Qabyaalaadi Maxay Tahay?Islaamkuse Halkee Ka Joogaa?
February 22, 2007
ahlusunnah
Qabyaaladi Maxay Tahay?Halkeese Islaamku Ka Joogaa?
In ilaahy laga cabsadaahi waa qodobka ugu muhiimsanb ee Nolosha Banii Aadamkuna Ay Ku xassili Karto(ومن بتق الله يجعل له مخرجا){Qofkii Ilaahay Ka Cabsada Meel Uu u Baxsado oo uu ku Badbaado Oo uu Kuxasilo Buu Ilaahay U Furayaa)Cabsida Ilaahay Waa Adigoo Fuliya Wixii Ilaahay Ku Amray Kana hara Wixii Dambiya Oo Sharicga Islaamka Xadgudub Ku Ah. Intaas dabadeed Waxaan Halkaan Rabaa Inaan Ku Faaqido Mawduuc Ka Hadlaya Qabyaalada Iyo Nusuusta Soo Aroorta ee Arintaas Ka Horjeeda.
Walaalayaal Qabiil Waa Kan Soomaaliya Halkaan Dhigay 16sano Oo Burbura ,Waa Kan Kala Irdheeyay Soomaaliya,Waa Kan Soomaaliya Gaarsiiyay In Xitaa Culimadii Diinta La Yiraahdo Markay Sharciga Islaamka Sheegaan oo Dadka Ay Baraarujiyaan Farana Waxa Ilaahay Faray Kana Reebaan Wixii Ilaahay Ka Reebay Dadka La Yiraahdo Oo Wadaadkaasi Waa Reerkee,Jifidiis Muxuuse Sheegayay??!!!!!!!!!!!
Dadka Ilaahay Makhluuqa Markii Uu Abuuray Wuxuu U Abuuray Laba Nooc 1)Lab Iyo 2)Dhadig,Hayeeshee Ilaahay Banii Aadamka Taa Wuxuu u ugu Sii Daray Laba Nooc OO Kale oo Wuxuu Ka Dhigay 1) Shucuub(Qabiilka Weyn Sida Mufasiriin Badni Qabaan Amba Shucuubta Caadigaa OO Kale) &2)Qabaa’il(Jifiyaha Hoose Oo Ka Laanbaxa(Farcma) Qabaa’ilada Waaweyn Sida Mufasiriin Badani Qabaan Amba Qabaailada Caadiyan Jira). Sidaasi Daraadeed qabiil qabiil kafadli badani majiro ilaahay baana inoo cadeeyay oo yiri:يا أيهاالناس إنا خلقناكم من ذكروأنثى وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوإن أكرمكم عندالله أتقاكم إن الله {عليم خبير{الجرات ((Dadyahow Waan Idiin Abuurnay Lab Iyo Dhadig Baan Idiin Abuurnay Waxaana Idinka Dhignay Qabaa’ilo Iyo Jifiyo Si Aad Isugu Aqoonsataan Ood Isugu Garataan,Kiina Idinkugu Sharafta Badan Ilaahay Agtiisana Waa Kan Idiinkugu Cabsida Badan Ilaahayna Waa Ogaan Badane Khibrad Badanaa))Sidoo Kale Majiro Shaqsi Shaqsi Kale Ka Fadli Iyo Sharaf Badan ILaa Cabsida Ilaahay Maahine Rasuulkeena Suuban Salalaahu Calayhi Wasalam Wuxuu Yiri:ألا أيها الناس إن ٍ ربكم واحد وإن أباكم واحد ألا لا فضل لعربي على عجمي ولالعجمي على ربي ولالأسود علي أحمر ولا لأحمرعلى أسود إلا بالتقوى((Xadiithkaan Oo Dheeraa Intaan Baan Kasoo Qaadanay, Bayhaqi,Axmed Iyo Abuu Nucaym Baana wariyay Waana Xadiith Xasan)Micnaha Xadiithka:{Dadyahow Rabigiin Waa Mid,Aabihiina Waa Mid,Ogaada Nin Carab Ihi In aanu Nin Aan Carab Ahayn Ka Fadli Badnayn,Nin Aan Carb Ahaynina Uusan Nina Caraba Ka Fadli Badnayn,Nin Madoobina Nin Guduuda Inuusan Ka Fali Badnayn,Nin Guduudanina Nin Madow Uusan Ka Fadli Badnayn Cabsida Ilaahay Mooyee))Markaa Sida Aayada Ilaahay Xadiithka Rasuulka Sida Kamuuqata Waxaa Cad In Uusan Jirin Qabiil qabiil Kale Ka Fadli Badan Ilaahay Agti,Iyo Qof Qof Kale Ka Fadli Badan Inuusan Jirin Cabsida Ilaahay Mooyaane.Rasuulkiina Suuban Csw Waxaa Lawaydiiyay Nin Geesinimo U Diriraya,Nin Qabiil U Diriraya,iyo Nin Istustus U Dagaalamaya Koodee Baa Ilaahay Darti Ah?Rasuulku Ma Orani Ninkaas(Yacni Sadexda Mid Kamida) Ee Wuxuu Ku Jawaabay:Qofkii u Dagaalama Hadalka Ilaahay Inuu Kor Noqdo Baa Janna Galaya.
