Archive for February 20th, 2007
AASAASKA CAQIIDADA ISLAAMKA(Su’aalo Iyo Jawaabo)
CAQIIDADA MUSLIMIINTA
Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan Caqiidada Islaamka
1. Su’aal: Muxuu yahay waajibka qof kasta laga doonayo (faradka cayniga ah) ee cilmiga diinta ka mid ah?
Jawaab: Waxaa ku waajib ah qof kasta oo qaangaar ah in uu barto qayb lama huraan ah oo ka mid ah caqiidada iyo dahaarada iyo salaadda iyo soonka iyo sakada qofkii ay ku waajibayso (sekadu) iyo xajka qofkii awooda, iyo (waxyaabaha keenaya) macsida qalbiga iyo gacanta iyo isha iwm. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa miyay simanyihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) az-zumar: 9.
Xadiiska: “Doonista cilmigu waxay farad ku tahay muslim kasta” waxaa weriyay al-Bayhaqi.
9 comments February 20, 2007
AASAASKA CAQIIDADA ISLAAMKA
KELIMADDA ASHAHAATINKA
Dhammaan dadka qaangaarka ah waxaa ku waajib ah in ay soo galaan diinta Islaamka uguna sugnaadaan si joogto ah, iyo gudashada wixii axkaam ah ee laga rabo. Waxaana ka mid ah waxyaabaha ay waajib tahay in la ogaado oo la rumeeyo xadla’aan laguna dhawaaqo isla markiiba haddii qofku kaafir ahaa, haddii kalena salaadda dhexdeeda lagu dhaho, kuwaas oo ah: Waxaan ka markhaati kacayaa in uusan ilaah jirin Alle mooyee, waxaanna ka markhaati kacayaa in Muxammad (NNK) uu Rasuulkii Alle yahay.
Add comment February 20, 2007
Inta Xarakaat Diimeed ee joogta Somalia
Inta Xarakaat Diimeed ee joogta Somalia
Hassan Albisri
Inta uusan islaamku gaarin magaalada Madiina ayuu Islaamku soo gaaray Soomaaliya, ka dib markii qaar ka mid ah Asxaabta Rasuulka (SCW) ay Geeska Afrika u soo qaxeen sida Jacfar Bin Abii Daalib, tan iyo waagaas Ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd Ummad Islaam ah, Mad-habtii ugu soo horreysay ee dalka soo gaadhay waxay ahayd Mad-habta Xanafiyada, waxaa ka danbeeyey oo cammimey dalka oo idil Mad-habta Shaaficiyada oo ilaa iyo maanta looga dhaqmo dalka Soomaaliya. Hadaba Dalka somalia waxaa burburay ma’ahan oo kaliya nidamkii dowladnimo ee waxaa sidookale ku yimid walaac nidaamkii diinta oo waxaa soo baxay dhalinyaro ka biyo cabtay muxaadaraadkii sheikh Qudubi iyo sheikh Maxamed Macalim kuwaas oo jahwareeriyay umaddii , isla markaana ku caan baxay Ku jees jeesidda culimada Islaamka iyagoo ku magacaabo: Gaalo, Munaafaqiin, khurraafiyiin marka waxaan rabnaa in aan wax kafahmno tiradooda iyo waxyaabaha saaciday soo daahiritooda oo ay ka mid tahay .
2 comments February 20, 2007
Dowrka culimada suufiyada ee halganka somaliya
Dowrka culimada suufiyada ee halganka somaliya
Qeybtii Labaad

Hassan Albisri
Waa xalqadii labaad ee mowduucii lamagc baxay dowrka culimada suufiyada ee somaliya …………
2 comments February 20, 2007
Dawrka culimada suufiyada ee sooyaalka waxbarashada somaliya.
Dawrka culimada suufiyada ee sooyaalka waxbarashada somaliya.
Qeybta 1aad
Xasan Macalim Maxamuud Samatar ( Xasan albasri)
*Marka hore waxan salamayaa tafatirayaasha websitka www.shaaficiyah.com oo runtii shaqo wacan diinta uhaya waxaan sidookale u’mahadcelinayaa websitka www.aayaha.com oo runtii maqaalo aan kusaabsan machadka al-ma’muun ka soo xigtay websitka kale ee ah www.somaliedu.com oo aan udiray sidookale waxaan u hambalyeenayaa websitka www.2garre.com oo runtii si online ah jawaabaha diinta ubiixiya.
.kadib waxaan jeclehay in aan milicsado waxyar dawrka waxbarasho ee culimada suufiyada ee kaqaateen tacliinta somaliya ISTICMAARKA KA HOR iyo kadiba
2 comments February 20, 2007
Maxkamdahee islaami ah?
Qayb. 1aad

Xasan Albisri
Waa barnaamij aan ku sahmineyno waxa ka jira Magaca Maxkamadaha islaamiga ey labaxeen mase u qalmaan magacaas, mase bannan tahay in ey iclaamiyaan waxa ey ugu yeereen jihad, kaas oo dhexmaraya umad muslim ah, mase macquultahay in diinta ey u isticmaalaan siyaasadda, Markey arrintu kafariisato. Maqaaladaan ayaan ku falnqeen doonaa dhamaan umuurahaas oo dhan in kastoo aan rabo in aan soo aruuriyo warbixino dheer oo aan ka soo xiganeyno ilo muhiim ah oo aan waliba, si muujas ah uga jawaabno su’aalo dhowr ah, waxaan kamid ah si aan u fahmno cidda maamul ahaan gacanta ku heysa maxkamdaha in tabadan waxaa muhiim ah in la is weydiiyo.
3 comments February 20, 2007