Maxkamdahee islaami ah?

February 20, 2007 ahlusunnah

Maxkamdahee islaami ah?

Qayb. 1aad

albisri.jpg

Xasan Albisri

Waa barnaamij aan ku sahmineyno waxa ka jira Magaca Maxkamadaha islaamiga ey labaxeen mase u qalmaan magacaas, mase bannan tahay in ey iclaamiyaan waxa ey ugu yeereen jihad, kaas oo dhexmaraya umad muslim ah, mase macquultahay in diinta ey u isticmaalaan siyaasadda, Markey arrintu kafariisato. Maqaaladaan ayaan ku falnqeen doonaa dhamaan umuurahaas oo dhan in kastoo aan rabo in aan soo aruuriyo warbixino dheer oo aan ka soo xiganeyno ilo muhiim ah oo aan waliba, si muujas ah uga jawaabno su’aalo dhowr ah, waxaan kamid ah si aan u fahmno cidda maamul ahaan gacanta ku heysa maxkamdaha in tabadan waxaa muhiim ah in la is weydiiyo.

1. Waa ayo hormuud wadayaasha maxkmadaha? waa suaal jawaab kooban, marka hore waxa wada maamulka Maxkamdaha waa ururka layiraahdo al-itixaad, waxaan rabnaa in aan taariikhda alitixaad wax yar ka xusno.

2. Siyaad bare Waqtigii Muqdisho laga saarayey ee Sagaashameeyinkii wuxuu Al-itixaad ahaa urur ka mid ah ururada siyaasadda dalka somaliya ku loolama wuxuuna la safnaa ururo ey isku siyaasad ahaayeen. Inkasta oo ururka Alitixaad aad u xoog badnaa hadana wuxuu ogaa in uunan isaga kaligiis wali Qaangaar u ahayn in uu holiyo in uu la wareego Awoodda Dalka wuxuuna dan biday intii uu xididaysanayo in uu ka dheeraado in ay isku dhacaan Ururada xooga badan ee Qaabka Qabiileed u dhisan sida USC iyo SNM, wuxuuna is tusiyey Alitixaad in ay isbahaysi Ururada la samaystaan kuna dhaqmaan Siyaasada ah (Gacantaadan goynkarin waa la Dhunkadaa).

3. Madaama ay marka USC Caasumadii qabsatay waxay Alitixaad go´aansadeen in ay USC isbahaysi la samaystaan, iyagoo waliba istusiyey in isbahaysigaasi u suurto galinkaro in ay u dusaan awooda Dalka iyaga oo aan la dareemin.

4. Kala Jabkii USC wuxuu ku kalifay Alitixaad in ay iyana kala jabaan si aanay dhinacyada Siyaasada Xamar dhinacna u seegin iyadoo haddana wada shaqayn ka dhaxaysay labada garab ee alitixaad, sidaas ayey Siyaasiyin iyo Odayaal Alitixaad ka mid ah ula safteen Cali Mahdi, meesha rag uu Xasan Awees ka mid yahay oo u badan dhilinyaro iyo Ciidankii Alitixaad Caydiid ula safnaayeen.

Waa socotaa xalqadii-1aad Waxaa soodiyaariyay (Xasan Macalim Maxmuud Samatar)

 

 

La soco Qaybaha danbe

 

Xasanalbasri e-mail xalbisri2@Hotmail.com

Entry Filed under: Uncategorized

3 Comments Add your own

  • 1. abu ameerah  |  February 20, 2007 at 6:44 am

    man….i so cannot read this…

  • 2. ahlusunnah  |  February 20, 2007 at 9:08 am

    brother this is somali blog we are the somli sunnah workers so if you know somali language you can read ito otherwise you can’t read it.
    and thanks to you.

  • 3. mohamed meigag  |  August 11, 2009 at 7:10 pm

    runtii waa figrad aad iyo aad ufiican in ay iscaawiyaan dadka somaalidi hi oo ay isku sheegan waxii ay ku dhaamaan waan ku farahsanahay arintaas waayo heersare ayay gaadhanyaan waxayna gaadhayaan harowmar heersare ah waan ku farahsanahay sidaa dudaalaala waad


Leave a Comment

Required

Required, hidden



Some HTML allowed:
<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Calendar

February 2007
S S M T W T F
    Jun »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  

Most Recent Posts