Xagjirnimada..iyo dhalinyarada maanta..
@:- BY SHIIKH XASAN ALBISRI.
قال الله تعالي ( واقيمو الوزن بالقسط )
ولايجرمنكم شنأن قوم علي ا، لاتعدلوا اعدلوا))
وقال تعالي:- ( يريد الله بكم اليسر ولا يريد بكم العسر )
وقال صلي الله عليه وسلم( يسّروا ولأ تعّسروا )
¯Xagjirnimo :——
waa in la’aamino fikri khladan oo aan toosneen islamarkaan lagu shaqeeyo Kaasoo ka ambaqaadaya , waxa ruuxu uu jecelyahay uu ku haminayo in uu sameeyo asgoo diinta islaamka usoomaraya kuna andacoonaya adilo liita ama saxiix aheen ..taasi waxa ey dhaawaceesaa sharafta islaamka waxa ay signal xun kabixneesaa in islaamku uu yahay diin xagjirnimo is-qarxin..islaamkuna taas mas’uul kama ahan …ee waa fal kudhisan laablakac….
T Xagjirnimadu :
waa waxa caalamka manta kajira oo kadhacay dalal xitaa aan islaam aheen sida yurub iyo mareekanka oo kale tusaale ..mad-habka looyaqano katholik ayaa waxaa dhexmarijiray dagaalo culus mad-habka kale ee burutusteniga iyo kooxo kunool dalalka yurub oo u’tacusuba fikrado kala duwan ,waxaana ay kadhcday dalalka sida hindiya .taliyaaniga jermalka shiinaha iyo meelokale ….
¨ Islaamku :—
waa diin dhexdhexaad ah iyo yusri oo wax culees ah malahan manajirto meel islamku uu kufarayo xagjirnimada balse waa uu kasoohorjeedaa xagjirnimada …..
Keep reading →
Categories: Uncategorized
URURKA AL-SHABAAB IYO DEKUMENTIYO sir ah Secrete documents about Somali radicalism(al-shabaab)
Xalqadii 1-aad :
QEEXID Ururka al-shabaab :—
waa urur cusub oo kusoobiiray saaxada siyaasadda somaliya kana shidaal qaata urur weynaha looyaqaano al-qaacidda ,islamarkaana kajabay ururkii lamagac baxay –al-salafiyah al-jadiid oo kajabay isna ururrkii looyaqaanay al-itixaad al-islaami oo farac ka’ahaa ururadii hor-booday maxaakiimtii islaamiga ee Somalia oo kamid ahaa uraradii somaliya soogalay 9shameeyadii markii ey dalka somaliya kubaahday fowdada. Ururka al-shabaab : waa dhalinyaro is-baheysatay oo aan wax damiir ah laheyn oo lacabsiiyay fikrado shisheeye ,waana urur shacabka si wadajir ah uwaxyeeleeya oo mushkiladda somaliya sii shidaya ,mana awoodo ururka al-shabaab in uu dalka kasaaro cadowga nagu sooduulay in uu isna shacabka siilaayo mooye , waxaana kamaqan qaacidda uraneysa ( gacant aadan jabinkarin waa lashumiyaa ) oo macna ahaan ama tusaale,ah ururka al-shabaab waxa owdagaal kulajiraa waa ethobiya.soomahan ,makusaxanyahay in ciidama yugaandheeska ah uu laayo waa sida uu qabo hugaanka sare ee al-shabaab ( aadan xaashi ceyrow ) waana ay dhacday in ay laayeen ciidan ujooga somaliya naad sugidda iyo dib usoonooleenta ilaha dhaqaale sida dhacdayna waxa ay dhiseen eelaboorka boorki iyo dakaddii weyneed iyo meelo kale. ururka al-shabaab iyo khawaarij .ururka al-shabaab waxa markii lasubiyaya daraasad soobaxday in uu kudhaqmo afkaarta urur la’uranjiray khwaarij .., khawaarij waa ururkii ugu horreeyay ee kusoobaxa muslimiinta islamarkaan jamaacadii islaamka kalajabiyay waxa ayna ku’andacoonjireen in ay yihiin (ahlu cadli wal towxiid )laakiin waxa looyaqaanay khawaarij waxa ayna kucaanbaxeen ururkaas adadeeg iyo cunfi xitaa ay ladagaalameen (cali bini abiidaalin r.c). oo waxa ay kutuhmeen in kitaabka alle uu dhinacmaraya .waayaab …Marka adadeega ururada islaaminyiinta sheegta ay isticmaaalaan maanta halkaan ayay ka sooqaateen . . Ururka al-shabaab ;- waxaa hogaankiisa haya dhalinyaro ksuootababarqaadatay dalal dibadaha kamid ah sida af-gaanistaan waxaana farta lagu fiiqaa in uu yahay aabaha ururka (aadan xaashi ceyrow) oo waxaa tababarkaas bixyay sida lasheegay urur weyna al-qaaacidda oo markii uu dagaalkii reer af-gaanistaan uu socday mareykankuna uu garab joogay reer af-gaanistaan ayaa waxaa jirta in mareykanku uu khiyaanay muslimiintii iyo carabtii markaas Keep reading →