Haddaba Qof U Dhinta Qabyaalada Ama Labadaas Kale Oo Muslima Ma U Malaynaysaan In Ilaahay Agtiisa Laga Soo Dhawayanayo?Maya Iska Daa Soo Dhawayne Naar Inuu Galaa Loo Balan Qaaday OO Rasuulku Wuxuu Yiri:Labad Muslimiinta Ahi Markay Isu Soo Seef Qaataan(Inay Isdilaan Ay Usoo Kacaan)
Kan ladilay Iyo Kan Wax Dilayba Naar Bay Galayaan.Kolkaa Baa Rasuulka Laweydiiyay Kan Wax Dilay Garanaye
Kan Ladilay Maxaa Naarta Loogu Dhigay Nooga Waran,Wuxuu Yiri Rasuulku SCW:Wuxuu Ku Dadaalay Inuu Dilo
Kan Ay Is Dilayeen. Sidaasi Darteed Walaalayaal Qabyaaladu Masahlana Waa Shay Baadila,Waa Daaquut(Shaydaan),Waa Isku Dire,Waa Gumaysi,Waa Burbur,Waa Halaag,Waa Ilaah Ka Fogaansho,EE ISka Joojiya Qabyaalada Walaalayaal. Sidaasi Daraadeed Waxaan Aaminsanahay Amba Muuqata Cidwalbaahina Ay Qirayso Soomaalideena Markii Aan Kitaabkii Ilaahay Ka Tagnay Oo Ay Isugu Keen Darsameen Xukuumad Shuuciyada Iyo Shacab Qabiili Ah Ayaa ,Culimadii Ay Aamustay Oo Isha Kadaawadeen Dhibkaas Intii Lacaburiyay Mooyaane Ayaa Waxaa Ina Ku Dhacay In Ilaahay UU Qabto Labadii Daalim ee Ahayd Mabda’ii Shuuciyad EE Xukunka Dalka Iyo Mabda’ii Qabiilka EE Dadkii La Xukumayay Labadaas OO Keensaday In La Kala Irdhoobo Oo Soomaaliyi Islayso,Isdhacdo Is Yato(Liido).
Hayeeshee Waxaa Mudan In Loo Noqdo Kitaabka Ilaahay Isla Markaana Lagu Dhaqmo Isaga Ayaa Lagu Midoobi Karaa,Dhibkana Looga Bixi Karaa Taasna Waxaa Ku Tusinaya Aayaadka Ilaahay:Reer Aws Iyo Reer Khazraj(Insaartii) Markii Rasuulku Madiina Tagay Wey Isdagaashanaayeen Dhiig Badan Bay Iska Qabeen Colaad Dheeraatay Baana Ka Dhaxaysay Ilaa Sanooyin aad U Badan Wayna Kala Irdoobeen Walaalana Wey Ahaayeen Wada DhashayBalse Colaad Jifiyeed Baa Kala Kaxaysay Hayeeshee Markii Suubanuhu Tagay Madiina Ayuu Heshiisiiyay.Mardambe OO Xoogaa Buuq Ihi Dhexmarayna Oo Ay ISku Sigteen Rasuulkii Ilaahay OO dhex Joogaa Ayaa Ilaahay Canaantay Wuxuuna Amray Inay Midoobaan:OO Ilaahay wuxuu Ku Yiri :واعتصمو بحبل الله جميعاIlaahay xarigiisa(Sharicigiisa Uu Idiin Soo dajiyay) Qabsad Guud Ahaantiinba. Sidaasoo Kalaa Layna Ka Sugaaa Soomaaliyeey ee Aayadu Kuma Eko Ansaar Oo Kaliya Jiil Walba Way U Taalaa Wayna Sugaysaan.
Sidaasi Daraadeed Walaalayaal Waxaa Ila Quman In Layska Daayo Qabiil Isku Cayga Amba Qabyaalada,Nin Jeclaysiga Iyo Nin Necbaysiga INtaba Si Aynu U Badbaadno Aduun Iyo Aakhiraba.
Waxaa Diyaariyay Maxamad C/raxmaan Xuseen(Gaanni)Emails:
Tell:25254401078(STG
MOBile)
Websites:www.ahlususnnah.tk
Entry Filed under: Maqaalada Taxanahaa
Leave a Comment
Some HTML allowed:
<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>
Trackback this post | Subscribe to comments via RSS Feed