AH .1 ILLAA IYO  XALQADII 4AAD..

  

    5-    MUQAAWADA XAQ MIYAA???    IYO ,MAQAALOOYINKALE OO MUHIIM AH

    

         6——-  Wahaabiyada iyo bisha soon ..…..

.


Faallo u dhaaf