Categories: Uncategorized
xalbisri2@hotmail.com)
| Ę Xagjirnimo :—— waa in la’aamino fikri khladan oo aan toosneen islamarkaan lagu shaqeeyo Kaasoo ka ambaqaadaya , waxa ruuxu uu jecelyahay uu ku haminayo in uu sameeyo asgoo diinta islaamka usoomaraya kuna andacoonaya adilo liita ama saxiix aheen ..taasi waxa ey dhaawaceesaa sharafta islaamka waxa ay signal xun kabixneesaa in islaamku uu yahay diin xagjirnimo is-qarxin..islaamkuna taas mas’uul kama ahan …ee waa fal kudhisan laablakac…. T Xagjirnimadu : Keep reading → |
Categories: Uncategorized
Wahaabiyada iyo bisha soon.
BY: SHIIKH XASAN ALBASRI.
كل عام وانتم بخير
SANAD WACAN /9/11/2007..
رمضان كريم Z
قال الله تعالي (ياأيها الذ ين أمنوا كتب عليكم الصّيام كما كتب علي الذين من قبلكم لعلكم تتقون ) .
وقال صلّي الله عليه وسلّم ( صوموا لرؤيته ،وافطروا لرؤيته فأن غمّ عليكم فاكملوا عدة شعبان ثلاثين يوما)
HOR-UDHAC
.
Walaalayaal Bisha Ramadaanka sida aad ka war heysaan.sanad waliba waxaa ka taagan dood dunida islaamka…taasoo lagu kala tagay raacista xadiiskii Rassuulka..SalaLLaahu caleyhi wasallam (Ku sooma aragtida bishaRamadaan kuna af fura aragtideeda)
iyo in falaga laraaco.
Keep reading →
Categories: Uncategorized
Waa xalqadii 4aad ee barnaamijkii lamagacbaxay dowrka culimada sufiyada ee somaliya oo aan kagahadleenay sida iyo raadadkii culimadii hore ee diinta somaliya soogaarsiisay uu ahaa, mar waataariikh mudan in laxuso !!!,markalane waa wax lagu faano waayo dalwalba aqoonyahanadiisa waxa ay curiyeen waxa ay utahay athaar ama raadad wacan oo dhaxalgal ah . Keep reading →
Categories: Uncategorized
Hambalyo…munaasabadda al-israa wal-micraaji(dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga) nabi muxammad c.s.w.dhinaca sare … بسم الله الرحمن الرحيم( سبحان الذي اسري بعبده ليلا من المسجد الحرام الي المسجد الأقصي الذي باركنا حوله لنريه من اياتنا انه هو السميع البصير )Waxaan dhamaan muslimiinta caalamka meelkasta oo ay joogaa ugu hambalyeeneenaa munaasabadda al-israa wal micraajo oo ah habaynka ay bisha Rajab tahay toddobo iyo labaatan sannadka tobnaad dheelmiddi nabi. Muxammad c.s.w. loodheelmiya dhinca sare ,waana munasabad Nabiga (scw) Alle uu ku sharfay nabi.muxammad c.s.w. sida culimada islamku ey caddeeyeen. Dhacdadaan oo Rasuulka (scw) lasoo tusiyay makhluuqaadka Alle ee waawayn faahfaahinteeda waxaa wariyay aqoonyahannada xadiithka markale ayaan ayadoo faahfaahsan waxkadhaheenaa inshallahutacaalaa… laakiin waxaan markaan soo khulaaseendoonaa qodobada ugu muhiimsan waxaana kamid ah … *** waxaa la korsiiyay .n.muxammad c.s.w.Samaawaadka.. *** waxa uu arkay anbiyada ilaahay qaarkamid ah sida .n.yuusuf ,idiris,muuse,ciise.saleehim salaatullaahi wasalaamuhu caleehim … *** kadibna ilaah ayuu arkay … *** waxaana lagusoowaajibyeelay saladaha shanta oo markii hore aheed 50 ,laakiin ilaah fadhligiis iyo dadaalka n.muuse caleehim salaam ay noqtay shan salad oo muslimiinto ay layimaadaan .. ****waxa uu arkay Jannada iyo Naarta..-AL-Israa wal micraaj : waxey dhacday sadex sano kahor hijrada nabiga s.c.w. Nabiga s.c.w. ayaa samada loo qaaday shanta salaadoodna waa lagusoo farad yeelay, waxaa kale oo uu nabigu s.c.w. sabab ugu noqday iney diinta soo galaan lix qof oo katimi madiina.. Waxa munasabaddaan kamid tahay munasabdaha ay muslimiinta caalmaka xusan somaliduna sifiican ayay uxusaan waxana dhalinyarada dambe ey diidaan munaasabaha sida xafladda mowliidka iyo tan dheelmidda n.muxammad c.s.w.s taas waxmacno ah mayelaneyso mar haddii culimada somaliya ay caddeeyen sidaas ,waxaana ilaah karajayneenaa in uu munaasabaddaan uu xoreeyo masaajidyada islamka ee laheesto sida kan al-aqsaa iyo kuwokaleba dadka iyo dalka somaliyana siiyo salaam warta iyo caddaalad…. Kullu caam wa’antum bikheyr ….new happy year..
w/d/ xasan macalim maxamuud samatar ..hassanalbasri.
e-mail xalbisri2@hotmail.com
Categories: Uncategorized
xalqadii 1-aad Islaamku waa nabad iyo raxmad waxa a aa na uu somaliya kufiday hab nabadeed oo xikmad ay kuwadeen culimadii hore ee somaliya diinta hur muudka ka’ahaa mana jirin wax cunfi ah ama rabsho taasoo lagu baahinayo islaamka macnihiisa iyo dhaqankiisa xitaa xiliyada nabad iyo daglaalada ay jiraan , waxaana dhacday in qeeb kamid ah culimadii hore ay kusoo islaamiyeen reerka loo yaqaano orama iyo qolooyin kale usluub wanaag iyo muuqaal wanaag dhaqanka islaamka kusaleesan intabadan culimada suufiyada oo kubaahisay fahamaka islaamka somaliya iyo meelo kale oo afrika kamid ah marnaba ma ay san isticmaalin Keep reading →
Categories: Uncategorized
Islam in Somalia
Let me focus today Somali movement according to Islam religion, and flash back Somali history to Islam and to ask each other which time Islam religion entered Somali country and who was keeping from losing and omitting?? All these question are clear but what I want is to remember and it must be bear in our mind that same of young generation in some is that there were in past time and steal in our Keep reading →
Categories: Uncategorized

By:MaxamadGaanni
Date:27/05/2007
Dimuqraadiyad
Democracy
الديمقراطية
Dimuqraadiyadu Waa Magac Aan Jirin
Democracy Is Not An Existing Word
الديمقراطية إسم لا حقيقة له
Marka Hore Mahad Ilaah Baa Iskaa Leh Subxaanahu Watacaalaa. Marka Xigana Naxariis Iyo Nabadgalyo Weynayn Lala Xiriiriyay Nabi Muxamad Korkiisa Ilaahay Hayeelo. Waxaan Doonayaa Inaan Halkaan Kusoo Bandhigo Fikrada Aan Ka haysto Waxa Layiraahdo Dimuqraadiyad Oo Baryahaan Dambe Reer Galbeedka Iyo Taageerayaashoodu Ay Aad U Wadwadaan. Marka Hore Waxaan U Baahanahay Inaan Ogaano Waxa Reer Galbeedku u Yaqaaniin Dimuqraadiyad. Reer Galbeedku Dimuqraadiyada Waxay Guud Ahaan U Yaqaaniin Xoriyad Guud Waxayse Ukala Tahay Laba Hab Ama Nidaam:A. Dimuqraadiyad Siyaasad ku SalaysanB. Dimuqraadiyad Bulshada Ku Salaysan Keep reading →
Categories: Uncategorized
By: Hassan albasri
Unfortunately that below storm emerged from hornafrik once and disappeared, I mean that how fast Islamic courts raised and the easiest way that they disappeared during 6-monthes only in that time and there is a lot of reasons which helped them to raise that including these and others and I try so sum up and make list for readers of my message .
Keep reading →
Categories: Uncategorized
Qabyaaladi Maxay Tahay?Halkeese Islaamku Ka Joogaa?
In ilaahy laga cabsadaahi waa qodobka ugu muhiimsanb ee Nolosha Banii Aadamkuna Ay Ku xassili Karto(ومن بتق الله يجعل له مخرجا){Qofkii Ilaahay Ka Cabsada Meel Uu u Baxsado oo uu ku Badbaado Oo uu Kuxasilo Buu Ilaahay U Furayaa)Cabsida Ilaahay Waa Adigoo Fuliya Wixii Ilaahay Ku Amray Kana hara Wixii Dambiya Oo Sharicga Islaamka Xadgudub Ku Ah. Intaas dabadeed Waxaan Halkaan Rabaa Inaan Ku Faaqido Mawduuc Ka Hadlaya Qabyaalada Iyo Nusuusta Soo Aroorta ee Arintaas Ka Horjeeda.
Walaalayaal Qabiil Waa Kan Soomaaliya Halkaan Dhigay 16sano Oo Burbura ,Waa Kan Kala Irdheeyay Soomaaliya,Waa Kan Soomaaliya Gaarsiiyay In Xitaa Culimadii Diinta La Yiraahdo Markay Sharciga Islaamka Sheegaan oo Dadka Ay Baraarujiyaan Farana Waxa Ilaahay Faray Kana Reebaan Wixii Ilaahay Ka Reebay Dadka La Yiraahdo Oo Wadaadkaasi Waa Reerkee,Jifidiis Muxuuse Sheegayay??!!!!!!!!!!!
Keep reading →
Categories: Maqaalada Taxanahaa
February 22, 2007 · 1 Comment
saameenta ururo diimeedka somaliya .

waa barnaamij cusub oo aan rabo in aan kufalnqeeyo sida ey usaameenyeen ururada diimeedka somaliya jooga dhaqanka iyo raadadka diinta ah ey kusaameeyeen urruradaas ,waxaana uqeebiyay saameenta dhinacyada 1- dhaqaalaha .2- waxbrashada .3- siyaasadda.4 difaaca.5- qurbaha.6- saxaafadda.7- qabilka 8- bulshada .9- jiilka maanta iyo kan mustaqbalka … iyop umurakale oo aan hal iyo labo aheen ,marka waxaan rabnaa in aan maanta falanqeeno ….saameenta waxbarashada ey kuyeesheen …
Categories: Maqaalada Taxanahaa
Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen &Shiikh C/risaaq Yuusuf Aadan
Sh. C/risaaq Yuusuf Aadan oo ka mid ah culimada ugu waawayn dalka Soomaaliya ayaa waxa uu Muxaadaro aad u qiimo badan ku qabtay Magaalada Gaalkayo.
Muxaadaradaasi ayaa waxa uu Sh. C/risaaq uga hadlayay arrimo ku aadan Xuska awliyada iyo dhagarta kooxaha ku gabanaya diinta Islaamka.
Keep reading →
Categories: Uncategorized
CAQIIDADA MUSLIMIINTA
Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan Caqiidada Islaamka
1. Su’aal: Muxuu yahay waajibka qof kasta laga doonayo (faradka cayniga ah) ee cilmiga diinta ka mid ah?
Jawaab: Waxaa ku waajib ah qof kasta oo qaangaar ah in uu barto qayb lama huraan ah oo ka mid ah caqiidada iyo dahaarada iyo salaadda iyo soonka iyo sakada qofkii ay ku waajibayso (sekadu) iyo xajka qofkii awooda, iyo (waxyaabaha keenaya) macsida qalbiga iyo gacanta iyo isha iwm. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa miyay simanyihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) az-zumar: 9.
Xadiiska: “Doonista cilmigu waxay farad ku tahay muslim kasta” waxaa weriyay al-Bayhaqi.
Keep reading →
Categories: Uncategorized
KELIMADDA ASHAHAATINKA
Dhammaan dadka qaangaarka ah waxaa ku waajib ah in ay soo galaan diinta Islaamka uguna sugnaadaan si joogto ah, iyo gudashada wixii axkaam ah ee laga rabo. Waxaana ka mid ah waxyaabaha ay waajib tahay in la ogaado oo la rumeeyo xadla’aan laguna dhawaaqo isla markiiba haddii qofku kaafir ahaa, haddii kalena salaadda dhexdeeda lagu dhaho, kuwaas oo ah: Waxaan ka markhaati kacayaa in uusan ilaah jirin Alle mooyee, waxaanna ka markhaati kacayaa in Muxammad (NNK) uu Rasuulkii Alle yahay.
Keep reading →
Categories: Uncategorized
Inta Xarakaat Diimeed ee joogta Somalia
Hassan Albisri
Inta uusan islaamku gaarin magaalada Madiina ayuu Islaamku soo gaaray Soomaaliya, ka dib markii qaar ka mid ah Asxaabta Rasuulka (SCW) ay Geeska Afrika u soo qaxeen sida Jacfar Bin Abii Daalib, tan iyo waagaas Ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd Ummad Islaam ah, Mad-habtii ugu soo horreysay ee dalka soo gaadhay waxay ahayd Mad-habta Xanafiyada, waxaa ka danbeeyey oo cammimey dalka oo idil Mad-habta Shaaficiyada oo ilaa iyo maanta looga dhaqmo dalka Soomaaliya. Hadaba Dalka somalia waxaa burburay ma’ahan oo kaliya nidamkii dowladnimo ee waxaa sidookale ku yimid walaac nidaamkii diinta oo waxaa soo baxay dhalinyaro ka biyo cabtay muxaadaraadkii sheikh Qudubi iyo sheikh Maxamed Macalim kuwaas oo jahwareeriyay umaddii , isla markaana ku caan baxay Ku jees jeesidda culimada Islaamka iyagoo ku magacaabo: Gaalo, Munaafaqiin, khurraafiyiin marka waxaan rabnaa in aan wax kafahmno tiradooda iyo waxyaabaha saaciday soo daahiritooda oo ay ka mid tahay .
Keep reading →
Categories: Uncategorized
February 20, 2007 · 1 Comment
Dowrka culimada suufiyada ee halganka somaliya
Qeybtii Labaad

Hassan Albisri
Waa xalqadii labaad ee mowduucii lamagc baxay dowrka culimada suufiyada ee somaliya …………
Keep reading →
Categories: Uncategorized
Dawrka culimada suufiyada ee sooyaalka waxbarashada somaliya.
Qeybta 1aad
Xasan Macalim Maxamuud Samatar ( Xasan albasri)
*Marka hore waxan salamayaa tafatirayaasha websitka www.shaaficiyah.com oo runtii shaqo wacan diinta uhaya waxaan sidookale u’mahadcelinayaa websitka www.aayaha.com oo runtii maqaalo aan kusaabsan machadka al-ma’muun ka soo xigtay websitka kale ee ah www.somaliedu.com oo aan udiray sidookale waxaan u hambalyeenayaa websitka www.2garre.com oo runtii si online ah jawaabaha diinta ubiixiya.
.kadib waxaan jeclehay in aan milicsado waxyar dawrka waxbarasho ee culimada suufiyada ee kaqaateen tacliinta somaliya ISTICMAARKA KA HOR iyo kadiba
Keep reading →
Categories: Uncategorized
Maxkamdahee islaami ah?
Qayb. 1aad

Xasan Albisri
Waa barnaamij aan ku sahmineyno waxa ka jira Magaca Maxkamadaha islaamiga ey labaxeen mase u qalmaan magacaas, mase bannan tahay in ey iclaamiyaan waxa ey ugu yeereen jihad, kaas oo dhexmaraya umad muslim ah, mase macquultahay in diinta ey u isticmaalaan siyaasadda, Markey arrintu kafariisato. Maqaaladaan ayaan ku falnqeen doonaa dhamaan umuurahaas oo dhan in kastoo aan rabo in aan soo aruuriyo warbixino dheer oo aan ka soo xiganeyno ilo muhiim ah oo aan waliba, si muujas ah uga jawaabno su’aalo dhowr ah, waxaan kamid ah si aan u fahmno cidda maamul ahaan gacanta ku heysa maxkamdaha in tabadan waxaa muhiim ah in la is weydiiyo.
Keep reading →
Categories: Uncategorized